(ERGO) – Saddex iyo konton dhalinyaro ah oo ku nool magaalada Caynabo gobolka Saraar ayaa dhaqaale noloshooda badalay ka helay maalgalin loogu sameeyay xirfado la baray. Waxay u badnaayeen dad aan shaqeyn oo ay ku adkeyd maareynta noloshooda.
Waxay ku shaqeystaan xirfadaha biyo galinta, dawaarka, laxanka, korontada iyo cillaan saarka. Maalgalinta iyo tababarka waxaa ka caawisay hay’adda bad-baadada carruurta ee Save the Children.
Jaamac Xasan Xaamud oo ka mid ah ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in bishii uu helo dhaqaale ku filan oo ah $250 illaa $300. Waxa uu ku maareeyaa nolosha qoyskiisa oo ka kooban isaga, xaaskiisa iyo 10 carruur ah.
“Farqi aan yareyn baa u dhaxeeya. Macnaha waa nolol mugdi iyo iftiin ah oo kale. Waxaan oran karaa nolosheydii markii hore ciir-ciireysay ee aan fadhiyin bay ahayd. Haddam eel bay saaran tahay.”
Ninkan iyo dhallinyaro labo ah ayaa isla leh mehrad lagu farsameeyo albaabada iyo daaqadaha guryaha, haamaha biyaha, kuraasta iyo miisaska alwaaxa ama birta ah. Goobtan ganacsiga ayaa loogu maalgaliyay bishii July ee sanadkii hore lacag $2,100.
Wuxuu sheegay lacag uu shaqadan ka aruursaday inuu ku gatay boos ay hadda reerku u dagan yihiin, halkaas oo bishii November uu ka dhistay qol jiingad ah. lacag $900 ayaa uga baxday dhulka iyo dhismihiisa.
Jaamac ayaa tilmaamay in afar carruur ah waxbarasho u billaabeen bishii September. Waxay dhigtaan iskuul hoose iyo dugsi Qur’aan uu ku bixiyo lacag isku darkeedu yahay $100. Wuxuu sheegay in markii hore dhaqaale darro ay ka hor taagneyd inay wax bartaan.
“Qof laga doonayo wixii ay cuni lahaayeen qoyskiisa iyo isaguba laga doonayo fiigii kiradii uu ku jiray wixii uu iskaga bixin lahaa. Xaaladiisa waxa aad ka garan kartaa wel-welka iyo hawsha ay leedahay. waa in aad markasta wax raadiso.”
Jaamac oo ah 32 jir ayaa inta uusan helin shaqadan wuxuu nolosha qoyskiisa ku dabari jiray shaxaad iyo qaraabada oo mar mar ku kaal meyn jirtay raashiin ay u soo qaadaan. Wuxuu xusay in maalinkii hal waqti dabka ay shidan jireen, balse hadda ay helaan cunto ku filan oo saddex waqti ah.
Shaqo la’aanta ayaa ku riixday in dalka Sacuudiga uu u tahriibo sanadkii 2015, balse waa laga soo tarxiilay sanadkii 2018 isagoo faro maran. Jaamac ayaa tilmaamay in xirfad la’aantu ay tahay sababta ugu way shaqo la’aanta dhigtay.
Jaamac ayaa xusay in mehradoodu ay shaqo abuur iyo goob ay wax ka bartaan u noqotay Dhallinyaro kale. Waxaa kala shaqeeya saddex dhallinyaro ah oo ay wax bareen.
Waxaa ka mid ah Deeq Cismaan Cali oo halkan ka qaata mushaar $150 ah tan bihsii sagaalaad ee sanadkii hore. Wuxuu tilmaamay in noloshiisa wax weyn uga dhigan tahay inuu helo xirfad uu ku shaqeysto oo aysan lacag uga bixin, nolosha qoyskiisana uu ka dabaro.
“Aad iyo aadbaan ugu faraxsanahay shaqadan muhiimad gaar ah baay ii leedahay oo dhallinyaro filkeyga ah oo Soomaali ah ayaa isiiyay shaqadan.”
Deeq oo 25 jir ah ayaa ku shaqeeya alxanka. Wuxuu sheegay in dhaqaalaha soo gala uu meesha ka saaray wal-wal ka haystay maareynta nolosha qoyskiisa. Wuxuu xusay in markii hore uu ka shaqeyn jiray xamaalka dhagaxa dhismaha guryaha.
Shaqadaas oo aan joogto aheyn ayuu sheegay in maalinka uu qabto uu ka heli jiray $2 illaa $3. Dhaqaalaha oo aan ku filneyn darteed hal waqti ayuu sheegay in dabka ay shidan jireen, balse hadda waxay helaan cunto ku filan oo maalinkii saddex mar ay karsadaan.
“Noloshii hore iyo tan farqi weynbaa u dhexeeyoo. Waayo markii hore waxa aan ahaa qof aan waxba garanayn oo iska jaahil ah oo wax farsamo ah aan aqoon, maantana xoogayga iyo gacantayda ayaan ku shaqaysanayaa.”
Deeq ayaa ku rajo weyn yahay inuu furto goob ganacsi oo la mid ah tan hadda uu ka shaqeeyo, haddii uu dhaqaale helo. Ninkan ayaa ah aabbaha labo carruur ah oo aan wali gaarin da’da waxbarashada. Waxaa hoy u ah aqal uga dhisan boos iyagu ay lee yihiin.
Dhallinyarada maalgalinta helay ayaa ka mid ahaa 250 qof oo fursadan soo codsaday markii loogu soo bandhigay kulan lagu qabtay magaalada Caynaba. Inta la xushay ayaa fikradaha ay soo jeediyeen waxaa ku qancay guddi hay’adda ka socda oo dadka kala reebayay.
Farsadaha shaqo oo yar darteed qoysas badan ma helaan dhaqaale ay ku dabaraan nolosha aasaasiga ah ee cuntada, waxbarashada, caafimaadka iyo hoyga.
Dhallinyaradu waxay ka mid yihiin dadka ugu badan ee shaqo la’aantu ay saameyso, hase yeeshee waa tiro aad u yar inta hesha maalin galin iyo tababar xirfadeed.