Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Arrimaha Bulshada

Boosaaso: Dhallinyaro fursad shaqo ay u noqotay iibinta cabitaannada oo dabbara nolosha qoysaskooda oo xagaa baxay

Radio Ergo by Radio Ergo
June 18, 2023
in Arrimaha Bulshada, Wararkii u Danbeeyay
0
Boosaaso: Dhallinyaro fursad shaqo ay u noqotay iibinta cabitaannada oo dabbara nolosha qoysaskooda oo xagaa baxay

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Maxamuud Shirwac Aadan oo ah 23 jir waxuu ku filnaaday nolosha qoyska waalidkiis oo todobo qof ah, markii shantii bishii May ee sanadkan uu billaabay in uu cabitaan ku iibiyo Suuqyada magaalada Boosaaso.

Waxuu ka mid yahay saddon arday oo markii loo xiray iskulladooda si ay u maareeyaan nolosha qoysaskooda oo danyar ah la yimid hal-abuur ganacsi. Waxay waddooyinka magaalada ku iibiyaan cabitaan ka samaysan qudaar la shiiday iyo biyo-saxo qaboow.

Maxamuud oo shaqeeya toban saac oo xariir ah waxuu ka helaa maalintii lacag u dhaxaysa $10-$15 oo faa’iido ah. Waxuu sheegay in shaqadaan qoyskooda oo horay hal waqti dabka shidan jiray ay u horseedday in ay saddex mar wax cunaan.

“Hadda lacagta aniga isoo gasha inta badan reerka ayaan u diraa, maaddama reerku ay xagaa baxeen oo Qardho ay aadeen, halkaas oo aan uga kireeyay kuri $200 ay ku deggan yihiin. Sidoo kale aan ku biillo. Marka wax weyn bay naga beddeshay shaqadan aan hayno.”

Qoyska Maxamuud waa marki u horraysay oo ay Boosaaso ka xagaa baxaan, maaddama aysan awoodi jirin in ay magaala kale u guuraan faro-marnaanta dhaqaale darteed, balse labaatankii bishii May ayay gaareen Qardho. Waxuu gaari ku saaray $50 oo uu shaqeeyay bishii koobaad.

Wiilkan waxuu shaqada ka nasiyay aabbihiis oo 65 sano jir ah. Wuxuu u xammaal tagi jiray dekadda Boosaaso si uu u soo dhiciyo nolol-maalmeedka qoyskiisa. Dhanka kale waxuu qorshaynayaa in uu waxbarashada dib ugu celiyo labo wiil oo walaalihiis ah oo fasalada todobaad iyo sagalaad ka dhiganayay dugsiga  Bandarqaasim, balse laga reebay sanad dugsiyeedkii la soo dhaafay, markii qoysku ay awoodi waayeen in ay bixiyaan qarashka iskuulka oo bishii ah isku gayn $40.

Maxamuud ayaa isagu wax barashadiisa sii watay, markii ay qarashka iskuulka ay ka bixisay eedadiis oo magalada tukaan ku leh. Sanadkan soo socda oo uu dhamaynayo iskuulka ayuu sheegay inuu ka maarmidoonaa caawinaad, maaddama uu isku filnaaday.

“Muhiimadaydu keliya ma aha in aan halkan ku sii waaro, laakiin waa in aan shaqadan ka sii shaqaystaa inta ay kulaylaha tahay oo aan gacan qabsi fiican kasii qabsadaa. Inta badan qaboobaha waxaad moodaa cabitaanka iyo biyuhuba inay meesha ka baxaan.”

Wuxuu xusay in hirgalinta aragtidooda ay ku dhiiradeen, markii ay arkeen in magaalada aysan laheyd xarumo loogu hagaagi karo cabitaano tayo leh xilliga kulaylaha.

Waxuu meheraddiisa ku billaabay miis, labo Tarmuus oo kuwa cabitaanka ah, toban galaas, 25 kiilo oo Sonkor ah iyo shan kiilo oo khudaar ah oo uu ku soo iibsaday $200 oo uu dayn ku siiyay nin ay qaraabo yihiin.

Guud ahaan dhallinyaradan oo markii hore ahaa shaqo la’aan arrintan waxay u tahay fursad ay noloshooda iyo mida qoysaskoodaba wax uga bedelayaan.

Maxamed Cali Cismaan oo ah19 sano jir dhigta fasal 8 ee iskuulka Iimaamu Shaafici waxa uu muddo bil ah qoyskooda oo siddeed qof ah ay awood u yeesheen inay saddex waqti wax cunaan, markii uu ku biiray dhallinyarada sharaabka iibiya 10 bishii hore ee May.

Maxamed waxuu sheegay in shaqadaan uu ku biiray, markii dhallinyaro iskuulka la dhigata ay ku wargaliyeen. Waxuu ku billaabay $150 oo ay ayuuto uga soo saartay hooyadiis.Waxuu xusay in shaqadan ay beddel u noqotay, markii ay meesha ka baxday shaqo dhar-dhaqis ah oo hooyadiis ay magaalada u aadi jirtay dadkii ay u shaqayn jirtay oo magaalada ka xagaabaxay darteed.

“Waxaan laga yaabaa in aan habeenkii $5, $6 ama $7 aan faa’iido ah aan gurigaygii kula hoydo taasina waxay ii billowday in aan qoyskeena u helo wax aan ku maareeyo nolol maalmeedkooda.”

Qoyska Maxamed ayaa 2017 soo galay magaalada Boosaaso, markii abaartii sanadkaas ay uga dhamaadeen 80 neef oo ari ah iyo labo awr ah oo ay ku dhaqanayeen deegaanka Dangoronyo ee gobolka Nugaal.

Maxamed ayaa hadda u muuqda mid hooyadis iyo walaalihiis oo ka yar u buuxinaya kaalintii Aabbahood oo xanuunka macaanka u dhintay. Waxuu shaqo wadaag la noqday dhallinyaro saddon ah oo dhamaantood noloshaado ka maareeya cabitaanka ay waddooinka ku iibiyaan.

Dhallinyaradan maaddama waxay shaqaysanayaan aysan ka badnayn nolosha qoysaskooda ma awoodaan kiraysiga meelo ay dagaan. Ganacsatada meheradaha ku leh meelaha mashquulka badan ayay ka codsadaan in ay sii yaan meel ay ku ganacsadaan.

Cabdirisaaq Cabdulaahi Faarax oo bakhaar raashinka lagu iibiyo ku leh magaalada ayaa ka mid ah ganacsatada u oggolaaday dhallinyaradan in ay hortooda wax ku gataan.

“Maadaama ay yihiin dhalinyaro hadda soo kacday oo ganacsi billaabay shaqada ay hayaana waa shaqo horumar leh. Waa in aan garabsiinaa. Wax lagu dayan karo ayay sameynayaan.”

Dhalinyaradan ayaa sheegay in ay qorshaynayaan in bilaha soo socda ay ballaarin doonaan ganacsigooda iyagaoo sharaabka u samayndoona xarumo waawan oo ay dadku ugu hagaagaan, maaddama hadda ay yihiin miislay hadba meel u guura.

 

Previous Post

Dhuusomareeb: Boqollaal naafo ah oo ka cabanaya xaalad nolol xumo oo ka dhalatay daad saameyn ku yeeshay

Next Post

Dhadhaab: Qoysas dib-u-dajin loogu sameeyay xerada qaxootiga Ifo-labo oo dib loo furay

Related Posts

Sanaag: Nolol xumo ka dhalatay dab baabi’iyay tuulada Milxo
Cunto-Yaraanta

Dab qasaare gaystay oo saamayn ku yeeshay boqollaal qoys oo ku nool Hargaysa

October 2, 2026
Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari
Wararkii u Danbeeyay

Qasaare ka dhashay roob dabeyl watay oo saamayn ku yeeshay danyar oo ku nool Bari

October 1, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Roob la’aan qalajisay beeraha oo barakicisay 300 qoys oo maciin biday Afgooye

September 30, 2026
blank
Cunto-Yaraanta

Afar boqol oo macalin oo shaqo la’aan noqday, markii ay xirmeen iskuullo ku yaalla Garowe

September 25, 2026
Adado mechanic gears up displaced youth for jobs in vehicle repair and solar tech
Wararkii u Danbeeyay

Dhalinyaro la baray xirfaddo ay ku maareeyaan nolosha qoysaskooda oo barakac ku ah Cadaado

September 24, 2026
Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda
Cunto-Yaraanta

Danyar ku nool Hargaysa oo ka soo kaban waayay burbur ku yimid ganacsiyadooda

September 22, 2026
Next Post
Dhadhaab: Qoysas dib-u-dajin loogu sameeyay xerada qaxootiga Ifo-labo oo dib loo furay

Dhadhaab: Qoysas dib-u-dajin loogu sameeyay xerada qaxootiga Ifo-labo oo dib loo furay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 06-OCT-2026

IDAACADDA 06-OCT-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 06-OCT-2026
Episode play icon
IDAACADDA 06-OCT-2026
October 6, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 05-OCT-2026
October 5, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 04-OCT-2026
October 4, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 03-OCT-2026
October 3, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 02-OCT-2026
October 2, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo