(ERGO) – Kun iyo labo boqol oo qof oo iskugu jira carruur qaba cudurka shubanka, nafaqo darro iyo haween umulay ayaa dawayn ka helay isbitaal bilaash ah oo laga furay deeganka Beeli-wacatay ee gobolka Bari, sida ay noo xaqiijiyeen maamulka xarunta.
Isbitaalka oo bishii June ee sanadkan ay hirgelisay hay’adda Loins oo ka shaqaysa arrimaha samafalka ayaa meesha ka saaray caafimaad la’aan baahsan oo deegaanka ka jirtay. Waxaa dadku ku qasbanaayeen in ay aadaan degmooyin aad uga durugsan.
Farxiyo Cali Yuusuf waxay da’deedii saddexaad markii ugu horraysay ku dhashay isbitaalka deegaankeeda. Waxay xustay in ay ka baaqsatay dhibaato ay ka mari jirtay xilliga foosha oo loo qaadi jaray magaalada Carmo oo u jirta 60 km.
“Hooyo fool ah oo aan haysan xarun caafimaad dhibkeeday leedahay. Hadda deegaankayaga iyo tuuladayada ayaa xarun caafimaad noo leh. Dawada qaybteed waa taallaa sariirihii waa yaalaan.”
Faraxiyo waxay ka mid tahay ku dhawaad 10 kun oo qoys oo isgu jira dan-yar ay horay u saameeyeen abaarihii dalka soo maray. Waxay awoodin waayeen in ay magaalooyinka ka fog ee leh adeegyada caafimaadka u doontaan.
Haweenaydaan oo qoyskeeda uu ka kooban yahay shan qof waxay sanadkii 2017 ka soo guurtay tuulada Jacayl oo Beeli-wacatay hoos timaada. Abaaro is xig xigay ayay sheegaty inay ka wada laayeen 300 oo ari ah oo ay dhaqanayeen.
Farxiyo ayaa sheegaty in daruufta dhaqaale ee qoyskeeda ay ku sababtay inay iska bixin wayso lacagta gaariga, taas oo keentay inay ku adkaato in ay goob caafimaad geyso ilmaha ka xanuunsada. Arrintas ayaa sababtay inay guriga ku hayso maalmo badan.
“Shuban baa kaaga soo booday saddex iyo afar beri ayaad guriga ku haysatay. Gaarigu waa lacag markaa raf iyo dhibta dhexeba waa ku jirtaa. Gaariga u yar $500 ayaa kirada lagu ingayraa, isbitaalka jiifkiisa iyo kharashkiisa kalena waa kuu dheer haddaa meel caafimaad ka gaarto.”
Farxiya ayaa sheegtay in nolosha qoyskeeda ay ka maarayso maqaaxi lagu iibiyo cuntada bisil oo ay bishii shanaad ee sanadkan ka furatay deegaanka. Waxay ku maal gelisay $300 oo uu daymiyay nin ganacsade ah oo deegaanka ku nool.
Waxay maalinkii ka heshaa $4 oo ku filan biilkooda. Aabbaha reerka oo shaqo la’aan ahaa intii ay deegaankaan joogeen ayay sheegtay inuu ka caawiyo shaqada maqaaxida iyo xanaanada carruurta yar yar.
Waxay tilmaamtay in maaddaama ay markii hore oo miyiga ay ku noolaayeen uusan xirfad lahayn aysan u suuragalin inuu shaqo helo. Waxay sheegtay in dhaqaalaha ka soo gala ganacsigooda cusub uu kaalin ka qaatay in ay soo hagaagto noloshooda.
Dhanka kale xaruntan caafimaad ee cusub ayaa ku soo aadday xilli deegaanka ay ka jiraan cudurro ay ka mid yihiin shubanka iyo malaariyada, kuwaas oo dadku aysan haysan meel ay geeyaan bukaanada balse isbitaalkan uu daboollay.
Duniyo Cabdulaahi Catoosh waxaa loo daweeyay labo ka mid ah carruurteeda oo muddo labo isbuuc ah la jiifay cudurka shubanka. Haweenaydan ayaa sheegtay in hadda carruurteeda ay u bogsadeen ka dib daryeel ay heleen.
“Iyagoo fuq-bax ah ayaan geynay. Quudin bay heleen faleenbooyin ayaa lagu xiray, markaas ka dib ilaahay ayaa ugu soo dhiibay oo iyagoo caafimaadkooda u soo laabtay baan keenay. Isbuuc baan isbitaalka ku haynay. Waxaa is badalay xarun caafimaad baan helnay. Adduunka qofka noloshiisa waa biyaha iyo caafimaadka. Dhibtii hore iyo kurbadii iyo walaacii na haystay baa naga haraya.”
Duniyo ayaa sheegtay in dhaqaatiirtu ay ku wargaliyeen in carruurteedu ay cudurka ka qaadeen biyo aan nadiif ahayn oo ay cabeen, maaddaama dadka deegaanka ay ku tiirsan yihiin baagag ay booyado ku shubtaan.
Waxay xustay inay la’ayd qarash ay ugu qaado isbitaalada magaalooyinka fog ku yaalla. Xogta xaruntaan ayay ka heshay dad jooga deegaanka oo ay ehel yihiin, taas oo u suuragalisay inay keento.
Haweenaydan ayaa tilmaamtay in xilli la durday ay ku soo kacday xanuunka carruurta. Maalmo ay xaafada ku haysay ayay sii darsadeen, taas oo sababtay inay isbitaalka geyso iyagoo miyiir la’aan.
Waxay qoyskeed ku nool yihiin miyiga degaanka tuulo-xarago oo 35 km u jira Beeli-wacatay. Waxay sheegtay in masaafadaas ay garabkeeda ku soo qadday carruurteeda si ay isbitaalka u soo gaarsiiso.
Duniyo ayaa xustay in dawaynta ay u dheer tahay nafaqayn loo sameeyay oo u sahashay inay muddo yar uga soo kabtaan dhibaatadii ka soo gaartay jirada ay muddada la jiifeen.
Waxay qoyskeeda oo 10 qof ka kooban noloshoodu ku tiirsan tahay 80 ari ah oo miyiga ay ku dhaqdaan. Haweenaydaan ayaa tilmaamtay inay hadda deegaanka ka jirto daaq yari sababtay inay xooluhu nacfi beeleen.
Duniyo ayaa sheegtay in ariga u jooga uu yahay mid nugul ah oo ay ku yar yihiin wax suuq gala. Arrintaas ayay xustay in qoyskeeda ay badday nolol xumo, maaddama aysan lahayn il kale oo dhaqaale.
Caasha Caruus Maxamed oo ka mid ah dhaqaatiirta ka howl gasha isbitaalka deegaanka ayaa tilmaantay labadii toddobaad ee ugu danbaysay ay soo booqdeen ku dhawaad 200 oo bukaan.
Dadkan ayay tilmaamtay inay iskugu jireen dad cudurro qaba iyo kuwa ay soo gaareen dhaawacyo iyo qaniinyada bahallada.
Haweenka u umalaya iyo carruurta yar yar ayay sheegtay inay yihiin kuwa ugu badan ee xarunta soo booqda. Waxay sheegtay in ay helayaan dhamaan adeegyada caafimaad marka qaliinka laga reebo.
“Xarunta cusub waa sagaal qol. Waxay ka kooban yihiin qaybihii nafaqada, farmashigii, qaybtii hooyadu ku dhali lahayd, qaybtii bukaan jiifka. Waxa laga helayaa dawooyinkii noocii aad u baahato. Waxaa jirtay barigii hore xitaa dhiig joojin in aan la heli karin, xarun weyn ayaa hadda laga rabaa.”
Caasho ayaa sheegtay in dadka qalliimada u baahan ay usii balamiyaan una gudbiyaan isbilaada waa weyn ee magaalooyinka Boosaaso, Balidhidin iyo Carmo. Waxay xustay in dumarka umulaya ay markii hore ku tiirsanaayeen umuliso dhaqameedka oo aysan heli karin dhaqtar ama adeeg caafimaad, taas oo mararka qaar ay halis kala kulmi jireen.
Xaruntaan oo dhismaheeda uu socday muddo labo sano ah waxaa hadda ka howlgala labo dhaqtar iyo saddex kalkaaliye, waxaana dawada iyo qarashka shaqaalaha ka taageeraya wasaarada caafimaadka ee maamulka Puntland.
Deegaanka beeli-wacatay oo dhaca bariga fog ee gobolka ayaa ka mid ahaa deegaanada ugu daran ee dadkoodu ay caafimaad la’aanta ku dhib qabeen. Waxaa sanad kasta dhici jirtay in dad ay u geeriyoodaan inta aan la gayn goob caafimaad waddo xumada iyo fogaanta darteed, taas oo hadda mesha ka baxday.