Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muqdisho: Gabar 13 jir ah oo shaqada casaynta kabaha ku dabbarta nolosha qoyskeeda

Jibril Osman by Jibril Osman
July 25, 2024
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Maano oo ku guda jirta shaqo maalmeedkeeda/Hana Mohamed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Canab Cismaan Aayaad waxay dhex fadhidaa buul dhinacyada ka faydan oo ku yaalla xerada Hilaac ee degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho. Waxaa geesaha ka taagan wiil iyo gabar ay dhashay oo da’ ahaan kala jira lix sano iyo siddeed sano. Waxay kula cataabayaan gaajo haysa.

Nolosha qoyska Canab ayaa ku tiirsan labo doollar oo gabadheeda Maano cusmaan oo 13 sano jir ah ay ka keento shaqada kabo casaynta. Waxay maalin walba u kallahdaa waddooyinka iyadoo sidata daasad ay ku wadato agabkeeda shaqada.

Waxay lug ku tagtaa gudaha magaalada. Waxay maalmaha qaar soo noqotaa iyada oo fara maran.

“Shaqadan caseeyo-nimada waxaa igu kalifay walaalkay ayaa awal shaqaynaayay wuu dhintay. Beddalkiisa anaa u galay. Hooyaday anaa biillo wixii aan helo wan siiyaa.”

Maano waxa ay inoo sheegtay in ay shaqadan kala kulanto caqabado maaddama aan looga baran gabdhaha.Dadka ay shaqada u qabato. Kuwo ay shaqo wadaag yihiin iyo derbi jiifta ayaa kula kaca hagar-daamo.

Hase ahaatee waxay sheegtay inay culeysyadaas dabraya ay isku illowsiiso xaaladda dhaqaale xumo ee qoyska ay u tahay hoggaanka.

“Dadka qaarkood dhibaa kala kulmaa. Caseeyaha ayay iga qaadayaan. Dadka qaarna kabaha ayay iga tuur tuurayaan. Nimanka kabaha loo caseeyana lacagta qaarkood waa isiiyaan, kuwa qaarkoodna ma isiinayaan. Waa igala tagaan lacagta. Bashqad eberna way ii tuuraan.”

Lacagta ay maalintii soo hesho ayaa u goysa hal waqti oo kaliya oo ay dabka saartaan Madaal Canbuulo ama soor ah habeenkii. Waxay sheegtay inay maalmaha qaar marka ay waydo cid ay kabaha u casayso inay dawarsato si aysan u soo hoyan iyadoo aan wadin cashadooda.

Maano ayaa dusha u ridatay inay biisho qoyskeeda, balse waxay la kulmaysaa caqabado gaar ah marka la barbar dhigo wiilasha shaqadan ku jira. Duruufaha haysta qoyskeeda waxay u daysay riyooyin ay la nooshahay balse ay ka sii raji dhigayso.

“Waxaan jeclaan lahaa inaa sida gabdhaha facay ah sida u noolyihiin inaa u noolaado oo wax barto. Qur’aan barto. Iskuul galo oo shaqadaan, shaqo ka fiican inaa helo jeclaan lahaa.”

Canab oo ah hooyada Maano ayaa sheegtay in maalmaha qaar sidoo kale ay maciin biddo inay gabadheeda wehliso si ay ugu soo gacan hoorsato dadka dukaamada ku leh suuqyada magaalada.

Haweeneydan ayaa xustay in ninka dhalay carruurteeda in ay kala tageen oo aysan ka helin wax taageero ah. Waxay la murugaysan tahay inaysan carruurteeda u haynin cunno iyo daryeel kale midna.

Waxay tilmaamtay ay keli ku noqotay korintooda. Waxay wajahayaan duruufo isbiirsaday oo ay ugu horrayso hubanti la’aan dhanka cunnada ah.

“Markaan wax wayno dabkeena waa iska dansanyahay. Bogga lee dhulka la iska dhiganaa. Kan yar waa oynaa. Meel looga keenaa malaha waa oynkaraa lee. Kii wayn waa adkaysan karaa cunugyarna ma adkaysan karo. Baahi ma u adkaysan karaan. Hunguri waa rabaan mala haayana ma kasaayaan, xaaladayna waa xuntahay kolay.”

Haweeeneydan ayaa nolosha qoyskeeda ka soo saari jirtay shaqada dhardhaqidda, taas oo ay ka heli jirtay maalinkii ugu badnaan 3 doolar balse ay awoodi waysay markii ay beeshay aragga mid kamid ah indhaheeda.

Dhibaatadan ayaa soo gaartay iyadoo ku hawlan baadi-goobka cid ay u shaqayso markii isha midig uu ka haleeyay dhagax ay is dhaafsanayeen dhallinyaro istuuryaynayay oo is eryanaya bishii November 2022.

“Anoo ganjeel taagan oo dhardhaqow ma rabtiin dhahaayo ayuu ishaan iga soo gaaray dhaawacaan. Dhar haddii aan dhaqi lahaa wasaqda iyo nadiifka ayaan kala arkaynin. Ishaan ayaan ashka ahayn, gacantana mootaa iga dardartay.Way i xanuunaysaa. Saasaan dhardhaqitaanka iskaga dhaafay”.

Xaalada caafimaad ee soo wajahday Canab waxa ay uga baaqsan wayday gaajada ka jirta gurigeeda. Iyada oo xanuunsan ayay ka fursan wayday inay shaqadeedii dib u billowday balse qabashada shaqada ayaa ku adkaatay.

“Haddii aan xaafadaha iska galo oo waa soo dhaqaa dhaho maxaan dhaqaa? waa la dajinaa waa la soo hoobinaa ku noqo  ayaa lay dhahaa. Anigana ishayda wax maka arkaayo. Dhaqowgaas muxuu taraa? Nalka xitaa waa i dhibaa.  Ma fiirin karo. Habeenkii ayaa iigu daran baabuurta waa aadaa. Habeen baabuur wayn ayaa i sigay. Saybiyaano igu halaagi rabay.”

Waxay sheegtay inaysan helin wax daryeel caafimaad ah taas oo dhibaatada ku sii kordhisay. Waxay isku dayday inay dawo hesho balse waxay awoodi wayday inay iska bixiso qarashka lagula kulmo dhaqtarka sida ay Raadiyow Ergo u sheegtay.

Haweeneydan ayaa markii ay ka rajo dhigtay inay xoogsi tago sababo caafimaad darteed ayaa wiilkeeda labaad waxay deriska ka codsatay inay u iibiyaan saddex nooc oo ka mid ah luujatada loo adeegsado casaynta kabaha iyo qalabkooda.

Wuxuu billaabay shaqadan isaga oo 11 jir ah inuu qabto bishii Abriil 2023. Wuxuu maalinle u wareegi jiray jidadka magaalada isaga oo aan haysan cuno saddex waqti ah, una dheertahay baabuur raac la’aan. Wuxuu qoyskiisa ula soo hoyanayay ugu badnaan labo doollar oo ka caawin jiray inay hal xilli dabka shitaan.

Nasiib darro, bishii Jannaayo ee sanadkan ayuu ku dhintay badda xilli uu dabaal u aaday iyada oo aan la ogayn. Qoyskan mar kale waxay waayeen ishii dhaqaale ay ku tiirsanaayeen. Waxay galeen maalmo adag.

 “Kistuu soo helo waa i siinaayay. Caseeyuu aaday. Isagu maba kasaynin, waa la waday. Habartay labo doollar mobile-ka uga soo qaatay badalkiisa 100 kun ayaan u gaynaa isagoo dhahaayo ma calfanin. Isagoo sheekadaas ku fadhiyo baddaanaa iska qaaday marka.”

Haweeneydan ayaa sheegtay iney nolosha ka quusatay markii ay wayday wiilkii u soo baxay ee ay ku hamminaysay inuu kala wareegayo maaraynta carruurta walaalihiis ah.

Cishooyin aysan helin wax gasiin ah marka laga tago deriska oo qaaraan cunno bisil ah isugu darayay kaddib waxay ka fursan wayday inay gabadheeda ku xigtay wiilka dhintay da’ahaan inay u dirto shaqada baalashle nimada bishii 2aad ee sanadkan.

Qoyska Canab tan iyo markii ay ku biireen nolosha barakacnimada sanadkii 2022. Waxay la kulmayeen culaysyo nololeed. Waxay ka soo barakaceen deegaanka Jannaale oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose markii ay colaad iyo abaaro soo noqnoqday dartood ay nolosha ku adkaatay. Iyada iyo caruurteeda waxa ay ahaayeen danyar la nool hoyadeed oo ahayd beeralay.

Previous Post

Luuq: Haween meherado ganacsi ay ka xirmeen oo duruuftu ay bidday dawarsi

Next Post

Qardho: Qoysas uu dakhligoodu kordhay markii ay casriyeeyeen habka loo dhaqdo shinida

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Sanaag: Dhaqashada shinida oo il-dhaqaale u noqotay qoysas danyar ah.

Qardho: Qoysas uu dakhligoodu kordhay markii ay casriyeeyeen habka loo dhaqdo shinida

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo