Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Caafimaadka

Dhadhaab: Haween la nool isku-furan oo la kulma Takoor saameeyay noloshooda

Jibril Osman by Jibril Osman
July 16, 2024
in Caafimaadka, Wararkii u Danbeeyay
0
blank

Hindiya oo ka mid ah haweenka la dhibaatoonaya isku-furanka/Ahmed Abdullahi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Hindiya Cabdicasiis Maxamuud oo 55 jir ah ayaa bishii labaad ee sanadkan joojisay shaqo dhar dhaqid ah oo ay ka soo saari jirtay biilka carruurteeda oo qoddobo ah. Haweeneydan waxay ka mid tahay 50 haween ah oo ku nool xerada Xagardheer oo dhibbane u ah isku-furan, kuwaas oo u ban-bixi waayay shaqooyinkooda takoor dartiis.

Hindiya ayaa go’aansatay inaysan guriga ka bixin, markii ay dhegeheedu u dul-qaadan waayeen maqalka ereyada lagu liidayo iyo jir-diidmo loo muujiyo. Waxay sheegtay inay u adkaysan wayday ku dhex shaqaynta bulshada oo ay tilmaamtay inay ku ceebeeyaan dhibaabata aysan dooran ee haysata ee ah in kaadida aysan ceshan karin.

“Waa la igu caayaa. Waa islaantii saan iyo saan ahayd oo waxaan iyo waxaan qabtay ayaa la i dhahaa. Ilmahayga waa la faquuqaa, markii ay kubadda aadaan. Banaanka ama waxbarsaho.”

Hindiya ayaa xustay inay fogayn kala kulanto xubno ka mid ah qoyskeeda marka laga tago dadka kale, kuwaas oo wax mudnaan ah aan siin daryeelkeeda. Waxay intaas raacisay in saygeedii uu ka tagay, markii ay dhibaatadan ku dhacday. Waxay sheegtay inuu cidleeyay halkii ay ka heli lahayd garab.

“Ninkayga waa ku kala tagnay, ku dambe na maba guursanin, kaygiiba haddii uu igaga tegay, ku dambe maba hawaysanayin oo maba gelayo ayaan u leedahay, haddana gabdho yaryar buu habeen iyo dharaar uu ku dhacayaa.”

Hindiya xaalladan waxaa ku weheliya xannuuno kale iyo infakshan. Waxay xustay inuu jirjeedu bararo mararka qaar. Waxay sheegtay inaysan dawooyinka ay u baahan tahay. Dhibaatadeeda caafimaadka waxaa u raaca inay keliyeed koriso carruurteeda.

Noloshooda ayaa ku tiirsan 40 kiilo oo masago ah, 12 kiilo misir ah iyo 8 litar oo saliida cuntada ah oo si bille ah loo siiyo. Maaddama aysan deeqdaas ku filnayd wiil ay dhashay ayaa dukaan uu caawiye ka yahay bishii ka hela $80 oo uu biilka reerka ku kabo.

Hindiya oo ah bukaan socod waayo adag ku suagn ayaa xustay inaysan musuqulaha la wadaagi karin xubnaha kale qoyskeeda. Sababta ayaa ah inaysan sugi karin inta uu ka soo baxayo qofka ku jira.

Waxay ka hadlaysaa duruufaha aysan la wadaagin dadka kale ee ay ku hamminayso inaysan in laga caawiyo.

“Baahi weyn ayaan u qabaa dhinaca gogosha, panpers kaadida celiya. Waxa gogosha korkeeda la saaro oo kaadida celiya.  Baatigii, jooddarigii, saabuuntii iyo bayshanii dharka lagu dhaqayay oo noo gaar ah oo dharka ku dhaqano. Wax aan haysano ma jirto, aniga musqusha ayaa iigu sii daran runta markii aan kuu sheego.”

Hindiya waa danyar qaxooti ah, isla markaanna aan awoodin inay baxnaano caafimaad u aaddo dibadda. Dhibaatadeeda waxaa sii kordhiyay inay billowgii xaaladda.

Haweeneydan oo quusta ka taagan nolosha ayaa guddoomiye u ah 49 haween ah, kuwaas oo u diiwaan-gashay isbitaalka Xagardheer.

Isku-furanku wuxuu ku dhacaa hooyooyinka aan ku dhalin xarumaha caafimaad ama aan helin qof aqoon u leh umulinta. Haweenka xeryaha qaarkood waxay ka yimaadeen deegaanno miyiga ah oo ka tirsan Soomaaliya iyo gobolka Waqooyi-bari ee Kenya.

Hindiya xaaladdan la nool 27 sano waxay ka mid tahay haweenka dhibaatadu ku gaartay meel ka fog xarumaha caafimaadka. Bartamihii 1997 ayay iyada oo shin dhammeysatay ka lugeysay xerada qaxootiga ee Xagardheer.

Ujeedkeeda ayaa ahaa nolol u raadsato ehelada oo ku sugnaa miyiga degmada Af-madow ee gobolka Jubbada hoose. Fool ayaa ku qabatay meel cidla ah taas oo u horseeday dhibaatadan.

Hindiya markii ay dib ugu soo laabatay Dhadhaab ilaa qoddobo jeer oo ay martay qaliimo kala duwan laguma guulaysan in xaaladeeda caafimaad wax laga qabto.

Marka laga tago haweenka ay dhibaatadu ku dhacdo iyada oo baadiye jooga, waxaa jira kuwo iyaga oo jooga magaalo aan ka badbaadin isku-furanka.

Dhanka kale, Muslimo Nadiir Aadan oo ka mid ah haweenka la nool isku-furanka ayaa sheegtay  in dhibaatada caafimaad ay uga daran tahay faquuqa ay kala kulmayaan deriska iyo xigtadooda.

Muslimo ayaa sheegaysa in takoorka lagu hayo uu noocyo badan. Waxay tilmaamtay in hab-dhaqanka bulshada uu u horseeday inay isla hadasho.

“Marka ugu horreysa waxa isoo gaaray ee aan maskaxdayda ka go’aynin waa takoorka aan yarayn. Bulshadii baan ka takoonahay, deriskii baan ka taooranahay, ilmaheenii baan ilmaha la dheeli karin, haweenkii baan lagu maaga oo caruurtoodii maqlaysay baan caruurteena ku caayaya oo la isku dilayaa, marii banaanka la tago. Aniga ayay igu dhacday oo aan mar ahayn oo labo ahayn oo sadex ahayn.”

Nolosha qoyskeeda oo kan iyada sagaal ah iyo saygeeda ayaa u tiirsan raashinka gunnada ah ee xeryaha laga bixiyo iyo 90 doollar oo ninkeeda uu ka helo gaariid uu darawal ka yahay.

Muslimo waxay qabtaa in gudniinka fircooniga ah oo lagu sameeyay yaraanteedii uu yahay sabab kale oo sahashay in uu ku dhoco isu-furanku sida ay ka ogaatay khuburo caafimaad oo ay la kulantay intii ay la daalaadhacaysay dhibaatada haleeshay.

Muslimo wuxuu dhibkan ku dhacay 1998, xilligaas kaddib waxay dhashay  siddeed cunug oo kale,  markasta oo ay umusho na waxay la kulmaysay isu-furan cusub iyo dhaawac, waana sababta keentay in markii dambe waxba laga qaban waayo xaaladeeda caafimaad sida ay xustay.

Hay’ad ka shaqaysa caafimaadka ayaa isbitaalo geeyay haweenkan sanadihii 2015 ilaa 2018-kii balse intooda badan laguma guulaysan in wax laga qabto kiisaskooda marka laga reebo tiro yar oo uu xaalkoodu sahlanaa.

Faadumo Siidow Yuusuf, waa umuliso xirfaddan ku shaqeynaysay in badan 20 sano. 10-kii sano ee u u dambeeyay waxay ha howl galaysay isbitaalka guud ee xerada Xagardheer. Waxay sheegtay in haweenka la kulma isu-furanka ay wajahaan dhibaatooyin badan oo caafimaad,  takoor ay dadka kale kala kulmaana uu uga sii daro wax yeelada caafimaad ee gaarta.

“Maamada markii ay isu-furanto oo meeshii kaadi martana ay wax ka gaarto dhibaato badan ayaa soo gaari karto. Kaadida ayaa ka imaan karto. Kaadidii haddii aanay ka istaagaynin  bulshadii ma dhex geli karo, dumarkana aad baa loo takooraa. Dumarkii sidaa loo takooro borobalaym ayay isku dhaliyaan waa fekeraan oo meel ayay fariistaan. MarkaaS dadka la leeyahay qofkaas waashay dhibaatada ku dhacday ayay la fekerayaan markaa in maskaxdooda wax gaaraan ayaaba macquul ah oo ay isla hadlayaan.”

Faadumo waxay sheegtay in talada ay siiyaan haweenka ay tahay in ay ku umulaan goob caafimaad, waxaana ay xustay in dedaal ay sameeyeen ay sahleen inuu isbeddelka yimaado sanadihii dambe oo ay intii hore ka yaryihiin haweenkii ku umuli jiray guryaha, laakiin weli loo baayahan wacyi-gelin dheeraad ah.

Haweenka ayaa la rajo ka leh haddii ay helaan daryeel caafimaad oo dibadda ah inay ka dawoobayaan xaalladan noloshooda maalinlaha ku abuurtay welwelka isla markaanna horseeday in lagu xanto.

Previous Post

Hargaysa: Carruur laga daaweeyay cudurro sababay in ay waxbarashadu ku adkaato

Next Post

Baydhabo: Carruur barakac u badan oo ka faa’iideysanaya waxbarasho bilaash ah

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Baydhabo: Carruur barakac u badan oo ka faa’iideysanaya waxbarasho bilaash ah

Baydhabo: Carruur barakac u badan oo ka faa’iideysanaya waxbarasho bilaash ah

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo