Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Mudug: Xoolo-dhaqato hore oo dhaqaale iyo xirfad ka helay beero ay ka shaqeeyan

Jibril Osman by Jibril Osman
August 2, 2024
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Beeraleyda Buurdhuubo oo dib u abuuray beerihii uga baaba’ay fatahaadda

Dadka ka shaqeeya beeraha dalka/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Shaqada beer-falidda ayaa fursad soo kabasha u noqotay qoysaska 150 rag ah, kuwaas oo ku xoolo-beellay abaarta. Howshan oo ay ka qabtaan beero ku yaalla deegaanka Baxdo-gaabo ee gobolka Mudug waxay ka caawisay helidda cunnada iyo arrad-tirka carruurtooda.

Guhaad Yuusuf Axmed oo 38 jir ah wuxuu maalintii 9 saac oo ka mid ah waqtigiisa ku bixiyaa ilaalinta iyo waraabinta beer 10 hiktar ah. Wuxuu ka shaqo billaabay bishii May ee sanadkan. Dhaqaalaha uu ka helo oo bishii ah $200 ayaa ka saartay qoyskiisa nolol xumo haysay.

Wuxuu sheegay in saddex sano oo xoolo-la’aan uu ahaa kaddib, qoyskiisa oo 6 ah ay si joogto ah u helaan cunno ku filaan saddex waqti maalintii, tan iyo markii uu ka shaqo billaabay beer uu leeyahay nin ka mid ah dadka deegaanka.

Fursaddan shaqo-abuur waxaa ka taageeray rag ka mid ah 18 qof oo kala shaqeeya beerta, kuwaas oo ku xiray milkiilaha beerta. Mushaharka uu helo shaqadiisa waxaa u dheer in dalagga ka soo go’a beerta oo u badan khudaar uu qoyskiisa u ku quudiyo.

“Sifiican ayay iiga dhigan tahay anigoo deegaankayga iyo dalkayga hooyo jooga oo beer ka shaqaysta. Waxaan ka soo helaa qaraha. Waxay iga caawisay markii ay yaanyada iyo waxyaabo kale ka baxaan wixii la ii oggol yahay waan ka qaataa, $200 oo mushaar ahna waa la isiiyaa. Waan ku nool nahay biilka ayaan ka raadsanaa. Waa iska biil waxaan.”

Wuxuu sheegay in uu meesha ka baxay walwalkii ka haystay masruufka qoyskiisa oo muddo sanad iyo bar ah ku nool deegaanka Baxdo-gaabo, halkaas oo qoyskiisa uu dejiyay, markii uu ka soo barakacay miyigeeda.

Abaar ku dhufatay ayaa ka dishay 200 ari ah, waxaana duruuftu bidday in uu soo maciin bido qoys ay qaraabo yihiin oo dulsaar uu ku yahay. Uma suurto galin Guhaad in uu ka maarmo qoyskan, maaddama uusan haysan guri uu leeyahay.

Shaqadan uu hellay ka hor qoyskiisa waxay ku tiirsanaayeen lacag $2 ah oo ka soo gali jirtay howsha dhagax-jabinta oo uu iska-dhaafay. Wuxuu toddobaadkii heli jiray saddex maalin oo ka mid ah. Hal waqti ayuu dabka ugu shidi jiray carruurtiisa.

Hase ahaatee, maalmaha ee uu shaqada soo waayo waxaa qoyskiisa caawin jiray dadka ehellada la ah ee dulsaarta ay ku yihiin. Guhaad oo ka maarmay caawintaas ayaa sheegay in mushaharka uu ka helo shaqadiisa cusub uu qayb ka mid ah siiyo bakhaar ay macaamiil yihiin oo ay raashinka ka soo dayntaan.

“Dayn waa jirtaa walaal. Inta $200 la sugayo dayn baa soo qaataa, hadhowna lacagta ayaan ku dhibaa dukaan aan ka soo qaato raashin, caano-boore, saliid, sonkor, bariis, bur iyo dhar.”

Beerta uu shaqaalaha ka yahay oo uu dhex-joogo inta badan ee maalintii waxaa ku yaalla lix ceel gamed oo lagu waraabiyo. Isaga iyo xoogsatada kale ayaa galinka hore waraabiya, halka galinka danbe ay ka rawaxaan.

Wuxuu qorshaynayaa Guhaad in uu ka guuro qoyska ay dulsaarka ku yihiin inta uusan dhamaan sanadkan, sidoo kalana uu waxbarashada ku daro labo ka mid ah carruurtiisa oo gaaray da’da waxbarashada.

Xoogsatada la midka ah Guhaad beeraha ay ka shaqeeyaan ayaa deegaanka Baxdo-gaabo laga hirgaliyay shan sano ka hor. Dalag u badan khudaarta oo ka soo go’a ayaa loo suuq-geeyaa magaalooyinka Gaalkacyo, Cadaado iyo Hobyo.

Dadka shaqo-abuurka ka hellay waxaa u badan rag ku xoolo-beelay abaaro is-xig-xigay oo ku dhacay qaybo ka mid ah gobolka Mudug. Yuusuf Axmed Abshir oo ka mid ah wuxuu muddo sanad ah ka shaqaynayaa beer siddeed hiktar ah.

Ninkan oo galinka danbe ee maalintii ilaa habeenkii ka howl-gala beerta waxaa la baray sida cayayaanka looga buufiyo beerta iyo habka loo falo dhulka abuurka la galiyo. Wuxuu sheegay in uu hellay dallacaad muddada sanadka ah ee uu shaqaynayay.

Mushaarkiisa oo ahaa $200 ayaa laga dhigay shan bil ka hor $300, waxaana laga caawiyay in uu barto xirfadda wax beerashada si uu u hormariyo beerta uu ka shaqeeyo.

Yusuuf oo 150 ari-cad iyo ido iskugu jira ku waayay abaarta waxaa shaqadan u sahlay nin ay ehello yihiin oo ku xiray milkiilaha beerta. Ka hor shaqada beerta wuxuu ahaa dadka gododka qoda, halkaas oo cunno hal waqti ah uu uga heli jiray qoyskiisa.

“Markii hore nin wax hela marna wax waaya ayaan ahaa. Hadda waxaa weeye markastaba wax waan hellaa. Waalidiintayda iyo walaalahey ayaan noloshooda ku dabbaraa. Waalahey waxbarta waan ku dabbaraa oo waan u tuuraa (lacagta). Bishii qaarna iyagaan u tuuraa qaarna qoyska, sidaas baan ku dabbaraa.”

Labo wiil oo la dhashay, kuwaas oo dugsi hoose iyo dhexe ee Hobyo wax ka barta ayuu bil walba waxbarashooda uu ku dabbaraa lacag dhan $20. Wuxuu sheegay in carruurtiisa oo 3 ah aysan weli gaarin da’da waxbarashada.

Yuusuf wuxuu ka mid ahaa dadkii sanadkii 2016 abaartu ay ka dishay xoolahooda. Tan iyo markaas wuxuu ku noolaa deegaanka Baxdo-gaabo. Qoyskiisa ayaa ku wajahay nolol xumo shaqadan ka hor. Wuxuu awoodi waayay in uu u iibiyo cunno, taas oo ku kaliftay in uu dayn ku tiirsanaado.

Daynta la siin jiray ayaa gaartay $1,300. Markii uu helay shaqada beero falista wuxuu billaabay in uu iska bixiyo daynta. Waxaa u suurto gashay in uu gudo $600 oo ka mid ah lacagtaas. Wuxuu sharraxayaa shaqada uu ka qabto beerta uu ka howl-galo.

“Shaqadaydu waxaa weeye khudaar la beero, cayayaanka laga buufiyo oo la waraabiyo. Marka noloshayda waxbadan bay ku soo kordhisay. Mushaar baan ka qaataa.”

Maxamed Maxamuud Khayre wuxuu ka mid yahay 38 beeraley ah oo shaqaaleysiiyay muruq-maal u badan dad ku cayroobay abaarta. Wuxuu sheegay in beertiisa ay ka howl-galaan 10 qof oo shaqaale ah. Dalaggii u danbeeyay ayaa ninkan u soo go’ay bishii Juun ee sanadkan.

Beertiisa oo lagu waraabiyo biyaha laga soo jiido shan ceel oo uu leeyahay waxaa ka baxa dalag u badan khudaar. Wuxuu xusay in dadka ay shaqaalaysiiyaan ay ku xushaan xoogga iyo xirfadda beer falidda.

“Qofku in uu shaqada qaban karo oo xoog leeyahay, isla markaana uusan ahayn ilmo yar ama shayb (waayeel). Dadka qaarna aqoon bay la yimaadaan, kuwana waa muruq-maal. Dad waxbartay oo aqoon leh way jiraan oo khudaarta iyo sida wax loo daweeyo fahamsan ma garatay?. Marka aad bay u shaqeeyaan, kuwa kalana way tababaraan.”

Dhaqaalaha ay beeraha ka helaan xoogsatada la shaqaalaysiiyay ayaa qoysaskooda u horseeday in ka baxaan hubanti la’aantii cunno ee sanadaha soo jiitamaysay.

Previous Post

Dhadhaab: Nolol-xumo ka dhalatay shaqo la’aan soo wajahday xoogsatada dhismaha guryaha

Next Post

Kismaayo: Qoysas dib-u-dajin loo sameeyay oo wajahaya shaqo la’aan sababtay cunno xumo

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Kismaayo: Qoysas dib-u-dajin loo sameeyay oo wajahaya shaqo la’aan sababtay cunno xumo

Kismaayo: Qoysas dib-u-dajin loo sameeyay oo wajahaya shaqo la’aan sababtay cunno xumo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo