Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Muqdisho: Haweeney korisa carruur agoon ah oo horumar ka sameysay ganacsi ay dayn ku billowday

Radio Ergo by Radio Ergo
July 7, 2023
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
blank
0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Sahro Cabduqaadir Maxamuud oo 38 sano jir ah ayaa awood u yeelatay maaraynta nolosha carruurteeda oo shan ah, markii iibinta dharka oo ay ku billowday meel hoose bishii Janaayo ee sanadkan ay ka sameysay horumay fiirsan.

Waxay xarun cusub ka furtay suuqa wayn ee Bakaaraha. Xaruntan ayaa ka caawisay inay maalinle u hesho lacag u dhaxaysa $20-$30, taas oo qoyskeeda u sahashay inay ka walwal la’aadaan cunnada ay cunaan saddex waqti maalintii.

Haweeneydan ayaa sheegtay inay shan qof fursad shaqo ka heleen goobteeda, kuwaas oo qoysaskooda ka maareeyaa mushaarka ay qaataan oo ah bishii $120. Waxay tilmaamtay in ganacsigeeda uu gaarsiisay isku filnaan ah inaysan cid kale ku tiirsanaan.

Ka hor ganacsigan waxay ku tiirsanayd $2 oo ay ka heli jirtay dhar baati ah oo ay dayn ku soo qaadan jirtay, kaas oo ay ku gadi jirtay gurigeeda, balse Sahra ayaa hadda niyad dhis iyo kalsooni ka heshay shaqadeeda, waxayna rumeysan tahay in wax badan ay ku soo kordhisay nolol ahaan qoyskeeda oo ay iyadu u tahay qofka u dhaqdhaqaaqa.

“Markaad tahay qof shaqo la’aan ah oo bilaa bilaa camal ah marwalbo waxaad dareemeysaa caajis iyo fikir iyo inay dhibaato ku furan tahay, marka aniga shaqadan wax wayn bay igu soo kordhisay.”

Hab nololeedka qoyskeeda ayaa isbeddelay waxay ku guulaysatay inay guri gaar ah degto, maaddama ay hore dul saar ugu aheyd reer ay qaraabo yihiin oo ku caawiyay qol ka mid ah gurigooda, kaas oo aan ku filneyn marka la eego tiradooda. Sidoo kale saddex ka mid ah carruurteeda oo ay horey ugu awoodi wayday waxbarasho dhaqaale la’aan darteed ayay iskuuul  ka qortay bishii Febraayo ee sannadkan.

Waxay sheegtay in ay san filayn koban ganacsi ee deg-degga ah, balse waqti badan ayay ku qaadan jirtay horumarinta iyo dadaalka ay ku bixiso ganacsigeeda, taasi oo kaalin ka qadatay in ay macaamiil badan yeelato ganacsigeeda oo horumar sameeyay.

“Horta macaamiil badan waan heystaa Masha Allah. Inta badan macaamiisha igu xiran Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka ayay joogaan. Waxay iga soo dalbadaan badeecaddaha Kaargo in loo saaro. Dadka Muqdisho jooga inta badan dadna xarunta ayay igu soo booqdaan dadna online-ka ayay ku soo dalbadaan oo si delivery ah loogu adeegaa.”

Haweenydan ayaa tilmaamtay in marar kala duwan ay ku sigatay inuu ka burburo ganacsigeeda, balse dhabar adeeg iyo samir ay ku soo gaartay halka ay marayso. Wax-soo-saarkeeda waxaa ku xiran xoogsato dib faa’iido uga raadiya dharka ay jumlo ahaanta uga qaataan.

“Xaqiiqda marka laga hadlo lacagta aan ku billaabay mid aad u yar bay ahayd. waxaan ku bilaabay tusaale oo kale lacag $200. Xattaa mid aniga aan leeyahay ma aheyn. Lacag uu leeyahay qof qosykeenna ka mid ah uu i siiyay ama igu saaciday aheyd. Taas baan ku bilaabay ganacsigana sidiisa marka la billaabaayo wuxuu isugu jiraa kheyr iyo qasaaro. Marka dhibaatooyin badan waan la soo kulmay, waa kufay waan istaagay.”

Ka hor shaqadan waxay aheyd guri joog la nool walwal maalmeed la xiriira biil u helidda caruurteeda. Waxay dhexda u xiratay sidii ay u dabooli laheyd labada kaalin ee ay ugu jirto ubadkeeda. Sahro ayaa xustay in hadafkeedii uu u hirgalay.

“Waad dareemi kartaa hooyo nolosha carruurteeda la daalo dhaceyso, laakin marwalbo waxaan ku fikiraayay in carruurteyda baahidooda la dareemin, waxbarasho la’aan oo xagga dhaqaalaha aysan la kulmin, marka hadda shaqadan aan billaabay nolosheyda waxaan ka dareemay dhaqdhaaq, dhiiri gelin. hadda hadafkeygii waan ku guuleystay, waan ku faraxsanahay carruurta aan dhalay inaan maanta u shaqeeyo, kaalintii aabbahood iyo tii hooyonimo labadaba inaan isku qaato.”

Markii hore waxay soo qaadi jirtay hal daaqad illaa shan daaqad oo dharka kariska ah, hayeeshee hadda waxay soo qaaddaa kooliyaal ama in ka badan 100 daaqad oo dharka kariska ah.

Xarunta dharka ay ku kariyaan ayaa toban laabo u jirta hoygeeda oo ku yaalla degmada Deyniile ee gobolka Banaadir kadibna waxay u qaadaa suuqa. Rinji midabo kala duwan ka kooban ayay dharka ku nashqadeeyaan.

Haweeneydan oo ganacsigeedu sideed sanno jirsaday ayaa ku rajo weyn inay ku sii ballaariso gobollada dalka.

Previous Post

Dhadhaab: Dhallinyaro xirfado ay bilaash ku barteen ku helay shaqooyin nololoshooda wax ka baddelay

Next Post

Muqdisho: Warshad iibisa kalluunka oo fursado shaqo ay ka heleen dhallinyaro qoysaskoodu ay wajahayeen nolol xumo

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Deegaannada Somaliland iyo Puntland oo uu ku batay cunista hilibka kalluunka

Muqdisho: Warshad iibisa kalluunka oo fursado shaqo ay ka heleen dhallinyaro qoysaskoodu ay wajahayeen nolol xumo

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo