Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Hargaysa: Takoorka ay la kulmaan dadka la nool HIV AIDS oo nolol xumo bidday

Jibril Osman by Jibril Osman
January 20, 2024
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Kismaayo: Qoysas la nool cudurka HIV AIDS oo wajahaya cunno yari iyo waxbarasho la’aan

Faadumo oo hor fadhida gurigeeda ku yaala xerada qalax/Cabdicasiis Caydiid Yamani/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Dadka qaba cudurka HIV/AIDS ee ku nool Somaliland ayaa wajahaya takoor saameeyay waxbarashada carruurtooda, shaqadooda iyo hoyga. Qoysaskan oo danyar u badan ayaa xaaladahan ay dhaxal siiyeen cunno yari iyo in maareynta noloshu ay ku adkaato.

Aamina oo magaceeda saxda ah aan qarinay waxaa faquuq dartiis waxbarashada uga haray afar carruur ah. Maamulka machad diinta lagu barto ayaa soo eryay, markii uu oggaaday in hooyada dhashay ay la noo shahay cudurka. Waxay sheegtay inay geysay goobo kale oo waxbarasho, balse laga diiday. Carruurta ayay xustay in ay niyad jabeen oo aysan waxbarasho aadin tan iyo sanadkii 2019.

“Aniga waxaa igu dhacday in la yidhi; gabadha halkaas degani xannuunkaas ayey la nooshahaye labadeeda ciyaalka ah ayaa iskuulka dhigtee, waliba machad diiniya ayuu ahaaye naga soo saara, sidaas baa carruurta loo soo eryay.”

 Aaamino wali ma helin xal carruurteedu ay waxbarasho ku helaan. Waxay ka walaac san tahay mustaqbalka carruurteeda iyo inta xaaladdan ay ku sii jirayaan. Aamina ayaa tilmaantay in noloshooda guud uu saameeyay takoorku. Guryaha ayay sheegtay in laga saaro marka la ogaado in cudurka ay qabto. Sanadkii hore shan jeer ayaa qasab looga bixiyay guryo kiro ay ku daganeyd.

Xaaladaas waxay ku qasabtay in aqal cooshad ah ay ka dhisato boos mulkiyadiisa ay leedahay oo ku yaalla xerada lagu barakacay ee Qalax, kaas oo ay ku nool yihiin tan iyo bishii November ee sanadkii 2023.

“Halkan waxa i keenay waa barakac, magaaladaa hargaysa ee aragtay inta km ee aad u soo socotay waa layga soo saaray. jago yar (Boos) oo aan lahaa waan iibiyey, markii aan is idhi ama naf baad jari ama adaa lagu dili. $3000 baan ku tuuray (gatay), halkan baan imi, tu $2000 ayaan helay, suuligii baan ka qotay. Wax yar baan ka dhistay, Tan baan ku nabbed gali la’ nahay.”

Aamina ayaa Raadiyow Ergo u sheegtay in cudurka HIV/AIDS laga helay bishii 7-aad ee sannadkii 2005. Waxay ka qaaday seygeeda oo ay kala tageen, balse aan u sheegin iyada inuu qabo cudurka oo ay xustay inuu isku ogaa. Aamina ayaa ka mid ah koox dadka ku nool magaalada Hargeysa ka wacyi galiya ka hor tagga cudurka iyo inaan la takoorin dadka la nool. Howshaas oo is xilqaan ay ku qabtaan ayay tilmaantay in halkii wax lagu qaadan lahaa ay dadka qaar oo bartay ay ku takooraan iyada.

 “Waxaa nahay 48 qof oo tababaran oo dadka wacyi galiya oo talo siiya qofkii la noolaa iyo qofkii negative ahba. Marka qofkii la noolaa siduu dawada u qaadan lahaa ayaad u tababareysaa. Qofkii negative ahaana waad badbaadineysaa oo waxaad lee dahay bal kaalayo is baar oo dhiigaaga ogow.”

Guud ahaan Somaliland dadka la diiwaan galiyay ee la nool cudurka HIV AIDS ayaa tiradoodu tahay 1,800 qof, sida uu sheegay guddiga qaabilsan. Dadkan ayaa dantu ku qasabtaa inay is qariyaan, takoor ay ka baqayaan darteed, balse taasi xal uma noqon caqabadaha haysta ee uga imaanaya dadka ay la nool yihiin.

Faadumo maaha magaceeda saxda ah. Waxay ka mid tahay dadka la nool cudurka HIV AIDS ee deggan magaalada Hargeysa. Raadiyow Ergo ayay u sheegtay in helitaanka shaqooyinka oo ku adag awgeed ay hal waqti dabka shitaan.

Kaligeed ayay korisaa lix carruur ah oo lagu furay. Waxay noloshooda ka maareysaa dharka dumarka oo ay wareejiso. Bishii waxay ka heshaa $50. Cunno yarida iyo nolosha adag waxaa u dheer faquuq jooto ah oo ay sheegtay in iyada iyo carruur teeduba ay bulshada dhex-gali kari waayaan.

“meelna kama helo taakulo. Ilaahay ayuun baan taakulo ka helaa. Aniga ayuunbaa xaaladda carruurtayda la socda oo la kacaa kufa oo maalinba nolol-maalmeedka meel uga daya.”

 Faadumo oo carruurteeda ay ugu weyn tahay gabar 22 jir ah ma qabaan cudurka sida lagu ogaadaay baaritaan caafimaad oo ay mareen. Waxay tilmaantay in saddex sano ka hor iskuul ay dhiganayeen loo diiday sadex wax u baraneysay.

Qaraabadeeda ayaa markaas kadib geeyay iskuulo kale oo ku kala yaalla Hargeysa iyo degmada Sheikh ee gobolka Saaxil. Waxaa bishii laga dhiibaa $215. Gabar ayaa dhigata dugsi sare, labo wiilna waxa ay dhigtaan dugsiyo lagu barto Qur’aanka iyo shareecada Islaamka.

Faadumo ayaa ku nool xerada Qalax oo Hargaysa koonfur galbeed ka xigtaa masaafo dhan 10KM. Waxay soo degtay bishii July ee sanadkii hore markaas oo laga saaray guri kiro ah oo ay ka daganeyd xaafadda Maxamed Mooge. Dhulka oo ay siisay dowladda hoose waxaa uga dhisan aqal cooshad ah.

“Kiraan ku jiray maalin walba la i yidhaa ka bax, marka qof i yaqaanaa uu meeshii yimaadaba caqabad hor leh ayaa igu imanaysaysa. Caqabadda way igu sii badanaysaa. Bulshada waxa aan ka codsanayaa wixii ay iigu tabaruci karaan.”

Cilmi baaris uu sameeyay sannadihii 2017 iyo 2020 guddiga xakamaynta Aids-ka Somaliland ayaa muujisay inuu sare u kacay takoorka ay la kulmaan dadka la nool cudurka HIV/AIDS.

Maxamed Xaaji Yaasiin oo ah agaasimaha wacyi galinta ee guddigaas ayaa Raadiyoow Ergo u sheegay inaysan hayn dhaqaale iyo xuquuq ku filan dadka la nool cudur. Wuxuu xusay inay bixiyaan raashiin aan joogto aheyn iyo daawooyin bilaash ah.

Dadkan ayuu tilmaamay in baahi weyn u qabaan inay helaan guryo ay lee yihiin iyo xarumo waxbarasho oo u gaar ah, maaddama takoor ay kala kulmaan dadka kale oo uu sheegay inaysan badi fahan saneyn qaabka lagu kala qaado HIV/AIDS.

“Haddii aanu qofku is baadhin oo aanu qofku guursanayo bad-qabkiisa iska eegin ama aanu hubinin halkaas xannuunkii wuu ka soo galayaa. dhiigga ayaa isna ah qoddobka labaad ee lagu kala qaado, kaas oo aan bad-qabkiisa la hubinin marka qofka lagu shubayo. Qoddobka saddexaadna waxa weeye naas-nuujinta xilliga ay hooyadu dhalayso haddii ay tahay qof xannuunka la nool in ay sheegto si iyada iyo ilmaha loo kala bad-baadiyo.”

Dadka qaba HIV/AIDS ee ku nool Soomaaliland ayaa u badan danyar qarabadoodu  deyriyeen, mana helin taageero ay uga kabtaan duruufaha ragaadiyay.

Previous Post

Bari: Kalluumeysato u xoogsi taga suuqyada Boosaaso markii ay ku dhacday qalab la’aan

Next Post

Baydhabo: Dhallinyaro isxilqaamay oo waxbarasho siiyay boqol carruur ah oo ku jira xero barakac

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Baydhabo: Dhallinyaro isxilqaamay oo waxbarasho siiyay boqol carruur ah oo ku jira xero barakac

Baydhabo: Dhallinyaro isxilqaamay oo waxbarasho siiyay boqol carruur ah oo ku jira xero barakac

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo