Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Baydhabo: Carruur barakac u badan oo ka faa’iideysanaya waxbarasho bilaash ah

Jibril Osman by Jibril Osman
July 17, 2024
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Baydhabo: Carruur barakac u badan oo ka faa’iideysanaya waxbarasho bilaash ah

Fasalka iskuul hoose oo carruur ay cashar ku qaadanayaan/kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Saddex boqol iyo toddobaatan arday ayaa tan iyo bishii May ee sanadkan waxbarasho bilaash ah ku helaya deegaanka War-gaduud ee duleedka magaalada Baydhab. Carruurtan waxay da’doodu u dhexayso 6 ilaa 16, kuwaas oo ka soo jeeda qoysas reer miyi iyo barakac.

Yuusuf  Maxamed Nuur oo barakac ku ah deegaanka ayaa sheegay in carruurtiisa oo aan weligood fursaddan oo kale helin uu siddeeddooda ka soo qoray iskuulka War-gaduud laga hirgeliyay.

Ninka oo qoyskiisa uu deggan yahay  xerada Abuurow ayaa xusay inuu ku faraxsan yahay in ugu dambeyn uu xal u helay waxbarasho la’aanta carruurtiisa haysatay muddada dheer.

“Walwal ayaa i haystay. Carruurtaan ayaad dhashay waxbarashana uma haysid, lacagna uma haysid halkee geyn doontaa intee uga heli doontaa ayaan is lahaa oo aan ka murgi jiray markii hore. Hadda alxamdulillaah aad ayaan uga mahad naqayaa hay’addii noo keentay.”

Hay’adda GAREEDO oo deegaanka ka howlgasha iyo maamulka xerada  ayuu tilmaamay inay u soo bandhigeen fursaddaan, taas oo ka caawisay in carruurtiisa ay  toddobaadkii shan maalmood ay u dhigtaan iskuulka.

Wiil 15 sano jir ah oo carruurtiisa ugu weyn iyo 7 todobo  wiil oo ka yar ayaa u dhigata fasalka koowaad ee iskuulka Abuurow.

Yuusuf oo 72 sano jir ah ayaa xusay in carruurtiisu aysan horay waxba u baran. Sababta ayuu ku sheegay inuusan awoodin bixinta lacagta iskuullada gaarka loo leeyahay iyo in qoyskiisa ay ahaayeen reer miyi ka fogaa goobaha waxbarashada laga heli karo.

Ninkan oo ka soo barakacay Deegaanka Moora-gaabey oo ka tirsan gobolka Bakool ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in muddada kooban ee ay wax u baranayaan carruurtiisa uu ka dareemay isbddel wanaagsan.

“Markii hore buugaag iyo qalimaan waa la ii siiyay carruurta. Hadda buuggaagtii iyo qalamaantii ayaa ka dhamamday, wax aan ugu gadana ma hayo. Dad qaraabo ah ayaan tuuggay xoogaa buuggag ah ayey u iibiyeen. Hadda marka wixii waa buug hada ayuuba iska dhammaanayaa.”

Yuusuf oo ah aabbaha 8 carruur ah ayaa sheegay inuusan shaqeyn muddo ku dhow afar sano, balse reerka hadda ay gacanta ku hayso xaaskiisa oo ka shaqeysa xaabo duurka ay ka soo gurto oo ay ku iibiso xerada dhexdeeda.

Maalinkii ayuu xusay inay ka hesho lacag dhan 40 kun oo shilin Soomaali ah oo aan ku filneyn nolol maalmeedkooda ,balse ay u suuragaliso cunno hal waqti ah.

Ninkan ayaa horay u ahaa gaari-gacanle. Wuxuu tilmaamey inuu ka heli jirey lacag dhan $4, laakiin uu joojiyay shaqadaas, maaddama uu waayeel noqday oo ay ku adkaatay qabashadeeda.

Yuusuf  ayaa ku noolaa deegaanka Moora-hagar oo Xudur u jirta 45 km. Beertiisa oo ahayd sedex  hiktir, biyaha roobkana ku tiirsaneyd ayuu xusay inuu u waayay biyo ku filan, kaddibna tacbashadeeda uu joojiyay bishii December ee sanadkii 2022. Sidoo kale wuxuu halkaas ku dhaqanayay 15 neef oo ari ah oo uu sheegay inay uga le’deen abaar deegaanka saameysay.

Biley Sheekh Xuseen  oo laba iyo toban  carruur ah ay wax u baranayaan muddo bil ah  ayaa sheegtay  inaysan  awoodin in carruurta ay u iibiso dharka iskuulka iyo buugaagta, balse dadka kale ay caawiyaan.

Waxay xustay inay  jeceshahay  in carruurtu ay wax u bartaan, balse ay u awoodi waysay  inay geyso  iskuullada gaarka loo leeyahay, dhaqaale yari haysta awgeed.

“Carruurta markii aan baadiyaha ka keenaayay waxba ma aysan garanaynin oo ma aysan aqoonin xitaa magacyada waalidiintooda. Hadda isbeddel ayaa ku dhacay. Fahamkoodu wuu wanaagsan yahay qorista iyo akhriska wey barteen. Faa’iido badan ayaan ka helnay waxbarashadaan.”

Biley  ayaa sheegtay  in carruurta wax u barta ay ugu weyn tahay gabadh 16 jir ah, halka midka ugu yarna uu yahay wiil 6 sano jir ah, kuwaas oo dhigta maadooyinka xisaabta, Soomaaliga, Carabiga iyo seyniska.

Dhismaha iskuulkaan oo ah mid weyn oo hal qol ah ayaa qaadi kara dhamaaan ardayda ,balse waxay kala galaan labo gelin oo kala ah subax iyo duhur taas oo loogu talagaley in tirada ardayda lagu kala maareeyo.

Waxay tilmaantay  inaysan ka fogeyn masaafo ahaan iskuulka oo uu ku dhex yaalo afar xero dhexdooda oo aysan wax dhibaato ah ku qabin  carruurteeda.

Qoyskeeda oo danyar ah ayay noloshooda ka maareeysaa shaqo aan joogto aheyn oo ah soo gurida xaabada, maaliinkii ayay sheegtay inay ka hesho lacag dhan $2, taas oo aan kaafin karin nolol ahaan, madaama aysan jirin cid ka kaalmeysa korinta carruurta, xili abaaha reerka uu yahay waayeel gabay tamartii uu ku qaban lahaa shaqooyinka xoogsiga u badan.

Waxay u doontaa xaabada masaafo 4 km ah markaas kadib ayey gooba goobeysaa oo ay ka gadaa dadka xerda la degan. Haweeneydan ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay inay wajahayaan xaalado dhanka nolosha ah. Inkasta oo ay ka mahad-naqayso helitaanka waxbarashadaan lacag la’aanta ah.

“Halmar ayaan wax karsanaa hadda. Habeenkii haddii la gaaro waxay u baahan yihiin carruurta in la siiyo waxay cunnaan, laakiin taas looma awoodo. Nolosha qoyska hadda wax Ilaah og yahay mooyaane wax kale oo aan ogahay majirto.’’

Qoyska Biley Sheekh Xuseen oo ka soo barakacay miyiga degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay ku dhaqan jireen 21 neef oo ari ah. Waxay sheegtay inay ka la’deen sannadkii 2019kii bishii Maarso  xiligaas oo  biyo yari iyo  daaq la’aan ay ku habsatay xoolaha oo ay waayeen wax ay cunaan.

Hay’adda Gareedo ayaa hirgalisay iskuulkaan carruurteedu ay wax kabartaan. Ujeedkoodu waa in loo fududeeyo qoysaska aan dhaqaale ahaan u diyaarsanayn inay waxbaraan carruurtooda, duruufaha nolosha ee ay la halgalamayaan darteed.

Iskuulkan waxaa la aas-aasay bishii May ee sannadkaan, xiligaas ka hor carruurtaan waxay wax ku baran jireen meel bannaan ah, balse hirgalinta howshaan ayaa meesha ka saartay walaac badan oo ay qabeen waalidiinta deegaanka.

Maamulaha  iskuulka Abuurow Batuulo Maxamuud Maxamed ayaa sheegtay inay wanaagsan tahay sida ay hadda ku socoto waxabarshada iyada oo sheegtay in iskuulka ay ka jirto baahi qalab la’aan ah, si ay kor ugu sii qaadaan dedaalkooda waxbaridda jiilka soo koraya.

‘’Ma haysanno wax aan xogta ku keydsanno, marka laga reebo buugaagta caadiga ah ee manhajka xafiis nooma qalabeysana waxan haysanaa oo aan wax ku barnaa  sabuuradaha iyo kuraasta iyo hoolkii oo noo dhisan oo musqulihiisa diyaar noo yihiin intaas ayaan haysanaa.‘’

Carruurta helay waxbarashadaan lacag la’aanta ah waxay ka kala yimaadaan xeryaha Abuurow, Buurey, Berdaale, Haraaw iyo Toosile iyo tuulooyinka Boonkaay, Tos-wayne iyo Wargaduud ee gobolka Bay.

Qoysaskaan oo deegaannadooda Baydhabo u jira 10 km  waxaa ka soo barakiciyay abaaro iyo colaado saameeyay hab nololeedkooda guud, taas oo ku qasabtay inay noqdaan barakac.

Previous Post

Dhadhaab: Haween la nool isku-furan oo la kulma Takoor saameeyay noloshooda

Next Post

Beeraley ku naaloonaya faa’iido dhaqaale oo ay ka heleen dalag ay Garowe u suuq-geeyeen

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay qaxootiga Dhadhaab oo laga jartay gunno gargaar oo la siin jiray

April 28, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas nolol xumo ku wajahaya Baydhabo markii laga gubay beero iyo kayd raashin

April 24, 2026
Cadaado: Haween nolosha qoysaskooda ka maarayn jiray iibinta Khudaarta oo shaqo la’an noqday markii ay saameysay fatahaadda webiga shabeelle
Cunto-Yaraanta

Haweenka khudaarta ku iibiya Kismaayo oo wajahaya suuq xumo cuno yari biday

April 23, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Roob la’aan sababtay dhaqaale xumo iyo dayn la’aan nolol xumo biday reer miyiga Galgaduud

April 22, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Qoysas ku nool Shabeellooyinka oo helay il-dhaqaale markii la siiyay xoolo iyo beero

April 20, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Next Post
Beeraley ku naaloonaya faa’iido dhaqaale oo ay ka heleen dalag ay Garowe u suuq-geeyeen

Beeraley ku naaloonaya faa'iido dhaqaale oo ay ka heleen dalag ay Garowe u suuq-geeyeen

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 29-APR-2026

IDAACADDA 29-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 29-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 29-APR-2026
April 29, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 28-APR-2026
April 28, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 27-APR-2026
April 27, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 26-APR-2026
April 26, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 25-APR-2026
April 25, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo