(ERGO) – Qaybo ka mid ah Soomaaliya waxaa toddobaadkan ka socda xuska maalinta duur-joogta, waxaana ay soo billowdeen saddexdii bishan Maarso. Munaasabadahan ayaa socon doona tan iyo 10 bishan. Haddaba muhiimad noocee ah ayay deegaanka u leedahay duur-joogta?
Raadiyow Ergo ayaa mowduucan ka wareystay Cabdulqaadir Axmed Xasan oo ah madaxa cilmi-baarista jaamacadda Samsam ee magaalada Muqdisho. Rijaal Cabdi Maxamed oo la kulmay ayaa ugu horrayn waydiiyay waxtarka deegaanka ay u leedahay duur-joogta?
Cabdulkadir: Duurjoogta haddii ay shimbiro tahay ama kuwo kale waxa ay qeyb ka qaadataa waxa la dhaho pollination, pollination waxaa la dhahaa faxlinta. Geedaha waxa ay ka kooban yihiin Male and Female cida la rabo in ay is gaarsiiso inta ay kasoo qaado male u keenaysa Female ka ah waa noolaha kunool deegaanka oo ah duurjoogta.
Su’aal: Maxaa kaloo ka mid ah qiimaha ay duurjoogta u leeyihiin deegaanka?
Cabdulkadir: Deegaanka waa uu isku dhisan yahay waa laba qeybood oo isku rakiban, in carada ay noqoto mid bacrimisan waxa qeyb ka qaadanaya noolaha digadiisa, kaadidiisa iyo xataa markii uu dhinto haraadigiisa. Sida ogtahay duurjoogta waxa ay ka kooban tahay kuwa hilibka quuta iyo kuwa cowska quuta, kuwa hilibka quutaa waxa ay cunaan kuwo cowska quuta, marka waxaa dhaceysa markii midka helibka uu quutaa uu dilo midka cowska quuta in dhiigiisa, uuskiisa iyo haradigiisa ay carada u noqdaan Fertilazer bacrimin.
Su’aal: Duurjoogta maxay kusoo kordhisaa bilicda ama quruxda deegaanka?
Cabdulkadir: Marka la hadlaayo duurjoogta qiimo weyn ayay ugu fadhidaa deegaanka qurxintiisa waxaa loogu yeero aesthetic, sida Maroodiga, Shimbiraha iyo dhammaan noolaha kunool deegaanka.
Su’aal: Haddii deegaanka laga waayo duurjoog maxaa ku dhici kara deegaanka?
Cabdulkadir: Haddii deegaanka laga waayo duurjoog waxaa dhaceysa in dhulka uu isbedallo uu noqdo mid saxaro ah, ama lama deegaan, sababtoo ah caradii ayaa waxaa ka baab,aaya in ay tahay mid wax dhali karta, meelaha qaarkood dibi ayaa lagu abuuraa, reer Miyiga waa yaqaanaan moorada lo,da sanadkii hore meesha lagu hayay markii laga guuro waxaa ka kasoo baxaya cows sababtoo ah caradii ayaa noqotay mid bacrimisan. Sidoo kale haddii deegaanka laga waayo duurjoog waxaa meesha ka baxaya quruxdii deegaanka. Sidoo kale duurjoogta haddii ay meesha ka baxdo waxaa jira wax la dhaho Food chain ama silsilada cuntada haddii la waayo kuwa cowska cuna waxaa dabar go,aya kuwa helibka cuna, midba mid ayuu ku xiran yahay oo haddii mid la waayo kan kale ma noolaan karo. Marka muhiimaddaas aadka u weyn ayay duurjoogta deegaanka u leedahay. Deegaanka waxaa uu ka kooban yahay noole iyo manoole haddii mid uu meesha ka baxo kan kale ma jiri karo.
Su’aal: Dhanka daaqa haddii aan aadno duurjoogta saameyn ma ku leedahay in xoolaha ay helaan daaq ku filan?
Cabdulkadir: Haddii duurjoogta la waayo daaqa wuu yaraanaya, sababtoo ah waxaa jira wax la dhaho biodiversity kala duwanaan deegaan, geedaha iyaga dhexdooda in la isku geeyo si ay u bataan waa muhiin, cida iniinta ama miraha firninaysa oo meel kale gaarsiinaysa waa noolaha, geedaha waa laba kuwa anagaa tacabna kuwana noolaha duurjoogta ah ayaa sii firdhiya. Haddii la waayo shimbirihii iyo noolihii kale sii firdhinayay iniinta waxaa imaanaysa in aysan abuurmin keymo cusub iyo geedo cusub.
Su’aal: Isbedelka cimilada ee dunida saameynta ku yeeshay duurjoogta Soomaaliya saameyn ma ku yeeshay?
Cabdulkadir: Haa wuu ku yeeshay horta isbedel cimilo waxaa la dhahaa in meel dhulka ka mid ah ,heer kulkeedii isbedelo, caradii isbedesho, roobabkii isbedelaan, marka isbedel cimilo haddii uu dhaco, duurjoogta waxa ay quutaan geedaha, geedahana waxa ay kusoo baxaan waa roob, marka haddii geeddihii la waayo waxaa dhaceysa in duurjoogta midii quudan jirtay geedaha ay meesha ka baxdo ka dibna midii quudan jirtay hilibka ay meesha ka baxaan.
Waxaa la dhahaa Soomaaliya saddex dhibaato ayaa ku dhacday duurjoogta. Kow dagaalladii dhaceen,xabadii iyo dilkii qeyb ayay noqdeen oo wixii carari karay waa carareen, oo dowladdaha dariska ah ayaa qaarkood u gudbeen. Qaarka labaad cimiladii ayaa isbedeshay, Geedihii ayaa laga jaray waa dhinteen. Qaarka Saddexaad, cuduro cusub oo aysan horay u aqoon maadaama biyihii ay yaraadeen, cimiladii isbedaleen ayaa ku dhacay.
Su’aal: Ugu dambeyntii waa maxay taladaada ku aadan ilaalinta duurjoogta?
Cabdulkadir: Duurjoogta si loo ilaaliyo waxyaabaha loo baahan yahay waa ka mid ah in la helo seeri. Seeri waxaa la dhahaa meelaha duurjoogta lagu ilaaliyo, tusaale laba ayaan u qeybinaynaa duurjoog, duurjoog hadda Qatar ugu jirta in ay dabar go,do sida antilop,ama deerada iyo Eelada, teamkaasi Soomaaliya waxaa la dhahaa waxaa joogi jirtay 12 nooc hadda afar ka mid ah waa dhammaadeen, lama haayo inta kalena waxa ay halis ugu jirtaa in ay dabar go,do. Waxaa loo baahan yahay in bulshada la siiyo wacyigalin guud sida u gaarsida sida lagu joojin karo iyo duurjoogta aan la u gaarsan Karin in la ogaado. Sidoo kale waa in la helaa sharci ilaalinaya duurjoogta.
Khuburada deegaanka ayaa aaminsan in qaar ka mid duur-joogta ay ka sii dabar-go’ayso deegaannada Soomaalida, taasi oo walaac leh. Waxaa u sabab ah ugaarsiga lagu hayo iyo abaaraha soo laalaabtay.