Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Khudaarta oo soo raqiistay magaalada Xudur markii ay soo go’een beerihii deegaanka ee gu’gii la abuuray

Radio Ergo by Radio Ergo
July 4, 2023
in Beeraha Iyo Xoolaha, Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Somalia latest news, Somali live news, Mogadishu live news, Somali news

Kaydka sawirada/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Waa xilli subax ah oo ay dadka badankooda u soo kallaheen suuqa magaalada Xudur, si ay nolol maalmeedka u soo dhacsadaan.

Daa’uud Maxamed Kheyr oo ah beeraleey wuxuu si la mid ah dadka kale u soo baxay inuu suuqa geeyo khudaar uga soo go’day beer afar hektar ah oo uu magaalada ku leeyahay. Wuxuu maalinkii suuqa keenaa ilaa sagaal loor oo miro kala duwan ah, taasi oo uu beeray xilligii gu’ga.

Maalinkii ayuu sheegay inuu khudaarta uu ka helo lacaga u dhaxeeysa $25-$30. Lacagtan ayuu ku maareeyaa nolosha qoyskiisa oo ka kooban 20 qof.

Ninkan oo ah aabbaha 17 carruur ah ayaa suuqa ku geeya dalaggiisa mooto uu isaga leeyahay. Wuxuu khudaarta ka iibiyaa haweenka miisleeyda ah, kuwaasi oo ka sii ganacsado.

“Khudaarta iisoo go’ada dhowr nooc ayey u kala baxdaa, qeyb waa basal, cansalaato, koosto, bocor, liimo iyo seytuun. Subax walba ayaan geynaa suuqa. Nolosha qoyska wax weyn ayaa hadda iska beddelay, maaddaama ay khudaarta marna nafaqo u tahay oo beerta ka soo goostaan, marna ay lacag u tahay. Dabka maalinkii saddex waqti ayay shitaan, halka markii hore ay labo waqti heli jireen,” ayuu yiri.

Khudaarta magaalada lagu iibinayay saddexdii sano ee la soo dhaafey ayaa qaab dhuumaaleeysi ah lagu soo gelin jiray. Waxaa laga keeni jiray magaalooyinka Baydhabo iyo Beledweyne. Beeraha degmada ayaa saameeysay roob yarida.

Daa’uud oo ku faraxsan in beertiisa usoo go’day xilli khudaarta baahi weeyn loo qabo ayaa sheegay in afar xilli roobaad uusan waxba beerin. Wuxuu tilmaamay inuu isku dayay in biyo uu ka soo dhaamiyay ceelal ka fog uu ku beero, sanadkii tagay. Balse, mootadiisa oo aan jeerikaanno badan qaadi karin ayuu tilmaamay inay keeni weyday biyo ku filan beerta, sidaasi na ay uga dhinteen khudaartii uu abuurtay.

“Sanadyadii hore ilaa dhowr sano ceelasha xitaa mar biyo laga waayey ayaa jirta. Waxaan sameeyn jirnay si aysan geedaha khudaarta iga baabi’in oo ilaa iyo roobka gaarsiiyaan, biyo aan mootada ku soo dhaamiyo ayaan ku waraabin jiray, mar afartan jeerikaan ayaan soo qaadi jiray, marna konton. Hadda biyo na ku filan ayaan haysannaa oo ceelashii ayaa biyo noo galay. Dhulka marka uu roobka ku da’o oo biyo sidaasi u badan ma rabo oo wax yar ayaa ku filan,” ayuu yiri.

Daa’uud waxaa beertiisa dhinaceeda ka qodan labo ceel oo uu isaga leeyahay. Biyaha ceelasha ku jira ayuu xusay inay ku filanyihiin muddo sanad ah oo uu na qorsheeynaayo inuu beertiisa dib u abuuro isagoo isticmaalaaya biyaha ceelka. Wuxuu tilmaamay in lacagta uu maalinkii soo shaqeeyo uu qeeyb qoyska ku maareeyo halka inta kale uu beerta u kaydiyo.

Ninkan waxaa khudaarta u dheer masaggo iyo sisin oo uu saaray labo hektar oo beertiisa ka mid ah, taasi oo uu rajeynaayo inay u soo go’do.

Marka laga tago beeraleeyda ka faa’idey roobka ee beerahooda ku abuurtay, dadka khudaarta ka ganaacsada, gaar ahaan dumarka miisleeyda ah, ayaa iyagana ka raystay khudaartii qaaliga ahayd ee sida qarsoodida ah lagu soo gelin jiray.

Faadumo Xasan Maxamed waxay qoyskeeda ka biisha dukaan yar oo ay ku iibiso khudaarta. Waxay ku faraxsantahay in hadda ay si fudud oo raaqiis ah ku hesho dhammaan khudaarta ay iibiso, marka laga reebo baradhada oo weli si qarsoodi ah lagu keeno.

Haweeneydan oo ah hoyada siddeed carruur ah ayaa sheegtay in khudaarta ay dalban jirtay, kuna qaadan jirtay isbuucyo ka hor inta aysan soo gaarin. Waxay xustay in halkii safar ay khudaar dalbato ay ka bixi jirtay $150.

Faaduumo ayaa tilmaantay in khudaarta dhexda uga soo hallawi jirtay oo wax aan nacfi lahayn magaalada keeni jirtay. Waxay sheegtay in arrintaasi ay hadda meesha ka baxday oo khudaarta raqiis looga iibiyo. Bishii ayay xustay in $50 keliyah ay ku adeegto hadda, tan iyo intii ay beeraha magaalada soo baxeen.

“Khudaarta nooc walba waan helnaa oo sidii hore waan dhaannaa. Markii hore beeca khudaarta lama gooyn karin, hadda lakiin maaddaama ay beerihii magaalada noo baxeen, waa ay soo raqiistay. Dhaqaalo ahaan hadda aadbaan u fiicanahay oo guriga biilkiisa waan ka helaa 10 dollar ilaa 12 doolaar maalinkii,” ayay tiri.

Inkastoo ay ku faraxsantahay khudaarta soo raqiistay, haddana Faadumo waxaa walwal ku haayo raashinka oo wali qaali ah. Waxay xustay in qoyskeeda oo hal waqti maalinkii wax karsan jiray ay hadda awoodaan labo waqti.

Haweeneydan oo seygeeda magaalada ka soo qabto shaqo muruq-maal ah ayaa sheegtay in lacagta ay soo helaan ay u kala qeybiyaan raashinka qoyska iyo waxbarashada carruurteeda. Waxay xustay in dhammaan carruurta ay wax u bartaan.

“Sideed carruur ah ayaa wax i barta, ganacsigaan cariiri waaye waxbarasho iyo raashiin kuma filna. Balse, waan isku jacburinnaa. Aabbaha reerka shaqo weyn ma ahaayo, deribiyada ayuu dhisaa, dhismana maba socto” ayay tiri.

Qoysaska ku nool magaalada ee iibsada khudaarta ayaa sidoo kale ku faraxsan hoos u dhaca qiimaha khudaarta.

Safiyo Macallin Cali waa hoyada toban carruur ah oo ku nool magaalada. Waxay xustay in khudaarta qiimo sare looga iibinayay saddexdii sano ee la soo dhaafey ee ay dalka abaar ka jirtay. Hadda oo ay u soo baxeen beerihii lagu abuuray roobka gu’ga ayay sheegtay in khudaarta ay raqiis ku iibsato.

Waxay tilmaantay in maalinkii ay hadda khudaarta uga baxdo saddex doolaar, halka markii hore ay lix dollar ku soo iibsan jirtay.

Haweeneydan ayaa sidoo kale sheegtay inay ka baxeen oonkii hayay, maaddaama uu roobka biyo dhigay ceelashii magaalada oo qallalanaa saddexdii sano ee la soo dhaafey.

“Khudaarta maasha allah hada fiicanahay boqolkiiba boqol. Sanadkaan cariirigii Illaahi ayaa naga saaray, biyo la’aan ayaan ahayn, biyo ayaan helanay. Bocorka, yaanyada, cansalaatada – khudaar nooc walba ayaan suuqa ka soo helnaa,” ayay tiri.

Safiyo oo nolosha qoyskeeda ka maareeyso shaqo dhar dhaqis ah oo ay ka soo qabato xaafadaha ku yaala magaalada ayaa tilmaantay in markii hore ay ku adkayd iibsashada khudaarta. Balse, hadda ayay xustay inay nafis dareemayso, tan iyo intii ay beeraha magaalada soo go’een.

Previous Post

Bari: Qoysas uu qasaare u gaystay tacabka beerahooda daad ka dhashay roobka oo nolol xumo wajahaya

Next Post

Dhadhaab: Dhallinyaro xirfado ay bilaash ku barteen ku helay shaqooyin nololoshooda wax ka baddelay

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Dhadhaab: Dhallinyaro xirfado ay bilaash ku barteen ku helay shaqooyin nololoshooda wax ka baddelay

Dhadhaab: Dhallinyaro xirfado ay bilaash ku barteen ku helay shaqooyin nololoshooda wax ka baddelay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo