(ERGO) – Labo boqol iyo toddobaatan qoys ayaa tan iyo kowdii bishan Juun dib-u-dajin loogu sameeyay xerada Ifo labo ee gobolka waqooyi-bari Kenya. Waa dad wajahayay cunno yari iyo hoy xumo oo daganaa hareeraha xeryaha iyo kuwo dulsaar ku ahaa qaraabadooda.
Qoys kasta ayaa la siiyay kaarka qaxootiga oo uu ku helayo raashiin iyo gunno lacageed oo bille ah. Nimco oo dadkaas ka mid ah waxay ku faraxsan tahay in qoyskeedu helo hoy iyo raashiin. Xerada oo ay soo degtay labadii bishan Juun ayay sheegtay in nolosheedu is badashay markii ay heshay misir iyo qamadi 33 kiilo ah, saliid, hu’ teendho, weelka cuntada iyo agabka guriga iyo musqul.
Waxay tilmaantay in sidoo kale ay qaadatay gunno lacageed oo gaareysa $31, taas oo bil walba ay heli doonto. Waxay intaas ku dartay in ay degantahay aqal ay leedahay oo ka xajin kara qabowga iyo qoraxda maalintii.
“Meshaan daganaa goormaa lagaa rari ayaan lahaa, waayo waxaan u lahaa UN imay qaabilin. Musqusha reerbaan ka baryi jiray oo aan la gali jiray oo intaan sii socdaan kaadidu na dhibeysay.”
Waxay ku tiirsaneyd dawarsi. Dadka ayaa ku caawin jiray cunto bisil iyo mid ceyriin, balse taasi kama badneyn wax hal waqti dabka ay ku shitaan. Danta ayay sheegtay inay ku kaliftay xaaladaas, maadaama xeryaha aysan u joogin qaraabo iyo dad ay garaneyso.
“Toddobo beri waxaan garanayaa annagoon waxba karsan waynay oo dhaxani na dishay.”
Nimco oo ah hooyada shan carruur ah oo agoon ah ayaa sheegtay in markii hore ay daganeyd aqal cooshad ah oo aan xajin karin roobka, kaas oo ka sameysnaa maryo, karaatoon iyo geedo ay isku xirxiray.
Hoygaas oo uga dhisnaa xerada laga soo raray oo ah Ifo saddex ayay sheegtay in labo jeer uu ka dumiyay daad ku soo rogmay bishii April ee sanadkan.
Caqabadahaas waxaa u wehliyay helitaanka biyaha oo ku adkaa. Sida ay sheegtay waxay u doonan jirtay masaafo ka badan 2 km iyadoo dusheeda ku soo qaadeysa. Hadda ayay tilmaantay in biyaha oo bilaash ah ay ka soo dhaansato tubbo u dhow gurigeeda.
“Biyuhu waxey soo dhacaan waagu markuu baryo. Waxay dhammaadaan siddeed saac (2:00pm) oo maalinimo.”
Nimco waa 37 jir aan garaneyn labada waalid ee dhalay. Waa sababta aan sheekada ugu xusnay magaceeda kowaad oo kaliya. Siday sheegtay waxay ku soo kortay qeybta xannaanada carruurta isbitaalka Soos ee magaalada Muqdisho.
In ay xaqootiga ay timaado waxay ku dhalatay markii rag hubeysan ay Muqdisho ku dileen bishii Juun ee sanadkii hore seygeeda oo ahaa xoogsade ka shaqeyn jiray dajinta iyo raridda gaadiidka.
Dahab ay laheyd oo ay kala baxday $80 ayay ku soo raacday gaari keenay magaalada Luuq ee gobolka Gedo. Qarashka ayaa halkaas uga go’ay, balse waxay ku soo amba baxday lacag $150 ah oo dadka deegaanka ay masaajid uga soo aruuriyeen.
Dib u dajintan oo ay ku helayaan wax yaabaha asaasiga ah ee nolosha waxaa u sameysay hay’adda qaramada midowbay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.
Ifraax Maxamed Cabdi oo qoyskeedu helay bishan gunno lacageed oo ah $56 iyo raashiin qamadi iyo misir ah oo afartan iyo shan kiilo ah ayaa Raadiyow Ergo uga warantay waxa iska badalay noloshooda.
“Markii hore waxaan ahaa qofaan meelba haysan oo nolosha ciriiri uga jirto. Hadda farxaddayda lama koobi karo. Biyihii aan rafaadka ugu jirnay oo aan ka doonan jirnay dadka Ifo deggan oo marna aan soo heleynay, marna aan soo weyneynay hadda si wanaagsan ayaan u helnaa.”
Ifraax ayaa xustay in taageeradan ay meesha ka saartay hoy xumo iyo cunno yari haysatay. Waxay sheegtay in hal waqti dabka ay ku shidan jirtay raashiin ay ku caawin jireen qoysas daris la ahaa, balse hadda ay helaan cunto ku filan.
Ifraax oo ah hooyada 9 carruur ah ayaa sheegtay in carruurteedu aysan waxbarasho helin intii ay daganeyd xerada laga soo wareejiyay oo ah Ifo saddex. Diwaanka qaxootiga oo aysan ku jirin ayay tilmaantay inuu caqabad ku ahaa.
“Carruurteyda afaraa waxbarasho ii gaartay. Wax iskuul aadaya ma arkin, hadaan arki lahaa waan geysan lahaa, laakiin iskuul lama furin oo wali dhismo ayaa ku socdo oo waxaan arkayay iyadoo alwaax iyo jiingado lagu dhisayo loo wado.”
Ifraax oo Muqdisho ku nooleyd ayaa qaxootiga timid bishii Noofember ee sanadkii hore. Ujeedada halkan keentay waxay ku sheegtay inay aheyd in carruurtu ay u hesho nolol iyo waxbarasho bilaash ah, maadaama sida ay tilmaantay ninkeedii oo ay kala tageen uu awoodi waayay inuu biillo.
Ilaa 80 kun oo qoys ayaa qorshuhu yahay in la dajiyo xerada Ifo labo. Cabdullaahi Cismaan Aaden oo ah guddoomiye ku xigeenka xerada Ifo ayaa sheegay in qoysaskan ay ku dhibanaayeen helitaanka biyaha, cuntada, caafimaadka, waxbarashada, hoyga, musqulaha iyo dhul ay degaan.
Diiwaanka qaxootiga ee lagu daray iyo dib u dajinta ayuu tilmaamay in caqabadahaas haystay ay meesha ka saarayaan.
“Baahida xilligan loo furayo xerada waxaa weeye waxaa isku batay dadkii ku noolaa xeryaha qaxootiga Ifo, Xagardheer iyo Dhagaxley. Marka dad kale xeryuhu ma qaadi karaan wey buuxaan. Marka baahida keentay waxa weeye in meel kale la dajiyo si culeyskan looga dul qaado xeryihii awal. Dadkan cusub waxaa hadda laga raray xerada Ifo oo lagu diiwaan galiyay oo Boonooyin lagu siiyay. Nolosha markii hore ay ku noo laayeen nolol bani’aadam uu ku noolaado ma aheyn. Hadda maalinba maalinta ka dambeysa sidii hore wey soo dhaamayaan.”
Cabdullaahi ayaa intaas ku daray in abaaraha soo noqnoqday ee jiray sanadadii la soo dhaafay ay qeyb ka qaateen in xeryaha Dhadhaab ay soo gaaraan kummanaan qoys oo noloshii ay ku tiirsanaayeen ka burburtay.










