(ERGO) – Madiino Ibraahim Xasan oo saddex iyo labaatan sano beeralay ahayd, waxay markii ugu horraysay cunno xumo iyo hoy la’aan ku wajahayaan iyada iyo carruurteeda oo sagaal ah xerada lagu barakacay ee Buulo-keerow oo ku taalla duleedka magaalada Baydhabo.
Waxay ka mid yihiin laba boqol qoys oo iskugu jira beeralay iyo xoolo-dhaqato oo abaar uga soo barakacay deegaanada Goof-gaduud-shabeelow iyo Ceeldoon. Waxay soo maciin biday xerada bishii Juun, markii uu ka qalalay dalag u badnaa khudaar oo u saarnaa beer afar hektar ah.
Haweenadan ayaa si ay carruruteeda dabka ugu shido 24 saac hal waqti waxay subax kasta u kalahdaa meel 5 km u jirta xerada ay degan tahay. Waxay ka soo gurtaa xaabo ay magaalada u iib geyso oo ay ku hesho $1 ilaa $1.5. Lacagtas ayay sheegtay in qoyskeeda aysan u goyn cunno mar ku filan maaddaama uu ay badan yihiin.
“Hadda daruuf ayaan wajahaynaa, beerihii waa naga abaarsadeen waan ka soo tagnay. Hadda halkan wax aan dhabarkayga ku keenay oo xaabo ah oo aan nollo fiican lagu heleyn, habeenkoo waan qadnaa habeenkoo waxbaan helnaa sidaas ayaan iskaga nool nahay maahane nolol fiican mahaysano. Wax lahayo malahan, Caruurtayduna waa agoon.’’
Madiino oo ka soo barakacaday deegaanka Goof-gaduud-shabeelow oo magaalada Baydhabo u jira 30 km ayaa sheegtay inay carruurta la soo gashay safar lug ah oo labo maalin ku qaatay. Waxay tilmamtay in ay ka soo tageen guri labo qol oo jiingad ah ka kooban iyo agabkii u yaalay, maaddaama aysan haysan dhaqaale ay gaari ku soo raacaan.
Cunno xumada ayay sheegtay in ay u dheertahay hoy la’aan ku haysata xerada. Waxay tilmaamtay in ay carruurta ku hayso buush ka samaysan calalo iyo qaryo aan ka celin karin cadceedda iyo dabaysha. Waxay sheegtay in xerada oo ay filaysay in ay ka heli doonto nolol dhanta tii ay ka timid aysan u noqon rajadeedii.
Haweenaydan ayaa tilmaamtay in sanadkan uu yahay markii ugu horraysay ee ay barakacdo muddo 23 sano ah oo ay beeraley ahayd. Waxay xustay in sanadkan oo ay beertay dalag aad u badan ay filaysay in ay ka heli doonto lacag u dhaxaysa $1,000 illaa $1,500, balse aysan u suuraabin. Waxay sheegtay in abuurka qasaaray uu kaga baxday lacag gaaraysa $300 oo ay muddo kaydinaysay.
Labadii xilli roobaad ee ka horaysay ayay xustay inaysan tacbin beerta, markiii uu geeriyooday saygeeda oo isagu ka shaqayn jiray. Waxay sidoo kale ka welwelsan tahay qaabka ay ku bixin doonto lacag $250 ah oo ay dhowr mar ku deynsatay rashin kiilooyin ah oo ay carruurta dabka ugu shidatay.
“Biyo la’aan ayaan noqonay abaar laba sano ah ayaa nagu dhacdey sidaas darteeda ayaan u soo barakacnay. Ilaah xagtiisa ayaan wax ka sugeynaa. Deyntaas la igu leeyahay ayaa carruur intaas ah wax uga weydiiyaa waxaaga waan kusiin doonaa ayaan dhahaa sidaas ayaan ku maareeyaa.Markii Ilaah wax iibixiyo ayaan idin siinayaa sidaas ayaan dadka is kaga reebaa.’’
Madiino oo ah qofka kali ah ee qoyska uu ku tiirsan yahay ayaa sheegtay in sidoo kale shaqada xaabo gurista ah ay dhibaato ku qabto. Waxay xustay in xaabada ay garabkeeda uga soo qaado meel aad uga fog xerada, taas oo ay tilmaamray in ay culays ku hayso. Shaqada oo ku qaadata maalin dhan ayay sheegtay in ay soo hesho lacag yar oo aan suuqa wax wayn ka goyn.
Nolosha barakacnimada ayay tilmaamtay inay hadda xamili la’yihiin. Waxayna ka saamaysay dhan kasta oo nolosha ah. Afar ka mid ah carruurteed oo dugsiga ugu jiray markii hore ayay xustay in hadda aysan waxba baran. Waxay awoodi waysay in markii ay timid xerada ay ku darto waxbarasho faro marnaanta dhaqaale darteed.
Roob yarida oo labo xilli roobaad oo is xegay ka jirtay deegaanada ay dadkan ku noolaayeen ayaa wada samaysay xoolo-dhaqatada iyo beeralayda. Aadan Cabdiraxmaan Salaad wuxuu qoyskiisa oo lix qof ah uu xerada la soo degay bilowgii bishii July ee sanadkan. Wuxuu sheegay in xerada ay ku hayso cunno yari aad u liidata.
Waxay hadda quutaan raashin yar oo isagoo bisil ay habeenkii siiyaan dadka dariska la ah. Habeenada qaar ayuu sheegay in ay qatooyo ku seexdaan haddii ay dariska caawinaadda ka waayaan. Wuxuu shegay in carruurtiisa laga dareemayo jir ahaan daruufta ay ku nool yihiin mudada yar ee ay xerada joogaan.
“Noloheena waxay ku sugantahay cariiri aad ayey iigu culustahay arintan, Haddii sidaan ku sii socoto culayskan saa’id ayuu noqonaa carruurtaada iyo xaaskaaga amay gacantaada ka baxaan ayaan ka cabsi qabaa.”
Aadan ayaa sheegay in qoyskiisu uu ka soo dalaabeen degaanka Ceeldoon oo Baydhaba hoos taga, markii daaq la’aan ay kaga dhamaadeen tiro iyo bar ari ah iyo shan neef oo lo’ ah oo ay dhaqanayeen. Wuxuu sheegay in xoolaha dhaafay ay ahaayeen halka meel ee ay ku tiirsanaayeen ilaa iyo haddana ay ka soo kabsan waayeen saamaynta gaartay.
Ninkan cunno xumada wuxuu xusay in ay u dheer tahay biyo yari. Wuxuu sheegay in ay biyaha ka doontaan ceel u jira 2 km. Halkii jirigaan ayuu tilmaamay in laga siiyo shan kun oo shilin soomaali ah. Markii aysan lacag haysan waxay dib uga soo labtaan iyagoo ooman oo dadka ceelka leh aysan dayn siin maaddaama aysan aqoon.
Markii uu yimid xerada wuxuu isku dayay inuu ka shaqaysto dhismaha guryaha uu u raadsado magaalada Baydhabo, balse deegaanka oo uusan cidna ka aqoon iyo shaqooyinka xoogsiga ah oo waji garasho la isku siiyo ayay ku adkaysay inuu helo dad uu u shaqeeyo.
“Welwelka hadda aan dareemayo waxa weyaan shaqo mahayo sidaas daraadeeda xaasna waan leeyahay, carruurna waan leeyahay markii hore waxan ka shaqeyn jirey shaqo dhegax shaqadiina waa iga istaagtey laba bilood ma shaqeyn dadkii aan ushaqeyn laheyn ayaa la weysan yahay.’’
Aadan ayaa sheegay in go’aankiisii ahaa in uu xeradan soo dego uu hadda ka shalaynayo. Wuxuu xusay in markii uu imanayay uu filayay in uu heli doono caawin ka saacidda in uu ka soo kabsado saamaynta gaartay, balse aysan dhicin. In uu ku hungoobay filashadiisii ayuu sheegay in ay u raacday in carruurta qaar ay kaga xanuunsadeen xerada. Wuxuu aaminsan yahay in ay qaadeen cudurro aan la baarin oo xerada ka jira.
Ninkan wuxuu naawilayaa in qoyskiisa uu ka saaro xerada haddii uu heli lahaa cid ka sacidda qarashkii uu guri ku kiraysan lahaa. Wuxuu aaminsan yahay in nolosha barakacnimada ee uu hadad ku jiro ay ka liidato tii uu ka soo barakacay.
Cismaan keerow Xasan oo ah guddoomiyaha xerada Buula-keerow ayaa sheegay in maalin kasta ay soo gaaraan barakac hor leh. Wuxuu tilmamay in ka maamul ahaan ay ku dedaalen sidii dadkaas ay u qaabili lahaayeen, balse hadda ay dhaafeen heer ay wax ka qaban karaan. Dadka cusub iyo kuwii horay u joogay ayuu sheegay in ay hadda ku jiraan nolol isku mid ah.
“Xerada laba boqol oo qoys ayaa ku nool qaar toban beri ayay joogaan xitaa shaley waxa imaadey haweeney agoonley ah. Xerada biyo malahan, cunto malahan, musqul malahan. Wax hal maalin loo qabtey intii la aas-aasey majirto waxan ka codsanayaa hay’adaha samafalka iyo maamulka Koonfur-galbeed iyo dowlada dhexe inay sida ugu dhaqsiyaha badan bulshada halkaan ku baaba’aysa ku soo gaaraan ayaan idin ka codsanaa.’’
Cismaan ayaa sheegay in dadka cusub ay imaanayaan xerada iyagoo faro maran. Wuxuu xusay inay ku qasbanaadaan inay dadka wax u soo waydiiyaan si loogu heli wax ay markaas cunaan. Dadka magaalada Baydhabo ayuu sheegay in ay wax uga soo aruuriyaan. Waxay tagaan meel kasta oo la isugu yimaada iyaga oo ka warbixiya xaaladda dadkan.