(ERGO) – Maxamuud Shirwac Aadan oo ah 23 jir waxuu ku filnaaday nolosha qoyska waalidkiis oo todobo qof ah, markii shantii bishii May ee sanadkan uu billaabay in uu cabitaan ku iibiyo Suuqyada magaalada Boosaaso.
Waxuu ka mid yahay saddon arday oo markii loo xiray iskulladooda si ay u maareeyaan nolosha qoysaskooda oo danyar ah la yimid hal-abuur ganacsi. Waxay waddooyinka magaalada ku iibiyaan cabitaan ka samaysan qudaar la shiiday iyo biyo-saxo qaboow.
Maxamuud oo shaqeeya toban saac oo xariir ah waxuu ka helaa maalintii lacag u dhaxaysa $10-$15 oo faa’iido ah. Waxuu sheegay in shaqadaan qoyskooda oo horay hal waqti dabka shidan jiray ay u horseedday in ay saddex mar wax cunaan.
“Hadda lacagta aniga isoo gasha inta badan reerka ayaan u diraa, maaddama reerku ay xagaa baxeen oo Qardho ay aadeen, halkaas oo aan uga kireeyay kuri $200 ay ku deggan yihiin. Sidoo kale aan ku biillo. Marka wax weyn bay naga beddeshay shaqadan aan hayno.”
Qoyska Maxamuud waa marki u horraysay oo ay Boosaaso ka xagaa baxaan, maaddama aysan awoodi jirin in ay magaala kale u guuraan faro-marnaanta dhaqaale darteed, balse labaatankii bishii May ayay gaareen Qardho. Waxuu gaari ku saaray $50 oo uu shaqeeyay bishii koobaad.
Wiilkan waxuu shaqada ka nasiyay aabbihiis oo 65 sano jir ah. Wuxuu u xammaal tagi jiray dekadda Boosaaso si uu u soo dhiciyo nolol-maalmeedka qoyskiisa. Dhanka kale waxuu qorshaynayaa in uu waxbarashada dib ugu celiyo labo wiil oo walaalihiis ah oo fasalada todobaad iyo sagalaad ka dhiganayay dugsiga Bandarqaasim, balse laga reebay sanad dugsiyeedkii la soo dhaafay, markii qoysku ay awoodi waayeen in ay bixiyaan qarashka iskuulka oo bishii ah isku gayn $40.
Maxamuud ayaa isagu wax barashadiisa sii watay, markii ay qarashka iskuulka ay ka bixisay eedadiis oo magalada tukaan ku leh. Sanadkan soo socda oo uu dhamaynayo iskuulka ayuu sheegay inuu ka maarmidoonaa caawinaad, maaddama uu isku filnaaday.
“Muhiimadaydu keliya ma aha in aan halkan ku sii waaro, laakiin waa in aan shaqadan ka sii shaqaystaa inta ay kulaylaha tahay oo aan gacan qabsi fiican kasii qabsadaa. Inta badan qaboobaha waxaad moodaa cabitaanka iyo biyuhuba inay meesha ka baxaan.”
Wuxuu xusay in hirgalinta aragtidooda ay ku dhiiradeen, markii ay arkeen in magaalada aysan laheyd xarumo loogu hagaagi karo cabitaano tayo leh xilliga kulaylaha.
Waxuu meheraddiisa ku billaabay miis, labo Tarmuus oo kuwa cabitaanka ah, toban galaas, 25 kiilo oo Sonkor ah iyo shan kiilo oo khudaar ah oo uu ku soo iibsaday $200 oo uu dayn ku siiyay nin ay qaraabo yihiin.
Guud ahaan dhallinyaradan oo markii hore ahaa shaqo la’aan arrintan waxay u tahay fursad ay noloshooda iyo mida qoysaskoodaba wax uga bedelayaan.
Maxamed Cali Cismaan oo ah19 sano jir dhigta fasal 8 ee iskuulka Iimaamu Shaafici waxa uu muddo bil ah qoyskooda oo siddeed qof ah ay awood u yeesheen inay saddex waqti wax cunaan, markii uu ku biiray dhallinyarada sharaabka iibiya 10 bishii hore ee May.
Maxamed waxuu sheegay in shaqadaan uu ku biiray, markii dhallinyaro iskuulka la dhigata ay ku wargaliyeen. Waxuu ku billaabay $150 oo ay ayuuto uga soo saartay hooyadiis.Waxuu xusay in shaqadan ay beddel u noqotay, markii ay meesha ka baxday shaqo dhar-dhaqis ah oo hooyadiis ay magaalada u aadi jirtay dadkii ay u shaqayn jirtay oo magaalada ka xagaabaxay darteed.
“Waxaan laga yaabaa in aan habeenkii $5, $6 ama $7 aan faa’iido ah aan gurigaygii kula hoydo taasina waxay ii billowday in aan qoyskeena u helo wax aan ku maareeyo nolol maalmeedkooda.”
Qoyska Maxamed ayaa 2017 soo galay magaalada Boosaaso, markii abaartii sanadkaas ay uga dhamaadeen 80 neef oo ari ah iyo labo awr ah oo ay ku dhaqanayeen deegaanka Dangoronyo ee gobolka Nugaal.
Maxamed ayaa hadda u muuqda mid hooyadis iyo walaalihiis oo ka yar u buuxinaya kaalintii Aabbahood oo xanuunka macaanka u dhintay. Waxuu shaqo wadaag la noqday dhallinyaro saddon ah oo dhamaantood noloshaado ka maareeya cabitaanka ay waddooinka ku iibiyaan.
Dhallinyaradan maaddama waxay shaqaysanayaan aysan ka badnayn nolosha qoysaskooda ma awoodaan kiraysiga meelo ay dagaan. Ganacsatada meheradaha ku leh meelaha mashquulka badan ayay ka codsadaan in ay sii yaan meel ay ku ganacsadaan.
Cabdirisaaq Cabdulaahi Faarax oo bakhaar raashinka lagu iibiyo ku leh magaalada ayaa ka mid ah ganacsatada u oggolaaday dhallinyaradan in ay hortooda wax ku gataan.
“Maadaama ay yihiin dhalinyaro hadda soo kacday oo ganacsi billaabay shaqada ay hayaana waa shaqo horumar leh. Waa in aan garabsiinaa. Wax lagu dayan karo ayay sameynayaan.”
Dhalinyaradan ayaa sheegay in ay qorshaynayaan in bilaha soo socda ay ballaarin doonaan ganacsigooda iyagaoo sharaabka u samayndoona xarumo waawan oo ay dadku ugu hagaagaan, maaddama hadda ay yihiin miislay hadba meel u guura.










