(ERGO) – Ishii dhaqaale ee qoyskeeda oo ahaa dukaan yar oo wadda dhinaceeda ay ku lahayd ayaa ka xidhmay Raxma Aweys Axmed oo barakac ku ah Kismaayo. Waxaa ay ka soo saran jirtay cunno ku filan caruurteeda oo 12 ah. Haddase waxaa ay daris la yihiin nolol xumo mudo bil ah.
Raxma waxay ka mid tahay 190 ganacsato ah, kuwaas oo ay dowladda hoose ee Kismaayo ka raray dhul kun-mitir ah oo ku dherarsan waddada dhinaceeda. Waxay ku iibin jireen khudaarta, maacuun, raashinka iyo waxyaabo kale.
Qoyska Raxma ayaa ku tiirsanaa afartii toddobaad ee la soo dhaafay kiilooyin raashin ay oo ay kala soo bexeen dukaanka laga burburiyay. Waxaa sidoo kale ka qurmay noocyo kala duwan oo khudaar, kuwaas gurigeeda ay keentay.
Inkastoo xaaladdaas ay ku jirto, haddana kama aysan niyad-jabin in ay ku dedaasho sidii ay u heli lahayd meel ay ku iibiso maacuun ka mid ahaa ganacsigeeda. Waxay sheegtay in maamiil la’aanta ka jirta xeradeeda Badar-kow ay caqabad ku tahay.
“Markii aan meeshii ka soo xarooday waxaan Isku dayey guriga aan degganahay in aan dhinac ka fujiyo oo sandaqad aan ka sameeyo, haddana iska faalihii meesha la iga dumiyey aan ku rakibo, Si aan u soo celiyo ganacsigii. Waxii yaraa ii hadhay sandaqadii ayuu iga galay. Runtii ilmaha saddex waqti wax ma loo kariyo. Xiligaan hadda lagu jiro. Hadii ay ugu badato habeenkii ayey wax cunaan inta ka horaysa waxba lama kariyo.”
Waxay tilmaamtay in duruufta haysa xilligan ay kaga dabaallan jirtay intii ay meheradda lahayd dhaqaale maalinle ah oo ay ka heli jirtay ganacsigeeda. Lacag u dhaxeysa $5 – $10 ayaa soo gali jirtay, taas oo ay u qaybin jirtay cunnada, arrad-tirka iyo waxbarasha labo carruurteeda ah.
Waxay ka walaacsan tahay lacagta ay iskuulka ku gayn doonto carruurtan, taas oo ah $15, marka dib loo furo dugsigooda hoose iyo dhexe ee Tabyo oo labada bisha Sebteemar, kaas oo muddo labo bil ah looga maqnaa fasaxa sanad dugsiyeedka.
“Waxaa walwal igu hayaa haddii wixii (ganacsigii) iga burburay oo ilmihii waxbarashadoodo taagan tahay, noloshiina isbixinaynin, meeshiina faa’iido aan laga helaynin walwal waa imaanaa, wuuna taagan yahay marba haddii sandaqadii la laabay bas weeye.”
Meheradda laga burburiyay waxay ku naaloonaysay dhaqaalaha ka soo xaroonayay muddo saddex sano ah. Waxaa ku xirnaa macaamiil joogto uga iibsan jiray badeecadaha. Hirgalinteeda ayay ka soo billowday lacag $50 ah oo ay ayuuto ka heshay.
“Waxaan ku billaabay kashaato, nanac, shushumow iyo xalwa-naasi. Waxaas ka bilaabay, Kaddib waxaa isku beddelay in aan khudaar keeno baradho, yaanyo iyo koosto ayaan isku dayey kiil kilo soo cabirto. Waxaan keensaday rubuc bur, rubuc bariis, Rubuc Sonkor. Sidaas ayaan ku billaabay.”
Waxay sheegtay Raxma in ganacsigan mudadii uu jiray in qoyskeeda uu u horseeday isbeddel nololeed oo ka qayb qaatay korriimada iyo waxbarashada carruurteeda oo kaligeed ay korsato, markii ay kala tageen aabbahood.
Waxay jeclaan lahayd in dowladda hoose ee Kismaayo ay ku caawiso iyada iyo ganacsatada lamid ka ah dhul ay ku ganacsadaan si ay u la soo baxaan nolol-maalmeedka qoysaskooda, halkii ay gargaar sugayaal noqon lahaayeen.
Qoyskeeda ayay horraantii sanadkii 2017 kala soo barakacday miyiga dagmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe. Waxay ku lahaayeen beer waa meeqo hiktar, taas oo abaar soo laalaabtay ay tacab la’aan ka dhigeen.
Dadka laga kiciyay dhulka ay ku ganacsanayeen ayaa u badan qoysas soo barakacay ee ku nool xeryaha Badar-kow iyo Badar-labo. Dhulka ay meherada ay ku lahaayeen ayaa muhiim u ahaa, kaas saxmadda dadka ay kaga faa’iideysanayeen ganacsigooda si looga iibsado.
Dowladda hoose ee Kismaayo oo howl-galkan sameysay ayaa sheegtay in ay uga gollehayd soo celinta bilicda iyo amniga dhulka ka agdhow laamiga sida uu sheegay guddoomiyaha arrimaha bulshada Kismaayo Najiib Barre Salaad.
Wuxuu tilmaamay in dhawaan dhisme lagu sameyn laamiga, isla markaana dhulka ka agdhow uu noqon doono meel ka caaggan dadku in ay deegaamaystaan.
“Dadkeena waan ognahay in ay tabar daran yihiin in ay nugul yihiina waan la soconaa. Laakiin wax kasta waxaa ka muhiimsan laamiga oo noo dhisma. Waxaan rabaa in samir iyo dulqad muujiyaan oo ay la shaqeeyaan qolyaha waddooyinka dhisaaya. Waxaan rabnaa Kismaayo bilicsan, Kismaayo quruxsan iyo Kismaayo la tartanta magaalooyinka. Taasna waxaa lagu helli karaa inaga oo masuuliyad wadareed iska wadda saarna, kana wadashaqayna shacab maamul iyo dowlad intaba.”
Wuxuu xusay in aysan weli diyaarin qorshe dhul lagu siinayo dadka laga saaray dhulka ay ku ganacsanayeen si uu beddel ugu noqoto.
Xabiibo Nasiib Gacal oo 42 ah waxay ka soo kaban la’dahay nolol-xumada ka dhalatay ganacsiga ka burburay. Wuxuu miis ay ku iibin jirtay qoryaha iyo cowska. Waxay ka heli jirtay maalintii $4-$6. Ishan dhaqaale ayaa xirantay dabayaaqadii bishii July ee sanadkan.
Carruurteeda oo siddeed ah waxaa quud u ah cunno dabka loo saaro hal waqti 24 saacba. Waa kiilooyin raashin ah oo ay soo daymato, kuwaas oo ay beeqaamiso si lacagta daynta aysan ugu badan. Intaas waxay ku dartay in markii miiskeedu shaqaynayay ay noloshu u wacnayd.
“Intii ganacsigu ii furnaa ama wax aan ka helaayay ilmaha way ii fiicnaayeen. Hadda beeso mahaayo aniga, ganacsigiina wuu burburay.”
Waxay sheegtay in gurigeeda ay ku haysato xaabo lacagteeda lagu leeyahay, maaddama aysan jirin cid wax ka iibsatada oo hoygeeda ugu timaadda. Waxay gocanaysaa macaamiil badan oo ay ku haysatay miiskii u yaallay waddada dhinaceeda.
“Dhulkii waa la xaaqay. Waa nala barakiciyey. Kareetadii iyo dameerkii ma soo gali karaan. Qoryihii dibigii aan ka daadiyey wali waa yaalan. $11.5 ayuu iga rabaa (qofkii lahaa) weli maan u cadaynin.”
Waxay sheegtay in aysan awoodin lacagta ay waxbarashada ku sii wadan lahaayeen labo wiil oo ay dhashay dhaqaale xumo darteed, kuwaas oo wax ka barta iskuulka hoose dhexe oo Kismaayo ku yaalla.
Qoyska Xabiibo oo ku nool xerada Badar-labo ayaa ka soo barakacay siddeed sano ka hor deegaanka Baarsanguuni, markii ay biyo la’aan darteed ugu bixi waysay beer toddobo hiktar ah oo ay leeyihiin.
Barakicinta lagu sameeyo qoysaska nugul ee ku jira ama ku ganacsada dhulka dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay ayaa soo badanaysay sanadihii u danbeeyay, waxaana arrintan ka dhashay nolol-xumo iyo waxbarasho la’aan saameyay carruurta ka soo jeeda qoysaskan.