Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Mudug: Bacaad dhibaato ku haya qoysas ka barakacay colaad qabiil

Jibril Osman by Jibril Osman
September 14, 2024
in Wararkii u Danbeeyay
0
Mudug: Bacaad dhibaato ku haya qoysas ka barakacay colaad qabiil

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoyska Maxamed Cabdiraxmaan Cismaan oo 9 ah waxaa isku biirsaday biyo yari, cunno xumo iyo bacaadka guurguura oo dhibaato ku haya hoygooda oo aqal-soomaali ah. Waxay ku cusub yihiin deegaanka Dhinowda oo barakac ay ku tageen saddex toddobaad ka hor.

Waxay ka mid yihiin 300 oo qoys oo billowgii bishan Ogosto ka soo barakacay dagaal beeleed ka dhacay tuulada Hir-salaama ee gobolka Mudug, kuwaas oo iskugu jira xoolo-dhaqato, ganacsato iyo xoogsato nolol-maalmeedka la soo bixi jiray.

Barakacan qoyska Maxamed wuxuu bidday xoolo yari, markii jidka ay uga soo dhinteen 40 ari ah oo baad iyo biyo la’aan ay ku dhacday. 20 neef oo uu la yimid Dhinowdo wxaa ka haray 8. Wuxuu sheegay in uu la halgamayo sama-bixinta xoolaha u badbaaday.

Labadii maalinba mar ayuu u daaq geeyaa miyi u jira halka uu deggan yahay in ka badan 5 km, maaddama inta ka so kaysa uu xiray bacaad nabaad guuriyay dhirta. Xaaladdan waxaa u dheer cunno xumo haysa qoyskiisa oo ku tiirsan dadka deegaanka.

“Xaalad adag ayaan ku nool nahay. Dad ayaa waxay iskugu keena dareen wax raashin ah.

marmarna waxay cunaan ayaan la cunnaa. Laakiin wax toos ah oo meel noo saaran oo aan ku

tiirsanahay ma jiraan, biyahana aad ayay noogu adag yihiin heliddooda.”

Deegaanka ay tageen waxaa laga isticmaalaa biyo booyado ay ka keenaan deegaanno kale oo qiimo sare lagu iibsado, hase ahaatee qoyska Maxamed iyo kuwa la midka ah waxay door-bideen ceelal la qodo si ay biyo uga hellaan.

Wuxuu sheegay in ay ku qaadato saacado badan helidda biyahaas oo qaraar ah, isla markaana nadaafad ahaan aan wanaagsanayn. Wuxuu xusay in ay haraadka isku dhaafiyaan, sidoo kalana ay ku karsadaan raashinka ciiriinka ah marka ay helaan.

Halkii fuustada biyo ah ayaa Dhinowda ka joogta in $15. Waxaa sabab u ah qiimaha sarreeya ee biyaha bacaadka guur-guura oo inta badan ceelashii aasay iyo waddooyinka soo gala deegaanka oo bacaadku halakeeyay.

“Booyadda $150 bay ku keentaa. Baraagta laga soo darayana dad baa leh oo hadde iyada ugu yaraan $100 baa siistaa, booyadduna $150 bay qaadanaysa. $250 bay biyuhu ku imaanayaan meesha. Dadka danyarta ah maba gadan karaan biyaha lacagtooda, mana heli karaan.”

Deegaanka xaaladdan ay ku wajahayaan ayaa u jira tuulada Hir-salaama oo ay ka soo barakceen qiyaastii 45 km. Safarkooda oo lug ahaa ayaa qaatay saddex maalin. Waxay jidka ku la kumeen cunno xumo, haraad iyo daaq la’aan ku dhacday xoolahooda.

Inkastoo colaadda qabiil ay ka soo badbaadeen, haddana waxaa u deddeshay dhibaato nololeeda. Wuxuu xusay in carruurtiisu ay la qabsan la’yihiin bacaadka saameeyay deegaanka, kaas oo xabaalaya ceelash, barakaaga iyo xitaa guryaha.

Gurigiisa oo Aqal-soomaali ah ayuu tilmaamay in si joogta ah uu u dhiso, kaas oo bacaadku uu dumin ku hayo. Wuxuu ku soo aadday xilli dabeylaha xagaaga ay dhaqdhaqaajiyaan bacaadka xooggan ee fadhiya Dhinowda iyo hareeraheeda.

“Dhibaatadii ugu badnayd baan ku qabnaa maalin iyo habeenba. 24-saac saddex jeer ama afar jeer baa la qodaa (bacaadka). Haddii aan la qodin laguma hoyan karo.”

Si lamid ah duruuftan waxaa ku jira Faadumo Cabdulqaadir iyo carruurteeda oo 6 lix ah, kuwaas oo agoon ah. Waxay quud uga dhigta cunno  bisil oo ay ka soo bariso dadka deegaanka.

Waxay ka soo barakacday tuulada Dir-salaama 20 bishii July, markii oo xiisad colaadeed ay ka billaabatay. Ka hor colaadda waxay u shaqo tagi jirtay deegaanka Ceel-dhanaane oo ku dhow tuuladeeda. Waxay ku lahayd meherad ay cunnada bisil ku iibin jirtay.

