(ERGO) – Sahra Maxamed Axmed waxay awoodi la’dahay inay cunno joogto ah u hesho qoyskeeda oo 14 qof ka kooban, labadii bil ee ugu danbaysay. Waxaa ka joogsatay shaqo xamaali ahayd oo ay uga shaqaysan jirtay xeryaahy Dhadaab ee waqooyi bari Kenya.
Waxay ka mid tahay boqollaal haween ah oo nolosha qoysaskooda ka deberi jiray in ay dadka u qaadaan raashinka ay bixiso hay’adda WFP ee qaxootiga la siiyo. Sahra ayaa sheegtay inay qoyskiiba ka qaadan jirtay lacag u dhexaysa boqol ilaa boqol iyo konton shilin oo Kenya.
Waxaa saameeyay dhaqaale xumo guud oo ka jirta xeryaha iyo in la dhimay raashinkii qoysaska la siin jiray ee ay lacagta ugu qaadi jirtay. Qoyskeeda ayay sheegtay inay hadda ku sugan yihiin xaalad hubaanti la’aan ah oo aysan wax xal ah u hayn.
“Xaaladu waa iska adag tahay qoyska anaa u xamaali jiray. Aabbahoodna oday waayeel ah weeye. Wax oo maanta laga shaqeeyo ma lahan, taas ayaa igu culays badan hadda.”
Sahra ayaa sheegtay in shaqadaas oo ay gacanta ku haysay muddo 15 sano ah ay ahayd meesha kali ah ee qoyskeeda uu dhaqaale ka soo gali jiray. Waxay tilmaamtay inay xilli kasta la calool xumaato xaalada ay ku sugan yihiin carruurteeda oo kan ugu yar uu jiro hal sano iyo sideed bil.
Wiilkeeda oo 17 sano jir ah ayaa subaxda hore qoysaska dariska la ah biyaha ugu qaada si uu halkii Jirgaan uga helo shan shilin oo lacagta Kenya ah, markii uu dhowr maalin biyaah dhaamiyo ayay sheegtay inay dukaanka la adaan oo waxa ay u goyso ay uga soo qaataan.
Sahra ayaa tilmaamtay in lacagta yar ee wiilku shaqeeyo aysan ku filnayn qoyskeeda oo iyadoo xaamilo ah ay raadiso shaqo dhar dhaqid ah. Marka ay aragto gajada iyo dandarada carruurteeda ayay xustay in ay xaafadaha waydiisato shaqadaas oo qabashadeedu ku adag tahay si hal mar oo habeenkii ah ay dabka ugu shido.
“Waxaan leeyahay ilmaha caawa dabkaa iga damsan kiilo bariis ah, kiilo ama rubac sonkor ah haddii aad ii heli kartaan. Qof deynta wuu kuu diidayaa qofna wuu ku soo siinayaa. Intaas ayaan habeenkii ku bariisiiyaa.”
Xerada Xagardheere ayay yimaadeen sanadkii 2008 markii ay fatahaadda wabiga Jubba dhowr fasal oo is xigay uga qasareen dalagyo u saarnaa beer ay ku lahaayeen deeganka Bender-jadiid oo hoos taga degmadda Jamaame ee gobolka Jubada hoose.
Waxay soo maciin bideen xeryaha Dhadaab, balse waxay sheegtay in xaalada ay hadda ku sugan yihiin ay ka liidato middii ay kaga soo tageen deegaankoodii.
Haweenka ay xaaladaan saamaysay ayaa shaqooyinka xamaalka ah ka maarayn jiray nolosha qoysaskooda. Markii ay meesha baxeena waxay ka sin-meen daruufta dhaqaale.
Khadiijo Xasan Aadan oo aan wax shaqo ah helin bilihii July, August iyo tan hadda socota ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in culayska dhaqaale ee ay la kulantay dartii ay habeenada qaar carruurteeda ku seexiso calool marnaan. Waxay tilmaamtay in shaqo la’aanta soo wajahday ay sababtay in qoyskeedu uu awoodi waayay helitaanka cunto ku filan. Khadiijo ayaa xustay in aysan lahayn il kale oo dhaqaale uu ka soo galo.
“Wixii dhan hadda waa isa soo gureen. Ilmihii waxaa laga yaabaa caawa bariis cad oo Kaar na soo siisay in dabka loo saaro oo xitaa yaanyo lagu darsado in la waayo ayaa dhacaysa.”
Khadiijo ayaa xustay in lacag u dhexaysa $85-$100 oo bishii ka soo geli jirtay shaqada raashin qaadista ay qoyskeeda ugu iibin jirtay raashin iyo goosaar. Haweenaydan ayaa sheegtay in nolosha caruurteedu ay aad isu bedeshay oo diifta ay ku reerbtay gaajadu laga dheehanayo.
Waxay xustay in qoyskeeda oo ka kooban 12 qof ay hay’adda bishii ka helaan raashin 22 kiilo ah oo isugu jira bariis iyo masago, kaas oo 15 cishe kaga go’a maaddaama ay badan yihiin.
Haweenaydan ayaa tilmaamtay in ay subaxdii xilli hore baxdo si ay qoysaska ugu garaacdo albaabadda oo ay u soo waydiisato cid doonaysa in shaqo loo qabto. Maalmaha qaar ayay xustay inay hesho shaqooyin nadaafad ah, kuwaas oo waxa ka soo gala ay hal mar dabka ugu shido carruuteeda.
Khadijo ayaa tilmaamtay in tan iyo markii xaaladooda nololeed ay adkaatay ay la nooshahay welwel ay ka qabto marxalada ay ku sugan yihiin qoyskeeda.
“Carruurtayda oo baahan markii aan arko dareenkaygu wuxuu noqonayaa aad iyo aad ayay calooshaydu u xumaanaysaa waayo meel aan ka shaqaysanayo malaha. Meel aan isku bixinayo malaha, ilmihiina indha xumadoodii guriga ayay noo taallaa.”
Khadiijo ayaa sheegtay in shaqada nadaafada oo aan joogto ahayn ay labadii bil ee la soo dhafay ka heshay isku darka lacag gaaraysa $62. Haweenaydaan ayaa tilmaamtay in seygeeda oo xerada la jooga uusan wax shaqo ah hayn oo iyadu ay ahayd qofka kali ah ee reerka u dhaq-dhaqaaqayay.
Wuxuu markii hore ka shaqayn jiray dhismaha guryaha, balse muddo shan bil ah wax shaqo ah ma uusan helin, taas oo guri joog ka dhigtay. Khadiijo ayaa xustay in 5 carruurteeda ka mid ah oo u dhigan jirey iskuullo gaar loo leeyahay iyo dugsi qur’aan ay waxbarashadii uga hareen dhaqaale la’aanta ku dhacday.
Waxay isku darkooda bishii ka bixin jirtay $24, markii ay awoodi waysay labo bil waxay sheegtay in loo soo eriyay, taas oo keentay inay hadda xaafada u joogaan iyagoo aan wax daruus ah qaadan.
Qoyska Khadiijo ayaa sanadkii 2019 ka soo qaxay degmadda Jamaame ee gobolka Jubada hoose, markii xaalado amaan darro oo ka jiray ay u saamixi waayeen inay ku sii noolaadaan. Waxay Jamaame ku lahaayeen beer 4 Hektar ah oo seygeeda iyo iyadu ay ka wada shaqayn jireen.
Dalagyo isugu jiray raashin iyo khudaar ayay tilmaamtay inay ku beeran jireen, kuwaas oo noloshooda si wanaagsan u kaafin jiray. Nolosha qaxootinimada iyo daruufaha ku gadaaman oo markii horeba ahaa kuwa adag waxaa uga sii dara marka uu qofku waayo ishii kali ahayd ee dhaqaaluhu ka soo gali jiray.
Haweenka muruq maalka ah ee shaqo la’aanta noqday ayaa sheegay in xitaa goobihii ganacsiga ee ay macaamiisha ka ahaayeen ay joojiyeen in ay dayn siiyaan, maaddaama ay og yihiin shaqo la’aantooda iyo inaysan u sahlanayn in ay dib u bixiyaan wixii ay qaataan.
Suldaano Ibraahim Cabdulle oo ah haweeney kaligeed korsata saddex gabadhood oo ay dhashay ayaa sharaxaysa waxa ay kala kulantay baqaaradii ay wax ka qaadan jirtay.
“Adeegii hilib iyo kudhaar waa iska daynay, digirtiina waa nagu filnaan waysay oo bil waa noo gaari waysay. Digirtii ayaanba khudaar ka dhiganay waayahaan waan bislaanay oo waan jilicnay. Xaaladu markaan waa nagu xun tahay si aan yeelno ma garanayno.”
Suldaano ayaa sheegtay in dhabarka ay jug kaga dhacday xilligii ay xamaaliga ku shaqaynaysay. Waxay tilmaamtay in markii ay isbitaalka weyn ee xerada Xagardheere tagtay ay wax daawo ah ka soo waysay. Waxay xustay inay wali la nooshahay dhibaatada jugta ka soo gaartay aysana awoodin qarash ay dhaqtar ku aado.
Inkastoo 13 sano kadib ay ka cabanayso in carruurteed uu dabka ka dansan yahay haddana waxay tilmaamtay inaysan lahayn rajo ay wadankii dib ugu noqoto, maaddaama ay faro banaan tahay cid caawinaysana aysan ogayn.
Haweenka xoogsatada ah ee shaqo la’aanta noqday, badankood ayaa carruur kaligood korsada. Arintaan ayaana saamaysay boqolaal qoysas danyar ah oo ku nool xeryaha Dhadaab, kuwaas oo markii horeba xaalado adag ku jiray.