Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Garowe: Haweeney qarax uu naafeeyay oo lagu caawiyay guri iyo gaari waxtaray qoyskeeda

Jibril Osman by Jibril Osman
May 13, 2024
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Garowe: Haweeney qarax uu naafeeyay oo lagu caawiyay guri iyo gaari waxtaray qoyskeeda

Maryan iyo saddexdeeda ilmood oo helay guri cusub oo jiingad ka sameysan/Abdiweli Mohamed/ Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Maryan Axmed Cali ayaa awood u yeelatay in ay wada maarayso waxbarashada iyo cuntada 3 carruur ah oo ay dhashay. Waxaa u suura galisay faa’iido ay ka heshay mooto bajaaj uu u gadday nin ganacsade ah 26 bishii Maarso ee sanadkan.

Labo ka mid ah carruurteeda oo waxbatashada ka haray bishii Janaayo ee sanadkaan ayay labo asbuuc ka hor dib ugu celisay iskuulka. Waxay isku gayn ka dhiibaysaa $10 bil walba. Waxay sidoo kale gudday lacagta saddex bil oo hore oo sababtay in carruurteeda waxbarashada laga soo eryo maadaama ay bixin waysay.

Mootada oo uu u wado darawal ay shaqaalaysiisay ayay maalintii ka heshaa lacag gaaraysa $10 oo faa’iido ah markay iska bixiso qarashaadka ku baxaya darawalka o $7 ah maalinkasta iyo shidaalka.

Maryan oo xaalad adag ku sugnayd ayaa sheegtay in dhaqaalahaasi reerkeeda u horseedday inay saddex waqti wax cunaan.

“Waxaan ahaa qof iska socota oo murugaysan oo dhahaysay; ilaahoow maanta saddexdan carruurta ah waxaan ku biisho ii soo sahal; ummaddaan isaga dhiganayay gacmaha. Hadda Alxamdulilaah meeshaasaan fadhiyaa. Guri baan degenahay. Bajaajtaas baa ii shaqeysa. Murugtiiyoo dhan waa iga baaba’day.”

Maryan oo qoyskeedu barakac ku yahay xerada Siligga ee duledka magaalada Garowe waxay sidoo kale ka soo kabteen hoy la’aan ay wajahayeen muddo lix bil ah oo ay ku sugan yihiin xerada. Waxaa loo dhisay labo qol oo jiingad ah.

Waxay ka maarmeen buush bil kasta laga qaadi jiray kiro gaaraysa $5. Bishii ay awoodi wayso ayay xustay in laga saari jiray, taas oo ku qasbaysay in ay carruurta oo kan ugu yar uu jiro 3 sano ay debedyaal u noqdaan.

Maryan ayaa labada gacmood kaga go’day qaraxii soobe-2 oo Muqdisho ka dhacay sanadkii 2022. Xilligaas oo ay ka shaqaynaysay nadaafadda waddooyinka oo ay uga qornayd isgayska Soobe. Si iyada iyo carruurteedu u helaan nolol ka jaban midda muqdisho ayay u soo guuraan Garowe.

Xaaladda nololeed ee qoyskan ayaa ka sii dartay, markii aabbahii reerka oo xamaali ku shaqayn jiray uu bishii October ee sanadkii hore geeriyooday. Maryan ayaa sheegtay in maaddama aysan qaban karin shaqo ay ku qasbanaatay inay tuugsi u wareegi jirtay maalin kasta si ay carruurta dabka ugu shiddo.

Waxay tilmaantay in maalinta ugu badan ay soo heli jirtay wax ay hal mar cunaan, halka maalmaha qaarna ay soo laaban jirtay iyada oo faro-maran. Waxay tilmaantay in naafo nimadu ay ku qasabtay tuugsiga oo ah xaalad aysan cidna doorateen.

In ay awood beeshay waxa u dheer wax yeello maskaxeed oo ka soo gaartay dhibaatadii qaraxa. Waxay had iyo jeer gocotaa mahadhooyin ay ka dhaxashay qaraxa waxyeeladiisii. Waxay ku waysay masiibadaas tobanaan haween ah oo ay shaqo wadaag ahaayeen.

“Waxaa noqonay nin dhintay iyo nin noolba. Ninkii silic ku nool iyo ninkii ilaahay ka kiciyay oo anigoo kale ah oo Hambo ayan wada nahay. Caloosha waa iga imaatay, waana la igu celiyay oo way tolon tahay. Gacmahayga waan ku waayay. Annakoo nadaafadda ka shaqeynayna oo rabnaa inaan gaariga iska-rogoda ah saarno qashinka ayuu nasoo galay qarixii. Meeshaasaan ku dhamaanay.”

Maryan waxay sheegtay in hadda ay ka soo kabsadeen carruurteeda dayacaad ay la kulmi jireen inta ay ka maqantahay, maddaama ay u heshay waqti ay kula joogto iyo cunto ay siiso intaba. Waxay ku faraxsan tahay nololsha cusub ee u billaabatay.

Caawinta ay heshay ayaa timid markii dad ay ka duubeen muuqaalo sababay in uu arkay Jaamac Salaad Dhagadheere oo ah ganacsadaha ka saaciday guriga iyo gaariga loogu shaqeeyo. Arrintaas ayaa Maryan u abuurtay rajo cusub. Waxay hadda ku habimaysaa in ay xerada ka samaysato ganacsi si ay u ballaariso ilaha dhaqaale ee qoyskeeda.

Jaamac oo ku nool magaalada Garoowe ayaaa baahideeda uga soo jawaabay muddo 10 maalmood ah. Wuxuu sheegay in caawin mar ah ay kala qayma badnaatay in uu u sameeyo il dhaqaale oo ay ku tiirsanaadaan iyo hoy ay gabaad sadaan.

Wuxu tilmaamay in caawintiisa uu uga gollahaa in carruurta iyo hooyada naafada ah ay helaan qaab ay naftooda ku badbaaadin karaan. Wuxuu aaminsan yahay in aysan intan ku filnaayn, balse ay faro- marnaan dhaaanto.

“Maadaama ay gabadhii Garowe timid, Garowena u soo aadday in wax la taro. Gacmuhu ay go’an yihiin, carruur agoon ah oo saddex ah ay haysato, inaan wax tarno xaq bay nagu noqotay. Weliba waxay tiri markuu qaraxu igu dhacayo, laamiga ayaan qashinka ka guraynay, waxayna wax ku gaareen dan guud.”

Jaamac wuxuu xusay in caawinta maryan uusan intaas uga harayn ee uu la socon doono xaaladdooda inta ay Garoowe joogaan. Wuxuu sheegay in ay masuuliyad ka saaran tahay qof kasta oo awooda in uu kaalin ka qaato noloshooda madaama aysan lahayn cid ay ciirsadaan.

Wuxuu sheegay in markii uu gabadhaan la kulmay aad uga murugooday xaaladeeda taasoo keentay inuu si deg deg ah u caawiyo.

“Galabtii koobaad een afurka qaybinaynay markaan biyaha qaaday een damcay inaan u dhiibo qofkii dhinaca ugu xigay oo gabadhaan ahaa mise biyihii maba qabsan karto oo labada gacmood ayaa go’an. Runtii aad baan uga naxay, kaddib howshaas Ilaahey baa u fududeeyay gurigii inay hesho. Markii la yiri gaariga adaa leh farxad ayay la oraday howsha gabadhaan inaan ku dhiirano Ilaahey baa u fududeeyay.’’

Inta badan dadka ku nool xeryaha lagu barakacay ma helaan fursado ay nololshooda ku maarayn karaan sida shaqo ama caawinaad. Waxa ugu wayn ee sababa ayaa ah in aysan lahayn aqoon ay shaqo ku helaan iyo dhaqaale ay hal-abuur kula yimaadaan toona. Iyada oo taasi jirto ayaa waxaa jira taro nadir ah oo sida Maryan hela fursad dhaxal siisa isbadal ay u aydo.

Previous Post

Somaliland: Roobab mahiigaan ah oo sababay dhamashada saddex qof iyo boqollaal xoolo ah

Next Post

Baydhabo: Dhallinyaro waxbartay oo il-dhaqaale ka helay ka ganacsiga xoolaha

Related Posts

Qoysas qaxooti ah oo ku helay xerada Dhadhaab xuquuq deganaansho iyo mid cunno
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas qaxooti ah oo ku helay xerada Dhadhaab xuquuq deganaansho iyo mid cunno

January 23, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haweenka guryaha malaasa oo ku wajahaya Marka shaqo la’aan galisay xaalad quus ah

January 22, 2026
Qoysas cayroobay oo cunno xumo ku wajahaya Cadaado oo ay maciin-bideen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas cayroobay oo cunno xumo ku wajahaya Cadaado oo ay maciin-bideen

January 20, 2026
Kismaayo: Haween barakac ah oo dhaqaale ka hela miro lagu quudiyo xoolaha
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Kismaayo: Haween barakac ah oo dhaqaale ka hela miro lagu quudiyo xoolaha

January 19, 2026
Rag shaqooyin ka helay beeraha Muqdisho oo ku filnaaday nolosha qoysaskooda
Beeraha Iyo Xoolaha

Rag shaqooyin ka helay beeraha Muqdisho oo ku filnaaday nolosha qoysaskooda

January 16, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Heshiish laga gaaray colaaddii Xanan-buure oo soo kabasho u noqotay qoysas danyar ah

January 14, 2026
Next Post
Baydhabo: Dhallinyaro waxbartay oo il-dhaqaale ka helay ka ganacsiga xoolaha

Baydhabo: Dhallinyaro waxbartay oo il-dhaqaale ka helay ka ganacsiga xoolaha

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA-22-JAN-2026

IDAACADDA-22-JAN-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA-22-JAN-2026
Episode play icon
IDAACADDA-22-JAN-2026
January 22, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 21-JAN-2026
January 21, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 20-JAN-2026
January 20, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 19-JAN-2026
January 19, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-JAN-2026
January 17, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo