(ERGO) – Maxamed Isxaaq Xasan oo barakac ku ah magaalada Baydhabo waxaa bishan waxbarasho u billaabay saddex carruur ah. Waxay ka mid yihiin saddex boqol oo arday oo dhallinyaro is-xilqaamay ay geeyeen waxbarasho bilaash ah, taas oo toddobaadkii ay shan beri dhigtaan.
Qoysaska ay ka soo jeedaan carruurta ku nool xeryaha barakaca ee magaalada Baydhabo ayaan awoodin inay ka bixiyaan lacagta waxbarashada. Maxamed ayaa fursadan ay heleen carruurtiisu wuxuu ku tilmaamay tii ugu weyneyd ee soo marta inta uu deggan yahay xero Afuufa.
Wuxuu sheegay in hadda meesha uu ka baxay walaac uu ka qabay waxbarasho la’aanta carruurta oo xalkeedu ku adkaa.
“Fursadaan ayaa caruurtaada helayaan ma islahayn. Barakac baan ahay. Hadiiba waxbarashadaba aan helnay Ilaah baa mahad iska leh.”
Dhallinyarada ayuu tilmaamay in xerada ay ugu yimaadeen, ayna u soo bandhigeen waxbarashadan bilaashka ah. lama filaan ayuu sheegay inay ku noqotay inuu helo waxii uu ku taamayay.
Gabar 11 jir ah iyo labo wiil oo ka weyn ayaa u dhigata fasalka koowaad ee iskuulka hoose, dhexe iyo sare ee Horizoon. Buugaagta, qalmaanta iyo dharkaba waxaa ka bixiyay dhallinyarada is xil qaamay oo ku midaysan ururka midowga ardayda Koonfur Galbeed.
Maxamed oo 40 sano jir ah ayaa xusay in carruurtiisu aysan horay waxba u baran. Sababta ayuu ku sheegay inuusan awoodin bixinta lacagta iskuulada gaarka loo lee yahay.
Deegaanka Ufurow ee gobolka Bay oo uu ka soo barakacay ayaan weydiinay intii uu ku noolaa sababta waxbarasho la’aan ka dhigtay carruurtiisa.
“Waxaa waxbarashada iga hortaagnaa horta iskuul la’aan arladii aan joognay iskuul kuma yaalin. Hadda aad ayey ugu farxsan yihiin waxbarashada, aroortii hore ayey toosaan oo iskuulka aadaan duhuradii ayey ka soo laabteen.”
Maxamed oo ah aabbaha toddobo carruur ah isaga ayaa qoyska u shaqeeya. Waxa uu noloshooda ka maareyaa shaqo jabinta dhagaxa dhismaha ah. Dhaqaalaha bishii ka soo gala oo ah $75 illaa $100 ayuu tilmaamay in reerku ay ku gataan raashiin maalinkii labo waqti ay karsadaan.
Wuxuu intaas ku daray in xeradu aysan laheyn ceel iyo biyo galin, balse ay iibsadaan biyaha oo uu sheegay in caagga labaatan qaadka ah laga siiyo $0.15 senti.
Waxaa hoy u ah aqal cooshad ah oo ka sameysan baco, geedo iyo maryo leysku xirxiray. Maxamed ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in dhaqaalaha uu helo uusan ku filneyn, xeradana aysan ku helin kaalmo hay’adeed iyo mid dowladeed.
“Markaan baadiye joogay saddex waqti ayaan dabka shidanayay. Hadda maddaama weli ay jirto abaartii aan ka soo barakacay, wax aan ku noqdana aan haysan hadana aan helnay waxbarasho maba noqon karo.”
Maxamed ayaa ku noolaa deegaanka Ufurow oo Baydhabo u jira 130km. Beertiisa oo ah shan hektar, biyaha roobkana ku tiirsaneyd ayuu xusay inuu u waayay biyo ku filan, kaddibna tacbashadeeda joojiyay bishii December ee sanadkii 2021.
Xaafid Cabdullaahi Isxaaq oo afar carruur ah ay wax u baranayaan muddo toddobaad ah ayaa sheegay inuusan awoodin in carruurta uu u gado dharka iskuulka iyo buugaagta, balse dhallinyarada caawineysay ay u sheegeen inaan waxba looga baahneyn oo uu keensado inta wax u baran karta.
Waxa uu sheegay inuu jeclaa in carruurtu ay wax u bartaan, balse uu awoodi waayay inuu geeyo iskuulada gaarka loo lee yahay, dhaqaale yari awgeed.
“Inuu qalin uu ku shaqaysan doono waxbarashadiisana heersare gaari doonto oo turjumaan noqon doono ama hay’adaha u shaqayn doono taas ayaan dareenkayga aaminsanyahay hamigayna taas waaye.”
Xaafid ayaa sheegay in carruurta wax u barta uu ugu weyn yahay wiil 15 jir ah, ayna dhigtaan iskuulka hoose, dhexe iyo sare ee Daarul Kheyr. Waxa uu tilmaamay inuusan ka fogeyn oo uu u jiro masaafo ka yar labo km, taas oo aan dhib ku ahayn carruurta oo aada subixii.
Xaafid ayaa xusay in qoyskiisu yahay danyar ay ku adagtay in dabka ay shitaan labo waqti. Nolosha qoyska ayuu ka maareeyaa shaqo aan joogto aheyn oo ah qodista godadka qashinka iyo musqulaha. Bishii ayuu sheegay in ugu badnaan uu helo shan iyo toban mar. Dhaqaalaha ka soo gala maalinkii ayaa ah $2 illaa $4.
Kaligiis ayaa reerka u shaqeeya. Noloshan oo uu ku tilmaamay mid adag ayuu sheegay inay wajahayaan saddex sano oo ay deggan yahiin xerada ay ku nool yihiin ee Xawaalaha Guud.
“Cunto marmarna waan helnaa marmarna waan waynaa. Shaqada hadii labo beri xiriir noqoto, hadane saddex beri ayaa la weynayaa. Hadaan wax helo anigay I sugayaan. Hadaan wax waayana anigay isugayaan oo u shaqeeya.”
Xaafid ayaa ka soo barakacay deegaanka Gelgel oo hoos taga degmada Berdaale ee gobolka Bay.
Wuxuu halkaas ku dhaqanayay Ari 80 ah iyo Lo’ soddon neef ah. Wuxuu sheegay inay ka la’deen bilihii Abriil iyo Maarso ee sanadkii 2020 markii abaar jirtay darteed ay waayeen biyo ku filan iyo daaq ay cunaan.
“Haddii aan xoolo helo waan noqon lahaa. Laakiin xoolo la’aan darteed ayaan u noqon karin.”
Xaafid ayaa sheegay in xeradu aysan laheyn wax adeeg bulsho ah sida caafimaad, biyo iyo waxbarasho. Carruurta ayaa la kala geeyay labo iskuul oo kala ah Daarul Kheyr iyo Horizoon oo ah kuwo gaar loo lee yahay. Midkiiba waxa uu qaatay 150 arday.
Dhallinyarada howshan qabatay ayaa maamulka iskuuladan ula tagay aragti ah in waxbarashada laga caawiyo carruurtan, kadibna ay ogolaasho ka heleen. Sidaas waxaa sheegay Cabdirisaaq Cabdi Isxaaq oo ah guddoomiyaha dhallinyarada is xilqaantay.
Waxa uu sheegay in xeryaha ay tageen ay joogeen carruur ka badan labo laab kuwa waxbarashada ay geeyeen, balse hadda ay fursad u heleen tiradan oo kaliya.
Wuxuu intaas ku daray in dharka, buugaagta iyo qalmaanta oo ay gadeen ay uga baxday kun Doollar. Lacagtaas ayuu tilmaamay in iyagoo konton dhallinyaro ah ay iska uruuriyeen.
Sida howshan ay ugu dhalatay iyo dadaalo kale oo ay hadda wadaan ayuu uga warbixiyay Raadiyow Ergo.
“Waxay nagu dhalatay markaan aragnay baahida deegaanka ka jirta iyo xeryo badan oo aan laheyn goobo waxbarasho. Waxaan qorsheynaynaa in sanadkaan gudahiisa iskuulada geyno kun arday. Waxaan sii kordhineynaa wacyi galinta hadda aan wadno.”
Qoysaska Soo barakcay ayaa xeryaha ay galaan ku la kulmay cunno xumo, hoy la’aan iyo biyo yari, waxaana intaas u dheer carruurta qaybta ka ah oo waxbarasho la’aan ay ku dhaco.