(ERGO) – Boqol haween ah oo khudaar ku iibinjiray dagmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa iskaga baxay suuqa saddexdii bil ee u danbeeyay, markii ay waayeen khudaartii ka soo go’i jirtay beeraha oo fatahaad ay saameysay.
Waxay u badan yihiin danyar aan haysan il-kale uu oo dhaqaale ka soo galo. Waxaa ka mid ah Madiino Maxamed Barkaan 66 jir ah. Waxaa ka xirmay meherad ganacsi oo ay ku iibinjirtay noocyada kala duwan ee khudaarta.
Tobankii biishii Juun ee sanadkan ayay la gashay 10 carruur ah iyo aabbahood oo waayeel ah xero barakac. Waxay awooddi waysay in ay iska bixiso kirada guri ay ku dagaynad bishii $50. Milkiilaha iska leh oo ku yeeshay $150 ayaa ku qasbay in ay ka guurto.
Xerada ay ku biirtay ayay subax kasta ka soo jarmaaddaa si ay u dawarsato. Lacag iyo raashin ay caawiyaan dadka ayay hal waqti dabka ugu shiddaa qoyskeeda.
“Dadka isku mid maaha oo gacmaha ayaaba isku-jin-ahayn. Islaamka waa qof wax haysto iyo qof aan waxbo haysan. Kii wax haysto xoogaa bariis ah ayuu ku siinayaa. Koo xoogaa bur ah ayuu ku siinayaa. Marka hadii caawa dabka aad shiddo berri waa uu dansan yahay.”
Ka hor inta uusan ka xirmin ganacsiga waxay heli jireen qoyskeeda cunno ku filan saddex waqti 24 saacba. Madiino waxaa u soo xaroon jirtay maalin walba faa’iido lacageed oo u dhaxaysay $5-$10, taas oo hadda meesha ka baxday.
Madiino iyo haweenka la mid ka ah ee suuqa ka baxay waxay u adkaysan waayeen qasaaraha joogtada ah oo faa’iido la’aan ay ku lamaansanayd, taasi oo keentay in ay albaabada u laabaan ganacsigooda.
Saameynta cunno xumo ee ka dhalatay ganacsiyada ka xirmay waxaa u dheer waxbarasho la’aan soo wajahday carruurtooda. Madiino waxay sheegtay in afar ka mid ah ilmaheeda oo ka yar da’da 10 sano ay ka hareen waxbarashada saddex bil ka hor.
“Hadiiba ay bil dhamaato cunigiiba boqol 100 kun (shilin Soomaali) ayaan ka dhiibaayay. Hadda waxaan helayno malahan. Marka ilmihi waa la soo ceeriyay oo guriga ayay joogaan. Ninki cidda aabbahood ahaa waa waayeel, meel uu ukacayona malaha. Qofki cidda u ordaayay aniga lee ayuu ahaa, anigina meel aan aaddo ayaan waayay oo waa ay iga soo dhamaatay.”
Haweenaydan oo gadijirtay moos, yaanyo, basal, basbaas, baradho iyo noocyo kale oo khudaar ah ayaa sheegtay in sare-u-kac uu ku yimid dalaggan khudaarta. Waxaa sababay beerihii ay ka soo go’ayeen oo fatahaad ay baabi’isay dabayaaqadii sanadkii hore, isla markaana aan dib loo tabcin.
Kiilalada yaanyada ah ayaa gaartay $3 oo ah halkii ugu sarreysay, maaddama markii hore lagu iibsan jiray wax ka yar $1. Khudaartan qaaliga ah oo suuqa ku yar ayaa kaga timaadda dagmada Luuq dhinaca Itoobiya.
Qoyska Madiino sanadkii 2015 ayay ka soo barakaceen miyiga Luuq, halkaas oo ay ku waayeen 172 oo ari ah oo abaartu ay ka dishay. Afar sano oo ka mid ah sanadihii ay joogeen dagmada Luuq waxay ahaayeen barakac. 2019 ayay ku biirtay ganacsiga, markaas oo ay ka baxday xerada ay hadda dib ugu laabtay.
Sideeda oo kale haweenka ganacsigu ka xirmay ayaa qoysaskoodu wajahayaan nolol xumo. Shamso Cali Nuunow oo 32 jir ah waxay awoodi la’dahay inay cunno u hesho carruurteeda oo 6 ah, tan iyo markii uu ka burburay ganacsigii ay nolol-maalmeedkooda ka soo saaran jirtay.
Dad ehello yihiin ayaa kiilooyin ah raashin ah ku caawiyay, kolkii uu ganacsigu ka xirmay, balse wixii ka danbeeyay waxay ku tiirsanayd raashin dayn ah. Waxay gocanaysaa noloshii ay ku jirtay, markii ganacsigeedu uu shaqaynayay.
“Awal hore aniga miiska ayaan biilanayay. Saddexda waqti carruurteyda hilibka, khudaarta iyo wax walbo waa ay heli jireen. Maddaama aniga xaalkeyga sidan uu noqday, walaalayaalow wax ma isiisaan ayaan hadda nolol maalmeedka ka haysanaa. Xaaladeyda ayaa saas ah. Marki hore miiska ayay ku tiirsanaayeen, Madddama uu miiskii uu iga burburay hadda xaalkeyga caadi maaaha.”
Tan iyo bishii May uma shaqo tagin meheraddeeda oo khudaar ay ku iibijirtay. Waxay sheegtay in beeraleydii ay ka soo qaadan jirtay dalagga beerahooda aysan waxba beeran sanadkan.
Shamso oo dadka deegaanka Luuq ka mid ah muddo 15 sano ayay ku soo jirtay ka ganacsiga khudaarta. Waxay xustay in ay tahay markii ugu horraysay oo suuqa ay ka baxdo.
Waxay sheegtay in ay sabab u tahay beeraleydii ay ku tiirsanayd oo ka niyad jabay beero falashada fatahaado ragaadiyay dartood.
Duruufta haysta haweenaydan waxaa u dheer daymo lagu leeyahay, kuwaas oo ay ku qaadatay raashin iyo arad-tirka carruurteeda.
“Dayn hadda waxaa la igu leeyahay $350, Maaddaama ay daynti igu badatay in wax la isiiyo waa uu diiday qofki aan aniga daynta ka qaadanayay. Waxaan ka qaadan jiray bariis iyo baasto iyo raashinka guriga. Meel aan aniga wax ugu keenano mahayo.”
Dumarka ay ka mid tahay waxaa ku jira qaar nolosha barakacnimada kaga dabaashay ka ganacsiga khudaarta, markii ay ku billaabeen dhaqaale ay ka heleen shaqooyin xoogsi ah sida nadaafadda guryaha, balse duruufta la soo gudboonaatay ayaa dib ugu celisay nolosha adag ee ka jirta xeryaha.
Bayniyo Isaaq oo 36 jir ayaa ka mid ah. Busteejooyinka laga raaco gaadiidka ayay ku wareejin jirtay miis ay ku iibin jirtay liin-dhanaan ay qiimo jaban kaga soo gadan jirtay beeraha ku dhow Luuq iyo calafka xoolaha.
Waxay ka heli jirtay faa’iido dhaqaale oo qoyskeeda nolol-maalmeedka ugu filnaa, hase ahaatee, khudaar yarida ka jirta Luuq ayaa saamayn ku yeelatay miiskeeda.
“Dhowr bil waxaan ahaa shaqo la’aan. Xagee ganacsi laga helaa liintii waa baaba’day, cowkiina waa baa’ay. Fatahaad baa meeshan ku dhacday. Rafaad iyo dhibaato dhinac kasta ah ayaa dhacday. Gaajo adag ayaa na qabatay. Ilmaha digsiga ku jira xitaa wax aan bishooda ku dhiibo ayaan waayay. Marka dhibaatadaas baa nahaysta.”
Labo ka mid ah ayaa u dhigta iskuul hoose iyo dhexe oo ku yaalla Luuq, kuwaas oo lacagta ay wax ku bartaan lagu leeyahay saddexdii bil ee la soo dhaafay. Isku darka lacagta ay ku leeyihiin ganacsatada bakaarrada iyo iskuulka carruurtu ay u dhigtaan ayaa gaaraysa $100.
Tacab la’aanta ku dhacday beeraleyda Luuq oo sanadkii hore fatahaaddu ay ka burburisay dalag badan ayaa saameynteeda laga dareemayaa dagmada Luuq iyo deegaannada hoostaga.
Ganacstada khudaarta ee suuqa ka baxay waxaa kala siman yihiin nolol xumada beeralyda aan wax dalag ah helin sanadkan.