(ERGO) – Afar boqol oo beeraley ah oo deggan dagmada Baki ee gobolka Awdal ayaa ku qasaaray dalag ay goosan lahaayeen bartamaha bishan, markii roob dabeyl wata uu baabi’iyay tacabkooda 26 bishii Sabteembar ee sanadkan.
Haybe Cali Kibaar oo ka mid ah beeraleydan waxaa daadku ka qaaday dalag iskugu jira yaanyo, basal, basbaas iyo bocor. Waxaa wehliya geedaha babayga iyo liinta, kuwaas oo dabeyshu ay jabisay.
Ninkan iyo qoyskiisa oo ka kooban 11 qof waxay la daalaa dhacayaan cunno xumo ka dhalatay qasaaraha soo gaaray beertooda. Carruurtiisa ayaa cunno hal waqti ah maalintii la wadaaga qoys ay hello yihiin.
Haybe wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in ganacsatadii uu daynta ka qaadan jiray ay dukaamadoodu ka mid noqdeen meelaha dabeysha iyo roobku ay saameeyeen, taasi oo xaaladda ku sii adkaysay.
“Dad badan oo kala duwan baa ku tiirsanaa oo wax ka sugayay. Annagu aan ka mid ahayn, oo kii shidaalka aan ka qaadaynay uu ka mid yahay, oo shaqaalihii beerta ka mid yahay. Walaahi qasaare aad u badan baa meesha nagu gaaray. Baaba’ buu ka dhigay. Wax Alle iyo wax laga sugayaa maanta ma jirto.”
Roobka saameeyay beerta Haybe oo da’ay xilli habeen ah ayaa beeraleyda uu ka mid yahay waxay sheegeen in uu watay dhagaxaan baraf ah, kuwaas oo burburiyay dalagga ka badbaaday dabeysha iyo daadka roobka.
Haybe wuxuu tilmaamay in beertiisa uu ku maal galiyay labo bil ka hor lacag uu dayntay, taas oo uu ku iibsaday abuurka iyo shidaal uu u isticmaalayay matoor uu biyaha kaga soo saaro ceel ku dhinac yaalla beertiisa.
Beertiisa oo 8 hiktar ayuu rajaynayay in uu goosto dalagga ka baxayay bartamaha bishii Oktoobar. Wuxuu sheegay in qasaaraha ugu badan ee gaaray uu ku dhacday geed-miroodyada.
Waxaa ka mid ah babayga iyo liin-dhanaanta oo muddo sanad ah u beernaa, kuwaas oo uu sheegay in uu lacag badan ka bixiyay si uu faa’iido badan uga helo wax-soo-saarkooda.
“Kun geed baa meeshaas iiga dhintay oo aan ka soo iibsaday Arabsiya. Kunkaas geed waxay joogeen $1500. Lacaga aan soo siistay inta badan waan daynsanay dayntooda baa nalagu lahaa. Macaa (xitaa) masaariiftii reerkayga sida waxbarashada iyo wixii aan soo daynsanayay. Hanti $5000 gaaraysaa baa ku baaba’day.”
Wuxuu ka walaacsan yahay daynta lagu leeyahay oo bixinteeda uusan xal u hayn. Shan ka mid ah shaqaalaha beertiisa ayaa ku jira dadka lacagta ka sugaya. Waxaa u dheer culayska dhaqaale ee haysta qoyskiisa. Wuxuu sheegay in uusan la kulmin xaaladdan oo kale muddo 32 sano ah oo beeraley uu ahaa.
Waxaa la mid ah Ayaanle Cumar Aw Xasan oo beer afar hiktar ah ku leh dagmada Baki oo hoostagta Boorama. Qaasaraha ka dhashay daadka roobka iyo dabeysha uu watay ayaa galaaftay dalaggii beertiisa, taasi oo nolol-xumo bidday qoyskiisa oo ka kooban toddobo qof.
Carruurtiisa ayaa quuta raashin kayd ahaan uu u haysto. Waa 12 kiilo oo u badan bariis. Wuxuu sheegay in uu ku filan yahay tan iyo 20 bishan. Cunnadan oo uu beeqaamiyo ayaa hal ama labo waqti oo maalintii ah dabka loo saaraa carruurtiisa.
Ka hor roobka saameyay beertiisa Ayaanle wuxuu naawilayay in uu goosta dalag ku yaallay beertiisa, kaas ooo u badnaa khudaar iskugu jirtay basal, liin, qare, babay iyo basbaas.
“Waxay saameeyeen ishii dhaqaale ee ugu horreysay ayay saameynta taban ku yeesheen. Mirihii bislaa kuwii dhagaxu ku dhacay way xumaadeen. Kuwii cayriinka ahaana geedkii ayaa ka dhintay. Wuxuu yeeshay qasaare saraca yar yar ah, midka waawayn ah iyo mid deegaanka ah. Oo ah midkii aniga igu xeernaa.”
Wuxuu sheegay in 800 oo geed oo iskugu jiray Liin iyo babay ay dabayshu ka jabisay, kuwaas oo muddo ku dhow shan sano uu tabcayay. Wuxuu ka dariyay dhulka beertiisu ay ku taallo oo daadka ka dhashay roob uu saameyn xun ku reebay.
“Deegaankana saameyn ba’an buu ku yeeshay oo dhirtii dabiiciga ahayd dabeysha ayaa la gaday oo wada jabisay, dabadeed biyo badan oo dhacay awgeed dhulkii jeexdin baa qaarkood ka billaabatay. Saameynta deegaanka sidaas buu u lahaa. Cid kasta oo wax ka tari karta waxaan ka rajaynaynaa in ay ka qayb qaadato wax ka qabashadeeda.”
Wuxuu sheegay Ayaanle in ay u baahan yihiin isaga iyo beeraleyda la mid ka ah gacan qabasho si ay dib ugu laabtaan wax-soo-saarkooda beeraha, maaddama aysan awoodin xilligan hagaajinta dhulka daadku uu dildilaaciyay iyo abuurka beeraha.
“Nin walba wuxuu ku dedaallayaa aniguna aan ka mid ahay habkii ay u la dagaalami lahaayen faqriga soo socda ama culayska ay xaaladaha kala duwan keeneen. Waxaan ku dedaallaynaa sidii kabashadeeda aan dib ugaga kaban lahayn Ilaahayna aan u talo saaran lahay. Cidda ay qusaysana waan u bandhigaynaa.”
Gudiiga beeraleyda dagamada Baki ee gobolka Awdal ayaa wada dedaallo lagu caawinayo qoysaska beeraleyda ah ee ku qasaaray dalagga beerahooda. Dadka deegaan ayay ku wacyi galiyaan in ay taakuleeyaan dad roobku saameeyay.
Ismaaciil Cabdi Ducaale oo ah guddoomiye ku xigeenka guddigan ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in beeraleydu ay wajahayaan hoy xumo iyo cunno yari uu sababay roobka dabeysha watay.
“Raashinno wixii ay haysteen wuu ka qaaday oo wuu ka qooyay. Dadkaas ninba ninkii uu wax u qaban karay sida dadku isku dhaadhaamaan waa loo qabtay. Nin habeen casho kuu kariyay waa nin wax kuu qabtay. Laakiin awood ay iskuma dhaamaan badankood ma jirto, maaddama beeraley ay ahaayeen oo dhulka ay wax ka wada quudanayeen. Wax kale oo meel kale uga yimaadaa aysan jirin. Sidaas ayaysan waxba isku dhaamin.”
Wuxuu sheegay in guddiga iskaashatada beeraleydu uu u diray Soomaaliland baaxadda qasaaraha gaaray beeraleyda iyo sida ay gurmad deg-deg ah ugu baahan yihiin qoysaskii ku tiirsanaa wax-soo-saarka beeraha.