(ERGO) – Xakiimo Faarax Cabdullaahi waxay qoyskeeda oo sagaal qof ah ka saartay xero barakac oo ay ku wajahayeen xaalad nolol xumo ah. Waxay u suura gashay marki maherad lagu iibiyo kalluunka iyo raashinka loo furay bishii koobaad ee sanadkan.
Waxay sheegtay in ay nasiib u yeelatay ka mid noqoshada soddon haween ah oo ka soo jeeda qoysas danyar ah oo oo la siiyay tababar iyo qalab ka saaciday in ay samaystaan xarumo ganacsi.
Xakiimo oo muddo 3 bil ah meheraddan ku leh Hobyo ayaa sheegtay in maalintii ay ka hesho dhaqaale u dhexeeya $10 ilaa $15 oo faa’iido ah. Lacagtaas ayaa qoyskeeda ka saartay nolo-xumo ay ku jireen muddo lix sano ah.
“Awal marna waan qaadi jirnay marna waan heli jirnay. Laakiin hadda waan fiicanahay oo noloshii waa is bedeshay saddex waqti ayaan wax u kariyaa hadda. Waxbadan ayay iga saacidday arrintaan waana ku shaqaystaa hadda.”
Xakiimo ayaa ku dhiiratay in ay furato meheraddan markii wasaaradda kalluumaysiga Galmudug ay siisay qalab kala ah labo tallagadood oo ay ku kaydsato kalluunka iyo maacuunta lagu dubo. Agabyada kale ee ka dhimanaa ayay ku soo iibsatay $500 oo uu daymiyay ganacsade ay qaraabo yihiin oo magaalada deggan.
Xakiimo oo qoyskeedu ay Hobyo soo gaareen sanadkii 2017, markii ay abaar ka laysay 150 arri ah oo ay ku dhaqanayeen deegaanka Bacaad-cadde ayaa xilligaan ka soo kabtay nolol-xumo ay badday arrintaas. Waxay sheegtay in ay ka maarmeen raashin hal waqti ay karsan jireen oo ay ku caawin jireen dad ay qaraabo yihiin.
Waxay deeganka ay ka soo barakaceen ay uga soo tageen guri saddex qol ah iyo agabkii yaallay iyaga oo la soo lugeeyay carruurta oo kali ah. waxay sheegtay in ay awoodi waayeen in ay xitaa gaari kiraystaan faro-marnaanta dhaqaale ee xilligaas haysay darteed.
“Maaddaama xoolihii na dhaafeen abaar cunto la’aan biyo la’aan iyo dhulkii oo aan daaq lahayn oo abaar aad u ba’an ay ka jirtay darteed laabasho danbe rasho ugama qabno, haddana reerka anaa u shaqeeya oo malaagaas ayaan noloshooda ku maareeyaa.”
Xakiimo ayaa sheegtay in muddada yar ee ay shaqaynayso ay yeelatay macaamiil aad u badan. labo ka mid ah carruurta ayaa ka caawiya shaqada, halka aabbaha reerka oo horay baagamuuddo u ahaa uu hadda qaabilsan yahay keenidda kalluunka. Wuxuu ka soo qaadaa kalluumaysatada badda u jillaab taga.
Waxay sheegtay in iskaashigooda uu daarran yahay in ay waqti yar u sameeyaan dhaqaalo ay ku tashadaan muqtaqbalka dhow. Waxay naawilaysaa in bisha danbe ay ganacsigeeda ku soo biiriso qayb cusub oo lagu iibiyo dharka, raashinka iyo bagaashka. Arrintaas ayaa ku dhalatay markay aragtay macaamiisheeda isisoo taraya.
Haweenaydan maaraynta nololsha reerka waxa u dheer in ay waxbarashada ku dartay shan ka mid ah carruurteeda oo horay ay uga hortaagneed dhaqaalo xumada haysay. Waxay sheegtay in ay bil kasta ka dhiibto isku gayn lacag dhan $25.
Xaliimo oo qaadatay tababar ayaa sheegtay in ay fahan buuxa u leedahay maaraynta dhaqaalaha soo gala, taas oo u sahashay in ganacsigeedu uu wax yar ku gaaro hormar la taaban karo. Waxay xustay in lacagta ay hesho ay u kala qaybiso biilka reerka waxbarashada carruurta iyo in ay kaydiso si ay ugu maarayso wixii culays ah oo ku yimaada.
Dhamaan haweenka ka faa’iidaystay tababarrada iyo qalabkan la siiyay ayaa ka siman waxtarka joogtada ah oo ay ka helaan shaqadooda. Maryan Muxuyadiin Yalaxow waxay muddo labo bil ah ku shaqaysanaysaa xirfaddii la baray ee diyaarinta iyo iibinta hillibka kalluunka.
Waxay ku iibisaa maqaaxi yar oo gaar u ah kalluunka oo ay ka furatay suuqa wayn ee Hobyo. Waxay ka heshaa maalinkii lacag u dhaxaysa $10 ilaa $12 dollar oo faa’iido ah markay iska bixiso qarashaadka ku baxaya adeegga meheradda. Waxay ka maaraysaa nolosha sagaal carruur ah oo ku tiirsan wax-soo-saarkeeda. Waxay subax kasta u kallahdaa badda si ay u soo hesho kalluunkii ay maalintaas iibin lahayd.
“Kalluunka nimanaa soo dabta ana xeebkaa tagaa waan kasoo kiilaystaa 10 kiilo kale ama 5 iyo 10 kiilo kale talaagadaa gashtaa. Qaar waa la shiilaa, qaarna waa la uumateeyaa qaab foornaati ah loo waxeeya. Lacag waxaa iga soo gasha intii quutulyoomkeena nogu filan. Waxii waxbarshada ilmaha looga baxiyo, kuronta iyo biyaha.”
Maryan oo ah halka qof ee u shaqeeya reerkeeda ayaa sheegtay in hadda ay ka baxday welwel ay ku qabtay cunto u helista carruurteeda. Waxay horay hal mar u karin jirtay waxay ku soo hesho dawarsi ay u aadi jirtay dadka magaalada deggan. Waxaa intaas u dheeraa daryeelka saygeda oo ah waayeel aan guriga dhaafin.
Waxay tilmaantay in hadda qoyskeedu ay ku jiraan noloshii ugu fiicnaa muddo saddex sano ah oo ay Hobyo deggan yihiin. Waxaay ka bexeen cuuno yari iyo hoy-xumo ay ku wajahayeen guri jiingad ah oo ay ku caawiyeen dad ay qaraabo yihiin sanadkii 2021.
Xilligaas waxay ka soo xaroodeen miyiga degmada markii baartii waqtigaas ay ka dhamaysay tiro ari ah oo ay dhaqanayeen. Maryan bil ka dib markay shaqadan billowday waxay ku dhiiratay in saddex ka mid ah carruurteeda ay waxbarashada ku biiriso. Waxay ogaatay in ay ku filantahay qarashka ku baxaya.
Maryan oo markii qalabka la siiyay meheraddan ku furatay lacag labo boqol ah oo ay siiyeen dad eheladeeda ah ayaa sheegtay in muddada ay shaqaynayso ay gaarsiisay dhaqaale ay ku qiyaasayso ku dhawaad ku doollar.
Waxay qorshaynaysaa in mustaqbalka dhaw ay billowdo sidii ay reerkeeda guri ugu dhisi lahayd. Waxay aaminsan tahay in dhaqaalaha soo galaya oo ay hadda aruurin ku billowday ay u suuragali karaan billow wax ku ool ah inla sanadkan.
Haweenka shaqo abuurka loo sameeyaay ayaa lagu xushay daruufaha ay ku jiraan qoysaskooda iyo fahamka ay ka haystaan ganacsiga iyo hal-abuurka ay leeyihiin, sida uu sheegay Muqtaar Cabdullahu guddoomiye ku-xigeenka degmada Hobyo oo soo qoray haweenka.
Muqtaar ayaa tilmaamay in haweenka intaan maalgalinta loo samayn la siiyay tababarro ku saabsan maaraynta ganacsiga iyo sara u qaadista faa’iidadiisa si ay uga soo kabtaan xaaladda saboolnimada ah ee ay muddada ku jireen.
Ujeedka laga leeyahay ayuu ku sheegay in ay tahay in dadkan ay yeeshaan isku filnaansho dhaqaale, taas oo uu sheegay in ay deegaanka u horseedi karto koboc dhaqaale. Wuxuu intaas raaciyay in qalabka kalluunka ay ku doorteen in deegaanka waxa ugu badan ee laga shaqaysan karo ay u arkeen. Si ag iskaga haashadaan waxkasta oo culays ku noqda ayay u sameeyeen hannaan ay iskaga war hayyaan.
“Waxaa jira iskaashato ay gaar u leeyahiin dumarka markii marka tababaro nuucaan ah imaadaan marka markasta dumarku muhiiim bay uyahiin tababarada nuucaan ah mararka qaar waxaa dhacda in kaligood loo sameeyo markasta doorkooda waa ka qeybqaataan inta badan dumarku maadaama markii kalluunkii la soo saaro xanaanayntiisii iyo hagaajintiisiii iyo farsameysadiisii inta ay iyaga xooga saaraan.”
Muqtaar ayaa sheegay in sidoo kale ay dadkaan u dhiseen xarun loogu talagalay oo ay tababarada ku qaataan. Hadba wixii ku adkaata ayay siiyaan casharro quseeya cabashadooda










