Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Baydhabo: Saddex boqol oo carruur ah oo waxbarasho bilaash ah ka helay dhallinyaro isxilqaamay

Jibril Osman by Jibril Osman
November 7, 2023
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Baydhabo: Saddex boqol oo carruur ah oo waxbarasho bilaash ah ka helay dhallinyaro isxilqaamay

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Maariin Cabdi Isxaaq iyo afar ka mid ah carruurteeda oo barakac ku ah xerada Daryeel ee duleedka magaalada Baydhabo ayaa si wada jir ah uga faa’iideysta fursad waxbarasho oo bilssh ah. Waxay ka helaan dhallinyaro isxilqaamay.

Waxay ka mid yihiin 315 arday oo iskugu jira carruur iyo dad waawayn, kuwaas oo ka soo jeeda qoysas dhawaan tagay xeryaha Daawo, Daryeel iyo Buulo-muumin. Dadkan ayaa ka soo barakacay colaado iyo Abaar saameysay noloshooda.

Maariin iyo carruurteeda waxay waxbarashada ku biireen shantii bishii Ogoosto ee sanadkan. Waxay qaataan maadooyinka, xisaabta, Soomaaliga iyo Ingiriiska. Haweenaydan oo 38 jir ah waxay ku faraxsan tahay in si wadajir ah ay wax u bartaan iyada iyo carruurteeda.

“Waxaa iska keen beddelay awal wax aan naqaanay ma jirinba taleefanka waxba kalama soo bixin jarin. Lacagta tirinteeda maanan aqoon xarfaha maanan kala aqoon haddana annaga ayaa kala baxsanna waxbarashadeena aad ayay u fiicantahay”

Waxay xustay Maariin in aysan waxna qori jirin waxna akhrin jirin ka hor inta aysan iskuulka gelin. Dhanka kale waxay tilmaantay in aysan jirin wax kharash ah oo uga baxa waxbarashada iyada iyo carruurteeda.

Haweenaydan oo wax la barata 90 arday oo ah dad waawayn oo ka daahay waxbarashada, waxay fursaddaan ka faa’iideysataan gelinka dambe maalinta. Si ay casharka u soo qaadato, waxay carruurteeda uga tagtaa guriga, deriskana waxay ka codsataa inay dusha uga sii eegaan.

Mararka qaar ma hurto inay ilmaha u yar oo hal sano jir ah u qaadato iskuulka. Maariin oo qoyskeedu uu xeradan soo gaaray bishii Juun ayaa arrintan u noqotay fursaddii ugu horraysay ee ay wax ku bartaan iyada iyo carruurteeda.

In dadka xeryaha ku nool ay waxbarasho helaan waxay markii hore ku xirnayd in qoyskii awooda uu u guuro meel waxbarasho uu uga heli karo carruurtiisa, ama uu ku qasbanaado inuu u dirsado iskuulada Baydhabo oo ardaygii laga qaado lacag u dhaxaysa $8 ilaa $10, taas oo culays ku ahayd dadkan soo barakacay.

Inkasta oo qoyskan  ay carruurtooda heleen waxbarasho haddana waxay xustay in ay haysato cunno yari iyo hoy la’aaan.Waxay dabadyaal u yihiin roobabka dayrta oo todobaadyadaan si xawli ah uga da’ayay magaalada Baydhabo. Arrintaas waa mid ay ka siman yihiin dadka ku jira xeryaha sida ay sheegtay Maariin.

“Roobku markii uu da’o wax ma karsanno markii uusan di’in ayaan wax karsannaa. Subaxdii iyo duhurkii ayaan wax karsannaa inta badan habeenkii wax lama karsado waagii hore wax ayaan heli jirnay, laakiin waayahaan danbe wax nolol ah ma jiraan”

Qoyska Maariin oo ka kooban 8 qof  waxay  ka soo barakaceen deegaanka Shan-qalow ee gobolka Bakool markii ay abaar saamaysay beer shan hektar ah oo ay halkaas ku lahaayeen.  Xerada oo ay soo miciin bideen ayaa markay yimaadeen laga siiyay dhul shan mitir ah oo ay ka dhisteen aqal coosh ah.

Waxay intaas ku dartay in aysan helin wax gargaar ah, balse waxay ku tiirsan yihiin ay tahay wuxuu soo helo aabbaha reerka oo shaqo xamaal ah u aada magaalada, taas oo markii uu soo helo uu ka soo galo dhaqaale u dhexeeya $2-3 oo aan ku filnayn noloshooda.

Si kasta oo ay ugu adkaato nolosha xerada waxay xustay in ay u dulqaadan doonaan inta carruurteedu ay waxbaranayaan.

Muniira Samow Maxamed oo 19 jir ah waa aas-aasaha iskuulkan ay waxka bartaan dadka soo barakacay. Waxay sheegtay in iskuulka oo ku eg dugsi hoose ay dhigtaan in ka badan saddex boqol oo arday oo ka kala yimaad xeyaha.

Iskuulkan ay hirgalisay oo  lagu magacaabo Daryeel ayaa noqday iskuulkii ugu horreeyay ee xeryaha laga furo. Waxay xustay in dadka ay markii hore kaligeed u samaysay wacyi-galin ah in ay waxbartaan, taas oo horseeday in ay ku baraarugaan waxbarashada.

“Markaan wacyigelin u sameeyay waalidiinta iyo ardayda oo waxaan u sheegay inay muhiim u tahay waxbarashadu qof walba noloshiisa waxay ii oggolaadeen inaan waxbarashadii u billaabo oo ay ardaydii dadkii iyo waalidiintii noo imaadaan waana fahmeen, markaas aniguna waxaan ugu dhigayaa si bilaash ah oo aanan lacag ka qaadanayn lacag aan aqoontan ugu dhigaayo way I aqbaleen.”

Muniira waxay sheegtay in iyadu ay dadka ku taageertay aqoonteeda, balse lacag ay iska aruuriyeen ay ku gateen qalimaanta Buugaagta iyo sabuurada. Waxay xustay in dadku ay casharrada ku qaataan geed hoostiis oo ay sabuuradda ku dhagsadeen. Ku dhawaad saddex bil oo ay waxbarashada u waddo ayay tilmaantay in ay waxbadan iska beddeleen fahan kooda.

Gabadhan oo qoyskeedu ay deggan yihiin xerada Daawo ayaa dhigata fasalka 12 ee dugsiga sare ee iskuula Sahal oo ku yaalla magaalada Baydhabo. Waxay xustay in eedadeed ay ka caawiso lacagta waxbarashada oo bishii ah 15, taas oo u suuragalisay in ay soo gaarto sanadkii ugu danbeeyay ee dugsiga sare.

Muniiro maadaama ay ka warhayso baahida waxbarasho ee haysata dadka barakacay, waxay go’aansatay in ay keento qaab ay carruurta xeryahan ay uga baaqsadaan waxbarasho la’aan, maadaama qoysaskoodu aysan wax bari karin.

“Waxyaabaha igu dhaliyay waxaa ka mid ah dadkani waa dad barakacyaaal ah aniguna sidoo kale barakac ayaan ahay, fursad waxbarasho ama qarash ay iskuul iskaga dhiibaan ma hayaan oo noloshay la daalaa dhacayaan lacagihii iyo kharashkii iskuulaadka laga bixin lahaana ma haystaam. sidaas darteed markaan arkay inay aqoontayda u baahanyihiin oo aanay haysan fursad iyo wax kale ayay aniga igu dhalatay inaan caawiyo oo waxbaro maadaama ay yihiin walaalahaay aniguna aan ka mid ahay.”

Muniira waxay ardayda u kala qaybisay afar fasal oo ay kala dhigtaan labada galin ee maalinta. Xasan Cali maxamed  oo ay Muniiro isku iskuul yihiin wuxuu ka caawiyaa in uu galinka hore ardayda u sii dhigo casharrada inta ay ku maqantahay iskuulka, halka isaguna uu galabkii aado.

Xasan ayaa sheegay in uu caawintan billaabay markii ay Muniiro ku soo wargalisay horraantii bishii Sebtember xiligaas oo ay ardaydu soo bateen. Dayarkan oo isagu xitaa ka mid ah dadka deggan xerada Daawo wuxuu ku faraxsan yahay in uu waxbaro dadka ay meesha wada deggan yihiin sida uu u sheegay Radio Ergo.

“Qofka in wax la baro waa hawl aad u fiican sababta ugu wayn ee aan ardaydaan u caawinayno waxaa ka mid ah, sida la ogyahay waxbarashada deegaanka hormar wayn kama jiro gaar ahaanna xeryaha lagu barakacay waxbarasho kama jirto sidaas dareedeed si carruurtaan iyo waalidiin tooda ay berri noloshooda ugu filnaadaan oo bariiskooda u raadsadaan (u shaqaystaan) aanaga ayaa waajib naga saaranyahay inaan waxbarno oo jahliga ay ku jiraan aan ka saarno.”

Dhallinyaradan waxay sheegeen in ay qorshaynayaan in markii ardaydu ay dhameeyaan dugsiga hoose sidii ay dugsi dhexe ugu billaabi lahaayeen. Waxay aaminsan yihiin in ay iagu u dhigi karaan casharrada digsiga dhexe balse halka arrin ee ay ka walaacsan yihiin ayaa ah in aysan hayn dhul iyo dhisme ay ku shaqeeyaan oo uu iskuul koodu yeesho.

Previous Post

Cabudwaaq: Daad hoy la’aan ka dhigay qoysas ku nool xero lagu barakacay

Next Post

Soomaaliland: Xoolo-dhaqato kireeya geel irmaan si ay cunno ugu helaan carruurtooda

Related Posts

Gedo: Afar boqol iyo siddeedtan kun oo qoys oo ay saameeysay fatahaadda oo hoy la’aan iyo cunno yari wajahaya
Cunto-Yaraanta

Gedo: Afar boqol iyo siddeedtan kun oo qoys oo ay saameeysay fatahaadda oo hoy la’aan iyo cunno yari wajahaya

November 28, 2023
Hargaysa: Qoysas danyar ah oo isku helay dib-u-dajin lacag bille loo siiyo iyo barashada xirfaddo
Arrimaha Bulshada

Hargaysa: Qoysas danyar ah oo isku helay dib-u-dajin lacag bille loo siiyo iyo barashada xirfaddo

November 27, 2023
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dhadhaab: Nin qaxooti ah oo noloshiisu isbeddeshay markii uu ku shaqo billaabay taksi

November 24, 2023
Mudug: Qoysas ku nool Ceelhuur oo mar kale uu barakiciyay bacaadka guur guura
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Mudug: Qoysas ku nool Ceelhuur oo mar kale uu barakiciyay bacaadka guur guura

November 22, 2023
Galgaduud: Dhallinyaro macallimiin noqday oo helay dhaqaale ay ku dhigtaan jaamacaddaha
Arrimaha Bulshada

Galgaduud: Dhallinyaro macallimiin noqday oo helay dhaqaale ay ku dhigtaan jaamacaddaha

November 15, 2023
Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo

November 14, 2023
Next Post
Soomaaliland: Xoolo-dhaqato kireeya geel irmaan si ay cunno ugu helaan carruurtooda

Soomaaliland: Xoolo-dhaqato kireeya geel irmaan si ay cunno ugu helaan carruurtooda

Jawaab ka bixi Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

Radio Ergo · Radio Ergo 2020
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.

TWITTER

Tweets by RadioErgo
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2023 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2023 Radio Ergo

Go to mobile version