(ERGO) – Cabdicasiis Cumar Cismaan oo ah xaasle wuxuu ku filnaaday maareynta nolosha qoyskiisa, markii uu ku shaqo billaabay mooto saddex lugood leh oo ay saarantahay booyad uu biyaha ugu dhaamiyo maqaayadaha iyo xaafadaha Hargeysa.
Shaqadan waxaa maalinkii ka soo gala ugu yaraan $18. Waa qofka kaliya ee ay ku tiirsan yihiin reerkiisa iyo labadiisa waalid iyo saddex ay walaalo yihiin. Cabdicasiis ayaa ka mid ah 86 qof oo ah danyar maamulka Dowladda Hoose u maalgaliyay ganacsiyo kala duwan.
Soddon ka mid ah waxaa lagu wareejiyay mootooyinka xambaara booyadaha iyo noocyada labada lugood leh ee qaada dadka iyo alaabooyinka yar yar. Sidoo kale 56 dumar ah ayaa iyagana la siiyay lacago $350 illaa $450 ah oo ay ku furteen ganacsiyo ah isha kaliya dhaqaale ee ay hadda ku tiirsan yihiin.
Cabdicasiis ayaa sheegay in tan iyo markii uu shaqadan billaabay 25 bishii June ay qoyskiisu ka baxeen cunno yari haysatay.
“Markii hore maalmaha qaar ayaa quutal daruuriga la waayi jiray oo kan yar caanuhu ka go’i jireen. Hadda shaqo rasmi ah baan helay. Nin meel ku tiirsan iyo nin kale isku mid maaha.”
Cabdicasiis ayaa booyadda oo qaadda 700 oo liiter ku shaqeeya toddobaadka oo dhan. Wuxuu xusay inay tahay shaqadii ugu dhaqaalaha badneyd ee soo marta. Reerka wuxuu ku maareyn jiray shaqo aan joogto aheyn oo ah xoolaha oo uu u gowraco haweenka kawaanlayda ah.
Maalinka uu qabto howshan wuxuu ka heli jiray $10. Bishii ugu badnaan labo toddobaad ayuu tilmaamay inuu ka shaqeyn jiray. Cabdicasiis oo ah aabbaha saddex carruur ah ayaa tilmaamay in dhowr iyo soddonka cesho ee uu shaqeynayo uu keydsaday lacag $100.
“Shaqadan dhigaal iyo wax aan dib u dhigtaaba wey iga soo galaan oo lacag yar oo aan meel ku dirsado iyo in kale oo aan meelo kale dhigtaba. Dhawr kaadh baan wax ku kala dirtaa. Mid labaatan kun ayaan habeen kasta ku diraa, midna toban baa ku diraa iyo masaariifta xaafada.”
Cabdicasiis oo 24 jir ah ayaa xusay in nolosha adag ay ka hor istaagtay inuu wax barto, balse uu ku dadaalayo in sidaas oo kale aysan ku dhicin carruurtiisa oo wiil 5 jir ah ugu weyn yahay, taasi waa sababta uu dhigaalka joogtada u sameynayo sida uu sheegay.
Cabdicasiis ayaa intaas ku daray in qoys kiisa lagu taageeray guri ka kooban saddex qol oo jiingad ah, kaas oo mulkiyadiisa uu leeyahay ayay dowladda hoose uga dhistay xaafadda Cabdi Bidaar oo ku taala dhanka waqooyi bari ee magaalada Hargaysa.
Reerkiisa ayaa ka mid ah 100 qoys oo dowladda hoose ay ka rartay biyo fariisinka Daami oo hareerahiisa ay uga dhisnaayeen aqalo cooshad ah.
Madaxa xafiiska Khataraha ee Dowladda hoose Cali Maxamed Nuur ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in qoysaskan lagu xushay duruufo ay wajahayeen oo ah hoy xumo iyo dhaqaale darro ay u dheereyd iyagoo ku noolaa aag ay ku kulmaan qashinka iyo biyaha.
Sahra Xasan Cabdi oo ah hooyada toddobo carruur ah waxay nolosha reerka ka maareysa dukaan yar oo ay ku gaddo bagaashka, kaas oo ay ka furatay qol ka mid ah guriga lagu wareejiyay. Waxay xustay in bishii uu ka soo galo dhaqaale gaaraya $200 illaa $250.
Kaligeed ayay u shaqeysaa carruurta oo afar ka mid ah ay dhigtaan iskuul dhexe, sare iyo dugsi Qur’aan ay bishii ka dhiibto $50.
“Baskooda kama welwelo ee waan siiyaa. Markii hore waxaan dhihi jiray welwel farabadan bay igu haysay hadda se waan ka baxay.”
Sahra inta aysan billaabin ganacsigan oo loogu maal galiyay $400 ayay sheegtay inay ku tiirsanaayeen miis yar oo ay ku gadi jirtay qudaar iyo kiilooyin raashiin ah. Waxay maalinkii ka heli jirtay ugu badnaan $3.
Dhaqaale yarida darteed waxay tilmaantay in hal waqti ay wax karsan jireen maalinkii, lacagta waxbarashada carruurta oo aysan awoodina ay ka bixin jireen dad ay qaraabo yihiin. Qorshaheeda ayaa xustay inay qorsheyneysa in bilaha sanadka ka dhiman ay lacag usii uruuriso wiil ay dhashay oo dugsi sare ka baxay si uu jaamacad u billaabo.
Sahra ayaa tilmaantay in xaafadda la dajiyay ay uga reysatay nadaafad darro, ur iyo warwar amni oo ay ku qabtay halkii laga soo raray waloow ay sheegtay in meeshan oo gees ku taalla aysan biyo galin laheyn oo ay booyado u dhaamiyaan.
“Biyaha saddex bilood ayaa naloo shubay, kadibna way naga go’een, ka bacdi qolooyin kale oo muxsiniin ah ayaa marmar noo keena oo taangiyo keydad ah ku shuba. Keydadkaas ayay ku jiraan labo cesho ama hal maalin. Ileen dadku wuu fara badan yahay.”
Qoysaska hela taageeradan oo kale way kooban yihiin. Dadka ayaa u badan danyar aan haysan fursado shaqo. Farxaan Mustafe Cige oo ah 18 jir qoysku badi ku tiirsan yahay. wuxuu ahaa guri joog aan reerka waxba ku soo kordhin ka hor inta aan la siin mooto labo lugood leh oo uu ku shaqeynayo tan iyo bishii July.
Wuxuu sheegay in shaqo la’aantu qasbeysay oo uusan jecleyn inuu wax ka sugo hooyadiis oo miis yar ku gadi jirtay moos, si hal waqti oo cunto ah ay ugu hesho Farxaan iyo sagaal walaalahiis ah oo ay dhashay.
Wuxuu tilmaamay in xaaladaas reerku ka baxeen oo ay hadda helaan cunto ku filan. Shaqadan ayuu xusay in maalinkii uu ka helo illaa $10.
“Imika hooyo wey nasatay. Mar kasta way ii duceysaa oo waxay tiraahdaa Ilaahii nimcadan nasiiyay ayaa mahadsan. Wixii aan u helo waan siiyaa. Imika waxaan u keenaa raashinka.”
Farxaan ayaa xusay in fursadan oo kale aysan horay u soo marin. Mootada oo ku cusub wuxuu ku shaqeeyaa subixii illaa gabal dhaca. Wuxuu ku qaadaa dadka iyo alaabaha loo dhiibto. Dhaqaale intan ka badan ayuu sheegay inuu ka sameyn lahaa, balse ay xadideyso shaqada oo uu ku cusub yahay iyo xaafadaha magaalada oo uusan wada garaneyn.
“Aniga oo aan lacag haynin oo waxba haynin ayey i yidhaahdeen waxa aad bixisaa $10. Waan waayey oo waan soo amaahday. Mootada haddii aad is tidhaahdid wax ka uruuri waxba noqon mayso.”
Farxaan ayaa xusay in qoyskoodu helay dhul iyo guri ay lee yihiin, waxa u haray ee uu rajeynayo inay gaaraana ay tahay waxbarasho iyo il dhaqaale oo ku filan.
Cali Maxamed Nuur oo ah madaxa xafiiska Khataraha dowladda hoose ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay in biyo fariisinka Daami ee qoysaskan laga raray ay aheyd goob halis badan oo sanadkii la soo dhaafay uu ku dhintay wiil yar, markii uu ku dhacay.
Wuxuu xusay in dowladdu hadda ku howlan tahay nadiifinta, ayna ku wareejisay silig ka hor tagaya in wax yeelo ka soo gaarto dadka ku nool xaafadaha ku hareereysan.