Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Baladwayne: xoogsato shaqooyin ay nolol-maalmeedka ka heli jireen ku waayay fatahaadda webiga

Radio Ergo by Radio Ergo
July 14, 2023
in Arrimaha Bulshada, Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Baladwayne: xoogsato shaqooyin ay nolol-maalmeedka ka heli jireen ku waayay fatahaadda webiga

Maxamuud oo guri-joog noqday shaqo la’aan darteed iyo 4 ka mid ah carruurtiisa/Cabdirisaaq Axmed/Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xoogsato ku tiirsanaa shaqooyin maalinle ah ayaa maareyn la’ nolosha qoysas kooda oo wajahaya cunno yari iyo hoy xumo. Shaqooyinkii ay qaban jireen ayaa meesha ka baxay markii magaalada Baledweyne ay wada saameysay fatahaadda.

Dadkan ayaa ah guri joog aan meelna ku tiirsaneyn. Ma haystaan xal ay uga soo kabtaan xaaladda ay ku jiraan.

Niqow Shire Aadan oo dadkaas ka mid ah ayaa sheegtay in shaqo la’aantu ay ku kaliftay in dabka ay shidan waayaan. Waxay hadda ku tiirsan yihiin cunto bisil iyo mid ceyriin oo ay ku caawiyaan dariskeeda, balse taasi kama badna wax hal waqti ay karsadaan.

Xaaladdan ayay tilmaantay inay ku jirto tan iyo bishii May oo ay ku nooshahay xero ay ku barakacday oo ku taalla magaalada Baladwayne, taas oo la yiraahdo Nasteexo.

“Habeen haddii aan helno subixii lama helayo. Haddii subax la helana qado ma jirto oo casho ma jirto. Magaaladu wax laga shaqeeyo malahan.”

Niqow oo 45 jir ah ayaa tilmaantay in halka ay ku noo shahay aysan wax fursad ah ka jirin. Haddii ay u shaqo tagi laheyd xaafadaha magaaladana waxay sheegtay in xaaladdu aysan caadi ku soo noqon, biyaha oo wali fadhiya meelaha qaar awgeed.

Shaqo la’aanta iyo cunno yarida waxaa u dheer biyo yari iyo hoy xumo ay wajahayaan. Wabiga Shabeelle oo lix km u jira ayay tilmaantay in biyaha dusha ay uga soo dhaansato. Waxaa u dhisan aqal cooshad ah oo ay sheegtay inuu yahay mid aan bac laheyn oo aan ka xajin karin roobka iyo qoraxda.

Niqow oo hooyo u ah 8 carruur ah ayaa sheegtay in kaligeed nolosha qoyska ay ka maareyn jirtay shaqo dhar-dhaqis ah oo maalinkii ay ka heli jirtay $6 illaa $10, balse taas ayaa meesha ka baxday, markii magaalada badi looga barakacay fatahaad uu sameeyay webiga Shabeelle oo ku dhufatay horraantii bishii May.

Ninkeeda ayay xustay inuu yahay naafo aan shaqeyn karin oo guri joog ah. Walaaca kale ee ay qabto ayaa ah in fatahaaddu ay ka dumisay qol qoysku lahaa oo ah baraako uga dhisneyd xaafadda Xaawo taako ee magaalada Baledweyne, taas ayay tilmaantay inay mugdi galineyso rajadii dib u noqoshada.

“Maryaheyga xataa waxaa qaaday daadka. Gogol sidoo kale waa qaadeen. Hal katiifad iyo hal joodari oo bajaajta kor ka saartay maahane wax kale oo aan ka qaatay maba jirin.”

Qoysaska qaar ayaa dib ugu noqday xaafadihii ay biyaha uga qaxeen, balse shaqo la’aantu waa caqabad wali taagan.

Maxamuud Mire Coolyaan oo dadkaas ka mid ah ayaa sheegay in filashadiisu aheyd inuu helo shaqo xoogsi ah oo uu ka maareeyo nolosha qoyskiisa, balse wuxuu tilmaamay in tan iyo 26 May oo uu magaalada joogo in siddeed mar uu qabtay howl ay ka soo gashay $26, taas oo ah dad uu ka jaray geedo ka baxay guryahooda bilihii ay ka maqnaayeen.

Dhaqaale yarida ayuu sheegay inay sababtay in qoyskiisu dabka shidan waayaan wax ka badan hal waqti maalinkii. Marka uu shaqo waayo wuxuu raadiyaa deyn ama shaxaad si reerka uusan dabku uga damin.

Maxamuud oo 48 jir ah ayaa xusay in hadda ay deggan yihiin qol dhis iyo jiingad ah oo uu ku lee yahay xaafadda Kooshin ee magaalada Baledweyne, kaas oo uu sheegay in fatahaaddu ka dumisay musqushii oo uusan imika hayn dhaqaale uu dib ugu dhiso.

Ninkan oo ah aabbaha sagaal carruur ah ayaa sheegay in helitaanka biyaha ay ku dhiban yihiin. Ceel biyood xaafaddu ka cabi jirtay ayuu xusay in fatahaaddu saameysay oo uusan hadda shaqeyn. Dadka ayaa shubta biyo fuustadii lagu iibinayo $3, waloow isagu uu sheegay inuusan awoodin.

“Hadda saan gurigeyga galaas biyo ah oo laga cabo malahan waa eber. Saaka islaanta jirgaan ayay qaadatay. Wax ay keentay oo biyo ah ma jirto. Waa biyo la’aan xaafaddu.”

Maxamuud ayaa tilmaamay in kastoo caqabado badan ay haystaan in halkan ay u dhaanto markii ay ku noo laayeen deegaan uu ku barakacay oo la yiraahdo Ceel-jaalle, kaas oo 5 km u jira magaalada Baledweyne. Sida uu tilmaamay 35 casho oo uu daganaa waxaa hoy u ahaa aqal nugul oo ka sameysan karaatoon iyo maryo leysku xiray.

Muddadaaas oo uusan wax shaqo ah qaban waxa uu sheegay in lagu yeeshay deyn gaareysa $108 oo ah raashiin reerku isticmaalay.

Maxamuud ayaa sheegay in fatahaadda ka hor uu ka shaqeynayay beer khudaar ah oo Baledweyne u dhow. Bishii wuxuu ka qaadan jiray mushaar $350 ah, balse fursadaas ayaa meesha ka baxday markii biyuhu saameeyeen.

Magaalada Baledweyne qoysaskii fatahaadda uga barakacay inta badan waxay dib u soo noqdeen bishii Juun, balse dhaqdhaqaaqa ganacsi ma ahan mid wali caadi ku soo laabtay. Waxaa sabab u ah qeybo ka mid ah magaalada oo wali biyo ay ku jiraan iyo waddooyinka xaafadaha isku xira oo ah kuwo burbursan oo fatahaaddu saameysay.

Previous Post

Muqdisho: Warshad iibisa kalluunka oo fursado shaqo ay ka heleen dhallinyaro qoysaskoodu ay wajahayeen nolol xumo

Next Post

Mudug: Qoysas ku cayroobay abaarta oo billaabay dhaqashada Shinida oo il-dhaqaale u noqotay

Related Posts

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Dad ka barakacay colaadda Baydhabo oo dhibaato cunno xumo iyo hoy la’aan wajahaya

April 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Nolol xumo ka dhalatay biyo yari ku haysa Muqdisho in ka badan 12,000 oo qoys

April 6, 2026
blank
Beeraha Iyo Xoolaha

Ceelal qalalay oo biyo la’aan dhigay qoysas ku nool gobolka Sool

April 3, 2026
Next Post
Mudug: Qoysas ku cayroobay abaarta oo billaabay dhaqashada Shinida oo il-dhaqaale u noqotay

Mudug: Qoysas ku cayroobay abaarta oo billaabay dhaqashada Shinida oo il-dhaqaale u noqotay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 15-APR-2026

IDAACADDA 15-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 15-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-APR-2026
April 12, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-APR-2026
April 11, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo