(ERGO) – Saddex boqol iyo toddobaatan arday ayaa tan iyo bishii May ee sanadkan waxbarasho bilaash ah ku helaya deegaanka War-gaduud ee duleedka magaalada Baydhab. Carruurtan waxay da’doodu u dhexayso 6 ilaa 16, kuwaas oo ka soo jeeda qoysas reer miyi iyo barakac.
Yuusuf Maxamed Nuur oo barakac ku ah deegaanka ayaa sheegay in carruurtiisa oo aan weligood fursaddan oo kale helin uu siddeeddooda ka soo qoray iskuulka War-gaduud laga hirgeliyay.
Ninka oo qoyskiisa uu deggan yahay xerada Abuurow ayaa xusay inuu ku faraxsan yahay in ugu dambeyn uu xal u helay waxbarasho la’aanta carruurtiisa haysatay muddada dheer.
“Walwal ayaa i haystay. Carruurtaan ayaad dhashay waxbarashana uma haysid, lacagna uma haysid halkee geyn doontaa intee uga heli doontaa ayaan is lahaa oo aan ka murgi jiray markii hore. Hadda alxamdulillaah aad ayaan uga mahad naqayaa hay’addii noo keentay.”
Hay’adda GAREEDO oo deegaanka ka howlgasha iyo maamulka xerada ayuu tilmaamay inay u soo bandhigeen fursaddaan, taas oo ka caawisay in carruurtiisa ay toddobaadkii shan maalmood ay u dhigtaan iskuulka.
Wiil 15 sano jir ah oo carruurtiisa ugu weyn iyo 7 todobo wiil oo ka yar ayaa u dhigata fasalka koowaad ee iskuulka Abuurow.
Yuusuf oo 72 sano jir ah ayaa xusay in carruurtiisu aysan horay waxba u baran. Sababta ayuu ku sheegay inuusan awoodin bixinta lacagta iskuullada gaarka loo leeyahay iyo in qoyskiisa ay ahaayeen reer miyi ka fogaa goobaha waxbarashada laga heli karo.
Ninkan oo ka soo barakacay Deegaanka Moora-gaabey oo ka tirsan gobolka Bakool ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in muddada kooban ee ay wax u baranayaan carruurtiisa uu ka dareemay isbddel wanaagsan.
“Markii hore buugaag iyo qalimaan waa la ii siiyay carruurta. Hadda buuggaagtii iyo qalamaantii ayaa ka dhamamday, wax aan ugu gadana ma hayo. Dad qaraabo ah ayaan tuuggay xoogaa buuggag ah ayey u iibiyeen. Hadda marka wixii waa buug hada ayuuba iska dhammaanayaa.”
Yuusuf oo ah aabbaha 8 carruur ah ayaa sheegay inuusan shaqeyn muddo ku dhow afar sano, balse reerka hadda ay gacanta ku hayso xaaskiisa oo ka shaqeysa xaabo duurka ay ka soo gurto oo ay ku iibiso xerada dhexdeeda.
Maalinkii ayuu xusay inay ka hesho lacag dhan 40 kun oo shilin Soomaali ah oo aan ku filneyn nolol maalmeedkooda ,balse ay u suuragaliso cunno hal waqti ah.
Ninkan ayaa horay u ahaa gaari-gacanle. Wuxuu tilmaamey inuu ka heli jirey lacag dhan $4, laakiin uu joojiyay shaqadaas, maaddama uu waayeel noqday oo ay ku adkaatay qabashadeeda.
Yuusuf ayaa ku noolaa deegaanka Moora-hagar oo Xudur u jirta 45 km. Beertiisa oo ahayd sedex hiktir, biyaha roobkana ku tiirsaneyd ayuu xusay inuu u waayay biyo ku filan, kaddibna tacbashadeeda uu joojiyay bishii December ee sanadkii 2022. Sidoo kale wuxuu halkaas ku dhaqanayay 15 neef oo ari ah oo uu sheegay inay uga le’deen abaar deegaanka saameysay.
Biley Sheekh Xuseen oo laba iyo toban carruur ah ay wax u baranayaan muddo bil ah ayaa sheegtay inaysan awoodin in carruurta ay u iibiso dharka iskuulka iyo buugaagta, balse dadka kale ay caawiyaan.
Waxay xustay inay jeceshahay in carruurtu ay wax u bartaan, balse ay u awoodi waysay inay geyso iskuullada gaarka loo leeyahay, dhaqaale yari haysta awgeed.
“Carruurta markii aan baadiyaha ka keenaayay waxba ma aysan garanaynin oo ma aysan aqoonin xitaa magacyada waalidiintooda. Hadda isbeddel ayaa ku dhacay. Fahamkoodu wuu wanaagsan yahay qorista iyo akhriska wey barteen. Faa’iido badan ayaan ka helnay waxbarashadaan.”
Biley ayaa sheegtay in carruurta wax u barta ay ugu weyn tahay gabadh 16 jir ah, halka midka ugu yarna uu yahay wiil 6 sano jir ah, kuwaas oo dhigta maadooyinka xisaabta, Soomaaliga, Carabiga iyo seyniska.
Dhismaha iskuulkaan oo ah mid weyn oo hal qol ah ayaa qaadi kara dhamaaan ardayda ,balse waxay kala galaan labo gelin oo kala ah subax iyo duhur taas oo loogu talagaley in tirada ardayda lagu kala maareeyo.
Waxay tilmaantay inaysan ka fogeyn masaafo ahaan iskuulka oo uu ku dhex yaalo afar xero dhexdooda oo aysan wax dhibaato ah ku qabin carruurteeda.
Qoyskeeda oo danyar ah ayay noloshooda ka maareeysaa shaqo aan joogto aheyn oo ah soo gurida xaabada, maaliinkii ayay sheegtay inay ka hesho lacag dhan $2, taas oo aan kaafin karin nolol ahaan, madaama aysan jirin cid ka kaalmeysa korinta carruurta, xili abaaha reerka uu yahay waayeel gabay tamartii uu ku qaban lahaa shaqooyinka xoogsiga u badan.
Waxay u doontaa xaabada masaafo 4 km ah markaas kadib ayey gooba goobeysaa oo ay ka gadaa dadka xerda la degan. Haweeneydan ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay inay wajahayaan xaalado dhanka nolosha ah. Inkasta oo ay ka mahad-naqayso helitaanka waxbarashadaan lacag la’aanta ah.
“Halmar ayaan wax karsanaa hadda. Habeenkii haddii la gaaro waxay u baahan yihiin carruurta in la siiyo waxay cunnaan, laakiin taas looma awoodo. Nolosha qoyska hadda wax Ilaah og yahay mooyaane wax kale oo aan ogahay majirto.’’
Qoyska Biley Sheekh Xuseen oo ka soo barakacay miyiga degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay ku dhaqan jireen 21 neef oo ari ah. Waxay sheegtay inay ka la’deen sannadkii 2019kii bishii Maarso xiligaas oo biyo yari iyo daaq la’aan ay ku habsatay xoolaha oo ay waayeen wax ay cunaan.
Hay’adda Gareedo ayaa hirgalisay iskuulkaan carruurteedu ay wax kabartaan. Ujeedkoodu waa in loo fududeeyo qoysaska aan dhaqaale ahaan u diyaarsanayn inay waxbaraan carruurtooda, duruufaha nolosha ee ay la halgalamayaan darteed.
Iskuulkan waxaa la aas-aasay bishii May ee sannadkaan, xiligaas ka hor carruurtaan waxay wax ku baran jireen meel bannaan ah, balse hirgalinta howshaan ayaa meesha ka saartay walaac badan oo ay qabeen waalidiinta deegaanka.
Maamulaha iskuulka Abuurow Batuulo Maxamuud Maxamed ayaa sheegtay inay wanaagsan tahay sida ay hadda ku socoto waxabarshada iyada oo sheegtay in iskuulka ay ka jirto baahi qalab la’aan ah, si ay kor ugu sii qaadaan dedaalkooda waxbaridda jiilka soo koraya.
‘’Ma haysanno wax aan xogta ku keydsanno, marka laga reebo buugaagta caadiga ah ee manhajka xafiis nooma qalabeysana waxan haysanaa oo aan wax ku barnaa sabuuradaha iyo kuraasta iyo hoolkii oo noo dhisan oo musqulihiisa diyaar noo yihiin intaas ayaan haysanaa.‘’
Carruurta helay waxbarashadaan lacag la’aanta ah waxay ka kala yimaadaan xeryaha Abuurow, Buurey, Berdaale, Haraaw iyo Toosile iyo tuulooyinka Boonkaay, Tos-wayne iyo Wargaduud ee gobolka Bay.
Qoysaskaan oo deegaannadooda Baydhabo u jira 10 km waxaa ka soo barakiciyay abaaro iyo colaado saameeyay hab nololeedkooda guud, taas oo ku qasabtay inay noqdaan barakac.