(ERGO) – Cabdi Ciise Erag Wuxuu awooday inuu ku filnaado maareynta nolosha qoyskiisa, markii uu sanad ka hor bilaabay dhaqashada shinnada. Wuxuu ka mid yahay 150 qoys oo ku xoolo beelay abaarihii saameyay gobolka Mudug saddex sanno ka hor oo hadda noloshiisa ka dabbara wax-soo-saarka shinnida.
Cabdi oo billaabay howshaan sannad ka hor ayaa sheegay in ay ku kalliftay xoolo la’aanta uu la kulmay. Wuxuu xusay inuu shaqadaan u arko xirfad cusub, balse aan waxba uga duwanayn dhaqashada xoolaha.
Ninkan oo abaarta ka hor haystay tiro iyo bar neef oo ari ah ayaa sheegay inuu markaa wixii ka dambeeyay u weecday dhaqashada shinnida oo wax-soo-saarkeeda malabka uu u noqotay fursad nololeed.
“Miyi iyo magaalo kale waxba igama soo galaan. Waxaan malabka Shinida ka maalo ayaan ilmahayga ka masruufaa.”
Wax-soo-saarka shinnida ayaa ku xiran helitaanka noocyo gaar ah oo dhirta ah sida ubaxa. Cabdi si uu uga helo malab badan, wuxuu go’aansaday inuu ka raadiyo meel walba oo uu ka heli karo ubaxyadaas ay shiinidu cunto.
Wuxuu sheegay in riti qoysku ay raranayeen oo ka badbaaday baarta in uu ku iibsaday $7000. Si uu ugu maal-galiyo hirgalinta goobihii Shinidu ay ku noolaan lahayd. Lix sanduuq oo lagu xannaaneeyo shinnida ayuu midkiiba ka soo bixiyay $75. Lacag dhan $300 ayuu ku billowga dhaqashada shinida.
Ninkan oo aragtida dhaqashada shinnida ay kula taliyeen saaxiibadiis ayaa tilmaamay inuu ku jiro mid ka mid ah waqtiyadiisii ugu wax soo saarka badnaa, maaddaama roobabkii dhowaan ka curtay gobolka ay soo bixiyeen ubaxyo badan oo geedaha ah, markii shinnidu ay heshay waxay cunto waxaa kordhay wax soo-saarkeeda.
Bishii Juun ayuu xusay inuu ka helay lacag $150, markii ay u soo saartay toban liitar oo malab ah. Meesha ugu badan ee ay u iib geeyaan ayuu sheegay inay tahay Muqdisho oo dhaqdhaqaaq fiican u leh wax soo-saarkooda malabka. Halkii kilo waxaa looga iibsadaa $14.
Dhaqaallaha uu ka helo shaqadaan ayuu sheegay inay ku tiirsan yihiin qoyskiisa oo ka kooban siddeed carruur ah, isaga iyo xaaskiisa. Sidookale saddex ka mid ah carruurtiisa oo dugsi quraan ka dhigta magaalada Bandiiradley ayuu mid walba ka dhiibaa $10.
Cabdi ayaa dadkii ku xoolo beelay abaaraha kula taliyay inay ku soo biiraan ganacsigaan dhaqashada shinnida ah, maaddama uu xusay in laga heli karo lacag qoysaska laga masruufi karo.
Wuxuu sheegay in dhaqashada shinnidu ay u suurtagalisay inuu iska bixiyo bilihii Febraayo iyo May $400 oo ka mid ahayd $1200 oo dayn ah oo lagu lahaa.
Nuur Mataan Diiriye oo ka mid ah xoolo-dhaqatadii ay saameysay abaarihii ku dhufatay deegaanno ka tirsan gobolka Mudug ayaa sheegay in dhaqashada shinnida ay u sahashay inuu si fudud uga soo kabto duruufihii ay abaartu dhaxal-siisay saddex sano ka hor.
Markii abaarta ay ka dhammeysay saddex tiro oo ari oo uu haystay ayuu ku qasbanaaday inuu raadiyo habab kale oo uu ku maareyn karo nolosha qoyskiisa. Ka hor inta uusan ku dhiiran dhaqashada shinnida ayuu sheegay inuu shaqaale ka soo noqday meel lagu xannaaneeyo shinnida, si uu uga helo waaya aragnimo ku filan sida loo dhaqdo.
Nuur wuxuu xusay inay wax badan ka beddeshay noloshiisa tan iyo markii uu shaqadan billaabay bishii December ee sannadkii hore.
“Shaqada shinni dhaqashadu aad bay u fiicantahay. Waa wax qofkii barta dhaqashadeeda uu ku noolaan karo iskuna halayn karo. Laakiin tabaceeda ayaa dhib badan.”
Markii uu billaabayay shaqadaan ayuu sheegay inuusan haysan wax lacag ah, balse uu caawinaad lacageed ka helay dad qoyskiisa ah oo siiyay $600. Nuur ayaa tilmaamay inuu ku xannaaneysto shinida todobo sanduuq isagoo mahdiyay sida uu u intifaacsaday wax-soo-saarkeeda.
Wuxuu xusay in go’aanka ah dhaqashada shinnidu ay u baahan tahay dulqaad iyo dhabar-adeyg. Haddii uu shaqadaan billaabo qof aan u lahayn aqoon durugsan ayuu sheegay inuu ku khasaarayo ganacsigeeda.
Sababta Nuur ku kaliftay dhaqashada shinnida ayuu sheegay inay tahay shaqo la’aanta maaddaama xoolihii uu dhaqanayay ay ka dhammaadeen. Shinnida uu dhaqdo bilaha qaar waxay u soo saartaa $500-$200.
“Siddeed sanduuq oo shinni ah waad garan kartaa anigana danyar baan iska ahay. Laakiin, noloshayda waan isaga jiitamaayoo hadda waan ku nastay”
Qoyska Nuur oo ka kooban siddeed ah ayaa deggan degmada Bandiiradley, balse wuxuu shinnida ku dhaqdaa gobollada Mudug iyo Galgaduud. Halkii kiilo ee malabka ah wuxuu ku iibiyaa $12. Guud ahaan waxaa uu ka sameeyay lacag $600 bishii.
Ka sokow helitaanka nolol maalmeedka qoyskiisa waxaa u dheer inuu awooday bixinta lacagta waxbarashada carruurtiisa oo saddex ah. Waa labo wiil iyo gabar, kuwaas oo dhigta dugsiga dhexe. Isku darkooda $20 ayuu ka bixiyaa bil walba.
Fursadaha uu Nuur ka ganacsiga malabka ka dhex helay waxaa ka mid ah inay u sahlanaatay bixinta $500 oo ka mid ahayd $1500 oo dayn ah, taas lagu yeeshay intii uu wajahayay saameynta abaarta.
Boqol iyo siddeetan qof oo ku nool degmada Bandiiradley iyo deegaannada hoos yimaada ayaa hadda shinnida xannaaneysta. Cabdulqadir oo ah guddoomiyaha iskaashato ay sameyteen ayaa sheegay in dadkaan shaqada ay ka dhex arkeen fursado dhaqaale, balse aysan u lahayn aqoon badan dhaqashadeeda.