Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Kismaayo: Carruur geed hoostiis ku qaata waxbarasho bilaash ah oo laga hirgaliyay tuuladooda

Jibril Osman by Jibril Osman
October 1, 2024
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Kismaayo: Carruur geed hoostiis ku qaata waxbarasho bilaash ah oo laga hirgaliyay tuuladooda

Carruur geed hoostiisa wax ku baranaya/Keydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Afar boqol iyo konton arday ayaa tan iyo bishii June ee sanadkan waxbarasho bilaash ah ku helaya deegaanka Buulo-Xaaji ee duleedka magaalada Kismaayo. Carruurtan waxay da’doodu u dhexayso 7 ilaa 14, kuwaas oo ka soo jeeda qoysas reer guuraa iyo deegaan isugu jira.

Dadka deegaanka ayaa dhibaato ka mari jiray inay carruurtooda u helaan fursad marka ay gaaraan da’da iskuulka, maaddama tuuladan aysan horay u laheyn waxbarasho nadaami ah.

Cabdirisaaq Muxumed Cabdi waa 12 sano jir ka soo jeeda qoys xoolo-dhaqato ah, markii ugu horreysay ayuu xaadiraya fasal waxbarasho. Waxay u tahay billow wanaagsan oo u horseedi doonta inuu ka soo kabto dib u dhacyadii harreeyay geedigiisii waxbarashada.

Wiilkan ayaa ku faraxsan inuu buug iyo qalin isla helay. Labo bil oo uu dhiganayo fasalka koobaad ee dugsiga hoose. Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in weligii uusan ku fekirin inuu waxbarasho bilaash ah heli doono.

“Markii hore waxbarasho ma haysanin, hadda ayay waxbarasho noo billaabatay. Subaxdii waan soo kacaa oo magaalada Buula-xaaji ayaan imaadaa. Waan soo lugeeyaa. Afar maaddo ayaan dhigtaa sida Afsomali, English, xisaab iyo Carabi. Galabtiina waan lugeeyaa.”

Cabdirisaaq iyo labo wiil oo ay walaalo yihiin oo da’doodu ay tahay 9 iyo 10 sano jir waxay shanta maalin ee waxbarashada ka soo lugeeyaan deegaanka Dharkenlay oo iskuulka u jira masaafo dhan 5KM. Wuxuu tilmaamay inay jiraan labo gabdhood oo walaalihiisa ah oo aan gaarin xiliga waxabarashada, balse uu rajayno inay kula soo biiri doonaan iskuulka.

Maxamed Cabdi oo ah aabbaha Cabdirisaaq ayaa ku baraarugay fursadda ah in deegaanka laga hirgaliyay iskuul bilaash ah, markaas oo uu go’aansaday inuu ka soo qoro saddex ka mid ah carruurtiisa oo waxbarasho la’aan ahaa.

Qoyska Cabdirisaaq walwal kama qabaan in carruurtooda ay maalin walba jaraan fogaan dheer, maaddama ay haystaan afar carruur ah oo ay daris yihiin, kuwaas oo ay is weheshadaan, si ay u tagaan iskuulka.

Cabdirisaaq wuxuu Raadiyow Ergo uga warramay sida uu isugu maareeyo waxabarshada iyo xoolaha qoyskiisa oo uu xeradooda ku soo celiyo marka uu ka soo laabto galabtii iskuulka.

“Ardayda ayaan israacnaa. Markaan tago maamada cuntada iyo waxaas ayay karinaysaa. Ariga aniga ayey igu simaysaa. Aniga ayaa raacaya. Habeenkii waan soo hooya ariga. Habeenkii markaan xaafadda tago casharada ayaan diyaarsadaa. Casharka waxaan ku diyaarsada toosh. Waan ka murgaa habeen kasta.”

Qoyska Cabdirisaaq oo ka kooban todobo qof waxay ka mid yihiin xoolo-dhaqatada ku nool duleedka magaalada Kismaayo. Waxay noloshooda ku tiirsan tahay 50 ari ah oo ay deegaanka ku dhaqdaan.

Caruurtaan oo boqol iyo konton ka mid ah ay yihiin reer guuraa waxay wax ku bartaan geed qurac hoostiisa dhaqaale xumo awgeed, maaddama dadka deegaanka iyo dhallinyarada is xilqaamay ay u awoodi waayeen inay gogol ku habboon u dhigaan ardayda.

Bishaar Aadan Maxamed oo qoyskiisu ay degan yihiin Buula-Haaji wuxuu sheegay in iskuulkaan ay u dhigtaan lix carruur ah oo afar ay wiilal yihiin iyo laba gabdhood oo da’dooda u dhaxayso 14-7 sanno jir.

Fursad mar la arag ah ayuu ku tilmaamay in 18 sano, kaddib deegaanka laga furay iskuul ay ka faa’iideysanayaan dadka oo horay ugu dhib qabay helitaanka xarumo waxbarasho.

“Cunug gurigiisa jooga saaka guriga ka tagay, marna dugsi dhiganaya, marna iskuul soo dhiganaya  waa arin muhiim ah, haddana waxbay noo baranayaan ciyaalka aad ayey u fiican yihiin. Wax lacag ah oo aan bixino malahan.”

Bishaar Aadan wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay inuu ka fikiray marar badan in carruurta uu u diro magaalada Kismaayo oo deegaanka Buula-Xaaji u jirta 90KM. Laakiin, ay u saamixi weysay duruufaha nolosha ee ku hor gudbanaa.

Wuxuu xusay in ka waalid ahaan ay masuuliyad ka saaran tahay daryeelka iyo waxbaridda carruurta oo ay ogyihiin kaalintoodu arrintaas ku aadan waxay tahay.

“Waad taqaana magaalo qarashkeeda ciyaal aan aabbe iyo hooyo la joogin laguma hayn karo. Kii nala joogay lagu hayn waayey. Duruuf imaatay aawadeed ayaan u gayn waynay oo noo saamixi wayday.”

Bishaar wuxuu xusay inay rejo badan ka qabaan dadka deegaanka in iskuulkaan uu awood u yeesho daboolidda baahida waxabarashada ee muddada dheer haystaya.

Qoyskiisa ayuu sheegay inay ku faraxsan yihiin in carruurtooda ay u dhiganayaan dugsi quraan iyo iskuul, taas oo uu u arko riyo ay sugayeen muddo badan oo ugu dambeyn u dhabowday. Lix ka mid ah carruurtiisa ayaa u dhigta dugsiga quraanka oo bishii uu ka bixiyo $7.

Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in labada bil ee ilmihiisa ay dhiganayaan iskuulka uu ku arkay faham iyo fir-fircooni fiican. Helitaanka waxabarasho lacag la’aanta iyo in lagu caawiyo buugaag iyo qalimaan wuxuu ku tilmaamay fursad uusan waligiis hilmaami doonin.

“Waxbarasho maadiya ma aysan jirin. Dugsi quraan ayaa ka jiray. Dugsi quraankana waa dhiganayeen. kama jirin hadee  wadanka  waxbarasho noocaas ah oo lamana ogolayn. Goob waxbarasho oo ilmo lagu aamino oo Kismaayo ka soo kaysa ma aysan jirin.”

Qoyska Bishaar oo ka kooban 14 qof waa xoolo-dhaqato beeraleey ku tiirsan beer ku baxda xili-roobaadka oo shan hiktar ah iyo 15 neef oo ari ah oo ay ku haystaan tuulada Buula-Xaaji.

Koox dhallinyaro oo 14 ah oo ka soo jeeda deegaanka ayay ka timid aragtida hirgalinta iskuulkaan, markii ay arkeen baahida waxbarasho ee deegaankooda ka jirta sida uu Raadiyow Ergo u sheegay Xuseen Xasan Bashiir oo ah maamulaha iskuulkaan.

Waxay sheegeen inay sii joogteyn doonaan horumarinta iyo tayaynta waxbarashada deegaanka ilaa uu ka miro dhalo hadafkooda ah deegaan ku baraarugsan ahmiyadda waxbarashada iyo carruur u heelan inay ka faa’iideystaan.

“Waan isa soo xilqaanay. Qaar magaalada ka tagay iyo qaar deegaanka Joogay. Buugaag iyo wax baan soo qaadnay ardayda u baahan yihiin. Meeshaan tagnay ardayda ma haystaan agab ay wax ku bartaan. Markaan tagnay ayaan ardayda iyo waalidiinta aan isku keenay oo aan la wadaagnay qorshaheena. Kaddib ayaan u sheegnay in meesha waxbarasho ka furayno. Ardayda keen san donaan. Cid nagu qasabtay malaha. Laakiin, annaga dhalinyaro ahaan baahida waxbarashada markaan aragnay ayaan imaanay”.

Xuseen ayaa sheegay in lacag $900 dollar ah ay iska aruuriyeen, taas oo ay caruurta ugu iibiyeen agabka waxbaarshada sida buugaagta, qalimaanta iyo sabuuradaha casharka lagu dhigo. Sidookale wuxuu tilmaamay in wasaaradda waxabarashada Jubbaland ay ku taageertay lixdan buug oo ilaa fasalka afaraad ee dugsiga hoose ah.

Deegaannada ka durugsan magaalooyinka waxaa ku adag inay helaan adeegyada iyo fursadaha aas aasiga u ah nolosha dadka, taas oo marar badan ku noqotay caqabad ay ku adkaatay ka tallaabiddeeda.

Previous Post

Shaqo la’aan ka jirta Barbara oo saameysay Muruq-maal ku tiirsanaa

Next Post

Baydhabo: Qoysas nolol xumo ku wajahaya xero barakac markii colaad ay saameysay

Related Posts

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero

April 24, 2026
Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 24, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 24, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 21, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Next Post
Baydhabo: Qoysas nolol xumo ku wajahaya xero barakac markii colaad ay saameysay

Baydhabo: Qoysas nolol xumo ku wajahaya xero barakac markii colaad ay saameysay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 24-APR-2026

IDAACADDA 24-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 24-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 24-APR-2026
April 24, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 23-APR-2026
April 23, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 22-APR-2026
April 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-APR-2026
April 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-APR-2026
April 20, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo