(ERGO) – Dhallinyarada oo 111 qof ah ayaa fursad shaqo ka helay shirkadda Barwaaqo oo iibinta kalluunka ka shaqeysa lixdii bil ee u dambeysay. Shirkaddaan ayaa dhalinyarada inta aysan shaqada siin ka hor si bilaash ah ugu tababartay habka iibinta iyo suuqgeynta kalluunka billihii Febraayo iyo Maarso ee sanadkan.
Farxaan Maxamed Yuusuf oo ka mid ah dadka ka faa’iidaystay fursadda shaqo wuxuu kalluun ku iibiyaa sandaqad looga sameeyay degmada Wadajir bishii Abriil ee sanadkan. Wuxuu uu maalinkii ka helaa ugu yaraan $10 oo ku dabbaro nolol-maalmeedka qoyskiisa.
“Markii ganacsigan ku biiray noloshayda wax badan ayaa iska beddelay. Reerbaan leeyahay cidna iima biisho. Anigaa biisha. Waalidkey baa iga dambeya oo aan biilaa. shalay balse waxba uma awoodin. Maanta waxaa kaloo aan fursad u heystaa in aan caawiyo saaxibbadey markii ay wax ii soo weydiistaan sidii ay ii caawin jireen oo kale. Marka aad bey u kala duwan tahay.”
Ninkan oo ah aabbaha lix carruur ah oo midka ugu weyn uu jiro 10 sano wuxuu shaqo la’aan ahaa muddo saddex sano ah. Bishii Maarso ee sanadkan ayaa la siiyay tababar ku saabsan iibinta kalluunka iyo suuqgeyntiisa. Wuxuu maalinkii iibiya 30 kiilo oo kalluun ah.
Waxaa laga caawiyay dhismaha sandaqada uu ku iibiyo kalluunka oo ay ku baxday $100 iyo agabka kale ee uu ku shaqeeyo, taas oo aheyd guud ahaan lacagta marka la isku daro $300. Shirkadda Barwaaqo ayaa u oggolaatay in uu iska yar yareeyo lacagtaas ilaa sannad iyo bar, maaddama uu yahay danyar aan awoodin inuu hal mar wada bixiyo.
Farxaan oo bartay cilmiga kumbiyuutarka wuxuu ka baxay sanadkii 2017 jaamacadda Soomaaliya, hayeeshee, wax shaqo ah ku ma heli aqoontiisa. Wuxuu door biday in uu ka shaqeeyo wadidda gaadiidka dad waynaha ka hor inta uusan heli fursaddan shaqo.
Sida uu u sheegay Raadiyow Ergo Farxaan waxa jira caqabado joogto oo uu la kulmayay tan iyo markii uu bilaabay ganacsigaan, kuwaas oo mararka qaarkood hoos u dhiga faaii’dadii maalinlaha ah.
“Markii aad shaqo qabanayso horta caqabadaha waa ay iska badan yihiin mararka qaarkood adigoo ku jira howlahaagii oo kallunkii soo qaaday ayaa waxaa dhaceysa in wadooyinka la xiro oo la yiraahdo dad masuuliyiin ah ayaa loo xiray. Annaga waxaa laga yabaa in macaamiisha qaarkood ay nooga yimaado meelo fog fog oo aysan awoodin in ay na sugaan sidaasna ay nooga taggaan, markii nala waayo. Caqabadaha waxay keenaan in qiimaha kalluunka kuu yaalla uu hoos u dhhaco sidaasina waa qasaaro.”
Qaar ka mid ah dhallinyarada helay shaqo abuurkan ayaa muddo dheer ahaa shaqo la’aan. Waxaa jiray dhibaatooyin ay ka mid yihiin in aysan haysan dhaqaalle ay ku billaabaan ganacsi ama meel ay ka raadsaan nolol maalmeedkooda.
Axmed Cali Yuusuf waxaa uu ka shaqeeyaa hadda Shirkadda Kalluumeysiga ee Barwaaqo, waa shaqadii ugu horreysay oo uu qabto muddo saddex sano ah oo uu barakac yahay. Wuxuu sheegay in kuu faraxsan yahay inuu helay aqoon kororsi kaddibna la siiyay shaqo uu ka helo biil ku filan.
Qoyskiisa oo ka kooban 6 qof waxay noloshooda ku tiirsanayd hooyadiis oo subax waliba u jarmaadi jirtay dhar dhaqow, balse labadii bilood ee lasoo dhaafay ay ka nasatay, markii uu awooday isaga inuu si joogto ah u bixiyaa biilka qoyskiisa, maaddama uu qaato bishii lacag ku dhow $200.
Axmed wuxuu shirkadda u qaabilsan yahay in uu suuqa geeyo kalluunka isaga oo ku wareejinaya dhallinayarada helay fursaddan ee loo hirgaliyay xarumo ay ku iibiyaan kalluunka.
Wuxuu tilmaamay in dhaqaalaha soo gala qaarkood uu meel dhigto, si uu mustaqbalka qoyskiisa uga saaro xaaladda barakaca ah ee ay ku sugan yihiin uuna kusii dadaali doona shaqadda uu hadda haayo.
“Waa xirfad aan is leeyahay haddii aad horay u sii wadid noloshaada wax badan ayay ka beddeleysaa.“
Axmed iyo Qoyskiisa ayaa sanadkii 2021-kii ka soo barakacay duleedka magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, markii beer lahaayeen ay qaadeen biyaha wabiga Shabeelle sidoo kalena ay noqotay beertoodii meel biyo fadhiisiin ah oo aysan dib ugu laaban Karin.
Dhallinyarada helay shaqo abuurka qaarkooda ayaa kalluunka ku iibiya wadooyinka Muqdisho iyo hadba meeshii maalinkaasi ay u arkaan in looga iibsan karo. Waxaa ay ku qaadaan kalluunka gaari-gacan, taasi oo ka caawinaysa in dhaqaale fiican ay helaan.









