(ERGO) – Todobo boqol iyo afartan qoys oo barakac ku ah xerada Salaama ee duleedka degmada Caabudwaaq ayaa wajahaya hoy la’aan iyo cunno yari. Daadad ka dhashay roobab mihiigaan ah ayaa ka dumiyay buushashkii ay degenaayeen 16 bishan October.
Muraayad Salaad Cali iyo carruurteeda oo lix ah waxay tan iyo 17 bishan ku sugan yihiin meel taag ah, oo u dhow xerada si ay uga badbaadaan daadka. Ma haystaan wax ay ka galaan qabowga habeenki iyo qoraxda maalinti.
Waxay daadadku kala tageen aqal cooshad ah oo ay ku lahaayeen xerada dhexdeeda taas oo xudun u noqotay meesha ay miyaha ugu badan fariisteen. Waxay hadda ku hoydaan meel bannaan oo aan lahayn wax ay gabaad sadaan.
“Meel aan u cararno ma haysanno meeshaan waan ku qaxnay, guryo aan aadno mahaysanno, marka meesha dayac wayn ayaa nagu haysta. Xaaladda aan hadda ku jirno haddii roob badan uu yimaado biyuhu waa nala dagayaan, togaga ayay nagu darayaan oo intii jilicsan waa qaadayaan.”
Muraayad oo kaligeed korisa carruurteeda oo agoon ah hoy la’aanta waxaa u dheer in aysan hayn wax ay hal waqti cunaan. Waxay sheegtay in daadku uu ka qaaday raashin min 12 kiilo oo bur, bariis, iyo sonkor ah oo ay soo daynsatay labo maalin ka hor intaan daadku ku soo rogman. Waxaa lagu leeyahay lacagtii ay ku soo qaaday oo ahayd $40.
Haweenaydan oo horay qoyskeedu uu ugu tiirsanaa wixii ay ka soo hesho dhar dhaqis ay u aadi jirtay magaalada ayaa hadda shaqo tegi waysay maaddaama ay cabsi ka qabto in inta ay maqan tahay ay roobab yimaadaan, kuwaas oo wax yeello u gaysan kara carruurta. Arrimahaas isbiirsaday ayaa ku qasbay in ay dawarsi u aaddo dadka xerada ka barakacay ee iyaga dhaama.
“Dariska ayaan dhex aadaa oo waxaan dhahaa maanta ilmihii baaba’a ayay ku sigan yihiin gaajo ayay tacbaan la yihiin oo beerka ayay dhulka ku hayaan.”
Qoyska Muraayad ayaa xerada soo gaaray sanadkii 2017 xilligaas oo abaar ay ka dhamaysay labo tiro oo ari ah iyo labo rati oo ay ku dhaqanayeen miyiga magaalada Caabudwaaq. Tan iyo xilligaas oo ay xeradan deganeed waxay sheegtay in markan ay wajahayso noloshii ugu adkeed.
Aabihii reerka ayaa jirro aysan aqoon u geeriyooday labo sano ka hor markii ay waayeen dhaqaale ay ku geeyaan goob caafimaad. In ay kaligeed ku noqoto korinta carruurta oo kan ugu wayn 13 sano jir yahay ayaa walwal gooni ah ku haysa sida ay Radio Ergo u sheegtay.
Saddex ka mid ah carruurta ayay tilmaantay in ay ka xanuunsan yihiin ilaa 23 kii bishan. Waxay uga shakisan tahay in ay Malaariyo ka qabaan, balse ma hubto oo ma aysan gayn wax baaritaan ah. Kaneeco aad u badan ayay sheegtay in ay ka jirto meesha ay joogaan, taas oo aysan haysan maro kaneeco ay ka galaan.
Qaar ka tirsan dadka ka barakacay xerada ayaan haysan meel ay dib ugu laabtaan maaddaama aqalladoodii uu daadku qaaday.
Ubax Cabdi Samatar waxay ka mid tahay dadka ay sida wayn u saameeyay arrintan. Waxay iyada iyo carruurteeda oo siddeed ah ay ka barakaceen aqal buush ah oo ay ka deganaayeen xerada.
Waxay sheegtay in xerada ay ku taallo meel tog ah oo ay biyuhu maraan taas oo sababtay in daadku uu si xawli ah xerada u saameeyo. Ubax waxay xustay in markii ay aragtay awoodda daadka ay soo badbaadsatay carruurta, balse aysan isku hawlin alaabtii iyo raashinkii u yaallay.
“Aqalku wuxuu ka samaysanaa calallo. Bac duug ah oo waa hore la gaday ayaa noo saarneed maanan filayn roobabkan xoogga badan aqalkaas waxaa ku jiray siddeed qof biyihii ayaan anaga qaaday.”
Haweenaydan iyo carruurteeda waxay hadda hoy iyo harba ka dhigtaan geed aan hoos fiican lahayn oo ku yalla duleedka xerada. Waxay la wadaagaan afar qoys oo kale oo barakacay. Roobabka dayrta oo weli da’aya ayay xustay in ay ku haleelaan meesha aan gabaadka lahayn.
Ubax oo horay ay ugu adkeed maaraynta nolosha carruurteeda oo lagu furay aana lagu daryeelin ayaa arrintaan ku noqotay culays hor leh. Waxaa biyuhu ka qaadeen raashinkii ay karsanayeen oo shantii bishaan ay ku caawiyeen qoys ay qaraabo yihiin oo deggan Caabudwaaq.
“Maalin waan qadi lahayn maalinna waan quudan lahayn wax dhib ahna malahaateene hoy la’aanta ayaa dhibaato nagu haysa.”
Qoyska haweenaydan ayaa ka soo barakacay miyiga degmada Caabudwaaq sanadkii 2020 markaas oo abaar ay ku waayeen 170 ari ah oo ay ku tiirsanaayeen. Waxay xustay in tan iyo markii ay ay xerada soo gaartay ay ku noolaayeen kaarar aan joogto ahayn oo ay hay’ado ka heli jireen, taas oo aysan helin muddo saddex bil ah.
Sidoo kale waxay tilmaantay in tan iyo markii ay roobabku billowdeen ay guud ahaan meesha ka baxday shaqo dhar dhaqis ahayd oo ay uga dhex shaqaysan jirta gudaha xerada maaddaama dadkii ay noqdeen kuwo aan waxba is dhaamin. Dadka xerada deganaa ayaa hadda dhamaantood banaan joog ka ah xerada maaddaama ay biyuhu wada saameeyeen.
Siciid Cabdi Cumar wuxuu ka mid yahay koox dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Caabudwaaq oo markii ay ogaadeen xaaladda ka jirta xerada isku xilqaamay sidii ay dadkaas ugu gurman lakaayeen.
Si koox koox ah ayay dadka kuwa liita iskugu daraan raashin ay mar ama labo mar ay korkarsadaan kaas oo ay ka soo aruuriyeen ganacsato deggan magaalada oo ay ku wargaliyeen xaaladda ka jirta xerada. Wuxuu intaas ku daray in ay siiyeen toban bacood oo nuuca okorta ah kuwaas oo ay middiiba ka dhaxaysiiyeen shan qoys oo ah kuwa ay u joogaan dadka wayeelka ah iyo kuwa naafada ah ee aan u adkaysan karin dhibicda roobka.
Wuxuu xusay in gurmadka ay sameeyeen uusan ku filnayn baahida dadkan balse ay naf badbaadin uga golleeyihiin. Sidoo kale wuxuu ka dayriyay xaaladda dadkan haddii ay roobab kale oo xoog leh ay haleelaan.
“Waxaan is leenahay haddii roob danbe soo laabto dadkaanna aysan gurmad degdeg ah helin waxaan isleenahay xaaalkoodu ma fiicnaan doono. Xaalada bini’aadannimo oo midda ugu daran ayaa ka imaan karta meeshaan oo xitaa dhimasho iyo qasaare kale oo dadka soo gaaraba leh.”
Daadadkan ma ahan markii ugu horraysay ee ay saameeyaan dadka ku barakacay xerada Salaamo oo dhawr jeer oo hore ayay arrintaan dhacday sida uu raadiyow Ergo u sheegay gudoomiyaha xerada Indiriis Aadan Cabdulle,
Wuxuu sheegay in tog biyo mareen ah oo xerada dhex mara uu keeno daadka. Wuxuu intaas ku daray in ay isku dayeen in ay wax ka qabtaan balse markii ay biyuhu bataan ay jabsadaan biyo xireeno ay sameeyeen oo aan awood buuxda lahayn.