Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Labo boqol oo arday oo maqalka naafo ka ah oo dib u helay fursad waxbarasho

Radio Ergo by Radio Ergo
November 4, 2023
in Wararkii u Danbeeyay
0
Labo boqol oo arday oo maqalka naafo ka ah oo dib u helay fursad waxbarasho

Iskuulka Dhagoolayaasha ee Degmada Howl-wadaag oo dib loo furay, muddo uu dhaqaale la'aan u xirnaa kaddib/Naciima Saciid/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Khadar Maxamed Cilmi wuxuu dib u billaabay waxbarashadiisa 10 bilood oo uu guri joog ahaa kaddib. Bishii Diseembar ee sanadkii la soo dhaafey ayaa waxaa ka xirmay Iskuulka Dhagoolada ee degmada Howlwadaag, kaasi oo uu si bilaash ah ku dhiganayay. Waalidkiisa oo danyar ah ayaa u awoodi waayay inay ku daraan iskuulada lacagta ah ee ku yaala magaalada.

Hay’ad taageeri jirtay iskuulka ayaa joojisay lacagtii ay siin jirtay, gabaabsi dhanka dhaqaalaha oo ku yimid awgeed. Arrintan ayaa saameeyn ku yeelatay 200 oo arday ah oo maqalka naafo ka ah, kuwaasi oo ka soo jeeda qoysas danyar ah. Bishii sagaalaad ee sanadkan ayaa waxaa dhaqaalaha ku baxaaya iskuulka la wareegtay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya. Ardayda iskuulka dhigato ayaa laga taageeray lacagta waxbarashada iyo quudin bilaash ah.

Khadar oo ah 16 jir ku hadla luuqada suul-dhabaalaha ee u gaarka ah ardayda maqalka la’, ayaa xusay in dib u howl gelinta iskuulkani ay u leedahay dareen gaar ah. Wuxuu tilmaamay inuu ka walwalsanaa mustaqbalka waxbarashadiisa.

“Markii aan maqlay in iskuulkii ay wasaaradda la wareegtay, aad ayaan u farxay maadaama ay meesha ka baxayso in waxbarashada la waayo ama waalidka ay awoodi wayaan. Dhaqalaha ku baxaya waxbarashada waxaan hada rajaynaya inaan la waayin oo aan nabad qab ku dhameysto iskuulkayga,” ayuu yiri.

Wiilkan ayaa dib u billaabay waxabarashadiisa fasalka kowaad ee dugsiga sare. Waalidiinta ardayda dhigata iskuulka ayaa sidoo kale ku farxay dib u howl-gelintiisa.

Nadiifo Maxamed Cabdiqaadir waa hooyada siddeed carruur ah. Wiil iyo gabar ay dhashay oo maqalka naafo ka ah ayaa dib u billaabay waxbarashadooda.

Haweeneydan ayaa xustay in murug ay ku hayday waxbarasho la’aanta labadeeda carruur oo kala jira da’da toddobbo iyo 13 sano jir.

“Saddex sano ayay dhiganayaan iskuulkan, waxbarashadoodana si fiican ayay ugu socotaa. Iskuulkan ka hor ilmaha kale marka ay u foofayaan waxbarashada, iyaga waa ay isliidi jireeen oo guriga ayay iska joogeen, hadda shacabka kale ayay ka mid yihiin oo dhib ma qabaan. Aniga iyo iyagaba waan ku wada faraxsannahay waxbarashadan,” ayay tiri.

Mudaadi uu xirnaa iskuulkan ayay xustay inay ku fikirtay in goob kale oo lacag ah ay geeyso. Haaseeyeeshee, waxay awoodi weyday dhaqaalihii ay uga bixin lahayd.

Nadiifo ayaa tilmaantay in wiilkeeda uu ku dhashay maqal la’aanta, halka gabadheeda ay sabab u noqotay jug soo gaartey. Waxay sheegtay in iyada oo ka yar lix bilood ay dhulka uga dhacday, sidaasi na ay u gabtay hadalka.

Waxay tilmaantay in muddadii uu iskuulka xirnaa ay isku dayday inay daryeel caafimaad u hesho gabadha, si ay wax ula barato ardayda maqalka leh. Balse, waxay awoodi wayday dhaqaalaha ay u sheegeen dhakhaatiirtii ay la kulantay.

“Gabadhayda waa ay roontahay. Aabbe iyo hooyo waa ay dhahaysaa oo waa ay caymataa. Dhakhtar aanaan geyn wuu yar yahay, waxay i shegeen in gabadheyda ay u bahan tahay sameecadda maqalka. Waxay igu dhaheen Kenya ayaa laga helaa, warkaas markaan maqlay waan ilmeeyay, sababtoo ah anigu uma awoodo gabadheyda inaan geeyo meel ka baxsan xamar,” ayay tiri.

Maxamed Cumar waxaa iskuulka u dhigta wiil uu adeer u yahay oo agoon ah. Wuxuu tilmaamay inuu aad ula walwalay waxbarasho la’aanta wiilka, intii uu iskuulka xirnaa. Guriga ayuu sheegay inuu wax ku bari jiray, maaddaama uu awoodi waayay inuu geeyo iskuulada lacagta ah.

“Wiilkan waa agoon, aabbihiisa 2010 ayuu ku geeriyoodey tahriib badda Liibiya. Aniga ayaa masuuliyadiisa la wareegay. Shaqo ma haayo, balse hadda waxaan ka faa’ideysannay waxbarashadan,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in maalmaha uu fasaxa ka yahay iskuulka uu ka dareemo cidlo iyo inuu san ku faraxsanayn joogidda guriga, maaddaama uu la qabsaday ardaydan ku baahida ah.

Xamdi Maxamed Cumar oo ah maamulaha iskuulkan ayaa sheegtay in dhaqaalaha ku baxaya ardayda ay si toos ah ula wareegtay wasaaradda waxbarashada. Taageridda ay wasaaradda ka heleen ayay xustay inay ku timid cabashooyin ay gudbiyeen ururada ay ku mideysanyihiin dadka baahiyaha gaarga ah qabo iyo baahinta Raadiyow Ergo.

“Waxbarashada ardaydan maanta ay haystaan waxay ku heleen, markii baahidooda dhowr mar oo kala duwan laga baahiyey Raadiyow Ergo. Haddii aan xogtooda la baahin lahayn, surta gal ma ahateen inay helaan waxbarasho,” ayay tiri.

Inkastoo ay hadda waxbarashada dib u billowatay, waxay haddana walaac ka muujisay caqabad ka haysata dhanka gaadiidka, taasi oo aysan weli xal u helin.

“Wasaaradu waxay na siisay wax walba oo aan ubaahneyn, mana jiro iskuul ay wasaradu ka bixiso gadiidka. Hadda waxaan haysannaa laba hoomey oo duq ah. Waxaa loogu tala galay 20 arday. Afartan arday ayaan hadda ku qaadnaa, caqabadda jirta awgeed. Marka baahidaasi waa mid banaan cid kastoo naga tageeri karta,” ayay tiri.

Maamulka ayaa sheegay in 130 arday uga yimaadaan degmooyin ka fog iskuulka. Iskuulkan oo ah midka keliyah ee dadka maqalka naafada ka ah ay si bilaash ah wax uga bartaan, ayaa waxaa gacanta ku haysay hay’adda CARE. Dhammaadkii sanadkii la soo dhaafey ayay hay’adda u sheegtay in mashruucii ay ku taageeri jirtay uu ka dhammaadey, taasi oo keentay in gebi ahaanba uu xirmo. Raadiyow Ergo ayaa xilligaasi ka diyaarisay warbixin la xiriirta saameynta uu xirnaashaha iskuulka ku yeeshay carruurtan maqalka naafada ka ah.

Previous Post

Baladwayne: Qoysas ku guryo beellay Qarax xooggan oo u nugul dhicda roobka da’aya

Next Post

Cabudwaaq: Daad hoy la’aan ka dhigay qoysas ku nool xero lagu barakacay

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Cabudwaaq: Daad hoy la’aan ka dhigay qoysas ku nool xero lagu barakacay

Cabudwaaq: Daad hoy la'aan ka dhigay qoysas ku nool xero lagu barakacay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo