(ERGO) – Maxamed Siciid Nuur wuxuu ku filnaaday maaraynta nololsha qoyskiisa oo ka kooban 14 qof. Wuxuu shaqo ka helay shirkad ka shaqaysa dhoofinta kalluunka laga soo saaro xeebaha Puntland oo fadhigeedu yahay magalada Boosaaso.
Wuxuu ka mid yahay saddex boqol oo ka mid ah kalluumaysatada deegaanka Gunbux ee gobolka Bari oo shaqooyin xoogsi ah u aadaan magaalooyinka Garowe, Boosaaso iyo Qardho, markii qalabkii kalluumaysiga ay ka qaateen maraakiib shisheeye oo sharci-darro ku soo gala badda.
Shaqada uu hadda billaabay oo uu bishii ka helo mushaar dhan $300 ayuu xusay in ay u noqotay il dhaqaale oo u beddeshay shaqadiisii hore. Lacagtan ayaa ka caawisay in uu u helo carruurtiisa cunno ku filan iyo arrad-tirkooda.
“Maalintii waxaan ka helnaa waa toban dollar, taas oo aan ku maarayno nolol-maalmeedka qoyska. wax siyaado ah oo maanta taagan maba jirtaba.”
Maxamed shaqadan oo uu helay afartii bishii Simteembar ee sanadkan ayaa u sahashay in uu qoyskiisa u raro magaalada Boosaaso oo uu ka shaqeeyo. Waxay dageen guri kiro ah oo ka kooban labo qol kaas oo uu ku dhiibo bil kasta $140. Wuxuu intaas raaciyay in ay xaaskiisu ay kaalin ka qaadato maaraynta nololsha reerka.
Dhaqaalaha ay soo hesho oo maantii u dhexeeya $5-6 ayuu xusay in ay ku bixiyaan qarashaadka waxbarashada lix ka mid ah carruurtooda oo ay ku dareen iskuul ku yaalla magaalada. Iskaashiga labadooda ayuu tilmaamay in ay kor u qaaday daqligood.
Maxamed oo muddo 17 sano ah ka kalluumaysanayay badda deeegaan ka Gunbux ayaa dantu ku qasabtay in uu ka soo lugeeyo shaqadiisii, markii maraakiib jariif ah ay ka qaateen qalabkiisii kalluumaysaga bishii labaad ee sanadkan. Wuxuu sheegay in agab iskugu jiray shamaago Jilbo iyo agab kale ay ka furteen xilli habeen ah isaga oo badda ku xirtay.
Wuxuu sheegay in qalabka laga qaatay uu ahaa mid uu xilligaas qaab dayn ah ku soo qaatay oo uu qorshaynayay in uu sanadkan iska gudo. Faro-marnaantaas ayaa dhaxal siisay in uu dan bido in uu ka tago deegaankiisii.
“Shaqadeydii hore waxaan u joojiyey lacago badan oo lagu yeeshay awgeed. Waadidkii oo iga xumadey. Wax aan ku sameysatana waan waayey. Aniga waxaan ahaa nin hanti leh oo baddaas ka shaqaysta dhawr mar oo hore ayuu jariifku iga qaatay jilbo oo qiimahoodu uu gaarayay $1,800 oo dollar. Qalabkaas oo aan ku soo qaatay dayn.”
Maxamed wuxuu sheegay in shaqadaan uu hadda hayo aysan ku faa’iido dhamayn shaqadiisii hore balse uu ku suganayo inta jariifku ay xeebtiisa ka baxayaan. Wuxuu sheegay in xilligii hore ay ka heli jireen kalluumaysiga dhaqaale u dhexeeya $500 ilaa $600 bishii. Wuxuu naawilayaa in mar uun uu deegaankiisii ku laaban doono.
Wuxuu hadda bil kasta meel dhigtaa $20 oo uu uga golleeyahay in uu mar labaad ku iibsado agab kale. Sababta ku qasbaysa in uu laabto ayuu ku tilmaamay in ay tahay xirfadda kali ah ee uu garanayo iyo in uu ka heli jiray dhaqaale ku filan.
Kalluumaysatada ka tagay deegaankooda si ay shaqo u helaan waxay ku biireen shaqooyin kala duwan. Maxamuud oo 40 jir ah wuxuu waardiye ka yahay muddo saddex bil ah xarun ganacsi oo ku taalla magaalada Garoowe. Lacag dhan $140 oo bille loo siiyo ayuu ku maareeya nolosha qayskiisa oo ka kooban sagaal qof.
Ninkan oo horay uga mid ahaa kalluumaysatada deegaanka Gunbux ayaa ka soo tagay 20 bishii sadeexaad ee sanadkan, markaas oo asaga iyo labo nin oo ay shaqa wadaag ahaayeen laga qaatay qalabkoodii. Waxay soo jilaaban jireen aargoosatada iyo libaaxa oo ay u iib gayn jireen magaalada Boosaaso. waxay maalintii ka heli jireen min $15 oo faa’iido ah.
Wuxuu xusay in hadda uu la qabsan waayay shaqadan xusub ee uu hayo. Dhaqaalaha soo gala ayuu sheegay in aysan ku filnayn nolosha reerkiisa, balse uusan hayn qorshe kale oo uu ku beddelo.
“Danta ayaa ku qasbaysa mar haddii carruur yaryar guriga wax kaa sugayaan adiga ayay ku yaqaanaan cid kale ma yaqaanaan. Marka wax kasta oo kugu adkaada waad jiiraysaa ubad kaaga ayaana u jiiraysaa.”
Maxamed si uu u yareeyo qarashka reerkiisa ku baxaya ayuu u raray tuulada Wardheer oo hoos tagta Boosaaso. Wuxuu sheegay in dhaqaalaha soo gala oo aad u yar dartood mararka qaar uu ku qasbanaado in uu dayn ku soo qaado raashinka reerka.
Waxaa lagu leeyahay lacag gaaraysa $240 oo uusan hayn qorshe uu ku gudo. Ninka leh baqaarka ay daynta ka qaateen ayuu xusay in uu ku war galiyay in uu lacagta iskaga bixiyo muddo bil ah. arrintaas ayuu xusay in ay ku hayso welwel dheeri ah. Wuxuu hadda raadiyaa shaqo ka mushaar fiican midda uu uu joogo.
“shaqadii hore iyo tan wax wayn ayaa u dhexeeya. tan nolol maalmeedka ayaan iskaga celiyaa.”
Maxamuud wuxuu aaminsan yahay in si kasta oo uu magaalooyin ka uga raadsado shaqo uusan helayn mid buuxin karta booskii kalluumaysiga. Wuxuu tilmaamay in ujeedkiisu yahay in uu ku sii dabaro noloshooda balse uusan mustaqbal dheer ka lahayn.
Siciid Muuse Yuusuf oo ah gudoomiyaha iskaashato ay ku midaysan yihiin kalluumaysatada deegaanka Gunbux ayaa sheegay in sanadkaan ay shaqooyinkoodii ka tageen boqollaal qof markii ay waayeen qalab ay kalluun kula soo baxaan.
Wuxuu sheegay in saamaynta ka dhalatay waxyeelada jariifka aysan saamayn kalluumaysatada oo kali ah balse laga dareemay dhamaan dhaqalaha gobolka oo kalluunku uu kaalin wayn ku lahaa. Wuxuu xusay in hadda deegaanka ay dadka xitaa ku haray ay qarka u saaran yihiin in ay iyaguna ka guuraan.
Dhanka kale ragga magaalooyinka u xoogsi tagay ayuu sheegay in ay qaadeen tallaabadii ugu mudneed maaddaama ay shaqooyinkaas waxay ka soo helaan ay deegaanka dib ugu soo celinayaan.
“nin habeenkii wuxuu soo helo cuna oo marna hela marna waaya kuliba dadku wa iskugu jiraan ina adeer oo ma sinna. Hadde qof meeshii uu ka shaqaysan jiray laga awday waaba iska dhibanyahay.”
Inkasta oo sanooyinkii dabbe ay hoos u sii dhacayay wax soo saarka kalluumaysatada haddana sanadkan 2023 ayaa ahaa kii ugu liitay ee soo maray kalluumaysatada gobolka bari sida uu sheegay gudoomiyaha. Wuxuu xusay in dhamaan kalluumaysatadu hadda aysan heli faa’iido ku filan ganacsigoodu walo ay sii kala liitaam.