Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Nolol-xumo ka dhalatay shaqo la’aan soo wajahday xoogsatada dhismaha guryaha

Jibril Osman by Jibril Osman
July 30, 2024
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Abadir Huseen (oo kursiga ku fadhiyo) iyo xoogsato shaqo la'aan ah oo hal goob ku sugaya fursad shaqo/Axmad Cabdullahi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoyska Abaadir Xuseen Isaaq oo shan iyo toban qof ah ayaa wajahaya hubanti la’aan cunno labadii bil ee la soo dhaafay. Ninkan oo ka mid ah muruq-maalka ka shaqeeya  dhisamaha guryaha ayaa shaqadiisii waayay markii dhaqaale xumo ay saamaysay guud ahaan dadka ku nool xeryaha Dadaab.

Abaadir wuxuu ka mid yahay in ka badan 600 oo ah rag ka shaqaynayay dhismha guryaha ee xeryaha qaxootiga oo shaqo la’aan wajahay, maaddaama ilaa bishii Abriil aysan helin cid ay guri u dhisaan ama ay dayactir ugu sameeyaan.

Qoyskiisa waxay noloshoodu hadda ku tiirsan tahay kiillooyin masago ah oo ay ka helaan hay’addaha gargarka. Raashinkan ayaan ku filayn qoyskiisa, wuxuuna ka dhamaadaa iyadoon la gaarin xilligii la qaadan lahaa gargaarka xiiga ee bisha kale.

“Xaaladda qoyska aad iyo aad ayay isaga liidataa. Wax aan awoodi karo oon xaaskii maanta siin karo malahan. Ilmaa meesha joogaa oo yaryar baa guriga ii joogaa. Wax aan gacan kuma hayo si aan wax yeelo ayaan garan la’ahay. Awal guryaha waxaan ku dhisnaynay 5000 shantii mitir. Hadda sidii ma jiraan.’’

Abaadir ayaa sheegay in uusan hayn qorshe uu ku beddelo shaqada ka istaagtay oo uu ka shaqaynayay muddo 19 sano ah. Dhaqaalaha ka soogala xirfada dhismaha guryaha ayuu ku maarayn jiray nolosha qoyskiisa, balse hadda wuxuu sheegay in ay talo ku ciirsan tahay oo uusan ogayn meel uu wax uga keeni karo.

“Xaaladda aan ku sugannahay waligay maba i soo marin. Moordi wax la yiraahdo ayaan cunaa moordi oo UN-ta ay na siiyay oo engeg ah. Saliid baa ku shubi waa saari Moordigaas ayaan ku nool nahay waxkale gacan kuma hayno.”

Abaadir wuxuu ahaa qofka kaliya ee qoyskiisa u shaqaynayay. Ma jirin meel kale oo dhaqaale uu ka heli jiray reerku, waana sababta uu dabku uga damay, markii ay meesha ka baxday shaqadii dhismaha ee uu gacanta ku hayay sanooyinka badan.

Nolosha qoyskiisa ayaa ahayd mid isku dheelli-tiran bilo ka hor, balse waxay wax walba is beddeleen markii ay meesha ka baxay lacag u dhexaysa $250 ilaa $300 oo uu si bille ah uga heli jiray dhismaha guryaha. Wuxuu hadda noqday guri joog aan soo saarin wax daqli ah.

Abaadir ayaa muddadii uu shaqo la’aanta ahaa lagu yeeshay lacag dayn ah oo garaysa $800, taas oo uu hadda ka walbahaarsan yahay sidii uu ku bixin lahaa. Waxaa culayska ku sii kordhiyay waydiinta joogtadada ah ee dadkii daynta ku lahaa.

“Dad masaakiin ah oo aan waxba haysan baan iska nahay.Intee la aadayaa dadkii dhan isku mid ayay noqdeen, qaxootigii wax yaalla ma leh.”

Abaadir ayaa sheegay in haddii meel ka baxsan xeyaha uu shaqo u raadsan lahaa qaxootiga uu ka midka yahay aan loo ogolayn in ay ka baxaan xeryaha, taas oo uu ku tilmaamay caqabad  muddo dheer haysatay, maaddama aysan deegaanada qaxootiga ka durugsan ka soo shaqaysan karin.

Ninkan ayaa sanadkii 2006 ka soo qaxay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose. Wuxuu ku haystay shaqo xamaali ah, balse dagaalo culus oo ka dhacay ayuu tilmaamay inay danbtu badday inuu kala soo baxsado qoyskiisa iyagoo aan waxba ka soo qaadaan gurigii iyo agabkii u yaalay.

Dhaqaala xumada jirta darteeda waxay raggaan ku khasbanaadeen inay halka mar ee ay helaan shaqo ku qabtaan lacag laba jibaar ka yar tii ay markii hore ku shaqayn jireen, sababta ayay ku sheegeen dadkii loo shaqayn jiray oo aan awoodin inay bixiyaan dhaqaalihii lagu qaadan jiray dhismaha guryaha.

Cabdulqaadir Cumar Cali  oo qoyskiisa ay ka kooban yihiin 9 qof, wuxuu  ka mid yahay boqollaalka qof oo ku shaqaysanayay dhismaha. Xaaladdan hadda taagan ka hor wuxuu ahaa qof maalinkii celcelis ahaan hela $10 ilaa $15 oo qoyska ku goyn jirtay cunno ku filan.

“Markii hore intii aan shaqada ku qaban jirtnay labo jibaar hal meel xataa dhama waxaan ku shaqaynayay. Marka dadkii waa danlay anaguna danlay baanu nahay, dadkii ayagaanba wax haysan.”

Cabdulqaadir Shaqo la’aanta ku dhacday waxay dhaxal siisay in uu awoodi waayo dhamaan masaariifta qoyska, maaddama uusan lahayn wax kayd ah. Waxay hadda qoyskiisu ku tiirsanyihiin masago iyo sareen kiillooyin ah oo ay ka helaan hay’adda gargaarka.

Ninkan ayaa sheegay in uu isku howlay sidii uu raashin deyn ah ugu raadin lahaa qoyskiisa, balse waa loo soo diidaa madaama bakaaradu ay ogyihiin inuu shaqo la’aan yahay oo bixinta dayntu ay ku adkaan karto.

Cabdulqaadir ayaa tilmaamay in cunto la’aanta qoyska u raacday in qaar ka mid ah carruurtiisa oo dugsi iyo iskuul luuqadaha laga barto dhigan jiray ay hadda waxbarasho la’aan yihiin.

“Wax hadda aan lacag ku dhiibo mahayo, saddex baa wax baran jireen. Wax lacag ah oo aniga haatan aan bisha madarasada uga dhiibo ma hayo. Guriga ayay iska joogaan. Bishii waxaan dhiibi jiray 2,000, waa la ii naxariisan jiray. Hadda labadii kun baanaan ba haynin guriga ayay iska joogaan.”

Cabdulqaadir ayaa sheegay in markii ay shaqadu u socotay ugu yaraan bishii uu heli jiray $120 mararka qaarna uu heli jiray $230. Dhaqaale xumida haysa waxaa u dheer khilaaf joogta ah oo qoyskiisa ka taagan tan iyo markii uu shaqadiisii waayay.

Cabdulqaadir ayaa  sheegay in sanooyinkii uu ka shaqaynayay dhismaha guryaha uusan wax kayd ah meel dhigan, maaddama nolol-maalmeedka mushaharkiisu uusan soo dhaafi jirin. Wuxuu tilmaamay inuusan garayn si uu u maarayn doono nolosha qoyskiisa haddii shaqo la’aantaan ay sii socoto.

Cabdulqaadir ayaa ka soo guuray degmada Jammaame ee gobolka Jubada hoose 2013 markii abaaro saameeyay deegaanka ay ka baabi’iyeen beer 3 hektar ah oo nolosha qoyskiisa ay ku diirsanaynd.

Maxamed ayaa sheegay inuu markii hore gaari gacan uga shaqaysan jiray magaalada Muqdisho, balse sanadkii 2005 uu sababo amaan uga soo qaxay. Wuxuu soo doorbiday nolosha qaxootiga, halkas oo dhismaha guryaha uu ku maaraynayay nolosha qoyskiisa.

Qoysaska ku nool xeryaha qaxootiga ayaa badi ku tiirsan kaalmada qaxootiga ee ay bixiyaan hay’adaha gargaarka. Taakuladaas oo aan ku filneyn darteed waxay dadku qabtaan shaqooyin xoogsi ah, si ay uga helaan dhaqaale kaba noloshooda.

 

Previous Post

Baydhabo: Dad naafo ah oo noloshooda ay saameysay barakicin lagu sameeyay

Next Post

Mudug: Xoolo-dhaqato hore oo dhaqaale iyo xirfad ka helay beero ay ka shaqeeyan

Related Posts

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda tuulada sayn ee gobolka Bari oo wajahaya roob la’aantii ugu darnayd

June 13, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku nool Galgaduud oo wajahaya nolol xumo markii gubay beero ay ku tiirsanaayeen

June 12, 2026
Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas ku cayroobay abaar ka dhacday Bari oo noqday kalluumeysto maareeyay noloshooda

June 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Waxbarasho la’aan iyo cunno xumo ka dhashay fatahaad ka dhacday Qalaafe

June 8, 2026
Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada
Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraleyda Bay oo ku qasaaray dalagyo ay filayeen in ay kaga baxaan nolol xumada

June 4, 2026
blank
Caafimaadka

Cudurka Sonkorowga oo saamayn nolol xumo ku haya qoysas danyar ah oo ku nool Gabiley

June 3, 2026
Next Post
Beeraleyda Buurdhuubo oo dib u abuuray beerihii uga baaba’ay fatahaadda

Mudug: Xoolo-dhaqato hore oo dhaqaale iyo xirfad ka helay beero ay ka shaqeeyan

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 14-JUN-2026

IDAACADDA 14-JUN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 14-JUN-2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-JUN-2026
June 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-JUN-2026
June 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-JUN-2026
June 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-JUN-2026
June 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-JUN-2026
June 10, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo