Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Wararkii u Danbeeyay

Bakool: Qurba-joog iyo dhallinyaro deegaan aan horay u laheyn waxbarasho ka hirgeliyay iskuul bilaash ah

Radio Ergo by Radio Ergo
June 20, 2023
in Wararkii u Danbeeyay, Waxbarashada
0
Bakool: Qurba-joog iyo dhallinyaro deegaan aan horay u laheyn waxbarasho ka hirgeliyay iskuul bilaash ah

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Saddex boqol iyo afartan iyo kow carruur ah oo ay qoysaskoodu yihiin sabool abaaraha ku cayroobay ayaa helay bishii Febraayo ee sanadkan waxbarasho bilaash ah oo dugsiga hoose ah. Dhallinyaro qurbo-joog iyo kuwo deegaanka ah ayaa iskuul ka furay deegaanka Dhuurey ee gobolka Bakool.

Dadka deegaanka ayaa dhibaato ka mari jiray inay carruurtooda u helaan fursad marka ay gaaraan da’da iskuulka, maaddama tuuladan aysan horay u laheyn waxbarasho nadaami ah.

Dhallinyarada waxbarashada helay waxaa ka mid ah Bashiir Cumar oo 16 jir ah oo waqtigiisa ku qaadan jiray ciyaar-dhaqameedka deegaanka sida oradka oo keli-keli iyo koox-kooxba loo dheello.

Wiilkan ayaa markii ugu horreysay noloshiisa buug iyo qalin isla helay. Wuxuu hadda dhigtaa fasalka koobaad ee dugsiga hoose. Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay in weligii uusan ku fekirin inuu waxbarasho bilaash ah heli doono.

“Waxaan go’aansaday inaan iskuulka dhigto oo waxbarasho billaabo. Markii hore maanan awoodin inaan waxbarasho magaallo u aado. Hadda markii magaaladeennii laga helay waxbarasho ayay ii fududaatay inaan waxbarashada galo. Aniga ayaa doortay iskuulka sababtoo ah waxaan dareensanaa in waxbarashada inay tahay iftiin wayn oo iga maqnaa.”

Qoyskiisa ayaa barakac ku yimid Dhuuray bartamihii sanadkii 2020 markii ay abaar ka dishay ari 170 neef ah oo ay ku tiirsanaayeen, isla markaanna ay ku dhaqanayeen miyiga tuulada ay hadda ku nool yihiin.

Bashiir oo ah curadka 8 carruur agoon ah marka laga tago inuu wax barto waxaa saran masuuliyadda walaalihii iyo hooyadii. Wuxuu nolosha qoyskooda ka maareeyaa mooto uu milkiyaddeeda leeyahay oo uu dadka ugu qaado hadba halka ay rabaan.

Gelinka hore wuxuu dhigtaa iskuulka. Shaqada oo uu qabto gelinka dambe ayuu xusay inuu maalintii ka helo lacag u dhexaysa $6-$12. Marka uu bixiyo biilka reerka, wuxuu sidoo kale ku xisaabtamaa inay u soo harto lacagta qallimada iyo buugta isaga iyo labo walaalihii ah oo ay isku fasal yihiin.

Wuxuu Raadiyow Ergo u sheegay inay ka go’an tahay sii wadidda geeddigiisa tacliinta. Waxbarashadan bilaashka ee uu ku helay deegaankiisa ayuu aaminsan yahay inay tahay middii riyadiisa nololeed u rumayn laheyd.

Deegaanka uu ku nool yahay oo aan laheyd adeegyada aasaasiga u ah nolosha ayuu ku taamayaa inuu wax ka beddelo marka uu waxbarashada dhammeeyo. Himiladiisa ayaa ah inuu barta cilmiga caafimaadka si uu u caawiyo dadka tuuladiisa.

“Deegaanka caafimaadkiisa iyo dhakhtarkiisa iyo howlahaas oo dhan aad ayay u dambeeyaan oo hadda wax ka shaqeynayo malahan. Iskuulkan waxaan dareensanahay hadda meeshi ii rumeyn lahayd noqdo”

Carruurtooda ka soo jeeda qoysaska ladan ayaa waxbarasho loogu diri jiray magaalooyinka Luuq, Doolow, Baydhabo, Mugdisho iyo dowlad-deegaanka. Hadda carruurta deegaanka ayaa helaya iskuul ay wada dhigtaan.

Waxaa lagu dhisay lacag la aruurinayay ku dhowaad sanad. Waxaa ka howl gala 2 macallin iyo maamule. Mushaarkooda oo $200 ah bishii waxaa laga bixiyaa qaaraan ay iska aruuriyaan dhallinyaro qurba-joog ah oo u istaagay inay jahliga kala dagaalamaan deegaankan, sida uu Raadiyow Ergo u sheegay Cabdullaahi Isaaq Bulgub oo ka mid ah xubnihii lahaa aragtidii lagu aasaasay iskuulka.

Wuxuu xusay in iskuulka ay dhigtaan 62 gabdho ah iyo  279 oo wiilal ah. Sababta yaraysay tirada gabdhaha ayaa ah in dadka deegaanka oo weli qabaan aragtida ah inay gabdhuhu ka shaqeeyaan guriga iyo xoolo raacidda.

Aas-aasayaasha iskuulka ayaa wada olole waalidiinta guryaha loogu tago, kaas oo loogu sheegayo muhiimadda ay gabdhaha u leedahay waxbarashada iyo in wiilasha iyo gabdhaha u siman yihiin fursadaha tacliinta.

Saynab Axmed waxay ka mid tahay waaliddiinta ku dhiiraday inay iskuulka u soo diraan gabdhahooda. Bishii Maarso ee sanadkan ayay gabadheeda oo 10 jir ah iskuulka ka qortay. Waxay horay u raaci jirtay ari toban neef ah oo abaarta ugu soo haray. Waxay intaas ku dartay inay isbeddel fiican ku aragta gabadheeda.

“Hadda gabadhii far Soomaaliga waa ay dhigatay. Waxay igu kordhisay inay hadda ay wax qori karto waxna ay akhrin karto. Hadii aan dhaho hooyooy waxaan ii qor ay ii qori karto. Awal hore waxba ma’aysan qori karin. Hadda laakiin waa ay qori. Marka halkaas faa’idadaas ayaan ka helnay.”

Waxay ka mid tahay dadkii ugu dambeeyay ee abaartu ay barakicisay, kuwaas oo tuulada yimid dhamaadkii 2022. Saynab oo ah hooyada 10 carruur ah ayaa sheegtay inay kuwo kale inta gaaray da’da waxbarashada ay iskuulka geyn doonto. Haweeneydan ayaa beddelkii ay nasan laheyd go’aansaday inay howsha dhinaceeda ka qabato si ay carruurteeda fursad uhu helaan waxbarashada.

“Tobankii neef ee ariga ahaa ee ii isoo haray inaan aniga raaco waxaa igu kalifay inay ciyaalka gabar iyo wiil haday wax inoo bartaan muhiimada ay inoo lee dahay ayaa nagu kaliftay. Galinka hore aniga ayaa raaco oo iyadana wax ayay soo dhigataa. Iyadana galinka dambe ayay ii timaada.”

Waxay Raadiyow Ergo u sheegtay inay jiraan culeysyo haysta ardayda tuulada, kuwaas oo ay jeclaan laheyd in wax laga qabto sida carruurta oo tiro ahaan ka badan fasallada ay wax ku bartaan oo labo qol ah iyo kuraas yarida oo  ardayda ku qasabta inay dhulka fariistaan.

Previous Post

Dhadhaab: Qoysas dib-u-dajin loogu sameeyay xerada qaxootiga Ifo-labo oo dib loo furay

Next Post

Muqdisho: Qalabka dharka lagu dhaqo oo caqabad u horseeday haween dhar-dhaqista ka soo saaran jiray nolol-maalmeedka

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Muqdisho: Qalabka dharka lagu dhaqo oo caqabad u horseeday haween dhar-dhaqista ka soo saaran jiray nolol-maalmeedka

Muqdisho: Qalabka dharka lagu dhaqo oo caqabad u horseeday haween dhar-dhaqista ka soo saaran jiray nolol-maalmeedka

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo