(ERGO) – Yuusuf Cali Cabdi oo qaxooti ku ah xeryaha Dhadhaab wuxuu tan iyo bishii Luulyo ee sannadkii hore ku shaqeystaa xirfadda computer-ka oo bilaash lagu baray. Fursaddan ayaa u horseedday in qoyskiisa ay helaan cunno ku filan oo saddex waqti ah maalintii.
Ninkan oo shaqo macalinnimo ka helay iskuulkii uu wax ku soo bartay ayaa bil walba qaata toban kun oo shilinka Kenya ah oo u dhiganta $74. Nolosha qoyskiisa oo ah danyar la daala-dhacayay daruufaha adag ee ka jira xeryaha ayaa horay ugu tiirsanaa caawin aan badnayn oo uga timaada hay’adaha gargaarka.
“Maaddama qofka markuu shaqaynayo iyo marka uusan shaqaynaynin ay kala duwan tahay reerkuna way ku wuu ku xisaabtamayaa. Waxay leeyihiin nin baa noo shaqaynayo oo aan wax ka helaynaa.”
Qoyska Yuusuf oo ka kooban toban qof ayaa maalintii hal waqti karsan jiray raashin ay cunnaan. Wuxuu tilmaamay inuu jid dheer u maray sidii uu wax uga beddeli lahaa dhibaatooyinka nolosha ee haystay sannado ka hor.
Wuxuu ka mid yaha 120 arday oo ka baxay iskuulka, kuwaas oo 32 ka mid ah ay lacag la’aan ku dhigteen, taaso oo loo tixgaliyay in ay ardaydani yihiin agoon iyo kuwo waalidkood aysan awoodin in ay ka bixiyaan qarashaadka waxbarashada.
Ninkan oo bare ka ah iskuulka Global Computer ayaa tilmaamay inaysan xusuustiisa ka go’aynin sida loo caawiyay markii uu ahaa danyar ay duruuf dhaqaale ka hor istaagtay inuu wax barto.
Qoyska Yuusuf oo yimid xerada Xagardeer sannadkii 1992. Waxay ka soo qaxeen degmada Badhaadhe ee gobalka Jubbada Hoose, markii ay saameyn ku yeesheen colaadihii ka jiray Soomaaliya.
Dadka ku shaqeysta xirfadii ay ka barteen iskuulkan waxaa ka mid ah Cawil Cabdi Bile oo isha kaliye ee dhaqaale ee qoyskiisu ku tiirsan yahay ay tahay 11,400 oo shilinka Kenya ah, taas oo uu ka helo hay’ad ka shaqeysa horumarinta arimaha bulshada.
Helitaanka shaqadan ayuu tilmaamay inay u fududeysay shahaado uu ka qaatay culuumta kumbuyuutarka, taas oo ah aqoontii uu ka dhaxlay xarunta Global Computer.
Ninkan ayaa xusay in nolosha qoyskiisu ay is beddeshay tan iyo markii uu shaqadan helay bishii Febraayo ee sanadkii hore.
Waa qofka kaliya ee ka shaqeeya qoyska waalidkiis oo ka kooban isaga, labo walaalo ah iyo labadiisa waalid. Markii hore ayuu tilmaamay inaysan heli Karin cunno sadexda waqti ah, noloshooda oo ku tiirsaneyd gunnada qaxootiga la siiyo oo kaliya awgeed.
“Aad iyo aad isbeddel weyn baa jiro. Marka hore hadde nin salaadda markii canjeelo uu cunno maqrib un sugayo goormee hal saac la gaari doonaa. Nin marka uu salaad subax soo koco quraacdo haddane lix saac haddane qadada oo diyaar ah u imaanaayo.”
Cawil ayaa hay’adda uu la shaqeeyo oo la yiraahdo Lutheran World Federation, wuxuu u qaabilsan yahay qeybta keydka macluumaadka dadka cusub iyo kuwo dhoofaya. Wuxuu tilmaamay in xerada qaxootiga ee uu ku nool yahay aysan ka jirin fursado badan oo shaqo, balse xirfadiisa oo ah mid badi aysan baran dhallinyaradu ay caawisay isaga.
Wuxuu kula taliyay asaagiisa inay ku baraarugaan arintan oo noloshooda wax ka beddeli karta ama caawin karta.
Cawil ayaa ah 31 jir ku dhashay qaxootiga. Qoyskooda oo colaad uga soo qaxay gobolka Jubbada hoose ayaa Dhadhaab ku nool tan iyo sanadkii 1991.
Saalax Muuse Mahdi waa aas aasaha xarunta Global Computer wuxuu ku faraxasanayahay in ka sokow isaga uu dadkale u fududeeyay inay nolol u abuuraan qoysaskooda oo ku nool xeryahay Qoxootiga, markii uu siiyay fursado ay si lacag la’aan ah wax ugu baran karaan.
Wuxuu sheegay tan iyo markii uu furay iskuulkaan inay ka qalinjabiyeen boqol iyo labaatan arday oo labo iyo soddon ka mid ah ay ahaayeen dad aan awoodin inay iska bixiyaan lacagta waxbarashada.
Wuxuu tilmaamay in markii uu hirgaliyay xaruntan ay wax weyn ka beddeshay qaab nololeedka qoyskiisa, maaddama ay u noqotay il dhaqaale oo ay si joogto ah wax uga helaan.
“Dhaqaalaha ugu wayna waxuu iga soo gala xaruntan,qof meel kale laga soo masruufo oo shilling loo soo dirana ma ihi, saas ay tahay xaruntani waxay iga caawisay in dhaqaalaha qoyskayga aan ku filaado.”
Saalax oo ah aabbaha todobo carruur ah wuxuu xusay in isaga uu xirfaddaan ku soo bartay si bilaash ah, markii uu garab qabasho ka helay 2016 hay’adda Lutheran world federation oo ka mid ah hay’adaha samafalka ee ka shaqeeya xeryaha.
Muddo kaddib, wuxuu sharaxayaa sida ay ugu dhalatay fikradda ah inuu si bilaash ah wax ku baro dadka aan awoodin dhaqaale ahaan inay iska bixiyaan lacagta.
“Ardayda sida bilaashka ah ku dhigata waxay u badan yihiin arday nooyimaada aqoontana u qalma, maaddama kubuyuutarka nolashii ay ku xidhan tahay waxaana badan waalidiintu inaysan tabar ay ku bixiyaan lacagta ardayga laga rabo ama in ardaygu yahay agoon ah ama mid la nool qof kale oo qaraabo.”
Saalax wuxuu sheegay in xeryaha ay ku nool yihiin dad badan oo danyar ah, kuwaas oo jecel inay kordhiyaan xirfadaha noloshooda kabi kara si ay wax uga beddelaan duruufaha ay ku sugan yihiin.
Ninkaan oo yimid Xeryaha Dadaab sannadkii 2006 waxaa uu ka soo qaxay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe. Saalax oo 1984 ku dhashay degmada Mahadaay ayaa sheegay in sababta ku kaliftay inuu yimaado Xeryaha ay tahay culeysyo amni iyo dhibaatooyin dhanka nolosha ah oo soo wajahay dartood.
Duruufaha nololeed ee xeryaha ka jira iyo tabarta dhaqaale ee qoysaska oo liidata ayaa caqabad ku noqota dhalinyarada raba inay sameeyaan dhaqa dhaqaaq ay ku horumariyaan nolosha qoysaskooda.










