(ERGO) – Batuulo Cali Yuusuf waxaa qoyskeeda oo 12 qof ah uu hoy la’aan iyo cunno xumo ku wajahayaa xerada Yaa-Allaah ee degmada Garasbaaley. Waxay soo gaareen 15 bisha Juun ee sanadkan. Waxay ka mid yihiin saddex boqol oo qoys oo ka soo barakacay degmada Qoryooley.
Colaad u dhexeeysa labo qabiil oo ka dhacday magaalada horraantii bishii May ayaa saameyn ku yeeshay. Qoyska Batuulo ayaa dulsaar ku ah dadkii horay xerada u degganaa.
Waxay ku caawiyaan raashin bisil oo ay iska soo aruuriyaan. Mararka qaar ee ay ka waayaan ayay sheegtay inay u qaraab doontaan bannaanka xerada, si ay carruurta ugu hesho waxay cunnaan.
“Meel aan wax ka soo qabanno oo aan naqaanno oo aan afka aadinayno ma garaneyno. Dulsaar baannu nahay, waxba ma haysanno.”
Batuulo ayaa sheegtay in ay la qabsan waayeen nolosha barakacnimada oo aysan horay u aqoon. Waxay tilmaamtay in ay dantu ku qasabtay, markii ay magaalada soo gaareen oo ay ogaatay in aysan deggi karin guryaha Muqdisho, maaddama aysan awood u lahayn bixinta kirada iyo biilka reerka.
Nolosha qoyskeeda ayay horay uga maarayn jirtay nacfiga 11 neef oo lo’ ah oo irmaan u badnaa iyo beer hiktar iyo bar ah oo khudaar ay u saarnayd. Waxay tilmaamtay inay meesha ka baxeen wax walba oo ay horay u heysteen, isla markaana aysan hayn qorshe ay nolosha ku maareyso.
“Beer ayaan soo falan jiray. Waan shaqeysan jiray. Wixii aan soo helo muus ayaan ku karsan jirnay haddii aan wax kale soo helo sida galleyda ayaan karsan jiray waxaan ku jirnay nolol wanaagsan.”
Batuulo ayaa sheegtay inay soo galeen safar lug ah oo qiyaas ahaan ay soo socdeen 20 KM, markii xilli habeen ah uu dagaal ka dhacay magaalada. Waxay sheegtay inay heleen gaari khudaar u soo sida Afgooye oo $20 ay ku soo raaceen.
Saddex maalmood ayay ku sugnaayeen Afgooye iyada oo sugaysa gaari bilaash ah oo ay u soo raacaan Muqdisho, maaddama ay waayen dhaqaale ay gaadiid ku kiraystaan. Waxay sheegtay in aysan helin wax soo dhawayn ah markii ay xerada soo gaartay.
Waxay dantu ku qasabtay inay hoy ka dhigato meel bannaan oo xerada ah, halkaas oo ay baryaan habeenkii iyada iyo carruurteeda ayay kula dhacaan qabowga iyo roobka. Ma haystaan dhul ay si joogto ah u deganaadaan iyo wax ay ku dhistaan.
Haweenaydan ayaa tilmaamtay in ay ku hungowday rajadeedii ahayd in ay xerada ay ka heli doonto nolol dhaanta tii ay ku haysatay magaaladeedii. Inkasta oo colaaddu ay wada saamaysay dadkii magaalada ku noolaa, haddana waxay si wayn u taabatay qoysaska danyarta ah ee aan xamili karin barakaca degdegga ah ee aan horay loo sii qorshaynin.
Madiina Cabdullaahi Cali iyo carruurteeda oo sagaal ah waxay dulsaar ku yihiin qoys danyar ah oo deggan isla xerada. Qoyska ay la degeen ayaa ku caawiyay buush yar oo aan ku wada filnayn. Aqalka oo ka samaysan calallo iyo qoryo laysku dhejiyay ayay sheegtay in uuusan ka celin karin dhibicda roobka gu’ga oo si maalin le ah ugu da’a.
Madiina ayaa xustay in hoy xumada ay u dheer tahay cunno yari. Waxay hal waqti siisa carruurta waxa ay ku soo hesho dawarsi ay u aaddo qoysaska barakacay ee horay u joogay xerada. Maalmaha ee ay soo wayso ayay sheegtay in ay gaajo ku seexdaan. Xaaladda ay ku jiraan ayay u soo mareen safar dheer oo daal badan.
“Carruurtii meel aan ku sheego ma aqaano sagaal ayay ahaayeen laba ayaan wataa intii kale waa ay iga maqan yihiin. Ilmaha markii ugu dambeysay Qoryooley ayay joogeen. Xaaladda nolosha aad ayay xun tahay anigoo dhahay guriga ayeeyo aada ayuu dagaalka qarxay, sidaasi ayaa lagu kala cararay.”
Madiina oo kaligeed korinaysa carruurteeda oo abbahood uu geeriyooday 2020 ayaa sheegtay in ay hadda wajahayaan xaalad nololeed oo aad u liidata. Waxay xustay in ilmaheeda ay uga cabsi qabto nafaqo darro, maddaama aysan helin cunnto ku filan oo joogto ah.
Haweenaydan oo horay noloshooda uga dabari jirtay dhaqashada 40 neef oo lo’ ah iyo beer hal hiktar ah ayaa sheegtay in hadda aysan hayn shaqo u beddesha.
Waxay ka soo barakacday raashin oo iskugu jiray min 10 kiilo oo bur, bariis iyo sonkor ah oo ay iibisay toddobaad ka hor inta uusan dagaalku dhicin. Waxay sheegtay in ay carruurta oo kali ah ay la soo carartay, maaddaama aysan hayn dhaqaale ay ku kiraystaan gaari ay ku qaataan.
Waxay sheegtay markii colaadda ay ku faaftay tuuladeeda, markaas oo dabley hubeysan ay ka gubeen gurigeeda oo ku yiilay deegaanka Beledka ay isaga soo tagtay.
Cabsi ay ka qabto colaadda ayay go’aansatay inay lug uga soo baxdo deegaanka. Sagaal saacadood oo ay jidka soo socotay ayay xustay inay meel dhexe ka heshay gaari ay la socdeen ciidamada Dowladda, kaas oo horay u soo qaaday. Bartamihii bishaan Juun oo ay timid xerada ma helin nolol ay uga soo kabato duruufihii adkaa ee ay soo martay.
“Hal waqti ayaan helnaa hadda oo ah habeenkii kaliyah ama cisho ka cisho. Xaalad adag ayaan ku suganahay, Moos, Galey iyo wixii aan ku heysanay Qoryooley dhammaan inta kuma heysano xaalada adag ayaan ku jirnaa.”
Sida ay Raadiyow Ergo u xaqiijiyeen horjoogayaasha xeryaha barakaca ee Muqdisho in ka badan shan boqol oo qoys oo colaado ka soo cararay ayaa ku biiray xeryo ku yaala degmooyinka Dayniile iyo Garasbaaley labadii bil ee la soo dhaafay.
Horjoogaha xerada Yaa-Allaah Cabdullaahi Jaylaan Cali ayaa sheegay in maalin walba ay soo gaaraan dad cusub. Wuxuu sheegay in dadku ay imanayaan iyaga oo xaaladdooda ay aad u liidato, maaddaama ay saad la’aan ku soo mareen masaafo dheer.
“Awalba anagoo aan waxba heysan ayay na soo kor degeen annaga oo aan meelna wax ku ogey. Haween, caruurtii iyo maatadii, wax aan u qaban karo oo la taaban karo lama arko. Ilaahay ayaan qaar ka sugeynaa.”
Dadkan oo u badan haween iyo carruur ayaa kuwa aan la kulmay waxaa ka muuqatay duruuf ka dhalatay safarka ay soo galeen iyo cunno xumada ay wajahayaan. Rajo kama qabaan in ay dib ugu laabtaan deegaankooda, maaddaama aan ilaa hadda xal loo helin colaadda magaaladooda ka jirta.










