Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish
No Result
View All Result
Radio Ergo - Somali Humanitarian News and Information
Home Cunto-Yaraanta

Dhuusomareeb: Boqollaal naafo ah oo ka cabanaya xaalad nolol xumo oo ka dhalatay daad saameyn ku yeeshay

Radio Ergo by Radio Ergo
June 16, 2023
in Cunto-Yaraanta, Wararkii u Danbeeyay
0
Dhuusomareeb: Boqollaal naafo ah oo ka cabanaya xaalad nolol xumo oo ka dhalatay daad saameyn ku yeeshay

Kaydka Ergo

0
SHARES
Share on FacebookShare on Twitter

(ERGO) – Xasan Maxamed Cali oo naafo ka ah lugta bidix wuxuu tan billowgii bishii May ee sanadkan uu ku xayiran yahay gurigiisa oo ku yaalla Dhuusomareeb, markii biyo ka dhashay roobka ay xireen waddadii uu u mari jiray meherad ganacsi oo bagaash uu ku iibinayay.

Wuxuu ka mid yahay 650 qof oo naafo ah, kuwaas oo saamayn ay ku hayaan waddooyinka xiran. Waxay isku jireen ganacsato iyo qaar subax walba u dawarsi tagi jiray suuqayada magaalada sida uu sheegay Guddoomiyaha ururka naafada Galmudug Axmed Ciise Cabdi.

Ganacsiga ka xirmay Xasan wuxuu ka soo saari jiray nolol-maalmeedka carruurtiisa oo 7 ah. Wuxuu sheegay in ay meesha ka baxday lacag dhan $3 oo uu ka heli jiray maalintii. Qoyskiisa oo labo waqti wax cuni jiray ayaa hadda wajahaya xaalad cunno xumo.

Waddo xumada waxaa u dheer qasaare soo gaaray bagaashkii yaallay meheraddiisa oo qaarkood ay biyuhu la tageen.

“Caqabaddaas waxaa waaye wixii la cuni lahaa oo aan la haysan, maaddama meeshii wax loo doonan jiray iyo dukaankii yarka ahaa ee furnaa iyo wixii dhamaa ay biyo xaabsheen. Qof ku siinaya, hay’ad kuu kaynaysa iyo cid ku soo booqanaysana ma jiraan. Guriga in aad ku aruurta maahane xal kale maleh. Wax yaabaha  noogu wayn ee nahaysta ayay ka mid tahay.”

Qoyskiisa oo muddo bil ah ka maqnaa hoygooda ayaa dib ugu laabtay 3 bishan Juun, markii biyihii galay gurigiisa ay gureen. Xilligii uu barakaca ahaa wuxuu dulsaar ku noqday qoys ay ehello yihiin, kuwaas oo ka taageerayay cunnada iyo meel ay jiiftaan.

Wuxuu sheegay in soo laabashadiisa aysan farxad galin, maaddama gurigiisa oo ka samaysnaa shamiito, alwaax  iyo jiingad la isku dhisay qayb ka mid ah uu daadku qaadday

Wuxuu tilmaamay biyaha roobka ay cariiri galiyeen noloshiisa iyo tan qoyskiisa. Wuxuu hadda ku tiirsan yahay raashin dayn ah.

“Dadka ii dhow ayaan dhahaa dayn isiiya. Waxaan dhahaa waxaan idin siinayaa markay biyuhu dhamaadaan oo aan soo laabto. Biyaha guriga dhexdiisa yaalla ayaa dhibaato nagu ah kuwa banaanka yaalla intaad iska dhaaftid.”

Wuxuu sheegay xasan in uu ganacsade ahaa muddo ka badan 6 sano. Waxaa ka taageeray hirgalinta meheraddiisa dad ay ehelo yihiin oo iskugu daray lacago ay iska soo aruuriyeen.

Wuxuu sheegay in sii socoshada ganacsigiisa ay ku xiran tahay xal u helidda biyaha ceegaaga waddooyinka magaalada, kaas oo uu ka rajaynayo maamulka magaalka Dhuusomareeb.

Xasan ayaa xusay in lugtiisa bidix ay naafowday, markii xabado wiifta ah ay uga dheceen, kuwaas oo ay iswaydaarsanyeen kooxo ku dagaalamay Dhuusomareeb sanadkii 2013.

Waxaa la mid ah Nadiifo Xaashi Jaynaani oo labada lugood naafo ka ah isla markaana lagu ka xeeyo gaariga cuuryaamiinta. Nolosha qoyskeeda oo 5 shan ah ayaa ku tiirsanaa raashin iyo lacag ay soo dawarsan jirtay.

Waxay ku wareegi jirtay xaafadaha iyo suuqyada magaalada Dhuusomareeb, si ay u hesho nolol-maalmeedka carruurteeda, balse biyaha xiray waddooyinkii ay mari jirtay ayaa caqabad ku noqday.

“Waxaan ilmaha ka maaraysan jiray gabdhaha suuqlayda intaan dhex-tago ayaan ka soo qaadan jiray wixii ilmaha aan u karin lahaa, sida nus-kiilada baastada ah oo kaleeto, baradhadii iyo wixii aan ilmaha u karin lahaa. Waxaas hadda waan gabay. Biyaha ayaa iga saameeyay. Intii roobku da’ayay xaafadda kama bixin.”

Waxay sheegtay Nadiifo in carruurteeda oo agoon ah ay la kumeen labadii bil ee u danbeeyay hubanti la’aan cunno, taas oo halis galisay noloshooda. Waxaas e ay ku badbaadeen sida ay xustay hooyadeed oo ku nool Muqdisho,

Waxay teelfoonka gacanta ay ugu soo dirtaa labadii maalinba mar lacag ay carruurta ugu iibiso raashin hal waqti ay quutaan 24 saacba.

Waxay sheegtay in hooyadeed ay tahay dan yar ay ku adkatay in ay sii taageerto carruurteeda dhinaca kalana roobka weli da’aya uu caqabad ku yahay helidda nolol-maalmeedka, kuwaas waddooyin hor leh sii xiray. Waxay noqdeen guri joog iyada iyo labada ugu wayn carruurteeda oo gaariga ay isticmaasho ku riixi jiray.

“Waad u jeeddaa waxaan ku socdaa gaariga dadka curyaamiinta ah. Ciddii daris ah ee ilmaha wax iigu soo dhiib aan iraahdo waxaa laga yaabaa in ay been u moodaan. Aabbe ilmaha korinaya iima noola. Abboahood goor hore ayuu dhintay. Aniga ayaa garab hooyo iyo aabbe u ahaa. Anigana dhibaatadaas baa i saamaysay.”

Nadiifo ayaa timid magaalad Dhuusomareeb sanadkii 2011, markii colaad iyo dhaqaale xumo ay uga soo barakacday magaalada Muqdisho. Ka hor inta aysan dawarsiga billaabin wuxuu qoyskeedu ku tiirsanaa ninkeeda oo dhintay saddex sano ka hor.

Shil gaari oo ay ku gashay magaalada Muqdisho 20 sano ka hor ayaa sababay in lixaadkeedu uu kala dhantaalmo. Waxay ku rajo wayn tahay in dib nolol-maalmeedka ay u heli doonto marka ay biyuhu ka dhamaadaan jidadka ay xireen.

Guddoomiyaha ururka naafada Galmudug Axmed Ciise Cabdi ayaa Raadiyow Ergo in daadadkii ka dhacay Dhuusomareeb ay caqabad ku noqdeen hab-nololeedka dadka qaba baahiya gaarka ah.

Wuxuu xusay in ay jiraan qasaare dhaawac oo soo gaaray dadka naafadaha, markii daad uu u galay guryahooda, kuwaas oo weli aan ka soo kaban dhibaatada.

Intaas wuxuu ku daray in naafada barakacday aysan qaarkood weli dib ugu soo laaban guryahooda iyagoo ka cabsi qaba daadad kale oo waxyeellayn kara.

“Inta aan ka warqabno dadka ay waxyeellada ay gaarsiiyeen waa 35 qof ugu yaraan. Inta guryahooda ka barakacday oo weli aan ku soo hoyan kuna soo laaban 150 bay gaarayaan oo duurka qaar aadeen qaarna dad ay xambaareen oo ay ka qaadeen meesha.”

Waxaa jira naafo kale oo ku nool deegaanno ka tirsan Galmudug, kuwaas oo wajahaya dhibaatooyin ay kala kulmeen daadka. Guddoomiyaha ayaa xusay magaalooyin ay ka mid yihiin Guriceel, Cadaado, Balanbale iyo Gaalkacyo naafada ku nool ay soo food saartay dhibaatooyin ay ka dhaxleen biyaha roobka, maaddama ay u nugul yihiin.

Previous Post

Burco: Qoysaska ku nool guryaha dhoobada ah oo cabsi la soo deristay, markii guryaha qaar ay dumeen

Next Post

Boosaaso: Dhallinyaro fursad shaqo ay u noqotay iibinta cabitaannada oo dabbara nolosha qoysaskooda oo xagaa baxay

Related Posts

blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Qoysas laga gubay hantidooda oo Shabeellaha hoose ku wajahaya xaalad nolol xumo

April 17, 2026
Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd
Wararkii u Danbeeyay

Sanaag: Shaqada dahab qodidda oo badbaado u noqotay qoysas nolosha ay ku adkayd

April 16, 2026
Takoor iyo dayac nolol xumo bidday qoysas danyar ah oo ku nool Puntland
Wararkii u Danbeeyay

Xoolo-dhaqato hore oo ka soo kabanaya nolol xumo markii ay abuurteen fursad shaqo

April 15, 2026
Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed
Beeraha Iyo Xoolaha

Iskuullo u xirmay dhaqaale la’aata ka jirta Galmudug roob yarida darteed

April 14, 2026
Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Jubbada hoose: Qoysas xoolo la’aan noqday oo nolol xumo ku wajahaya xeryo ay galeen

April 13, 2026
blank
Barakacayaasha iyo Qaxootiga

Danyar xamili waayay kirada guryaha oo xero ku taalla Hargaysa ku wajahaya nolo xumo

April 10, 2026
Next Post
Boosaaso: Dhallinyaro fursad shaqo ay u noqotay iibinta cabitaannada oo dabbara nolosha qoysaskooda oo xagaa baxay

Boosaaso: Dhallinyaro fursad shaqo ay u noqotay iibinta cabitaannada oo dabbara nolosha qoysaskooda oo xagaa baxay

FOLLOW US ON FACEBOOK

DAILY PROGRAMMES

IDAACADDA 17-APR-2026

IDAACADDA 17-APR-2026 by Radio Ergo

IDAACADDA 17-APR-2026
Episode play icon
IDAACADDA 17-APR-2026
April 17, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 16-APR-2026
April 16, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 15-APR-2026
April 15, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 14-APR-2026
April 14, 2026
Episode play icon
IDAACADDA 13-APR-2026
April 13, 2026
Search Results placeholder
Radio Ergo Weekly Newsletter
We respect your privacy.
blank
blank
blank

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo

No Result
View All Result
  • Hoy
  • Mowduucyo
    • Wararkii u Danbeeyay
    • Barakacayaasha iyo Qaxootiga
    • Masiibooyinka
    • Caafimaadka
    • Arrimaha Bulshada
    • Cunto-Yaraanta
    • Waxbarashada
    • Beeraha Iyo Xoolaha
  • Barnaamijyada
    • BARNAAMIJKA AYAXA
    • Barnaamijka Beeraha
    • Barnaamijka Dalandool
    • Barnaamijka Dhaqtarka Raadiyaha
    • Barnaamijka Gobaad – Haweenka
    • Madaddaallada Ergo
      • Waayo tegay xusuustood
      • Maxay kugu qaadatay?
      • Falanqeynta heesaha
      • Fanka iyo suugaanta
      • Hibada iyo hal abbuurka
      • Maad iyo maaweelo
  • Annaga
  • Nala Soor Xırıır
  • blankSomali
  • blankEnglish

© Copyright 2014 - 2024 Radio Ergo