Ganacsigeeda waxay ka heli jirtay faa’iido nolol-maalmeedka qoyskeeda kaafin jiray, waxaana ku xirnaa dad u badan kalluumeysto oo ka cunteen jiray meheraddeeda. Lacag u dhaxeysa $7-$10 ayaa ka soo gali jirtay, balse hadda taas meesha way ka baxday.

Waxay sheegtay Faadumo in ay ku nool yihiin carruurteeda nolol adag.

“Subaxii ama habeenkii wakhti un baa dab la shitaa. Waqti saddexaad maba jirto warkiisa. Markaas la isleeyahay ilmahu waa hoyan karaan ama seexan karaa ayaa wax ay cunnaan loo raadshaa oo dariska loo gala. Nolosha saddex wakhti iyo labo waqti midna isma saarna.”

Waxay ka dayrisay xaaladda nololeed ee ka jirta deegaanka oo dadkiisa aysan nolol ahaan dhaamin kuwa barakaca ugu tagay. Waxay xustay in goobo ganacsi oo faro ku tiris ah ay ku yaalla, kuwaas oo habeenkii aan shaqayn koronto xumo darteeda.

Waxay tilmaamtay in ay ka soo barakacday guri labo qol ka kooban oo gabaad u ahaa iyada carruurteeda oo hadda bannaan-yaal ah. Waxay ka soo qaadatay gogol iyo dhar ay dhaxanta iska xijiyaan, balse waxay u nugul yihiin kulaylka qorraxda. Waxaa se u dheer bacaadka oo dhibbadan ku haya.

“Hoyga wax ka liita ma jiraan iyo biyaha cunada lagu karsado. Waa inta loo dhinto sow maahan? Meesheenii in aan ku laabano waan jeclaan lahayn. Laakiin aaway noloshii aan ku aadi lahayn. Tii (deegaankiinii) waxay ahayd meel deegaan ahayd oo aan ka xamaallan jirnay xilliga baddu furan tahay. Tani se nolol maleh, biyo mahaysid, baad mahaysid, hoyna mahaysid.”

Waxay ku rajo wayntahay in ay dib ugu laabato deegaankeeda marka la soo afjaro colaadda sokeeye, taas oo xalkeeda lagu jiro sida ay ka soo xigannay odayaasha deegaanka lagu dagaallamay.

Maamulka Dhinowda ayaa ku howlan abaabul loogu gurmanayo dadka colaadda ku barakacay ee deegaankaas maciin bidday.  Abuukar Maxamuud Macalin ah guddoomiyaha Dhinowda ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in maamulka Mudug ay gaarsiiyeen xaaladda nololeed qoysaskan, jawaabna ay ka sugayaan.

“Maamulka gobolka fariinteen waa gaarsiinay laakiin nooma soo jawaabin. Dadkaasi ugu horayn gurmad bay ubaahan yihiin marka xigta deegaankoodii in lagu cesho qaab in heshiis iyo xal la gaaro oo nabad leh.”

Wuxuu xusay in maamulkiisa iyo dadka Dhinowda ay gargaar raashin ah gaarsiiyen qoysaska soo dagay deegaanka, kuwaas oo ka dhamaaday. Wuxuu xusay in dhaqaale xumo ay ka jirto deegaankiisa, taas oo ka dhalatay abaaro soo laalaabtay iyo bacaadka guurguura oo nolosha dadka.

Qoysaska deggan dhulka ku dhow xeebaha Mudug isbeddelka cimilada ee saameeyay waxaa u dheer colaado iyo abaaro saameyay noloshooda iyo xoolaha ay dhaqdaan.

Previous Post

Muqdisho: Awrta la kireeyo si loogu dalxiiso oo il-dhaqaale u noqday qoysas reer guuraa ah

Next Post

Kismaayo: Qoysas barakac ah oo nolol adag wajahaya markii laga burburiyay goobo ganacsi

Related Posts

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud
Beeraha Iyo Xoolaha

Kulaylka cimilada iyo biyo yari isbiirsaday oo nolol adag galiyay reer-guuraaga Galgaduud

August 21, 2026
Ganacsiga malabka oo bog cusub oo nololeed u furay danyar ku nool Shabeellaha hoose
Wararkii u Danbeeyay

Ganacsiga malabka oo bog cusub oo nololeed u furay danyar ku nool Shabeellaha hoose

August 20, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas laga raray xero barakac oo duleedka Garowe ku wajahaya dhibaato nolol xumo

August 20, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Dhallinyaro Hargaysa ka hirgaliyay waxbarasho dadka loogu geeyo guryahooda

August 17, 2026
Next Post
blank

Kismaayo: Qoysas barakac ah oo nolol adag wajahaya markii laga burburiyay goobo ganacsi

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 26-AUG-2026

IDAACADDA 26-AUG-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 26-AUG-2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-AUG-2026
August 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-AUG-2026
August 25, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-AUG-2026
August 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-AUG-2026
August 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-AUG-2026
August 22, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo