Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Beeraley ku naaloonaya faa’iido dhaqaale oo ay ka heleen dalag ay Garowe u suuq-geeyeen

Jibril Osman by Jibril Osman
July 18, 2024
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Beeraley ku naaloonaya faa’iido dhaqaale oo ay ka heleen dalag ay Garowe u suuq-geeyeen
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Shukri Cali Maxamuud 54 jir ah ayaa ku filnaatay quudka iyo baahiyaha kale ee qoyskeeda oo ka kooban 12 qof. Arrintan ayaa u suura gashay markii iyada iyo ganacsato kale oo nolosha la daalaadhacayay ay la yimaadeen hal-abuur daqligooda maalinlaha ah kor u qaaday.

Haweeneydan kale oo beeralay ah ayaa bishii labaad ee sanadkan billaabay inay gaari ku wareejiyaan dallagyada ku soo go’a beddelkii ay hal meel la fariisan lahaayeen. Waxay sheegtay inuu hab ganacsigan ku cusub uu isbeddel nololeed u horseeday qoyskeeda.

Shukri ayaa tilmaamtay inay maalintii $30 faa’iiddo ahaan u hesho. Lacagtan qeyb ka mid ah waxay dib ugu maal-galisaa beerteeda. Dallagyada ay gaariga ku wareejiso waxaa ka mid ah khudaarta cagaaran iyo geed miroodyada.

Waa ganacsi guur guura oo ay dalagyadooda ku geynayaan meelaha dadku ay ku badan yihiin ee magaalada Garowe iyagoo mararka qaarkood isticmaalaya gaadiid ay ku xiran yihiin cod baahiyayaal.

“Waxaan ka faa’iidnay dhaqaale. Shaygii (Dalagii) aan dadka ku baryi jirnay oo aan dhihi jirnay heblaayooy kaalay iga gado, basbaas baan sidaa, barbarooni baan sidaa.Welwel kama qabaysid inuu kaa uro ama lagaa qubo. Waxaa laga yaabaa meeshii aan boqolkii toban ka faaiido jirnay inaan boqolkiiba 40 ka faa’iidno.”

Shukri ayaa sheegtay inay faa’iidada ay hesho ka bixisay dayn lacageed oo gaarayay $420, lacagtaas oo ku gashay raashinka saddex bil iyo 100 liter oo ah shidaalka ay u isticmaasho matoor biyaha uga soo saara ceelka ay ku waraabiso beerteeda oo hal higtar ah.

Shukri ayaa sheegtay in haatan saddexda waqtiba ay dabka shitaan. Sidoo kale, waxay awooday inay waxbarasho ka bixiso 4 ka mid ah carruurteeda oo dhigta iskuulka sare ee Gambool kuwaas oo bishi May ee sannadkan ku sigtay in laga reebo imtixaanka guud ee sanad dugsiyeedka, markii ay bixin weyday lacagta saddex bilood oo lagu lahaa.

Maamulka dugsiga ayaa u sheegay in carruurteeda sanad dugsiyeedka cusub ee 2024/2025 aysan fasalada fariisan doonin haddii aysan bixin $66. Lacagtaas ayay  bixisay bishan markii ay $450 ka heshay dalagyada ay iibgaysay.

Seygeeda oo beerta kala shaqeeya ayaa ka caawiya inuu dalagga magaalada usoo qaado, inkastoo uu da’yahay.Waxay tilmaamtay in ay dalagyada ay suuqa keenaan yihiin kuwa naadiif ah maaddama safar dheer aysan soo galin.

Ka hor inta aysan ku dhaqaaqin ganacsiga noocaan ah ayay xustay inay dallagyada uga qasaari jireen suuq la’aan darteed. Waxay wax soo saarkeeda geyn jirtay suuqa Inji ee magaalada Garowe oo aysan ka heli jirin dad wax ka gata.

Nolosheeda ayaa ku tiirsanayd 80 doollar oo ay bille ugu kabi jireen cid ay ehel yihiin oo ay u dan sheegatay. Waxay xustay inay fekraddan heleen markii Wasaaradda Beeraha Puntland iyo hay’adda SDC ay beeralayda u sameeyeen tababaro lagu fahansiinayay sida ay ganacsigooda ugu samayn lahaayeen suuq gayn.

“Maanta waxaan ku dhiirran karaa maanta, haddii dalag badan beertayda iigasoo go’o, inaan gaaro kiraysto oo geeyo xaafadaha. dukaannada, meelaha Supermarket-yada, hotelada waawayn inan geysan karo. Waa xirfad iisoo siyaaday oo aan ku tallaabsan karo. Waxaan kaloo helnay, dadkii aan waxayaga u dhiiban jirnay in aan ka kaashano, haddii uu xumaadana uu iyaga ka xumaado, haddii uu u gadmana uu iyaga u gadmo.”

Nolosha qoyska Shukri ayaa ka soo kabanaysa dhaqaale la’aan haystay labadii sanado ee la soo dhaafay. Waxay  ku taamaysaa inay beerteeda oo ku taalla deegaanka Laacdheere oo hoos yimaada degmada Garowe ay balaariso.

Beerelayda hanaankaan cusub ka faa’iidaysanaya ayaa gaaraya 100, kuwaas oo dhamaantood hadda noloshooda ay isbeddeshay. Waxaa kamid ah, Caanood Cilmi Kaarshe oo beer labo hiktar ah ku leh deegaanka Cuun oo qiyaastii 70km dhinaca Bari uga beegan degmada Garowe.

Caanood oo ah hooyo ay ku tiirsan yihiin sagaal carruur agoon ah ayaa biilka reerkeeda ka soo saarta gaari ay dallagga beerteeda ku wareejiso. Dakhli ay ka hesho ayaa ka caawiya inay carrurteeda quutaan cunno ku filan.

Sidoo kale waxay iska bixisaa 100 doollar oo ah kiradda guriga ay deggan yihiin  oo ka kooban labo qol.

Caanood ayaa sheegtay inay $1600 doollar ay ka heshay iibka dallagyadii uga soo go’ay beerteeda bilihii March, Abril iyo May, kuwaas isugu jiray, Yaanyo, Basal, Barbarooni, Kabsar, Basbaas, Kaabash, iyo sidoo kale geed miroodyo ay kamid yihiin, Qare, Batiiq, Liin dhanaan, Moos iyo Saytuun.

Lacagtaasi ayay xustay inay u suuragalisay in labo ka mid ah carruurteeda oo jaamacadda dhaqaale la’aan uga haray inay waxbrashada dib ugu laabteen bishii afraad ee sanadkan.

“Ganacsi aad iyo aad u cajiib ah buu noqday. Waayo wixii aan soo gurney oo dhan waa noo caddaadeen. Lafahaygiina waan haystaa, faaidana waan helay, waxaygiina igama khasaarin.”

Caanood ayaa sheegtay in aysan aqoon badan u lahayn faa’iidada uu leeyahay ganacsiga guur guura. Waxay xustay inay billowday iyadoo shaki ka qabta balse waxay tilmaamtay inay  maalintii ugu horraysay iyada iyo afar haween ah oo ay shirko ku yihiin hal gaari inay faa’iido ahaan u heleen lacag dhan $220.

Waxay intaas ku dartay inay dadku aad u soo dhoweeyeen ganacsigooda, taasoo ay ka heleen dhiirri galin ka caawisay inay si joogto ah magaalada iyo tuulooyinka ugu wareegaan.  Waxay sheegtay inay maanta haysato dhaqaale ay ku sii maarayn karto nolosha qoyskeeda inta uu dalag kale usoo go’ayo.  Waxay tilmaamtay inay ka hartay murugadii ka haysatay soo dhicinta biilka carruurta oo aysan joogto u heli jirin.

“Ganacsigaas waa i caawiyay, niyadna waan helay. Waxaan noqday qof xisaabtamaysa. Maanta wixii aad soo gadday waa kuu gadmeen, kaama khasaarin. Akoonbaa ku ridatay. Gurigaagii baa timid raashin baa ka gadanayaa. Runtii beeraha sida aan u isticmaali jirnay, sida ay niyadeennu ahayd iyo xilliguu Kobciye noo yimid, aad bay u kala fogtahay.”

Haweeneydan ayaa sheegtay in nolosha qoyskeeda ay ku tiirsanayd 40 neef oo ari, kuwaas oo ay xustay inay noqdeen wax ay gateen iyo abaarihii ku baxay. Waxay ka fekeraysaa inay faa’iidada dib xooluhu ugu gadato.

In Beeralayda deegaanka ay awood u yeeshaan inay kor u qaadaan iib gaynta dalagooda waxaa ka Qeyb qaatay  mashruuca Kobciye oo beeralayda ka caawiya inay helaan tababarro ku aaddan suuq gaynta, si ay u sameeyaan dakhli kor usoo qaada hab nololeedkooda iyo horumarinta beerahoooda.

Cabdulcasiis Cabduqaadir Jaamac oo xiriiriyaha mashruucan ayaa u sheegay in markii ay billaabayeen 2023 ay beeralaydu ku sugnaayeen xaalad quus ah, isagoo sheegay in ay isugu darsameen culaysyada biyo la’aanta abaaraha iyo in aanay fahan ka haysan sida ay dalagooda ugu samayn karaan fursado ay ku iib geeyaan.

“Waxaa jirtay caqabad aad u weyn oo beeralayda ka haysatay qaabiyad ay ku wax iibsadaan. Waxay beeraan oo ku dhintaan waxay ahayd inay qof u dhiibtaan, si taas looga baaqsado, waxaan samynay suuq guuraya. Suuqii ayay hadba meel u istaagayaan. Waxay taas sahahy inay iibka dalagooda gaarsiiyeen xaafadaha.”

Dadka ayaa fekrado ay isku darsadeen markii tababarro qaateen waxay is tuseen inay hab ganacsigoodii hore wax ka beddelaan taas ayaa u suura galisay inay faa’iido fiican ku helaan muddo yar gudaheed.

 

Previous Post

Baydhabo: Carruur barakac u badan oo ka faa’iideysanaya waxbarasho bilaash ah

Next Post

Muqdisho: Colaadda ka jirta Qoryooley oo sababtay in 300 oo qoys ay noqdaan barakac

Related Posts

Banaadir: Qoysas barakac ah oo isku helay biyo-galin iyo nalal cadceedda ku shaqeeya
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Banaadir: Qoysas barakac ah oo isku helay biyo-galin iyo nalal cadceedda ku shaqeeya

July 7, 2025
Mudug: Dad barakac ah oo ka baxay nolol xumo markii ay suuq gaysteen dalagyo u soo go’ay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Dad barakac ah oo ka baxay nolol xumo markii ay suuq gaysteen dalagyo u soo go’ay

July 4, 2025
Nugaal: Ku dhawaad kun qoys oo ku guryo, beero iyo xoolo beelay daad ka dhashay roob
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nugaal: Ku dhawaad kun qoys oo ku guryo, beero iyo xoolo beelay daad ka dhashay roob

July 2, 2025
Xarun daawaysa xoolaha oo ka caawisay reer miyiga Galgaduud soo kabashada xoolahooda
Beeraha Iyo Xoolaha

Xarun daawaysa xoolaha oo ka caawisay reer miyiga Galgaduud soo kabashada xoolahooda

June 30, 2025
Dhibaato caafimaad iyo mid nolol xumo oo ka dhalatay biyo yari ka jirta Bandarbayla
Cunto-Yaraanta

Dhibaato caafimaad iyo mid nolol xumo oo ka dhalatay biyo yari ka jirta Bandarbayla

June 27, 2025
Gaalkacyo: Cunno xumo haysa qoysaska ragga kabaha tola shaqo la’aan darteed
Cunto-Yaraanta

Gaalkacyo: Cunno xumo haysa qoysaska ragga kabaha tola shaqo la’aan darteed

June 26, 2025
Next Post
blank

Muqdisho: Colaadda ka jirta Qoryooley oo sababtay in 300 oo qoys ay noqdaan barakac

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 07-JUL-2025

IDAACADDA 07-JUL-2025 by Radio Ergo

IDAACADDA 07-JUL-2025
Episode play icon
IDAACADDA 07-JUL-2025
July 7, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 06-JUL-2025
July 6, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 05-JUL-2025
July 5, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 04-JUL-2025
July 4, 2025
Episode play icon
IDAACADDA 03-JUL-2025
July 3, 2025
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo