Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Muqdisho: Qalabka dharka lagu dhaqo oo caqabad u horseeday haween dhar-dhaqista ka soo saaran jiray nolol-maalmeedka

Radio Ergo by Radio Ergo
June 21, 2023
in Barakacayaasha iyo Qaxootiga, Wararkii u Danbeeyay
0
Muqdisho: Qalabka dharka lagu dhaqo oo caqabad u horseeday haween dhar-dhaqista ka soo saaran jiray nolol-maalmeedka

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Maryan Cali Booley iyo carruurteeda ah oo barakac ah waxay saddex bil ee u dambeysay wajahayaan cunno yari. Hal waqti oo habeenkii ah ayay cunaan raashin bisil oo ay ka soo qaataan qoys ay qaraabo yihiin. Waxay horay ugu tiirsanaayeen shaqo dhar-dhaqis ah oo ay ka maarayn jirtay noloshooda qoyskeeda.

Haweeneydan ayaa ka mid ah 250 haween xoogsato ah oo ku nool xerada Cadaale ee degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Shirkado qalab casri ah u isticmaala dharka dhar-dhaqista ayaa shaqadoodii hadda qabta.

Maryan oo muddo labo sano ah soo wadday shaqadan ayaa maalintii ka heli jirtay $4 ilaa $5 oo ay wax ugu karin jirtay carruurteeda oo agoon ah. Waxa ay tilmaamtay in subax walbo ay magaalada aaddo iyadoo rajaynaysa in ay soo hesho cid ay howl u qabato. Hase yeeshee, waxay guriga ku soo noqotaa iyadoo faro-maran.

“Waa la igu qoslaa marka aan guryaha dadka ku garaaco oo aan dhaho ma rabtaan inaan dhar idiin dhaqo. Waxay igu dhahaan mar dambe ha nagu soo garaacin guriga. Aniga oo waxba shaqaysan ayaan iska soo laabtaa.”

Afar caruurteeda ah oo dhiganayay fasalada hoose iyo dhexe ee iskuul ku yaalla xerada ayaa 25 Maarso ee sanadkan uga haray waxbarashada dhaqaale la’aan. Waxay bishii ka dhiibi jirtay 20 doollar.

Maryan ayaa sheegtay in toddobadkii ay si joogto ah dhar ugu dhaqi jirtay 20 qoys oo deggan magaalada Muqdisho. Waxay xustay in qoysaskaas ay hadda dorbideen la macaamilka shirkadaha dharka dhaqa.

Haweenaydan ayaa tilmaantay in shirkadaha dharka dhaqa ay shaqo ka raadsatay, balse ay la qabsan waysay qalabka ay ku shaqeeyaan.

“Waxaan koronto waaye haddii ay kugu dhagto adilee ma dhimanaysidoo?  Haddii ay kugu hallowdo waa adiga madaxaaga. Aniga intee ka keena maskiintan leeba ahaye. Aniga ilmooley baan ahay mana haysto cid igarab istaagaysa haddii lay xirto.”

Maryan ayaa sheegtay in sababta dadku ay dharka ugu gaystaan shirkadaha ay tahay in aan laga rabin  biyo, saanbuun, iyo in wax ka yar labo saac loogu adeegayo, maadddama meshiinno ay ku shaqaynayaan.

Qoyska Maryan ayaa ka soo barakacay deegaanka Bariirre ee gobolka Shabeelaha Hoose bishii Luuliyo ee sanadkii 2020.

Waxay sheegtay in lixdan neef oo ari ah iyo beer afar hektar ah oo ay ku tiirsanayeen ayay ka soo barakaceen, markii ay Al-shabaab ay carruurteeda aabbahood dileen. Waxay xustay inaysan war ka hayn halka ay ku dambeeyaan xoolihii ay ka soo tageen.

“Markii ninkeyga uu dhintay nolosheenna waxay noqotay baahi iyo barakac. Cid wax noo qabatay ama na soo xasuusatay ma jirto. Aniga iyo ilmahayga halkan ayaan nabad u soo doonanay.”

Haweenka ka soo jeeda qoysaska ka soo barakacay deegaannadooda waxay intooda badan il-dhaqaale u raadiyaan carruurtooda si aysan gaajo ugu seexan. Waxaa ku hareeraysan caqabado aysan mararka qaar ka gudbi karin.

Dadka ay shaqada dhar-dhaqistu ka joogsatay waxaa ka mid ah Raabiyo Cali Nuur oo maalintii ka heli jirtay shan ilaa lix doollar. Tan iyo bishii labaad ee sanadkan ma aysan helin cid ay shaqo u qabato.

Waxay sheegtay in muddo afar sano ah ay ku shaqaysanaysa xirfaddan oo ay ku maarayn jirtay nolosha carruurteeda oo siddeed ah. Waxaa meesha ka baxday $2-3 oo maalintii ay ka heli jirtay shaqada.

“Guri walba qasaalad baa tala shaqaala jooga dad masaakin ah ayaan nahay, ma tagi karno shirkadaha dharka lagu dhaqo. Waxaan codsanayna in wax nala baro, si aan shirkadaahas u tagno dharka u dhaqno si aan shaqo u helno.”

Raabiyo ayaa xustay in maalinta ay u suuragasho ay hal waqti wax karsadaan. Carruurta aabbahood oo dhismaha guryaha ka shaqeeya ayaan helin shaqo joogta ah. Waxay sheegtay in toddobaadkii marka ay ugu badato uu labo maalin helo wax uu qabto.

Haweenaydan ayaa intaas ku dartay inay yar-yareystaan $7-8 oo saygeedu maalmo kaddib uu ka soo helo gee-geegaynta dhagaxa iyo qasidda shamiitada.

Duruufto dhaqaalo-xumo ee qoyskan waxaa u dheer, dayn gaaraysa $290 oo uu ku yeeshay tukaan ay raashiinka ka soo qaataan maalmaha oo ay wax la’aan noqdaan.

Raabiyo ayaa xustay in tan iyo bishii May uu maalin kasta soo waydiiyo, iyaguna aysan hayn qorshe ay iskaga gudaan.

Qoyska Raabiyo ayaa sanadkii 2019 ka soo barakacay deegaanka Buur-hakaba ee gobolka  Baay, markii abaartii sanadkasi ay uga dhamaadeen labo sac iyo 120 neef oo ari ah oo ay dhaqnayeen.

Waxay xilligaas ku biireen xerada Booca-yarey ee degmada Dayniile. Waxay tilmaantay in ujeedka ay Muqdisho u yimaadeen uu ahaa inay carruurta uga xoogsadaan, balse hadda xaalku ku adkaaday, markii shirkadahaan ay suuqa ka saareen.

Shirkadaha dharka dhaqa waxaa shaqo abuur ka helay dhallinyarada magaalada sida uu sheegay Cabdimaalik Cabdikariim Aadan, oo ah mulkiilaha shirkada Tayo. Wuxuu sheegay inuu fursad shaqo siiyay siddeed qof oo ay saddex gabdho yihiin.

Ninkan ayaa xusay inuu aaminsan yahay in haweenka howshan horay u qaban jiray ay mudnaayeen in la shaqaalaysiiyo, balse ay jiraan daruufo aysan ku qaadan kain.

“Mar walba waxa goobtayda igu yimaada hooyooyin raba inay nala shaqeeyaan meeshan waa yar tahay wax-soo-sar badana malaha shaqaale nagu filana waa joogaan, balse ka hor shaqa gelinta hoyooyinkan waxay u baahan yihiin in loo bilaabo aasaaska waxbarashada sida wax akhrinta oo ka saacideysa ku shaqeynta mishiinadan. Qof aan fahansaneyn laguma sii deyn karo koronto waa halis,  anagana ma awoodno inaan waxbarno ka hor shaqalaysiinta.’’

Suuqa shaqada oo ciriiri ku noqda haweenka ayaa horseeday in carruurtoodu ay qadaan. Waxay ka welwelsan yihiin sida uu xaalkoodu sii ahaan doono, maaddaama aysan lahayn xirfad kale oo ay ku shaqaystaan.

Previous Post

Bakool: Qurba-joog iyo dhallinyaro deegaan aan horay u laheyn waxbarasho ka hirgeliyay iskuul bilaash ah

Next Post

Mudug: Kumanaan carruur iyo haween iskugu jira oo ka soo kabanaya nafaqo-darro markii quudin loo sameeyay

Related Posts

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka
Wararkii u Danbeeyay

Burbur ganacsi iyo nolol xumo ka dhashay hakad ku yimid isticmaalka lacagta dalka

May 13, 2026
blank
Wararkii u Danbeeyay

Adeegsiga AI oo beeraley Baydhabo ka caawiyay inay soo saaraan dakhli beddelay noloshooda

May 11, 2026
Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Gaalkacyo: Nolol xumo ka dhalatay waalidiin xabsi ku mutaystay daymo lagu yeeshay

May 9, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Daad burburiyay gododka cusbada laga qodo oo saameeyay xoogsatada gobolka Afdheer

May 8, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Haween shaqooyin adag ka qabta Muqdisho oo maareeyay nolosha qoysaskooda

May 6, 2026
Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda
Wararkii u Danbeeyay

Beeraleyda Jubbaland oo ka baxay nolol xumo markii laga caawiyay waraabinta beerahooda

May 5, 2026
Next Post
Baydhabo: Boqollaal carruur ah oo nafaqo darro hayso oo quudin loogu sameynayo xeryaha dadka soo barakacay

Mudug: Kumanaan carruur iyo haween iskugu jira oo ka soo kabanaya nafaqo-darro markii quudin loo sameeyay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 12-MAY-2026

IDAACADDA 12-MAY-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 12-MAY-2026
Episode play icon
IDAACADDA 12-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-MAY-2026
May 13, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 11-MAY-2026
May 11, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 10-MAY-2026
May 10, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 09-May-2026
May 9, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo