(ERGO) – Reer guuraaga ku nool deegaanka Miro-cowleed ee gobolka Galgaduud ayaa ka cabanaya cudur ay xoolahoodu u dhimayaan oo noociisa aysan garan, kaasi oo ka dilaya ari-cadka iyo idaha tan iyo bishii Juun ee sanadkan.
Yuusuf Cali Faarax wuxuu ka mid yahay xoolo-dhaqatada ay arrintan saameysay. Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in cudurkan uu ka galaaftay bishii July 18 neef, halka ay la il-daran yihiin 69 kale.
Qoyskiisa 15 qof ah waxaa u hartay 13 ari ah oo yaryar u badan, kuwaasi oo uu sheegay Yuusuf in aysan nacfi badan lahayn. Waxaa meesha ka baxay xoolihii uu suuqa gaysan jiray oo cudurku uu saameeyay.
“Xoolaha neefka kii beec galay ee aan gadan lahaa buu eber ka dhigay. Neefkii dhalayay ee ilmaha laga sugayay oo caanaha laga dhowrayay buu ilmaha ka soo tuurayaa ama isaga iyo ilmaha ayuu dilayaa. Xoolahan nacfi ayay lahaan jireen. Neefka dhala nacfi buu lahaa. Neefka la gato nacfi buu lahaa, neefka la qashana nacfi buu lahaa. Intiiba meesha way ka bexeen.”
Wuxuu tilmaamay xoolaha qaadday cudurkan in uu ku arkay xumad-daran, indhaha oo isku dhagay iyo nabarro jirka oo dhan ka soo baxay. Intaas wuxuu ku daray in uu ka dhex-saaray xoolahan kuwa badqaba si aysan u qaadsiin.
Caafimaad-darrada ay wajahayaan xoolihiisa waxay u horseedday qoyskiisa cunno xumo iyo biyo yari. Wuxuu ku tiirsan yahay raashin iyo biyo dayn ah labadii bil ee u danbeeyay, kuwaas oo uu iibsan jiray ka hor cudurka.
Wuxuu sheegay in ay in raashinka uu haysto iyo biyaha uu helli karo ay gabaabsi yihiin, daynta lagu leeyahayna ay korortay, taasi oo galisay hubanti la’aan cunno.
“Xilligii hore ee xaaladdu isku aaddanayd oo barwaaqada ay ahayd saddex waqti waxbaa la karsan jiray, haddeerna labo ama hal waqti ayay u dhaxeysaa. Magaalada Galinsoor oo nagu dhow oo 20 km noo jirta baan ka soo daymanaa. Labadii bil ee u danbeysay $300 baan nalagu yeeshay, dawada xoolana ay sii dheertahay oo ilaa $100 oo daawadii ah. Intaas baa nalagu leeyahay.”
Dawada uu siiyo xoolihiisa ayuu ka soo qaatay farmashi ku yaalla deegaanka Galinsoor. Ninkan oo 60 jir ah wuxuu xusay in xoolo dhaqatada la deggan ay u sheegeen in lagu daaweeyo xoolaha leh astaamaha cudurkan, balse uu ku hingoobay natiijadii uu ka sugayay.
“Neefka marka la daaweeyo in uu raysto ayaa la rabay. Neefkii wuu bogsoon waayaa oo wuu sii darsadaaba. Daawada la yiraahdo Istorob iyo daawada la yiraahdo Ogos baan u isticmaalnaa. Annaga ayaa door bidnay dhakhaatiir aan la hoos-galnay ama aan la kaashannay midna ma jirto. Neefku marka uu ku agyaallo oo uu jiran yahay, adiguna aad gacanta ku haysid waajib baa kaa saaran in aad dabiibto.”
Ninkan oo cimirigiisa oo dhan ku qaatay miyiga xoolaha ka xanuunsan ayuu ka leeyahay hanti. Bishiiba mar ayuu sayladda gaysan jiray shan ilaa lix neef. Lacagta uu ka heli jiray ayuu ku soo beddelan jiray raashin iyo arrad-tirka qoyska sida dharka iyo waxbarashada oo ay u dhigtaan lix ka mid ah carruurtiisa, kuwaas oo muddo labo bil ah uusan ka dhiibin lacagta ay ku dhigtaan dugsiga.
Wuxuu tilmaamay in macalinka dugsi qur’aankan uu ku leeyahay lacag dhan $80, hase ahaatee waxay ku heshiiyeen carruurtu in ay waxbarashada sii wataan, isla markaana dayntaas uu gudi doono marka cudurka haya xoolihiisa uu xal u helo.
Deegaanka Miro-cowleed iyo miyiga u dhow oo xanuunkan uu ka jiro waxaa ku nool 150 xoolo-dhaqato ah, kuwaas oo si saf-mar ah uu xoolahooda u saameyay xanuunka sida uu Raadiyow Ergo u xaqiijiyay guddoomiyaha Miro-cowleed Iraad Xaashi Jaamac.
Rufaaci Cabdi Axmed oo ah xoolo-dhaqde saddexdii toddobaad ee u danbeeyay 12 neef oo ari iyo ido iskugu jira ayaa ka dhintay. Xoolahan waxay ka mid yihiin 30 neef oo tan iyo bishii May uu ka dilay cudurka.
Wuxuu la daalaa dhacaya dabiibidda 80 ari ah oo ka mid 120 neef oo u badbaaday. Wuxuu ka walwalsan yahay dhimashada isi-soo-taraysa ee ku socota xoolihiisa.
Wuxuu sheegay in uu sameeyay iskuday uu ku doonayay in uu ku oggaado nooca xanuunkan iyo daawadiisa inkastoo aysan weli u suurto galin.
“Korka neefka sidii jadeecada dadka ku dhacda oo kale baa waxaa ka soo baxaya nabro. Indhaha iyo sanka ayaa marxaya, duufna aan caadi ahaan ayaa sanka iyo afka ka socda. Marka uu aad ugu xumaado neefta ayaa ku xirmaysa. Tobankii neef shan way u geeriyootaa.”
Astaamaha leh xanuunka haya xoolaha Rufaaci iyo xoolo-dhaqatada kale ayaan u bandhignay Dr. Suleymaan Maxamed Saalax oo ku taqasusay xanunnada ku dhaca xoolaha, sidoo kalana ah agaasimaha wasaaradda xannaanada xoolaha Galmudug.
“Waxaan tuhmayaa cudurkaasi in uu yahay cudurka afka qalaad lagu yiraahdo PPR, Soomaaliduna u taqaan jadeeco madow. Cudurkaas ama PPR-ka waxaa keena Virus wuxuuna ku dhacaa si qaas ah idaha iyo Ari-cadka, daawooyinkiisana waxaa weeye Antipiotic ayaa lagu daaweeyaa iyo Antiparside daawooyin ahna wa loo isticmaali karaa.”
Cudurkan ayuu agaasimuhu sheegay in yahay mid si ba’an u laaya ariga, isla markaana reer guuraaga ay ku adkaato la tacaalkiisa, maaddama aysan xirfad iyo aqoonba u lahayn cudurka iyo kuwa la midka ah ee saamaynta taban reeba.
Wuxuu tilmaamay in uu leeyahay tallaal ugaar ah oo looga hortago, balse heliddiisa iyo hayntiisa ay u adagtahay. Qiimaha uu ku kacayo ayuu xusay in uu sarreeyo, sidoo kalana uu u baahan yahay in qaboojiyaal lagu hayo, taasi oo Galmudug dhaqaale ahaan aysan awoodin haddii ay ku caawin lahayd reer guuraaga.
Dhibaatada uu ku hayo cudurkan xoolo-dhaqatada uu ka mid yahay Rufaaci waxay keentay in ay waayaan dhaqaale ay ka heli jireen xoolahooda. Sayladdii ay xoolaha ku iibsan jireen ee deegaanka Miro-cowleed ayaa xanuunka dartiis u xirantay.
Qoyska Rufaaci oo 7 ah 40 ari ah oo ka badqaba cudurka ayay xanaanaystaan, balse suuq la’aanta ayaa sababtay in beec u waayo xoolaha iibka gala.
Waxay ku tiirsan yihiin kiilooyin raashin ah oo dad qaraabadiis ah ay ku caawiyaan, kuwaas oo maalinkii hal waqti ay dabka ku shitaan. Wuxuu xusay in dhaqaale xumada haysa ay sidoo kale biyo yari bidday.
“Lacagtii haddii ay yaraatay inta badan dadku waxay cabbaan biyo wasaqaysan oo baraagaha gala oo xareed ah. Biyaha matoorka ee nadiifka ah inta badan qarash looma helo. Booyad baa lagu keeni jiray waa la awoodi waayay.”
Dhinaca agaasimaha wasaaradda xannaanada xoolaha Galmudug ayaa kula taliyay xoolo-dhaqatada in xilligan ay yareeyaan isku-guurguurka, kaasi oo sababi kara in xoolo hor leh in xanuunku uu ku dhaco.
Wuxuu uga digay dhibaatada ka dhalan karta xoolaha la daaweeyo in hilibkooda iyo caanahooda la isticmaalo.
“Ha isticmaalin hilibkiisa 21 maalmood. Ha isticmaalin caanihiisa 72 saac. Waxaa oo dhan waxaa eeye marka neefka dawada ay gasho oo waliba si qaldan loo siiyo, iyaguna dhibaatooyin badan bay leeyihiin oo waxyaabo badan badan bay dhalinayaan. Waxaa laga yaabaa in caloosha qofka ay waxyeellaan oo qofkii shuban ku dhaco.”
Cudurrada faafa ee ku dhaca xoolaha ayaa sanadihii danbe ku badanayay xoolaha reer guuraaga gobollada dhexe, kuwaas oo dhakhaatiirtu ay u sababeeyeen tabaryarida haysa xoolaha ka soo doogtay abaarta iyo isku-guurguurka xoolo-dhaqatada baad iyo biyo doonka ah.