Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Beeraha Iyo Xoolaha

Bari: Qoysas uu qasaare u gaystay tacabka beerahooda daad ka dhashay roobka oo nolol xumo wajahaya

Radio Ergo by Radio Ergo
July 4, 2023
in Beeraha Iyo Xoolaha, Wararkii u Danbeeyay
0
Bari: Qoysas uu qasaare u gaystay tacabka beerahooda daad ka dhashay roobka oo nolol xumo wajahaya

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Qoyska Ciise Cabdiraxmaan Muuse oo 10 qof ah waxay muddo bil ah wajahayaan xaalad cunno-xumo iyo hoy la’aan ah, markii daad ku soo rog maday beer uu leeyahay uu baabi’iyay dalagii ka baxay 29 bishii May ee sanadkan.

Wuxuu ka mid yahay 3,000 oo beeraley ah oo ku kala nool siddeed deegaan oo hoos yimaada deegaanka Ufayn ee gobolka Bari, kuwaas oo qoysaskoodu ay ka soo kaban la’yihiin dhaqaale la’aan ka dhalatay dalagyada ka qasaaray.

Beeraha oo ay beereen bilihii Maarsi iyo Abriil ayay qorshaynayeen inay goostaan bishii Juun. Ciise  oo beertiisu ay tahay seddex hiktar waxaa ka qasaaray noocyada kala duwan ee khudaarta. Sida yaanyada, koostada, barbarooniga, qaraha iyo geed-miroodyo ay ka mid yihiin liin-dhanaanta, babaayga, saytuunka iyo mooska. Dalagga ka qasaaray ayaa sababay in ay dabka ay shitaan hal waqti 24 saacba.

“Daqligeenii si wayn ayuu hoos ugu dhacay beertiina markii daadkaas qaaday waxay noqotay in meel banaan laga soo billaabo. Marka la is barbar dhigo hadda iyo marki hore waa qof hanti haystay oo hantidii ka luntay.”

Ciise ayaa sheegay in horay qoyskiisu ay ugu tiirsanaayeen dayn uu ka soo qaadaan jiray ganacsatada deegaanka Ufayn oo uu ku balamiyay in uu iska gudi doono marka ay beertu soo go’do, balse wuxuu xusay in ay hadda ka goosteen maadama ay qasaartay beertii la sugayay.

Waxay ku leeyihiin $700 oo qayb ka mid ah uu raashin ku qaatay. Lacagaha lagu leeyahay Ciise intaas kuma eka. Waxaa u dheer $600 oo uu ku maal galiyay abuurkii qasaaray. Waxay hadda karsadaan qoyskiisa raashin min 12 kiilo ah oo kala ah Bur, Bariis iyo Sunkor, kaas oo uu u soo dhiibay walaalkiis deggan magaalada Ufayn.

Raashinkan ayuu sheegay in ay hal waqti oo ah habeenkii ay dabka saartaan. Wuxuu tlmaamay in uu ka cabsi qabo halka uu ku danbayn karo xaalka reerkiisa haddii uu ka dhamaado raashinkan oo uu filayo inuu hayn karo muddo labo isbuuc ah.

“Noloshu cariii ayay sii galaysaa. Waan iska samraynaa kadibna waa laga soo kabsan doonaa .”

Cunno yarida qoyska Ciise waxaa u dheer hoy la’aan. Daadka ayaa kala tagay buush aqal Soomaali ahaa iyo agabkii yaallay. Waxaa hadda hoy iyo harba u ah geed ay maryo saarteen, kaas oo aan ka daboolayn qorraxda maalinkii iyo qabawga habeenkii.

Maacuunta ay wax ku karsadaan ayaa sidoo kale waxaa ku caawiyay dad qaraabo la ah oo ay u dan-sheegteen. Wuxuu sheegay in beertiisa qasaarada soo gaartay aysan ahayn dalagga kaliya. Wuxuu xusay in daadku uu burburiyay oo uu ka dhigay godad   iyo dhagxaan aan galin in dib loo beerto haddii uusan helin qarash uu ku carro buuxiyo.

Ninkan wuxuu 25 bishii Juun  kaladiray saddex nin oo ka shaqayn jiray beertiisa markii uu bixin waayay mushaarkooda oo min $150 ahaa, kuwaas oo ku leh $450 oo ah mushaarkii bishaas.

Ciise wuxuu sheegay in uusan hayn qorshe uu qoyskiisa uu ugu abuuri karo il dhaqaale maadaama uusan lahayn xirfad kale. Wuxuu tilmaamay in qasaaro heerkan gaarsiisan  uusasn horay ula kulmin muddo sagaal sono ah oo uu beerolay ahaa. Beeralayda ayaa ka siman qasaaraha soo gaaray dalagyadii ay beeraha ka filayanayeen.

Cabdi Jaamac Cabdi oo aabbe u ah 11 carruur ah ayaa la mid ah dadka la halgamaya sidii ay carruurtooda dabka ugu shidi lahaayeen. Waxaa  ka qasaaray dalag uu beertay labo bil ka hor, markii daad uu ka soo rogmaday tog u dhaw beertiisa oo ku taal tuulada Garaac oo Ufayn hoos timaadda.

Ninkan ayaa ka faro maran wixii u saarnaa beer labo hiktar ah oo uu ku abuuray dalag u badan khudaar. Wuxuu filayay in uu ka faa’iididoono lacag dhan $3,000 balse rajadaas ayaa meesha ka baxday damayaaqadii May markii daadku haleelay. Tan iyo xiligaas qoyska cabdi waxay wajahayaan xaalad nolol-xumo ah oo aad u liidata.

“Aniga nin iska xoogsato ah ayaan ahaa tacabkaas aan maamulayayna waa kaas tagay. Laakiin  hadda dad gacanta wax ku haya maahin..”

Qoyska Cabdi waxay hadda ku tiirsan yihiin raashin uu ka soo dayn saday bakhaar uu leeyahay nin ay qaraabo yihiin oo deggan Ufayn. Wuxuu sheegay inuu ka welwelsan yahay sidii uu iskaga gudi lahaa daynta lagu leeyahay oo dhan $1,700 taas oo uusan awoodin iska bixin teeda.

Ninkan ayaa  sidoo kale daadku ka aasay saddex ceel gacmeed oo uu dalagga beertiisa ku waraabin jiray, kuwaas oo uu biyaha kaga soo jiidayay matoor. Beeralayda deegaankiisa ayaa billaabay habkan, markii ay joogto u heli waayeen biyaha roobka.

Siciid Cabdi Saalax oo ah guddoomiyaha iskaashato beeraleyda gobolka Bari   ayaa sheegay in beeralayda oo horay u wajahayay dhaqaalo-xumo ka soo gaartay abaarihii dalka ka dhacay oo aysan labo sano wax beeran ay u raacday arrintan sanadkaan oo ay filayeen inay abaarta ka soo kabtaan.

Wuxuu ka dayriyay xaaladda ay xiligaan ku jiraan beralayda ku sugan miyiga deegaanka Ufayn oo uu sheegay inay si wayn daadadku u saameeyeen.  Wuxuu qabaa in haddii ay caawinaad heli lahaayeen ay saan dhaami lahayeen.

“Haddii meeshii ay deggenaayeen wax loogu qabto oo ceelashii iyo matooradii dib loogu maal galiyo, oo dadkaas muslinimo, Soomaalinimo iyo bini’aadannimaba loogu qareemo (caawiyo) Dad xirfad lehna maahin oo anaguna  waxba isba dhaanno qaylo-dhaan ayaa warkeenii noqday”.

Wuxuu tilmaamay in ka iskaashato ahaan aysan awood u lahayn inay dadkan xaaladda ay ku jiraan wax ka qabtan, balse ay codsiyo u direen hay’adaha samo-falka iyo wasaaradda beeraha Puntland, balse aan weli laga soo jawaabin.

Previous Post

Mudug: Kumanaan carruur iyo haween iskugu jira oo ka soo kabanaya nafaqo-darro markii quudin loo sameeyay

Next Post

Khudaarta oo soo raqiistay magaalada Xudur markii ay soo go’een beerihii deegaanka ee gu’gii la abuuray

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Somalia latest news, Somali live news, Mogadishu live news, Somali news

Khudaarta oo soo raqiistay magaalada Xudur markii ay soo go’een beerihii deegaanka ee gu’gii la abuuray

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo