Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Baydhabo: Dad naafo ah oo noloshooda ay saameysay barakicin lagu sameeyay

Jibril Osman by Jibril Osman
July 29, 2024
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Khadiijo Soomow oo agabka ay sameyso ay ku adag tahay inay geyso magaalada oo ka fog/Cabdullahi Maxamed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Boqol qoys oo naafo iyo danyar iskugu jira ayaa wajahaya cunno yari, biyo yari iyo hoy xumo. Xaaladan ayay ku sugan yihiin tan iyo bishii Maarso, markaas oo ay dageen xerada Al-aamin ee duleedka Baydhabo.

Halkan oo aan laheyn adeegyada biyaha, caafimaadka iyo waxbarashada ayay maciin bideen, markii dad dhulka lahaa ay qasab uga saareen xero magaalada dhexdeeda ah.

Khadiijo Soomow Aadan oo dadkan ka mid ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in halkan ay ku doorteen si aan mar kale loo barakicin, maaddama iyagu yeelanayaan mulkiyadda dhulka.

Khadiijo ayaa xustay in maareynta nolosha qoysku ay ku adkaatay tan iyo markay timid halkan. Waxay guriga ku farsameysaa babisyada, xaaqinka iyo dambiilaha oo ay ka sameyso cawda. Toddobaadkiiba hal maalin ayay hadda u iib geysaa magaalada, balse markii hore maalin kasta ayay geyn jirtay.

Waxay tilmaantay inay awoodi wayday in joogto ay u tagto magaalada oo ka fog masaafo 5 km ah. Arintaasi waxay keentay inuu hoos u dhaco dhaqaalaha ay heli jirtay oo $1 illaa $2 ahaa maalinkii.

Hal waqti ayay sheegtay in dabka ku shitaan ugu badnaan saddex Doollar oo ay hesho toddobaadka ay shaqo tagto.

“Waxan ayaan sameeyaa intaas ayaan qaxwada aan ku karsadaa, gabar aan dhaley oo baadiya jirta ayaa xoogaa masago ah ii keentey oo ii  soo shiitey. Mushaariyo sukor la’aan ah ayaan ku karsadaa oo aan ku noolahay aad ayaan dhib ugu nool nahay.”

Khadiijo oo 63 jir ah waxay naafo ka tahay lug iyo gacan, kaligeed ayayna korisaa toddobo carruur ah.

Waxay xustay in ugu yaraan saacad ay ku qaadato gaarista magaalada, soo noqodkana intaas oo kale ay soo lugeyso. Waddada ayay sheegtay inay xuntay, sidaas darteedna uusan jirin gaadiid soo gala iyo mid ka baxa xerada ay deggan tahay.

“Dad dhibaateysan ayaan nahay. Naftirkeyga naafo ayaan ahay waan jabey istaaga ayaan ka dhacay mar hore ayaan jabey. Hada wey igu soo kacdey. Daawo mahesto wax aan hesto malahan. Baad mahayssto, biyo mahaysto. Qof maanta biyaha ii soo aroora mahaysto oo gabr ah oo ii dhow, carruurteydu meeshaas fog biyaha kama soo qaadi karaan.”

Haweeneydan ayaa sheegtey in warwar joogta ah uu ku hayo mustaqbalka carruurteeda oo aan haysan waxbarasho, walina aysan xalka u hayn.

Waxay intaas ku dartay in hoy xumo ay u dheertahay xaaladahaas. Waxaa u dhisan aqal aan ka xajin karin dabeysha xagaaga iyo dhaxantii habeenkii oo ah cooshad ka sameysan maryo, geedo iyo karaatoon leysku geeyay.

Muddo afar sano ah oo ay ku jirto nolosha barakaca ayay tilmaantay inuusan qoyskeedu saldhigan oo aysan helin wax yaabaha asaasiga ah ee nolosha.

Sanadkii 2020 ayay ka soo barakacday tuulada Buula Barako oo Baydhabo ujirta 60km. Waxay noloshoodu ku tiirsaneyd beer shan hiktar ah oo tacabkeedu u istaagay roob yari darteed.

Qureysho Aadan Isxaaq oo korisa 5 carruur ah waxay tilmaantay in helitaanka hal waqti oo cunto ah ay u marto dhibaato badan oo ay dhaxal siisay meesha fog ee dantu ku qasabtay inay degaan.

Cows ay ka soo gurto beero u jiro masaafo 5 km ah ayay u iib geysaa maalin kasta magaalada oo ka fog intaas oo kale.

Howshan ayay xustay inay ku qaadato 12 saac. Dhaqaalaha ka soo gala maalinkii ayaana ah $.80 senti illaa $1. Waxay tilmaantay in marna shaqadan aysan qaban laheyn, balse duruuftu ay ku qasbeyso.

“Subixii salaadda markan baxayo koob shaah ah haddii aan u heli karo waan u karsanayaa. Xoogaa canbuulo ah oo caawa bariyey oo subixii ku af billowdaan ayaan siinayaa. Habeenkii ayaa xoogaa mashaari ah aan ukariyaa. Bannaanka ayaan u foofaa oo beeraha dadka oo baadiyaha ah ayaan cagaar ka soo guraa.”

Qureysho ayaa tilmaantay in biyaha oo hay’ado u dhaamin jireen ay bilaash ku heli jireen, markii ay degganaayeen magaalada, balse hadda ay iibsadaan. Waxay ka soo dhaansadaan balli ka fog masaafo 4 km ah oo rag beeraley ah ay sameysteen si ay ugu waraabsadaan dalagyada xilliga jiilaalka ah. Jiirkaankii ayaa laga siiyaa boqol Shillinka Soomaaliga ah.

Waxay sheegtay in dhaqaale darro awgeed maalinkii ay isticmaalaan hal ama labo jiirkaan oo kaliya iyagoo intaas ka badan u baahan. Waddo xumo ayay sheegtay in intaas ay u sii dheertahay.

“Baabuurkii hay,adda halka jidka fiican leh ayey ku ekaaneysaa nama soo gaaraan  si ay nagu soo gaaraan malahan. Jidkii ayaaba xun. Boholo ayaa ku go,an dheg-xaan ayaa yaallo. Qof kaa jibinaya malahan.”

Qureysho oo 51 jir ah ayaa xustay in si kedis ah lagu barakiciyay oo aan loo sii sheegin, taasina ay keentay in naftooda iyo in yar oo alaab ah ay ka badbaad satay cagaf loo adeegsaday burburinta aqalada ay ku noolaayeen.

‘’Buush ayaa iigu dhisnaa, musqul ayaa noogu dhisneyd. Annagoo fiirineyna ayaan ka soo tagney meel aan geyno malahayn. Cagaf ayaa nadaba taagneyd oo naga dumineysey.”

Qureysho ayaa tan iyo sanadkii 2020 waxay ku nooshahay xeryaha barakaca. Waxay aheyd beeraley degganeyd deegaanka Goof-gaduud Shabeelow oo Baydhabo ujira 31 km. Beerta oo tacabkeedu ku tiirsanaa roobka ayay sheegtay inay u wayday biyo ku filan.

Dadka qaba baahiyaha gaarka ah ama naafada ah waa kuwa ugu nugul ee ku nool xeryaha lagu barakacay, maaddama ay ku adag tahay inay qabtaan shaqooyinka xoogsiga ah oo qoysas badan ay ku maareeyaan noloshooda.

Saciid Cusmaan Daahir oo aragga naafo ah waxa uu ka mid yahay dadka ku nool xerada Al-aamin. Qoyskiisu malahan ildhaqaale oo aan ka aheyn dadka ku nool xerada oo qoyskasta uu siiyo wixii uu awoodo.

Maalmaha uu dabku ka damo dawarsi ayuu u tagaa magaalada Baydhabo. Uma sahlana in kaligiis uu socdo, balse waxaa caawiya qaar ka mid ah dadka kula nool xerada oo gacanta sii qabta markay magaalada aadayaan. Xaaladaas ayuu ku koriyaa toddobo carruur ah oo aan waxbarasho tagin.

“Markaan magaalada daganaa marmar hay,adaha ayaa wax nasiin jiray hadda waxba ma helo intaan meeshan ku noolahay. Waxaa noo sii dheer dhibaatada waddo xumada nagu hayso. Intaan meeshan joogay xaaskeyga fool ayaa qabatey, gaari dameer ayaa halkan lagaga qadey. Gaari dameerkii cisbitalka waan la gaari waayey, markaas kaddib ayaan mooto aan raadiyey, markii aan laamiga gaarey ayaan mooto kireystay. Dhib xoogan ayaan maray, laakiin Alxamdu Ilaah markii dambe waxay ku dhashay isbitaal lacag la’aan ah oo aan geeyay.”

Saciid oo 57 jir ah ayaa tilmaamay in markii uu daganaa magaalada ay u fududeyd in maalin kasta uu u dawarsi tago xaafadaha ku xeeran, balse hadda toddobaadka oo dhan saddex jeer uu guriga ka baxo.

Saciid ayaa aragga waayay isagoo lix jir ah, markaas oo uu ku dhacay cudur uusan garaneyn. Sanadkii 2017 ayuu Baydhabo yimid, xilligaas oo uu ka soo barakacay tuulada Moolmad oo  katirsan gobolka Bakool .

Noloshooda ayaa ku tiirsaneyd beer 5 hiktar ah oo uu xusay in amni darro iyo abaar darteed u tacban waayay.

Qoysas badan ayaa xeryaha lagu barakacay ku soo xarooda marka ay ka burburaan ilaha dhaqaalaha u ah sida xoolaha iyo beeraha. Maamulka Koofur Galbeed ayaa dhowaan sheegay in tirada dadka soo barakacay ee ku nool Baydhabo oo kaliya ay gaartay 750 kun oo qoys.

Qulqulka dadka cusub ee xeryaha soo gaaraya waa midaan joogsan, balse tirada noqoneysa way yartahay.

 

Previous Post

Qardho: Qoysas uu dakhligoodu kordhay markii ay casriyeeyeen habka loo dhaqdo shinida

Next Post

Dhadhaab: Nolol-xumo ka dhalatay shaqo la’aan soo wajahday xoogsatada dhismaha guryaha

Related Posts

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga raray xeryo ku yaalla Kismaayo oo ka cabanaya shaqo la’aan iyo nolol xumo

September 3, 2026
Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa
Cunto-Yaraanta

Qiimo kororka shidaalka iyo canshuur dheeri ah oo nolol xumo galiyay danyarta Hargeysa

September 1, 2026
Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nugul oo ku xoolo beelay roob la’aanta oo ku biiray xero ku taalla Gaalkacyo

August 28, 2026
Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Xoogsato laga hor istaagay shaqadooda oo Baydhabo ku wajahaya nolol xumo

August 27, 2026
Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha
Cunto-Yaraanta

Hargaysa: Nolol xumo ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay dad ku tiirsanaa sarifka lacagaha

August 25, 2026
Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kalluumeysto barakac ku ah Muqdisho oo ka cabanaya xirfad la’aan ka dhan ah shaqadooda

August 24, 2026
Next Post
blank

Dhadhaab: Nolol-xumo ka dhalatay shaqo la’aan soo wajahday xoogsatada dhismaha guryaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 03-SEP-2026

IDAACADDA 03-SEP-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 03-SEP-2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-SEP-2026
September 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-SEP-2026
September 2, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 01-SEP-2026
September 1, 2026
Episode play icon
IDAACADDA MAANTA 31-AUG-2026
August 31, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 30-AUG-2026
August 30, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo