(ERGO) – Roobab mahiigaan ah oo ka da’aya gobollada Saaxil iyo Daad-madheedh ee Somaliland saddexdii toddobaad ee u danbeeyay ayaa sababay dhismashada saddex qof iyo waxyeello hantiyadeed oo gaadhay qoysas u badan xoolo-dhaqato, markii ay daadad ku soo rogmadeen.
Axmed Xaamud Diiriye oo ku nool deegaanka Xadid-daallay ee gobolka Saaxil wuxuu daadka ku waayay saddex carruur ah oo uu dhalay 18 bishii Abriil. Waxaa ka mid ahayd curadda qoyskiisa oo 21 jir ahayd iyo 2 kale oo kala ahaa 10 jir iyo 2 jir.
Daadka ayaa sidoo kale ka dilay 180 adhi ah oo uu dhaqanayay, guri aqal Soomaali ah, raashin iyo agabkii u yaallay. Xaaladdan waxay sababtay in uu maarayn waayo nolosha 4 carruur ah oo u badbaaday, kuwaas oo wajahaya xaalad cunno yari ah.
Waxay ku tiirsan yihiin gargaar ka kooban kiilooyin raashin ah oo qoysaska deegaanka ay ku taageereen. Waxay dabka saartaan hal waqti oo ka mid ah maalintii.
“Dadkii wax nagu dhaamay waxay noqdeen mid raashin nasiiya, mid hanti nool iyo mid hu’ (dhar) wax naga siiya. Way na taakuleeyeen iyagu. Wixii ay hayeen waxba nagama hagran. Riyo aan maalano waa nala siiyay. Reer miyigii ayaa xitaa wixii ay hayeen oo ay nagu dhaameen way nagu caawiyeen.”
Daadka galaaftay nolosha qaar ka mid ah carruurtiisa ayaa dhacay xilli habeen ah isaga oo ka maqan gurigiisa. Maalin ka hor dhacdadan ayuu tilmaamay in sayladda Burco uu u suuq geeyay xoolo iib ah. Wuxuu rajaynayay lacagta uu ka helo in uu u diro xaaskiisa oo muddo lix bilood ah ku jirta cisbitaal ku yaala Hargaysa.
Wuxuu sheegay in uu ka war helay musiibada la soo gudboonaatay qoyskiisa isagoo jidka ku sii jira, taasi oo keentay in uu dib u soo laabto. Xubnaha dhintay ee ka mid ahaa qoyskiisa ayaa laga helay tog u dhow deegaanka.
Wuxuu xusay Axmed in uu wajahay xaalad murugo leh, markii uu arkay maydadka caruurtiisa iyo qasaaraha hantiyadeed ee soo gaadhay.
“Markii aan maydadkii helnay. Seddexdii mayd waan isku keenay. Waxaan is idhi jihada (qiblada) u dhig inantii carruurta ugu waynayd oo gaadhiga aan u horraysiinay. Labadayda gacmood ayaa marba mid eeggay. Halkaas dareenkeeda waxbaa ka yara si noqday, dabadeedna intaan gaadhigii ka deggay ayaan ku idhi dadkii war jihada u dhiga maydadka. Samir baan ka qaatay dadkan. Dareenka se uu igu sameeyay maalintaas kaas baa ugu xoog badnaa. Waxaan garan waayay qaybtii jihadu ahayd ee maydka aan u dhig lahaa.”
Tuulada uu ku nool yahay waxay ku taalla dhul buuraley ah oo jooggoodu sareeyo, waxaana daadadkii ka soo rogmaday buuraha ay sababeen in ay ku waxyeelloobaan dad iyo duunyo. Qoysaskii dagaanaa oo u badnaa xoolo-dhaqato ayaa ka guuray aagaasi, kuwaas oo tiradooda aan si rasmi ah loo oggayn.
Dhulka loo guuray, qoyska Axmed kuma haysto hoy, hase ahaate wuxuu dadka dhaqaale ahaan dhaama ka helay gogol iyo dhar uu carruurta dhaxanta ka xijiyo.
Ninkan labo daran mid dooro ayaa haysata. Xaaskiisa oo ka xanuunsan ayaa u baahan wehel, halka carruurtiisa oo hoy la’aan iyo nolol-xumo wajahaya aanu cidlayn karin.
Wuxuu tilmaamay in qoyskiisa iyo kuwa kale ee daadku saameeyay aanay wax gargaar ah ka helin meel ka baxsan deegaanka.
“Ummaddan halkii Ilaahey mariyo ayay maraysaa, afkana wuxuu Ilaahey u qoray meel bay u yaallaan, dowladda waxba nagama soo gaadhin. Yeelkeede annagu halkii dhacdadu noogu dhacday baan iska joognaa. Xaaladdaydu halkaas bay maraysaa.”
Wuxuu xusay Axmed in uu ku caydhoobay daadka ka dhashay roobka. Arrintan wuxuu kala siman yahay qoysas kale oo ku nool deegaannada Somaaliland, kuwaas oo toddobaadyadii u danbeeyay wajahayay roobab dabeylo iyo daadad wata. Waxaa se isaga u gaar ah geerida ku timid xubno ka mid ahaa qoyskiisa.
Maxamed Xasan Cabdi oo deggan tuulada Bali-Cigaal oo ka tirsan gobolka Daad-madheedh wuxuu roob dabeyl wata uu ka dilay 15 adhi ah. Kow iyo soddon neef oo u hadhay ayuu ku howlan yahay sidii ay uga badbaadi lahaayeen roobabka da’aya.
Wuxuu sheegay in dabeysha uu roobku uu watay ay qaadday aqal-Soomaali muddo dheer hoy u ahaa. Carruurtiisa ayuu u daad gureeyay guryaha qoysas kale oo u dhow, halkaas oo uu ka helay guri ay ku caawiyeen qoys ay ehello yihiin. Waxay sidoo kale ka taageeraan cunno bisil.
Wuxuu rajo xumo ka muujiyay xaaladda uu ku jiro qoyskiisa.
“Horta mar haddii aanay cidi nagaga dhiman oo aananu maanta cid aasayn waa Ilaahay mahaddii. Laakiin duruuf adag buu nagu soo kordhiyey. Xagga cunno yarida oo kale. Xoolihii oo oo jilcay oo la’anaya. Hoygii oo uu naga dumiyey. Raashinkii socday oo iska wada qoyey, biyihiina ay la baxeenba. Markaa duruuf adag baa na la soo gudboonaatay.”
Ninkan oo ah 26 jir aabbe u ah laba carruur ah ayaa dhanka kale tilmaamay in xaaladda uu galay ay ka weecisay qorshe uu lahaa oo ahaa in uu bishan waxbarashada ku daro carruurtiisa oo uu sheegay in ay gaadheen da’da iskuulka. Baaxada roobkan ayuu ku macneeyey in uu ahaa kii ugu xoogga badnaa ee uu arkay intii uu jiray, kaas oo khatar badan galiyey noloshooda.
Wuxuu xusay in uu u baahan yahay isaga iyo qoysaska kale gacan qabasho, maaddama xoolaha u hadhay aanay hadda wax nacfi ah u lahayn. Wuxuu sheegay in dhibaato ay ka soo gaadhay roobka dabeysha watay. Wuxuu tilmaamay in aanay ka maarmin isaga iyo dadka la mid kaalmo cunno oo lagu taageero.
“Dawladdeena Soomaaliland waxaanu leenahay in ay taageero iyo garab istaag noo samayso. Haddii wax nalaga caawinaayo ama wax lana taraayo aad iyo aad ayaanu u soo dhaweynaynaa, waana aanu u mahadcelinaynaa mar labaad iyo mar saddexaadba.”
Qaar ka mid ah deegaannada Soomaalida waxaa si weyn uga da’ay roobab xooggan, kuwaasi oo gaystay dhibaatooyin badan. Ha’yaddaha dhinaca saadaasha hawada ayaana soo saarayey digniino ay dadka ugu jeedinayaan in ay muujiyaan taxadar dheeraad ah.
Xuseen Maxamed Yuusuf wuxuu ka mid yahay hawl-wadeenada xafiiska saadaasha hawada ee urur goboleedka IGAD xafiiskeeda Nayroobi. Wuxuu Raadiyow Ergo uga warramay sida dadku ay uga gaashaaman karaan fatahaadaha iyo daadadka ka dhasha roobabka.
“Bulshada waxa la gudboon in ay iyagu ka diyaargaroobaan oo ay ka guuraan meelaha joogoodu hooseeyo, una guuraan meelaha joogoodu sarreeyo. Waxa kale oo loo baahan yahay in ay ka war-qabaan waxa iman kara roob aan kaba da’in meeshaa ay degan yihiin. Marka roobkii badan yahay daad badanbuu keenaa. Biyo socda ayaa iska soo galaya dadkii, taas marka meelahaa dooxyada ah in ay ka taxadiraan in ay degaan, fadhiistaan ama xoolahooda ay geeyaan. Si guud dadka waxaan kula talinayaa in ay taxadar badan muujiyaan.”
Xoolo-dhaqatada waxay ka mid yihiin qoysaska u nugul saameynta xun ee ka dhalata roobabka. Qaarkood ayaa dhaqda xoolo jilicsan oo abaarta uga badbaaday, kuwaas oo u nugul dhibicda roobka ama daad ku soo rogmada.