(ERGO) – Helitaanka biyaha ayaa ku adag shan boqol oo qoys oo ku nool xerada Beeraley oo ku taalla degmada Kaxda ee gobolka Banaadir. Xaaladan ayaa taagan tan iyo 20 Janaayo, markaas oo laga jartay biyo bilaash u ahaa oo ay ka dhaansan jireen 4 tuubo iyo haan kayd ah oo ku dhex-yaalla xerada.
Ganacsade deegaanka ah oo is xilqaamay ayaa biyaha u galiyay bishii September ee sanadkii hore, kaas oo $800 ku bixiyay in halkan la soo gaarsiiyo biyaha oo laga soo xiriiriyay ceel gaar loo lee yahay oo xerada u jira 1km.
Maamulka ceelka ayaa jartay markii ay waayeen cid siisa lacag $300 sida uu Raadiyow Ergo u sheegay guddoomiyaha xerada.
Haajaro Ibraahim Cali oo ka mid ah dadka halkan ku nool sida kaliya ee hadda ay ku hesho biyo ayaa ah in maalin kasta guryaha ay ku garaacdo dadka ku nool xaafadaha ku dhow.
“Biyaha waa lacag. haddii aad weyso lacagta waa soo tuugso. Annaga lacagtii maba haysano. Biyaha qof waa ku siinayaa qofna waa kuu diidayaa. Waad ogtahay dhibka ay leedahay xaafad islaameed in aad maanta oo dhan gar-garaacdo ileen kun shilin oo aan ku iibsado ma heli karo.”
Dhabarka ayay uga soo qaadaa masaafo 2 km ah caag labaatanle ah. Waxay tilmaantay inay dhib u marto, hadana aysan ka badneyn wax maalinkaas ay u isticmaalaan cabitaanka iyo inay cuntada ku karsadaan. Haajaro ayaa xustay in qubeys iyo dharka oo ay dhaqdaan ay ugu dambeysay, markii biyaha la jartay.
Waxay tilmaantay in biyo yaridu uga sii dartay iyagoo markii hore wajahayay cunno yari iyo hoy xumo. Qoyska cidna uma shaqeyso. Waxay ku tiirsan yihiin raashiin ay ka soo dawarsato xaafadaha u dhow, kaas oo hal waqti ay karsadaan maalinkii.
“Saaka dab maanan shidan. Qof walaal ah ayaan hal koob oo shah ka soo cabay. Nolol xumo weyn ayaa na heysata. Cuntada marna waa weynee marna waad helee. Wax dad muslim ah laga soo tuugayo miyaa cunto ah. Waa dareemi kartaa dhibteenna, ramadaana waa nagu soo socdaa.”
Haajaro ayaa kaligeed koriso afar carruur ah oo lagu furay. Xerada waxaa uga dhisan aqal cooshad ah oo ka sameysan geedo, kartoon iyo meryo leysku xirxiray. Waxay sheegtay in magaalada oo ay ku cusub tahay darteed aysan wali helin shaqo xoogsi ah oo nolosha ay ka maareyso.
Waxay xustay in iyadoo faro maran ay halkan timid bishii December. Noloshooda ayaa ku tiirsaneyd beer ay leedahay oo 2 hiktar ah, taas oo ku taalla deegaanka Daafeed ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Webiga Shabeelle oo ku fatahay bishii November ayay sheegtay inuu ka burburiyay dalagyo kala ah masago, galley, yaanyo, barbarooni iyo qare.
Waxay xustay in beerta ay galisay qarash $500 ah oo wali deyn loogu lee yahay. Haajaro ayaa tilmaantay in markii ay wayday dhaqaale kale oo ay ku tacabto beerta ay go’aansatay inay ka guurto tuulada oo aan fursado shaqo laheyn.
“Haddii waa noqonaa aan dhaho waxaan haysto malahan, hadana Xamar waa kaasaa oo afar bil ayaan meeshan ku dhibaateysanahay. Joodari xataa ma haysano, dhulkaas aad aragto ayaan ku nool nahay oo bac xataa ma haysano.”
Dadka ku nool xerada Beeraley ayaa u badan kuwo aan shaqeyn. Amni darro iyo fatahaado ayay uga soo barakaceen gobollada shabeellooyinka.
Ruqiyo Mukhtaar Xasan ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in dhaqaalaha soo gala oo yar uusan u qeybsamin inay ku gataan biyo iyo raashiin.
Waxay tilmaantay in 24 saacba mar ay helaan wax ka yar 20 liitar oo biyo ah. Marka ay awoodi waayaan inay gataan ayay sheegtay in dariskeedu ku caawiyo wax yar oo maalinkaas ay cuntada ku karsadaan.
“Hadda saaka labo jiirkaan ayaan keenay, dhabarka ayaa I xanuunaya waana jiifaa illaa saaka. Maalintii aniga waan jeclahay inaan isticmaalno shan illaa lix jiirkaan. Laakiin maba helaayo.”
Ruqiyo ayaa xustay in biyo yarida jirta darteed aysan carruurteeda u qubeyn, dharkana u dhaqin muddo bil ka badan. Waxay sheegtay in markii hore xerada ku wajahayeen cunno yari, balse biyaha oo ahaa waxa kaliya ee bilaash u ahaa ay hadda yihiin waxay ugu baahi badan yihiin.
Qoyska ayaa hal waqti dabka ku shita $1 illaa $2 oo ninkeedu ka helo maalinka uu qabto shaqo toddobaadkii labo ama saddex beri uu helo, taas oo ah qodista godadka qashinka.
“Haddii la waayo nasiibkeena ayaan qabnaa. Saaka hadda wax dab ah maanan shidan. Aabbihii waa uu baxay waxa uu aaday god qodow. Haddii wax uu soo helo waakaasaa. Haddii uu soo waayana waa layska seexanayaa.”
Ruqiyo oo ah hooyada sagaal carruur ah ayaa ka soo barakacday deegaanka Warmaxan ee gobolka Shabeellaha Hoose, markii fatahaad wabigu sameeyay ay ka burburisay beer labo hektar ah oo ay ka baxayeen masago, galey iyo sisin.
Xerada Beeraley ayaa la degay bishii September ee sanadkii hore. Malahan musqulo, adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka. Dhulka waxaa leh dad deegaan ah oo aan kiro ka qaadin qoysaska soo barakacay, Waloow dadka ay u sheegeen inay ka saari doonaan xilli kasta oo ay u baahdaan.
Maxamed Aweys Maxamed oo ah guddoomiyaha xerada ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in xaaladda xerada ka jirta uu ku war galiyay ganacsato iyo maamulka ceelka biyaha siin jiray, kuwaas oo uu ka codsaday in qoysaskan oo ah kuwo nugul ay biyaha ka taageeraan, balse cidna kama soo jawaabin codsigiisa.
Wuxuu tilmaamay in dadka oo bannaanada ku saxrooda ay cuduro faafa ka dhalan karaaan haddii ay waayaan biyo nadaafadooda ay ku hagaajiyaan. Wuxuu sheegay in xilligan oo ah jiilaal kulul ay dadku ugu baahi badan yihiin biyaha, balse ay ku adkaatay in xal loo helo caqabadda taagan.
“Dadkan waa kuwii wax soo saarka wadanka ahaa ee beeraleyda ahaa waa in dhaqso la garab qabtaa. Beerahooda lagu celiyo oo aysan meelahan ku milmin oo ay wax u soo saartaan aad iyo aad ayay muhiim u tahay.”
Qoysaska soo barakaca ayaa inta badan degga dhulka bannaan ee ku yaalla hareeraha maaalada Muqdisho, maadaama aysan awoodin in guryo ay kireystaan.