Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Baydhabo: Qoysas hoy la’aan iyo cunno xumo wajahaya markii uu saameyn ku yeeshay daad ka dhashay roobka

Jibril Osman by Jibril Osman
October 30, 2023
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Daadad hoy la’aan ka dhigay qoysas barakac ku ah xeryo ku yaalla gobolka Gedo
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Shan boqol oo qoys oo uga xeryahoodii uga barakacay daadad ka dhashay roobka dayrta oo 11 bishan ka da’ay Baydhabo iyo deegaanada hoos taga ayaa wajahaya duruufo nololeed oo is-biirsaday.

Waxay ku sugan yihiin hubanti la’aan cunno tii oo ay u dheer tahay hoy la’aan xilli lafa digayo roob saacado soconaya. Qoyska Magaalo Khayr Aadan oo 12 bishan ka barakacay xerada Bukuray oo Baydhabo u jirta 3 km markii ay biyo fariisteen xeradii ay degganaayeen ayaa ka mid ah dadka dibad joogga ah.

Haweeneydan iyo caruurrteeda oo afar ah ayaa u guuray xerada Muuse oo deris la ah, balse ku taalla dhul jooggiisu uu sarreeyo si aysan dhibaato kale u soo gaarin. Qaar ka mid ah qoysaska ay soo dul degtay ayaa ku caawiya cunno hal xilli u karsanta oo ay sheegtay inaysan baahidooda dabooli karin.

“Baahi ayaa na dhamaynaysa. Baahida ayaa hadda noogu darran, hargab ayaa nagu dhacay. Daawo wax aan ku gadano ayaan waynay. Sonkor wax aan ku gdanno ma leh. Qoryo wax aan ku gadanno ma leh. Biyo wax aan ku gadanno ma leh. Gogol ma qabno. Hoy ma haysanno. Wax aan hayno ma leh. Ciyaal iyo aniga waan isku le’enaynaa,”

Haweenay ayaa sheegtay in carruurteeda labo ka mid ah uu ku dhacay hargab qandho wata isla markaanna aysan ku haynin qarash ay baarid caafimaad ugu samayso. Qoyskan ayaa wajahaya maalmo adag, Waxay la nool yihiin rajo ah inay gargaar helayaan balse weli uma dhabooyin.

Magaalo ayaa sheegtay in daadka uu ka qaaday  intii aysan soo barakicin weelal, dhar iyo bacaha roobka iyo 10 madaal oo masago ah. Roobka ayay xustay inuu ku soo aaday habeen taas oo keentay inay soo baraarugeen iyadoo biyo ay hareereeyeen mugdiga dartii.

“Biyaha wax ay dhaafeen ma leh. Xitaa carruurta way qaadeen balse waa laga soo reebay. Haweenkii fadhi iyo istaag ayaan ku barinay. Alaabtaanaddii kabihii iyo koobabkii, wixii oo dhan biyaha ayaa qaaday. Waxaan waynay meel aan seexanno.”

Magaalo oo keligeed ku ah carruurteeda ayaa sheegtay in saygeeda ay uga soo tageen deegaanka Madhaatay oo hoos taga degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool.

Sababta uu uga soo haray ayay ku sheegtay inuu abuurayo beer saddex hektarka oo ay deegaankaas ku leeyihiin. Waxay quus ka taagan tahay noloshada.

Waxay xustay in deegaankoodii ay gaajo uga soo barakaceen bishii siddeedaad ee sanadkan. Waxay hanweynaayeen inay helayaan kaalmo iyo nolol dhaanta xaaladdii barakaca ku qasabtay. Waxay xustay inay ku furmeen xaaladdo aysan maaro u hayn.

“Habeen haddii aad wax karsato. Haddii aad waydo wax kale subixii ayaad kululaysan wixii baryay. Haddii kale qof muslim ah oo wax karsaday ayaan wax ka soo qaadaa. Intii aan soo barakacnaayba waxba nooga soo dhicin. Wax kale ma qabno. Wax dad nasiiyaan ayaan cunnaa.”

Qoysaska barakaca ah ee ay saameeyeen daadadka ka dhashay roobka dayrta ayaa awoodi la’ inay u xoogsi tagaan magaalada Baydhabo. Waxay nolosha ka soo dhacsan jireen xoogsi uu ku jiro ka shaqeynta dhismaha guryaha oo shaqadooda loo joojiyay roob awgiis.

Faadumo Aadan Axmed waxay xeradii Bukuray 12 bishan uga barakacday biyo galaydarteed. Iyada iyo carruurteeda oo toddobo ah waxay deggeen xerada Muuse oo deris la ah.

Halkan waxay ku wajahayaan hubanti la’aan cunno. Waxaa u dheer welwel ka haysta hoy la’aan. Waxaa fekerka ku sii badinaya dayrta hadda curatay maaddaama la filayo inuu sii socdo roobka. Dabkooda ayay xustay inuu dansan yahay inta badan. Waxay sheegtay in saygeeda uu yahay waayeel aan xoogsan karin. Sidoo kale iyadu waxay ka xanuunsan tahay indhaha.

“Saaka, waagan baryay waxaan cabbay keliyaa haaf shaah ah. maalinta aan haaf helo waa saas. Haddii kale caawa ayaan sugi. Wixii Illaahay, muslin na siiyo ayaan ku nool nahay. Haween waan dheregnaa. Habeenna waan baahannahay. Dhibaatadaas ayaan qabnaa.”

Faadumo ayaa sheegtay inay daadadka roobka u geysteen dhibaato muuqata. Waxay ku wayday maacuun iyo raashin ay u aruuriyeen dadka deegaanka.  Waxay intaas raacisay inay ku dhib qabaan kaneeco ka dhalatay rayska roobka maaddaama aysan haysan hoy dugsoon iyo maryaha laga xirto midna.

Faadumoo oo lixdan jir ah ayaa sheegtay inaysan lahayn awood ay buul ku dhisato. Waxay hadda ku hoydaan waab aan qorraxda mooyee aan dhibicda ka celin karin. Qoysaskan ayaa xeryaha magaalada Baydhabo u soo nolol doontay markii abaar saamaysay deegaannadooda oo ka tirsan gobolka Bakool.

Cabdi Maxamed Abiikar oo korsada 9 carruur ayaa wajahaya cunno yari iyo hoy xumo markii xero uu degganaa 8 bilood uu mar kale uga barakacay daad.Isaga iyo qoyskiisa waxay hadda ku sugan yihiin xerada Naxariis. Waxaa ku adag inay helaan cunno iyo gabaad ay ka galaan roobka dayrta. Wuxuu la nool yahahay welwel ka haysta quudinta carruurtiisa iyo helidda bacaha roobka.

“Markii hore dad iska deganaa oo iska xamalanaayey oo xaabada doonanayey ayaa ahayn hadii mar xerada aan ka guurnay wali welwel ayaa jira qutul daruurigii qaab aad ku raadiso malahan suuqaa soo aaday dadkii aan aqaanaa wax weyiiya wixii ay igu tari karaan hada caruurtii guriga kale ayaa geeyey wali mashquulkii guurowga ayaa igu jira Nolosheena aad ayey u liidataa” ayuu yiri.

Ninkan oo naafo ka ah misigta ayaa nolosha reerkiisa ka maarayn jiray xaabo uu ka keeni jiray deegaannada deris. Hadda wuxuu sheegay inuu ilaa hadda uu ka dhamaan la’yahay hawshii geeddiga galay. Dhibaatada ay ku jiraan ayuu xusay inay tahay mid uusan xal u haynin.

“Waxaan baaq u dirayaa hay’adaha samafalka, ganacsatada, umadda islaamka iyo qof walba oo wax soo siyaadin kara in la yimaado xerada Naxariis. Ciddii wax noo qaban karta inay wax noo qabato ayaan u baahannahay inta dhib kan ka weyn uusan imaan. Waxaan codsanaynaa in nala daba qabto,” ayuu yiri.

Qoyska Cabdi ayaa ka soo barakacay deeganka Doodoolle oo hoosta Baydhabo. Waxay deegaankaas ku dhaqanayeen riyo kuwaas oo ugu danbayn noqday kuwo abaar ku le’day iyo in ay gateen.

Roobka ayaa sidoo kale qoysaskan ka burburiyay musqulo yaryar oo ka dhaxeeyay. Hoy la’aanta iyo cunno yarida waxaa u raaca inaysan haysan biyo nadiif ah.

Previous Post

Muqdisho: Cunno kariye shaqo abuur u sameeyay dhallinyaro dhaqaale xumo wajahayay

Next Post

Muqdisho: Agab dibadda laga keeno oo cuuryaamiyay shaqada xirfadlayaasha biraha tuma

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Muqdisho: Agab dibadda laga keeno oo cuuryaamiyay shaqada xirfadlayaasha biraha tuma

Muqdisho: Agab dibadda laga keeno oo cuuryaamiyay shaqada xirfadlayaasha biraha tuma

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo