Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Muqdisho: Agab dibadda laga keeno oo cuuryaamiyay shaqada xirfadlayaasha biraha tuma

Jibril Osman by Jibril Osman
October 30, 2023
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Muqdisho: Agab dibadda laga keeno oo cuuryaamiyay shaqada xirfadlayaasha biraha tuma

Cali Warsame oo dhinac fadhiyada alaabtii uu soo saaray/Rijal Abdi/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Cali Warsame Cilmi tan iyo bishii shanaad ee sannadkaan wuxuu awoodi la’yahay maaraynta nolosha qoyskiisa. Wuxuu wajahayay suuq xumo ka dhalatay hoos u dhac ku yimid wax soo-saarka biro tumista oo ahayd isha kaliya ee ay ku tiirsanaayeen.

Saameynta suuq yarida wuxuu u sababeynayaa agabyo kale oo qiimo ahaan ay isku mid yihiin oo dalka dibaddiisa laga keeno oo magaalada ku soo kordhay.

Xirfadlahaan oo 31 jir ah wuxuu sheegay inuu awoodi waayay in wax ka badan hal waqti ay dabka shitaan qoyskiisa, maaddaama uusan heli karin xiligaan dhaqaallo joogteeya cunno helistooda.

Suuq xumada iyo dhaqaallo la’aanta qoyska Cali waxay ku qasabtay inay miciin bidaan nolol ahaan ku tiirsanaanta lacag $100 ah oo ay ka helaan Cali Maxamed oo ku sugan dalka Finland oo habaryartiisa ay dhashay.

Qoyska ninkaan oo deggan guri labo qol oo jiingad ah oo ku yaalla degmada Kaaraan, waxay bishii kiro ahaan u bixiyaan $35. Wuxuu tilmaamay inay isu biirsadeen xaalado adeg, taas oo adkaysay inuu si qumman u wajaho xal u helista dhibaatooyinkaan dhinaca nolosha ah.

“Alaabada aan soo saarno waxaa ka mid ah: Mindida, Yaanbada, Masaarta, Birqabatada, Bir-canjeelada. Intaasi oo alaab ah ayaan soo saarnaa. Waxaa na looga iibsan waayay alaab ka dhaldhalaal fiican bannaanka (Dibadda) ka timaada teenana ay ka tayo badan tahay oo ay ka tayo liidato. Marka dhaldhalaalkaasi ayay Soomaalida u xulatay oo intaas ayaa la iibsadaa.”

Cali oo ah aabaha saddex carruur ah ayaa sheegay in bishaan October ay soo saareen ilaa 110 agab oo kala duwan, balse laga iibsaday wax ka yar 20. Wuxuu xusay in markii hore kala bar wax soo-saarkiisa joogto looga iibsan jiray, balse hadda taas ay meesha ka baxday.

Ninkaan wuxuu sheegay in horay dadka ay joogto ugu tiirsanaayeen iibsiga agabyada lagu farsameeyo suuqa biraha ee Kawaan bari, waqtigaas oo lagu xulan jiray tayada iyo qiimaha oo la awooday.

Cali oo ah waayo-arag ku gaamuray ka shaqaynta xirfaddaan oo in ka badan 22 sano uu ku guda jiray howshaan ayaa sheegay in ay tahay sannadkii ugu xumeyd dhanka suuqa ee soo mara, maaddaama uu awoodi la’yahay in carruurtiisa oo u dhigta iskuul dowladeed oo bilaash uu ka bixiyo gaari raaca oo bishii ah $30.

Labo ka mid ah carruurtiisa oo dhigta fasallada labaad iyo saddexaad ee dugsiga hoose ee iskuulka Nuureyn ee degmada Kaaraan ayaa kharash la’aanta darted uga haray sannadkaan iskuulka.

“Maaddaama suuq xumo ay ka dhacday ilmihii iskuulka iyo dugsiyadii ay dhiganayee ma aadaan. Maxay ku aadayaan? Labo xabo iyo saddex xabo ayaa gadmaaye. Waa iska soo jiitamaynay dadka macaamiisheena iyo deyman iyo waxyaabo dadka ay naga qaadayeen saa-saan ku soo jiitameynay.”

