(ERGO) – Najma Ciise Muxumed waxaa ku adag in ay hal waqti dabka u shiddo carruurteeda oo toddobo ah muddo saddex bil ah. Waxaa ka istaagay shaqo ay u aadi jirtay Hargaysa oo u ahayd halka meel ee ay ku tiirsan yihiin.
Waxay ka mid tahay boqollaal haween ah oo nololsha qoysaskooda oo dan yar ah ka deberi jiray dhar-dhaqida, nadaafadda guryaha iyo cunto karinta oo shaqooyinkoodii uu kahad galay. Waxaa saameeyay dhaqaale xumo ka dhalatay sicir-barar ka jira magaalada oo keenay in dadkii ay u shaqayn jireen ay fasaxaan.
Najma ayaa sheegtay in qoyskeedu ay hadda hal mar oo habeenkii ah cunaan raashin ay ku caawiyaan dadka dariska la ah ee dhaama. Marka ay soo wayso ayay sheegtay in ay qatooyo ku seexdaan.
“Nafta ayaa nagu khasbaysee wax aan ku hayno hayayaraatee ma jirto. Gidaarka waxa aan kaga maarano ayaanu ilaahay baryeynaa oo aynu weydiisanaynaa.”
Shaqada ka joogsatay oo ay ka soo shaqaynaysay muddo 5 sano ah ayay maalintii ka heli jirtay lacag u dhaxaysa $6 ilaa $10. Waxay tilmaamtay in dhaqalahaas ay qoyskeeda ugu filnaayeen nolol maalmeedka.
Waxaa intaas u dheer kirada guri ay deggan tahay oo looga leeyahay dayn dhan $400. Waxay ku jirtay shanti bil ee u danbaysay. Waxay sheegtay in haddii ay dhamaato bishan socotay ay ku wargeliyeen dadkii lahaa in ay ka saarayaan haddii ay ugu yaraan bar iska bixin wayso, aysanna qorshe u hayn.
Najma ayaa tilmaamtay in marar badan horay looga soo saray guryo ay daganayd, markii kiro lagu yeeshay. Waxay xustay in magaalada aysan u joogin dad ay ehel yihiin haddii ay caawinaad ka dalban laheyd.
Dhanka kale waxay sheegtay in dandarada carruurteeda ay u dheertahay qandho soo ridatay qaar ka mid ah oo ay la jiifaan muddo todobaad ah. Dhaqaale la’aanta darteed waxay sheegtay in xitaa ay gayn waysay xarun caafimaad si ay daawayn u helaan.
“Guriga waxaan ka soo baxay sagaalkii iyo badhkii. Yaayo calool xumo inankii yaraa oo kiniin wax aad u siisana aanad hayn, gurigiina aad arkaysid waxaana aan is iri waa intaas oo Ilaahay wax ku siiyaaye iska calool adayg oo iska tag.”
Najma ayaa tilmaamtay inay qoyskeeda ku adag tahay helitaanka biyaha oo maalinka dhan ay ku joogaan labo jirigaan. Waxay awoodi waysay inay bixiso lacag $7.5 ah oo hal taangi ay xaafaduhu ku shubtaan, taas oo sababta mararka qaar in ay waayaan wax ay ku karsadaan raashinka yar ee ay soo hesho.
Najma ayaa xustay inay sidoo kale qarashka waxbarashada ka bixin la’dahay shan carruur ah oo iskuul iyo dugsi u dhiganaya. Waxay mid kasta bishii ka bixin jirtay min $5, walow saddexdii bil ee ugu danbaysay wali lagu leeyahay.
Gubashada suuqa Waaheen, colaado ka dhacay gobolada qaar oo xadiday dhaqdhaqaaqyada ganacsiga iyo doorashooyinka ay Soomaaliland u diyaar garoobayso ayaa keenay sicir barar sababay in dollarku sare u kaco lacagta shilinkuna hoos u dhacdo.
Sahra Ismaaciil Nuur waxay saddexdii sano ee ugu danbaysay shaqadeedu ahayd cunto karinta iyo dhaqida guryaha xaafadaha. Qoysaskii inta badan loo shaqayn jiray ayay sheegtay in qaarkood ay adeegsdaan gabadho yar yar oo miyiga laga keenay, kuwaas oo lacag yar oo bille ah ku shaqeeya.
Sahra ayaa sheegtay in ilaa billowgii sanadkaan ay shaqo yaraan wajaysay, balse labadii bil ee ugu danbaysay ay ugu darnayd. Waxay tilmaamtay in shaqo la’aanta magaalada ka jirta ay ugu darsantay raashinka oo qaaliyoobay, taas oo noloshooda sii adkayd.
Haweenaydaan ayaa xustay in halkii maalin ee ay shaqo hesho aysan u goyn karin wax ay carruurta hal mar u karsato, iyadoo ay u dheer tahay baahiyihii kale ee reerka oo laga wada sugayo inay daboosho.
“Xaafada aan degganahay biyo ma lahan waxaan biyo ugu dhaamiyo ayay waayaan. Waayahayga wallaahi Ilaahay ayuunbaan u sheegtaa oo waa iska badan yihiin.”
Haweenaydaan ayaa xustay in dukaan ay macaamil ka ahayd uu u furay buug deyn ah oo muddo saddex bil ah ay ku soo mooday. Billowgii bishaan ayuu milkiilaha dukaanku ku wargaliyay in lagu yeeshay $250 islamarkaana uusan siin karin intaas ka badan iyadoo aan tii hore gudin.
Sahra ayaa xustay in ay samaysay dedaal kasta oo ay carruurteeda uga saari karto nolol xumada, balse aysan helin furdas saacidday. Waxay sheegtay in dhowr mar ay dowlada hoose ee Hargaysa shaqo ka raadsatay, balse aysan waxba ka helin, taas oo rajo beel ku noqotay.
Asiya Maxamed Xaashi waxay kaligeed korsataa labo carruur ah, waxayna sidoo kale haysaa hooyadeed oo waayeel ah oo indhaha ka xanuunsan. Waxay sheegtay inay tahli waysay masruufkooda 3 bil ee ugu danbaysay shaqo la’aan ku dhacday darteed.
Inta badan waxay dhaqi jirtay dharka iyo weelasha oo ay ka qaadan jirtay hadba intii ay dadka kula heshiiso. Lacagtaas ayay isaga dabari jirtay kirada guriga, waxbarashada carruurta iyo cuntadooda, laakiin hadda waxay huri waysay inay dadka wax waydiisato.
“Waxaa laga yaabaa inaad halkaa maanta oo dhan fadhido oo 10 cisho isku soo wareegto inaad gurigii qabato oo waxad kula hagaagto carruurta aadan garayn.’’
Aasiya ayaa sheegtay in bishii afraad ee sanadkaan laga fasaxay shaqo nadaafad ahayd oo ay ka heshay xaafad ay daris yihiin, markii ay u sheegeen inaysan bixin karin mushaarkeeda oo ahaa $50.
Aasiya ayaa sanadkii 2018 ka soo guurtay magaalada Buco ee xarunta gobolka Togdheer, halkaas oo noloshooda ay ku tiirsanayd iibinta sanbuuska iyo burka duban oo ay banaanka ku gadi jirtay.
Waxay sheegtay in ganacsigaas uu ku filnaan waayay, maaddaama uusan qoyskeeda lahayn il kale oo dhaqaale. Ujeedka ay Hargaysa ugu soo guureen ayay ku sheegtay in ay shaqo ka hesho walow ay ku hungowday.
Haweenkan oo duruufaha nololeed ee ay dariska la yihiin ay gaarsiiyeen xaalad adag ayaa maalin kasta xaafadahooda ka soo baxa xilli hore, waxayna fariistaan wadooyinka hareerahooda, halka kuwo kalena ay xaafadaha ku garaacaan si ay u waydsiistaan inay maalinkaas ka helaan shaqo nadafada.