(ERGO) – Saleebaan Cali Cabdi wuxuu awood u yeeshay in uu u helo cunto ku filan qoyskiisa oo ka kooban sagaal qof. Waxaa u suuragalisay faa’iido uu ka helay caano uu u iibgeeyo xerada Qurdubeey ee dagmada doollow.
Arrintaan ayuu billaabay markii ay u dhaleen bishii Diseembar ee sanadkii hore saddeed ka mid ah geel soddon ah oo uu ku dhaqdo duleedka magaalada. Wuxuu si maaline ah uga helaa caanaha lacag u dhaxaysa todobo ilaa sagaal doollar.
Geela oo uu ku dhaqo xero uu badar ku siiyo ayuu sheegay in uu ka helo wax-soo-saar aad u sarreeya. Ninkan oo reerkiisu aysan horay u lahayn il-dhaqaale ayaa hadda ka baxay nolol xumadii ay muddo ku loolaayeen.
“Biilka saddexda waqti reerka waan ka helaa. Marki hore carruurta maalinki hal mar ayaa loo heli jiray oo cariiri iska ahayd. Laakiin inti aan ganacsigan ku jirno saddexda waqti si toos ayaan u helnaa. Maaddaama xilligii hore biilka iska ciriiri ku jiray oo caqabad iska jirtay, oo abaaro faro badan iska jireen.”
Saleebaan ayaa sheegay in neefafka geela ah ee hadda u jooga ay uga badbaadeen 60 geel ah iyo 180 ari ah oo ay ka laayeen abaarihii dalka soo maray sanadihii 2017 iyo 2021. Intan yar ee u hartay ayuu tilmaamay in xilligaan ay yeesheen nacfi.
Wuxuu sheegay in ka hor inta uusan billaabin iibinta caanaha ay qoyskiisu hal mar oo ah habeenkii ay karsan jireen hadba wuxuu ka soo helo shaqo xoogsi ah oo uu u aadi jiray magaalada Doolow.
Ragga dhisa guryaha oo uu u ahaa shaqaalaha keena dhagaxa iyo dhoobada ayaa siin jiray $10 maalinti, balse wuxuu shaqo heli jiray todobaadkii hal ama labo maalin.
Maaraynta nololsha reerka waxaa u dheeraa raashinka geela oo uu bishii siin jiray saddex ilaa shan kiish. wuxuu dayn uga qaadan jiray bakhaar ay macaamiil ahaayiin oo ku yalla magaalada. Wuxuu ku yeeshay lacag gaaraysa $1,300, oo uu hadda billabay in uu iska gudo.
“Caanaha faa’iidada aan hadda ka helnay waxaa noogu fiican labo qaybood ayaan ka dhignaa qayb raashinadii, biyihii iyo wixii aan qaadnay ayaan iskaga bixinaa, oo waan iska saarnaa daynta qaybna biilka ayaan ka dhiganaa oo reerka ayaa lagu biilaa.”
Saleebaan ayaa sheegay in uu maalin kasta meel dhigo $2 oo ka mid ah lacagta soo gasha. Ujeedkiisa ayaa ah in 6 bilba uu ku gado neef geel ah si uu u badiyo geeliisa si mustaqbalka ay u anfacaan.
Xoolo-dhaqatada kale ee aan iyagu ku baraarugsanayn arrintaan ayuu hadda kula taliyaa in ay sidiisa oo kale sameyaan isaga oo ku qancinaya faa’iidada uu ka helay. Wuxuu aaminsan yahay in habkaan cusub ee geela loo dhaqayo ay tahay mid ay nacfi ku wada heli karaan xoolaha iyo dadka dhaqanaya.
Wuxuu shgeegay in haddii ay abaaro dhacaan uusan welwel ka qabin in ay wax yeelayso geeliisa, maddaama uu ku noolyahay raashinka oo uusan taaq kaliya ku tiirsanayn.
Iibinta caanaha ayuu billaabay bishii koobaad ee sanadkan, markii uu ogaaday in xerada ay ka jooggaan qiimo wax ku ool ah. Macaamiil badan oo uu helay ayaa u sahashay in uu maalintii faa’iido lacag u dhaxaysa $7- $8. Dhaqaalaha uu helo ayaa u horseeday in ay qoyskiisu helaan cunto ku filan.
“Saddexda shey ee la isticmaalo sida bur, bariis iyo sonkor iyo masagada oo kolbo marki la shiido oo makiinada la galiyo oo iyada soor laga dhigo waxaas ayaan adigu u qaadaa. Qado, quraac iyo casho ayaa la kala yiraahdaaye saddexdaas shey un waa la isticmaalaa.”
Xuseen marka laga tago maaraynta nolosha qoyskiisa wuxuu bil kasta siiyaa raashin min 12 kiilo oo bur, bariis iyo sonkor ah, labo qoys oo ay leeyihiin laba gabdhood oo walaalihiis ah, kuwaas oo ku xoolo beelay abaaraha.
Dhanka kale shaqadaan ayaa dabooshay waxbarashada afar carruur ah oo dhaqaalo xumo darteed iskuulka uga hari lahaa sida uu ku wargaliyay maamulka,, markii laga bixin waayay min $10 oo laga qaado bil kasta.Wuxuu ka guday $130 oo lagu yeeshay saddex bil.
“Mid iskuulka ayaan ka bixiyaa. Kuwo uu aabbahey dhalay iyo kuwo aan anigu dhalay iyo kuwo ay gabdhuhu walaalahey dhaleen intuba noloshoodu waan ku maareeyaa hadduu dugsi iyo iskuul yahayba adigu diini iyo maadi labaduba waan ku maareeyaa.”
Xuseen oo ah 45 jir waligiis ku soo dhaqmayay xoolaha ayaa sheegay in xilligaan uu joogo waqtigii ugu faa’iidada badnaa. Wuxuu naawilayaa in haddii uu dhaqaale u helo uu badiyo geeliisa si uu uga sameeyo wax-soo-saar dhaafsan kan uu ku tashado.
Wuxuu tilmaamay in hannaankaan uu dib u soo celiyay rajadiisii xoolaha oo uu ka quus gaaray xilliyadii abaaraha. Wuxuu sheegay in uu yeeshay macaamiil badan oo uusan ka welwelin ciddii caanaha ka iibsan lahayd in kasta oo uu keeno.
Waxaa jira koox ganacsato ah oo ay si jamlo ah uga iibsada caanaha, iyaguna ka sii iibiya dadka xerada deggan iyo magaalada Doolow. Waxaa ka mid ah Cabdullaahi Maxamed oo ay macaamiil yihiin Xuseen. Wuxuu xusay in maaddaama aysan iyagu geel lahayn ay si guud caanaha uga iibsadaan ayna dib macaash uga raadiyaan.
Wuxuu sheegay in ay ka baajiyaan culays ay kala kulmi lahaayeen haddii ay xerada ku dhex wareejin lahaayeen, taas oo ka qaadan lahayd waqti aad u badan.
“Xoolo-dhaqatadaas meesha ugu sokaysa ee ay wax u safarsan karaan waa xeryahaas, maba gaaraan oo dadku gaadiid ma haystaan. Marka sidaa darteed caanahoodu meel ay u qaataan ma aysan jirin. Laakiin hadda aad baan u kala faa’idnay oo iyagina shaqo fiican baan u sameeyay oo laftirkooda ku filnaasho u noqotay. Anagana nagu filnaatay.”
Ninkan oo qoyskiisu ku soo barakaceen xerada Qurdumeey sanadkii 2021, xilligaas oo ay dhaafeen 170 neef oo ari ah ayuu sheegay in ay hadda ka soo kabteen nolol xumadaas muddo saddex bil ah oo uu wado shaqadan. Reerkiisa oo sagaal qof ah ayuu sheegay in hadda uu awoodo in ay saddex waqti wax cunaan.
Lacagta uu sida maalinlaha ah uu uga helo shaqadan oo u dhaxaysa $10 ilaa $15 ayuu tilmaamay in shan ka mid ah uu kaydiyo, halka inta kalana uu ku bixiyo nololsha qoyska. Midda uu dhigaalsanayo ayuu kaga golleeyahay in uu ku iibsado geel. Wuxuu aaminsan yahay in haddii uu lahaan lahaa uu waxbadan faa’iidi lahaa.
Xoolo-dhaqatada Soomaalida ayaa inta badan waxay wajahaan abaaro is xigxiga, kuwaas oo naxalsiiya saamayn ay adag tahay in ay ka soo kabtaan, balse sanadihii danbe ayay u muuqdeen kuwa la imaanaya habab ay kaga gaashaantaan saameynta abaarta.