(ERGO) – Cumar Maxamuud Barre waxay qoyskiisa oo 11 qof ah ka baxeen nolol xumo ay muddo ku noolaayeen. Waxaa u suuragalisay markii uu faa’iido wax-ku-ool ah ka helay dhaqashada shinnida oo uu billaabay in uu qaab cusub u xanaaneeyo bishii Janaayo ee sanadkan.
Wuxuu ka mid yahay 100 qoys oo u badan dadkii abaarihii dalka soo maray ku cayroobay oo wasaaradda beeraha Puntland oo kaashanaysa hay’adda FOA ay siisay tababarro iyo qalab ka saaciday in ay wax-soo-saarkooda shinnida kor qaadaan bishii Diseembar ee sanadkii hore.
Wuxuu duleedka magaalada Qardho ee gobolka Bari ku haystaa shinni lix sanduuq ah oo uu si billle ah uga soo saaro malab u dhexeeya 20 ilaa 25 kiilo. Wuxuu xusay in uu ka helo lacag gaaraysa $600 oo ku filnaatay nolosha reerkiisa.
“Wax soo saarkayga wax badan baa iska beddelay, meeshii aan lixda bil mar goosan jiray, hadda bishii mar baan goosanayaa shinnida. Qiimihii waa isku-mid, laakiin wax soosaarkii baa wuxuu ka badan yahay hadda qalabka nala siiyay awgii. Marka wax soo saarku waa badanayaa. Kiilada waxaanu siina $25 ilaa $30 ugu badnaan. Dhaqaalaha aanu malabka ka helno nolosha qoyska waxbarashadda iyo biilkaba waa ku dabarnaa.”
Qoyska Cumar ayaa 2021 ka soo barakacay duleedka magaalada Qardho, markii beer labo hektar ah ku lahaayeen ay nacsi tirtay abaar.
Wuxuu sheegay in markii ay magaalada imaadeen ay dulsaar ku noqdeen qoys ay qaraabo yihiin. Waxay ka heleen qol ay degaan iyo raashin ay ku caawin jireen hadba markii dabku ka damo oo uu wax ka soo waayo shaqo xoogsi ah oo uu magaalka u aadi jiray.
Tababarada uu qaatay ayuu xusay in ay u suuragalisay in uu kordho daqligiisa.
“Tababarkaas waxaanu ka faa’iidney waxbadan oo shinnidda habka loo dhaqdo, habka looga faa’iido ayaan ka faa’ideysanay. Waxaa kaloo nala siiyay qalabkii lagu jari lahaa shinnidda, sanaadiiqda shinnidda. markii hore kama rari karin meesha, beerta ay joogto, laakiin hadda meelkastoo ubax leh ama naq leh baa u rarayaaa. qalabka malabka lagaga saaro isaggana wa analoo keenay. qalab casri ah oo mishiin ah oo gacanta lagaga shaqaynayo.”
Ninkan wuxuu sheegay in maaddaama uu ku filnaaday maaraynta reerka uu qorshaynayo in uu shinnida ka sameeyo ganacsi waara. Wuxuu billaabay hannaan uu ku badinayo tirada shinnida u xaraysa isaga oo soo iibsanaya shinni horle. Waxaa intaas u dheer in uu qaatay saddex shaqaale ah oo ka caawiya hawlaha la qabanayo.
Cumar oo keliya ma ahan dadka ay noloshooda isbeddeshay markay tababarka iyo qalabka heleen. Cabdullaahi Xirsi Maxamed wuxuu shinni shan sanduuq ah ku dhaqanayaa duleedka degmada Qardho. Wuxuu sheegay in taageerada ay wasaaradda ka heleen ay u horseedday in ay isku filnaansho gaaraan.
Ninkan ayaa xusay in muddo todobo bil ah oo uu haysto qalabkan ay qoyskiisa oo siddeed qof ah ay ka baxeen cunno xumo badday in ay hal mar dabka shitaan. Wuxuu tilmaamay in malabka oo bil kasta uu iibgeeyo uu ka helo lacag dhan $500 ilaa $550.
“Waanu ku faraxnaa xilligaan goosaynayo, waxaan dareemayaa in xagga qasnadda dhaqaalaha ay runti aad iyo aad uga qayb-qaadato, gaar ahaan waxbarashadda, biilasha, daymaha, waxyaalahaas oo kale. 30% meeshaan ka heli jirney, hadda 80% ayaan ka helnaa. Anigga qoyskayga iyo labo qof oo kale ayaa ka shaqeeya hadda. Qoysku way wada-dhiiran yihiin, dumarkaa iyo ciyaalkuba waa ka shaqeeyaan.”
Cabdullaahi ayaa sheegay in bishii Juun ee sanadkan uu qoyskiisa ka soo raray tuulada Caduuro oo ay deegaamaysteen dadkii abaaraha ka soo xarooday ee sooo gaaray magaalada qardho. Wuxuu xusay in halkaas ay barakac ku ahaayeen tan iyo sanadkii 2017, xilligaas oo ay abaar uga dhamaadeen labo tiro oo ari ah oo ay dhaqanayeen.
Ninkan ayaa hadda degay meel aad ugu dhaw magaalada oo ah beer uu leeyahay nin ay qaraabo yihiin. wuxuu ku doortay in uu shinnida ugu beero ubax ay malabka ka samayso. Wuxuu tilmaamay in qaabkan cusub uu meesha ka saaray welwelkii uu ka qabay reerkiisa.
Cabdullaahi ayaa sheegay in malabka ay soo saarto shinnidiisa oo uu u iibgeeyo magaalada Qardho tan iyo markii uu tababarka qaatay uu waxbadan ka duwan yahay dhanka dhadhanka iyo saafi nimadiisa kii hore ee ay soo saari jiray sida ay u sheegeen dadka ka gata. Wuxuu xusay in sabab u tahay qalabka la siiyay oo wax badan ka fiican geedihii iyo dhagxaantii ay ku abuuri jirtay.
“Malabkaan waxaan dareemaynaa sida in uu bisaylkiisu inuu sax yahay. Qashin uusan ku jirin, ciid ma leh. Dhir lasoo jejebiyay ma leh. Dadka ugu badan ee iga gata waxay u isticmalaan daawo.”
Cabdullaahi maaraynta baahiyaha reerka waxaa u dheer in afar ka mid ah carruurtiisa oo gaaray da’da waxbarashada uu ku daray iskuul markii uu ogaaday in uu ka bixin karo qarashka ku baxaya oo isku gayn ah $30. Sidoo kale wuxuu qorshaynayaa labo kalana in uu geeyo dugsi qur’aan.
Ninkan intaan la siin qalabka iyo tabbarkan wuxuu nolosha qoyskiisa ka maarayn jiray kalluun uu ku gadi jiray waddooyinka magaalada Qarsho oo uu maalintii ka heli jiray $3 ilaa $4. Lacagtaas ayuu sheegay in aysan ku filnayn qayskiisa balse, uu ku dabooli jiray in bishii uu ku iibiyo raashin bur, bariis iyo sonkor ah. Waxaa meesha ka marnaa arrad-tirkooda iyo adeegyada kale ee ay u baahdaan.
Wuxuu sheegay in hadda uu kaydiyo lacag dhan $150 bilkasta, taas oo uu uga golleeyahay in uu ku iibsado shinni hor leh. Shinnida ayuu aaminsan yahay in ay tahay halka ugu badan ee uu dhaqaalihiisa ku kordhin karo. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dadka kale ee magaalada uu ku dhiirigaliyo in ay ku soo biiraan shaqashadeeda.
Dhamaan dadka ka faa’iidaystay taageeradii wasaaradda ayaa hadda samaystay iskaashato ay ku midaysan yihiin. Waxay ka shaqaysaa sidii sare ay ugu qaadi lahaayen wax-soo-saarkooda ayna iskaga bahaysan lahaayeen caqabadaha la soo gudboonaada.
Cabdiwaasic Bilaal Cabdoow oo ah guddoomiyaha Iskaashatada ayaaa Raadiyow Ergo u sheegay in ay tan iyo markii ay taakulada heleen ay ku dhiiradeen in ay ku tallaabsadaan horumarro cusub. Waxa ugu horreeya ee ay iskaashatadan xoogga saartay ayuu ku tilmaamay in ay tahay sidii suuq gayn ay ugu samayn lahaayeen malabka.
Dhamaan gobolada dalka iyo qurbajoog Soomaali ah ayuu sheegay in ay kaga yimaadaan dalabaad, taas oo ay si xirmooyin ah ay uga iibiyaan. In ay qaab koox koox ah ay wax u gadaan ayuu sheegay in ay ugu jirto labo faa’iido oo kala ah in qof kasta uu suuq u helo malabkiisa iyo in ay gadaan qiimo isku mid ah.
Sidoo kale Cabdiwaasix ayaa sheegay in marka laga yimaado faa’iidada ay ka helaan malabka ay jirto nadaam-guur si guud ugu dhaca sanooyinkii danbe shinnida. Wuxuu xusay in ay horay shinnidu ugu dhalan jirtay dhulka dooxooyinka balse hadda ay jiraan dad dhibaato u gaysanaya.
“Labo siyood ayaa loo burburinayaa shinnida godadkii iyo qararkii ay ku nooleed waa la baabi’iyay haddii ay deeg qawaax tahay salkay ka jarayaan dadkii reeer miyiga ahaa haddi ay geed wayn tahay xabad qawaax ah oo meel ka galay ayaa loo tidayaa. Waxaan kale oo aan maamulka ka codsanaynaa waxaa jira dad culays nagu haya oo deegaankii noogu soo dhacaya oo shinnida burburinaya annaga oo silig xirnay, oodo dhignay oo waardiye samaynayin xitaa waardiyihii la afduumayo oo shinnida la burburinayo. Waxaan leenahay haddii codsigenaas idiin imaado in aan waxka qabataan ayaan maamulka ka codsanaynaa.”
Dhaqashada shinnida oo guud ahaan ku yar dalka ayaa waxaa sanooyinkii danbe soo badanayay dad badan oo ku dhiiranaya. Waxay ka mid tahay qayraadka ay yar yihiin dadka ka faa’iidaysta. Waxaa horay laga aaminsanaa in ay tahay qatar ay adag tahay in laga macaasho walow hadda ay noqotay fursad ay dad badan nololshooda ku beddeleen.