Mid ka mid ah waxyaabaha soo dedejiyay suuq xumada saameysay farsamayaqaanada biraha ee Muqdisho waa in si weyn loo iibgeeyo birta oo dalka laga dhoofiyo, taas oo keentay inay waayeen birtii ay ka sameyn jireen agabyada kala duwan ee wax soo-saarkooda.

Dadkaan waxay ka siman yihiin si guud dhibaatooyinka, waloow ay sii kala duruuf adag yihiin marka loo eego xaaladaha ay ku sugan yihiin. Maxamed Cabdullaahi Cumar oo ka mid ah xirfadlayaasha ku tiirsan shaqadaan wuxuu suuq xumada ku dhacday darteed sheegay inay ku adkaatay in qoyskiisa uu helo wax ka badan hal waqti oo cunno ah.

Ka hor inta aysan soo wajihin xaaladdaan Maxamed wuxuu wax-soo-saarka farsamadiisa ka heli jiray maalintii lacag u dhaxeysa $5-$10, taasi oo hadda meesha ka baxaday. Toddobaadkii wax ka yar $5 ayaa ku adeg inuu helo isbeddelka yimid awgiis.

Arrintaan saameysay wuxuu ku tilmaamay inay tahay wax la xiriira dadka oo xiiso u qaba dheeha iyo dhaldhalaalka agabyada lagu soo farsameeyay dibadda. Maxamed oo ka hiddo-raacay halabuurkaan shaqo aabihiisa oo u geeriyooday cudurka TP-da 2019 ayaa sheegay in hadda qoyskooda ay wajahayaan xaalad hubanti la’aan ah.

“Cuntada marka la yiraahdo waxaa ahaan aheyn dad dhaqan oo nolosha ku maareeya. Qoyskayga quraac, qado iyo casho intaba waan heli jirnay. Laakiin seddexda waqti oo aan heli jirnay, inta badan hal waqti ayaan helnaayoo labo waqti xittaa wey adeg tahay mararka qaar.”

Soddon sano jir kaan oo ay ku tiirsan yihiin lix carruur oo walaalhiisa ah ayaa isaga haray iskuul uu maalmaha khamiista iyo jimcaha wax ka baran jiray. Iskuulka oo dib loo furay bishii Agoosto ee sanadkaan ayuu awoodi waayay inuu sii wado, maaddaama ay ku adkaatay bixinta lacagtiisa oo ah $18.

Sidookale xuuq xumada ku dhacday Maxamed saameynta ka dhalatay kuma koobna intaas oo waxay ku qasabtay inay ka guuraan guri seddex qol oo jiingad ah oo ku yaala Kaaraan markii ay awoodi waayeen lacagta kirada oo $25 ah.

Waxay ku nool yihiin hadda guri labo qol oo lacag la’aan ah oo uu ku caawiyay sarkaal qoyskaan ay xigto yihiin, kaas oo ku yaalla xerada ciidamada ee Hiilwayne ee deegaanka Gubadley.

Maxamed si uu markale u soo celiyo kaalinta uu ka qaadanayay nolosha qoyskiisa wuxuu bilaabay inuu maalmaha Khamiista iyo Jimcaha wade ka noqdo Mooto Bajaaj uu leeyahay wiil ay ehel yihiin oo labadaas maalmood dhigta jaamacad.

Hadda dhaqdhaqaaqa Maxamed ma ahan wax kaafin kara nolosha qoyskiisa. Hooyadiisa oo habeenkii caano iibisa ayaa suuragal ka dhigtay in qoyskooda ay helaan hal waqti oo cunno ah.

Ka sokow duruufahan isu biirsaday xirfadleydaan waxay tabayaan helitaanka warshad xoojisa hankooda wax soo-saarka si ay u joogteeyaan dedaalkooda shaqadaan.

Previous Post

Baydhabo: Qoysas hoy la’aan iyo cunno xumo wajahaya markii uu saameyn ku yeeshay daad ka dhashay roobka

Next Post

Awdal: Beeraleyda dagmada Baki oo qasaare uu gaarsiiyay roob dabeylo watay

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Jarar: Beeraley wajahaya dhaqaale xumo iyo rajo beel markii uu daad ka burburiyay beerro u tacbanaa iyo guryihii ay ku noolaayeen

Awdal: Beeraleyda dagmada Baki oo qasaare uu gaarsiiyay roob dabeylo watay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo