Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Muqdisho: Cunno kariye shaqo abuur u sameeyay dhallinyaro dhaqaale xumo wajahayay

Jibril Osman by Jibril Osman
October 30, 2023
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Muqdisho: Cunno kariye shaqo abuur u sameeyay dhallinyaro dhaqaale xumo wajahayay

Mulkiilaha Xasan Dheere Restaurant oo u adeegaya macaamiil fadhida barxadda mehradiisa/Mohamed-Khadar/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Ganacsi uu ku billaabay iibinta hal tarmuus oo shaaha ayaa Xassan Nuur Maxamed u horseeday inuu ku filnaano maareynta nolosha qoyskiisa, labadiisa waalid iyo waxbarashadiisa.

Wuxuu sidoo kale shaqo u abuuray shan qof oo hadda kala shaqeeya goobtiisa ganacsi oo ah mid lagu iibiyo shaah, oodkac iyo cuntada wadaniga ah sida galey, digir iyo masago.

Xasan ayaa Isbedelkan nololeed helay bishii lixaad ee sannadkan. Wuxuu xusay in 12 sano uu ahaa xirfadle ku shaqaysta shaah karinta, balse ay tahay markii ugu horreysay oo uu gaaro heerkan. Wuxuu tilmaamay in maalinkii uu ganacsigan ka helo lacag $70 ah.

“Shaqadaan bilaabitaankeeda horta taariikh cajiib ah ayaan la soo maray. Markan qaatay go’aan ah inaan shaqeysto waxaan ka billaabay in subixii aan kariyo hal tarmuus oo shaah ah. Kaas ayaa gaarayay illaa habeenkii oo cid iga iibsaneysa maan heli jirin. Laakiin muddo kaddib waxaa ii suurta gashay in halkii saacba aan dhammeeyo oo leyga gato afartan illaa kuntan tarmuus oo shaah ah.”

Xasan ayaa ganacsigan ku billaabay $600 oo uu uruursaday. Wuxuu deggan yahay labo qol oo dhagax ah, kuna yaalla xaafadda Xoosh ee degmada Dharkenley. Bishii wuxuu bixiyaa kiro $100.

Wuxuu tilmaamay in maalmaha Khamiista iyo Jimcaha oo ay ugu shaqo badan yihiin uu shaqaalaha ku kordhiyo labo qof oo dheeraad ah. Macaamiil badan oo uu helo awgeed. Dadka u shaqeeya ayaa maalinkii qaata $5 illaa $3.

“Raggaas waxay qaabilsan yihiin qancinta macaamiisha. Qaar ayaa waiters ah oo waxay geeyaan shaahii, cuntadii iyo waxaan sameyno oo dhan. Rag kale waxay qaabilsan yihiin nadaafadda iyo dhaqataanka weelasha. Nidaam aan ku shaqeyno ayaan leenahay si aan u qancino macaamiisha.”

Xasan oo 35 jir ah waa arday cilmiga Shaybaarka ka barta Jaamacadda Green Hope ee magaalada Muqdisho, taas oo uu billaabay bishii September sanadkii 2021. Simistarkii ama sadexdii biloodba wuxuu bixiyaa $150.

Wuxuu sheegay 11 sano ka hor uu dhammeeyay dugsiga sare, balse dhaqaale la’aan ay ka hortaagneyd jaamacadda.

Geedigan waxbarasho waxaa u suurta galiyay ganacsigan oo uu ku billaabay tarmuus shaah ah oo uu ku gadi jiray geed hoos-tiis.

Wuxuu tilmaamay inuusan warwar ka qabin nolosha iyo mustaqbalka carruurtiisa oo sagaal ah. labada carruurtiisa ugu weyn oo da’doodu tahay 9 iyo 10 jir waxbarashadooda wuxuu bishii ku bixiyaa $10.

‘’Ilmahayga wax ayay bartaan oo hadda labo gabdhood oo ilmaha u weyn ayaa dhigta dugsi Quraan, weli iskuul ma gaarin, Mustaqbal ifaya ayaa ii muuqda, hadana waan ladanahay “ayuu yiri Xasan.”

Qoyska Xasan ayaa ku nool degmada Dharkenley oo ay ka deggan yihiin saddex qol oo jiingad ah. Bishii waxaa laga qaadaa $50 oo kiro ah.

Xasan ayaa sheegay inuu soo maray waqti ay ku adkeyd in maalinkii hal waqti dabka ay shitaan.

Xaruntiisa ganacsi ayaa shaqeysa lixda aroornimo illaa 11 fiidnimo. Inta uu jaamacadda ku maqan yahay waxaa caawiya oo howsha sii wada dadka la shaqeeya. Waxaa ka mid ah Maxamed Ibrahim Maxamed oo 18 jir ah.

Wuxuu qaabilsan yahay shaah u geynta macaamiisha. Shaqadan oo saddex bil ka hor uu helay waxay u suurta galisay in bishii August uu waxbarasho billaabo.Lix Doollar ayuu ku bixiyaa bishii iskuul uu ka barto xisaabta iyo Ingiriiska.

“Galin waxbaan bartaa galina waan shaqeystaa. Subixii lixda aroornimo markaan soo galo waxaan ka baxaa labo saac oo subaxnimo. Markaas iskuul ayaan aadaa hadana markaan ka imaado waxaan shaqada soo galaa kowda duhurnimo. Shaqadaan waxaan u soo galay inaan waxbarashada iskaga maareeyo iyo inaan ku dabaro nolosha qoyskeyga, sida cuntada, kirada, korontada iyo biyaha.”

Lacagta uu ku shaqeeyo oo ah $150 waxaa ku tiirsan nolosha qoyskiisa oo ka kooban isaga, xaaskiisa iyo labo carruuur ah. ka hor shaqadan wuxuu ahaa nin aan ku filneyn maareynta nolosha qoyska. Waxaa caawin jiray qaraabadiisa, maadaama uusan shaqeyn jirin.

Wuxuu ku taamayaa in mustaqblka uu yeesho ganacsi u gaar ah, si noloshiisa uu wax uga badalo. Aragtidaas waa mid ku dhalatay markii uu arkay halka uu wax ka soo billaabay ninka uu u shaqeeyo hadda.

Shaqo la’aanta dhallinyarada waa mid baahsan, taas ayaana keentay in ganacsigan kooban uu muhiim u noqdo nolosha dhowr qof.

Cabdixakiin Cali Cabdi oo mehradan ka shaqeeya wuxuu sheegay in helitaanka fursadan ay badashay noloshiisa. Wuxuu hagaajiyaa shaaha iyo kofeega, isagoo ku shaqeeya mishiin. Ma aha xirfad uu iskuul u galay, balse goobta ayaa lagu baray maalmo kooban.

Lacagta uu bishii ku shaqeeyo oo ah $210 wuxuu ku caawiyaa qoyska waalidkiis iyo saddex walaalo la ah.

Waa qofka kaliya ee u shaqeeya qoyska oo markii hore ku tiirsanaa caawinta dad qaraabo ah.

“Wax badan ayay shaqadan ku soo kordhisay nolosheyda. Waxaa ka mid ah in reerka aan ku caawiyo waxaan ka helo iyo in aniga nafsiyan aan isku maareeyo. Waxaan noqday nin meel ka soo baxay reerkeena aniga ayaa u weyn oo u shaqeeya. Markii hore waxaan ahaa nin aan shaqeyn oo waxba aan haysan oo guriga iska joogay.”

Cabdixakiin waa 21 jir ah wuxuu ka mid yahay dadka lagu furay xaruntan. Wuxuu ka soo jeedaa qoys danyar ah oo ku nool guri jiingad ah oo ku yaalla degmada Dharkeynlay ee gobolka Banaadir.

Saddex sanno kahor ayuu ka qalin jabiyay dugsiga sare. Uma suuragelin inuu ku biro jaamacad, sabab la xariirta dhaqaale la’aan. Wuxuu hadda ku rajo weyn yahay inuu bilaabo sannadka soo socda.  inta ka horreysa ayuu xusay inuu sameysan doono keyd lacageed oo ka caawiya gaaritaanka himiladaas.

Shaqo la’aantu waa mid ka mid ah caqabadaha ugu weyn ee ay wajahayaan dhallinyarada ku nool magaalada Muqdisho.

Previous Post

Baladwayne: Qoysas soo barakacay oo iskutashi ku dhistay iskuul ay wax ku bartaan carruurtooda

Next Post

Baydhabo: Qoysas hoy la’aan iyo cunno xumo wajahaya markii uu saameyn ku yeeshay daad ka dhashay roobka

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Daadad hoy la’aan ka dhigay qoysas barakac ku ah xeryo ku yaalla gobolka Gedo

Baydhabo: Qoysas hoy la’aan iyo cunno xumo wajahaya markii uu saameyn ku yeeshay daad ka dhashay roobka

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo