Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Baladwayne: Qoysas ku guryo beellay Qarax xooggan oo u nugul dhicda roobka da’aya

Jibril Osman by Jibril Osman
November 3, 2023
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Baladwayne: Qoysas ku guryo beellay Qarax xooggan oo u nugul dhicda roobka da’aya

Cabdullaahi oo ka samri la' gurigii ka dumay dhaqaale uu ku dhisana u la’/Cabdirasaaq Axmed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Afar boqol oo qoys ayaa hoy xumo ku wajahaya magaalada Baledweyne tan iyo 23 bishii September, markii guryihii ay degganayaayeen uu burbureen qarax ka dhacay magaalada.

Dadka dhacdadaas ku guryo beelay waxaa ka mid ah Cabdullaahi Cilmi Nuur. Waa arrin murugo ku haysa in xilligan ay maciin bidaan aqal aan ka xajin karin qabowga habeenkii iyo qoraxda maalinkii. Waxaa hoy u ah aqal ka sameysan ulo iyo bac leysku xiray oo uu ka dhistay halkii uu ka dumay gurigooda.

Wuxuu sheegay in dhaqaale yari darteed uu awoodi waayay in reerka uu dajiyo guri kiro ah. Xaaladdan ayuu xusay inay ku soo beegantay iyadoo magaalada uu ka da’ayo roobka deyrta oo lasii-saadaaliyay inuu noqonayo mid heerkiisu sareeyo.

“Biyo-baxo waan ka cabsaneynaa oo deyrta imaan jirtay. Marka walwalku ma yara. Allahii na abuuray ayaan fiirsaneynaa isagaa wax walba awooda in wixii shara naga badbaadiyo.”

Cabdullaahi oo ah aabbaha toban carruur ah ayaa sheegay inuusan hayn dhaqaale uu dib ugu dhiso guriga ka dumay oo ahaa saddex qol oo jiingad ah. isaga ayaa lahaa, waxayna reerku ku noolaayeen tan iyo sanadkii 2013.

Qoyskiisa ayaa ku tiirsan qaraabada oo ku caawiya raashiinka ay karsadaan. Ma helaan cunto ku filan, maalinkii hal waqti ayayna dabka shitaan.

“Dad qaraabo ah ayaan wacaa markaan wareero oo aan dhahaa war waa iga caddahayeey. Kii wax kugu soo tuura iyo kii bariis ku siiyaba sidaas ayaan ku joognaa.”

Waa 70 jir danyar ah oo labo sano ka hor iska daayay gaari dameer uu reerka ugu shaqeyn jiray markii dadku ay uga maarmeen mootooyinka bajaajta oo magaalada ku soo badatay.

Qoysaskii dariskiisa la ahaa ayuu tilmaamay in badi ay barakaceen markii dhibaatadu dhacday, ayna dageen xaafado kale oo ay guryo ka kireysteen, balse isaga danta ayaa ku qasabtay in halkan ay ku sii noolaadaan.

Cabdullaahi saddex ka mid ah carruurtiisa ayaa ku dhaawacmay qaraxa markii uu ku soo dumay guriga oo soddon tallaabo u jiray bar ciidan oo lala eegtay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Gabar dhigata fasalka sagaalaad ee dugsiga sare ayaa dhaawaca soo gaaray darteed aan waxbarashada ku noqon, walise lacagta iskuulka waa uu bixiyaa. Xaaladda carruurta iyo siday wax u gaareen ayuu uga waramay Raadiyow Ergo.

“Ilmaha mid waa lugta labana madaxa ayaa caddaaday. Kuwa madaxa ah mid waxaa la tollay 12 qodob midna lixaa ayaa la tollay. Midna lugta waxaa gashay bir. Isbitaalka ayaan geeyay.”

Cabdullaahi ayaa $65 bil kasta ka bixiya toddobo carruur ah oo u kala dhigta dugsiga dhexe iyo sare. Waxbarashadooda wuxuu ka dabaraa ugu badnaan $100 oo bishii uu ka helo dad si aan joogto aheyn Qur’aan saar ugu yeerta.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan oo loo adeegsaday gaari xamuul ah ayay qoysas badan ku waayeen ilihii dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen. Waxaa ka mid ah Cabdinaasir Axmed Jimcaalle oo dhaqaale yari soo wajahday darteed maareyn la’ nolosha reerka kadib afar toddobaad oo dhacdadaas laga joogo.

Waxay noloshoodu ku tiirsaneyd mooto bajaaj isagu lahaa oo uu ku shaqeyn jiray, taas oo maalinkii uu ka heli jiray $15, balse qaraxa ayay ku burburtay.

Wuxuu intaas ku daray in xaaladan uu ka soo kaban lahaa haddii ay u shaqeyn laheyd moota bajaajtiisa oo markii uu geerash geeyay loo sheegay inay u baahan tahay $120 oo lagu hagaajiyo, hasa yeeshee uu awoodi waayay.

Danta ayaa ku qasabtay in qoyskiisu uu dul saar ku noqdo reer qaraabo la’ah oo ka caawiya cuntada oo ay labo waqti helaan. Waxaa hoy u ah teendho ay ku taageertay habaryartiis oo uu ka dhistay booska reerka ay la nool yihiin oo deggan xaafadda Kooshin ee magaalada Baledweyne.

“Hadda wax shaqo ah ma qabto oo baaga muudo ayaan iska ahay sidii bajaajta u burburtay.”

Cabdinaasir oo ah aabbaha lix carruur ah waxa uu sheegay inuusan haysan dhaqaale uu dib ugu dhisto guri uga dumay qaraxa oo ahaa labo qol oo dhis ah.

Dib u hagaajintiisa wuxuu ku qiimeeyay illaa $1,000, balse wuxuu xusay inay ku adagtahay helitaanka lacagtaas.

Cabdinaasir ayaa qaraxa ku waayay hooyadiis oo joogtay meel aan ka fogeyn goobta uu ka dhacay. Iyada ayaa sanadkii 2021 u gadday bajaajta uu nolosha reerka ka maareyn jiray oo qiimaheedu ahaa $3,500.

“Saameyn weyn ayuu igu yeeshay oo guri dumay waxaa iiga xanuun badan hooyaday oo ku dhimatay. Wax inoo maqan malahan oo hadda dad iska marti  ah ayaa nahay. Waa dareemi karta qof waalidkiis oo wax walba u ahaa uu dhintay.”

Maamulka degmada Baledweyne ayaa sheegay in qoysaskan waxyeeladu gaartay aysan wali helin wax gargaar ah. Cumar Cismaan Calasoow oo ah guddoomiyaha magaalada ayaa xusay in musiibadan aheyd mid aysan u sii diyaar garoobin.

Xaafadda qaraxu ka dhacay oo ah Xaawo-taako iyo xaafadda Kooshin oo daris la ah ayuu tilmaamay in 21 bishaan ay dib uga barakaceen bar ka mid ah qoysaska hoy xumada iyo dhaqaale yarida uu ku keenay qaraxaas.

Arintaas ayaa timid markii uu saameeyay daad ka soo rogmay tog dhexmara xaafadahaas, kadib roob mahiigan ah oo ka da’ay magaalada.

“waa xanuun aad u weyn in dadkii guryahoodii qaraxyo ku burbureen haddana laga cabsi ka qabo daadad iyo roobab aad u xoogan oo El-nino ah sida ay saadaalinayaan dadka saadaasha hawada. Anaga markaan tirakoob sameynay wixii qaylo dhaan ah waan la wadaagnay madaxda saree e Hir-shabeelle iyo cid walba oo ay quseyso.”

Hay’adda Swalim ee ka shaqeysa biyaha iyo maareynta macluumaadka dhulka ee Soomaaliya ayaa toddobaadkan saadaalisay in roobaab heerkoodu sareeyo oo sababi kara daadad ay ka da’i doonaan gobolka Hiiraan, taas ayaana uga sii dari karta xaaladda qoysaskan oo hadda ah mid liidata dhanka hoyga iyo helitaanka cuntada.

 

Previous Post

Awdal: Beeraleyda dagmada Baki oo qasaare uu gaarsiiyay roob dabeylo watay

Next Post

Labo boqol oo arday oo maqalka naafo ka ah oo dib u helay fursad waxbarasho

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Labo boqol oo arday oo maqalka naafo ka ah oo dib u helay fursad waxbarasho

Labo boqol oo arday oo maqalka naafo ka ah oo dib u helay fursad waxbarasho

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo