(ERGO) – Xasan Ibraahim Guurdoon lix sano, kaddib waxaa u suuragashay in qoyskiisa 15 qof ah uu ka saaro xero barakac oo ay ku haysatay cunno xumo iyo hoy la’aan. Waxaa u sahashay dhaqaale uu ka helay rati uu ka kireeyo dadka ku dalxiisaya xeebta liido ee magaalada Muqdisho.
Shaqadaan oo uu bilaabay bishii Febraayo ee sanadkan ayuu sheegay in uu maalintii ka helo dhaqaale u dhexeeya $15 ilaa $20 oo ku filan noloshooda. Ratiga oo uu ku soo raro dhar dhaqan ah ayuu sheegay in dadku ay kaga kiraystaan si ay sawirro ugu galaan.
Dhaqaalaha uu helo ayuu xusay in uu u kala qaybiyo biilka qoyska iyo kirada guri labo qol ah oo uu markii ugu horaysay u kireeyay. Wuxuu xusay in ay ka soo kabteen nolol xumadii ku haysatay xerada Bangala ee degmada Dayniile oo ay soo gaareen sanadkii 2017, xiligaas oo abaar ay ka laysay 35 geel ah oo ay dhaqanayeen.
“Markii aan keenay waaba layga kiraystay oo dhaqankii ayaa noo keentay ayaa la i dhahay. Dad badan ayaa idhiirageliyay, anna waan ka faa’iidaystay.”
Wuxuu tilmaamay in horay ay hal waxqi u karsan jireen raashin ay ka soo dawarsadaan dadka xerada ku la nool iyo xaafadaha dariska la ah oo ay u dan sheegan jireen. Ninkan oo ah 55 sano jir ah wuxuu xusay in ka hor inta uusan ku baraarugin shaqadan uu isku dayay in uu ka shaqeeyo shaqo xamal ah oo uu magaalada u aado, balse uu awoodi waayay.
Wuxuu ku qasbanaaday in uu noqdo guri joog aan reerka waxba ku soo biirin. Welwel joogto ah ayuu sheegay in uu dareemi jiray, markii arko carruurtiisa oo gaajo lagu seexinaya, waxna baran.
“Wax wayn ayaa is bedelay magaaladii waan la qabsannay ciyaalkii waxay baranayaan hami wayn ayaan leeyahay in aan ilmo fiican kala baxo ayaan rabaa magaalada.”
Xasan oo qoyskiisu uu ka soo barakacay miyiga degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa sheegay in u jeedkii uu u imaaday Muqdisho uu ahaa in uu waayo ku moodo inta deegaankiisa uu ka helayo roob fiican.
Wuxuu xusay in hadda si uu awr kale u iibiyo uu maalin kasta meel dhigo lacag gaaraysa $5-$6. Wuxuu qorshaynayaa in sanadka cusub uu iibiyo ugu yaraan hal neef. Xasan wuxuu sheegay in markii ratiga uu xeebta keenay uu kala kulmay dhibaatooyin badan.
Waxaa isku raacday ratiga oo aan u tababarnayn magaalada iyo isaga oo aan aqoon u lahayn qaabkii uu u bari lahaa. Dhibkii uu maray si ay uga baaqsadaan ayuu si bilaash ah ugu tababaraa dadka geela kiraysta oo ku soo biira xeebta sida uu sharraxayo.
“Ratigaana waan tababaray ma cararayo guri gal haddii la dhaho waa gelayaa.”
Dadka xooloha keenaya goobaha lagu dalxiiso ee Muqdisho ayaa soo badanayay tan iyo horraantii sanadkan. Xasan ayaa sheegay in uu garanayo ilaa soddon qof oo ku shaqaysta qaabkiisa oo jooga gudaha muqdisho walow aan la hayn tiro-koob sax ah.
Ibraahim Axmed Raage oo 57 jir ah waxay u noqotay il dhaqaale oo kaafisay nolosha qoysaskiisa, markii uu Rati geeyay goob carro gaduud ah oo ku taalla deegaanka Jasiira oo ay u dalxiis tagaan dadka magaalada.
Dadka ka kiraysta ratiga oo qofkiiba uu ka qado $2 waxaa kaga soo xarooda maalintii lacag u dhaxaysa $10 ilaa $15 markuu ka jaro raashinka lix geel ah iyo qarashka ku baxaya cuntadiisa inta uu meesha joogo. Wuxuu xusay in qoyskiisa oo ku nool deegaanka Jasiira in ay ka soo kabsadeen nolol xumo ay halkas ku wajahayeen.
“Cidda way ku dhaqan tahay, asigana wuu ku dhaqan yahay. Raashin nooc kasta ayaaa la siiyaa. Maalin kasta dad ayaan saaraa habeenkii afar saac waa lagu kala hoyaadaa dalxiiska, galabkiina toban saacna waan keenaa.’’
Qoyska Ibraahin wuxuu ka soo barakacay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud sanadkii 2020 xilligaas oo abaar jirtay ay ka ka dhamaysay 25 geel ah iyo konto ari ah oo ay noloshoodu ku tiirsaned.
Ibraahim ayaa ka oggaaday in xoolaha la kiraysto mid ka mid ah ehelkiisa oo ku war-galiyay fursaddan oo xoolo-dhaqato badan ay ka faa’iideysteen. Wuxuu sheegay in uu la kulmay dadkii kaga soo horreyay oo u sharraxay qaabka loo shaqeeyo. Xilligaas wuxuu ayuu tababartray ratiga uu ku shaqaysto oo isagu ugu xoog roonaa neefafka u joogay.
“Nolol kuma aanan heysan, caanihiisa iyo cadkiisa ayaan ku nooleyn, markii aan u baahdana geela ayaan suuqa geysan jiray waan ka gadan jiray. Hadda si wanaagsan ayuu uga qeyb qaatay biilka reerka.”
Ibraahim wuxuu sheegay in sanadkan qoyskiisa uu uga duwan yahay sanadihii hore ee uu baagamuudada ahaa. dhaqaalaha uu helo ayuu sheegay in uu si fiican u daboollay baahidooda iyaga oo ka maarmay dadkii ay ku tiirsanaayeen.
Liibaan Cusmaan Ceydiid oo 24 jir ah wuxuu madax ka yahay shirkad dalxiis oo lagu magacaabo Royal. wuxuu sheegay in isaga iyo sideed dhallinyaro ah oo kala shaqeeya howlaha dalxiiska ee shirkadda ay u noqotay meel ay ka helaan dhqaaalaha ay ku maareeyaan nololshooda iyo tan reerahooda oo dan yar ah.
Shirkadda oo ay ku midaysan yihiin isaga iyo sideed qof oo kale ayuu sheegay in ay bishii ka soo gasho lacag dhan $200 ilaa $250. Dhaqalahaas ayuu xusay in uu u kala qaybiyo in uu ku taageero qoyskooda oo dan yar ah iyo in uu ku dabaro qarashka jaamacad uu dhigto.
‘‘Kuwo qaar waxaa jira oo lacagta kugu dhibaaya, kuwo qaar ku dhahaaya xafiis ma leedahay. Haddii aad xafiis leedahay yaa kaa damiin ah. Caqabado badan ayaa nahaysta, marar badan ayaan aragnay dad lacagta la goynaya. Qaar kugu dhibaya iyo qaar kale oo ku dhahaya dantii aan kaa lahaa waan kaa gaaray, caqabado badan ayaa jira oo u baahan in la xaliyo.’’
Sanadihii danbe waxaa magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda ku soo badanayay gooaha dalxiiska oo ay maalin kasta tagaan kumanaan qof oo iskugu jira qaybaha bulshada taas oo ay sabab u tahay amaanka magaalada oo isi soo taraya.